Close Menu
  • C. guud
    • Kansar
    • Neefta
    • Wadnaha
  • C. Bulshada
    • Talooyin
  • Warbixinno
    • Teknoloji
  • Covid-19
HealthterHealthter
  • C. guud
    1. Kansar
    2. Neefta
    3. Wadnaha
    maqaalki u dambeeyey

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Maqaalada kale

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Cilaajyada: Xarumaha Gaarka Loo Lee Yahay Ee Daryeelka Bukaannada Dhimirka

    Dayaca iyo Silsiladaynta: Dhibaatooyinka Bukaannada Xanuunnada Dhimirka

  • C. Bulshada
    1. Talooyin
    2. Fur kulli

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

    Jimicsiga: nuucyadiisa iyo faaiidooyin ka uu u leeyahay caafimaadka qofka

    Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

    Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

  • Warbixinno
    1. Teknoloji
    2. Fur kulli

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

    Teknolojiyadda: dhibaato nuucee ayay u leedahay maskaxda iyo jirka ?

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Xiriirka waalidka iyo ilmaha – waa maxay sababta uu muhiim u yahay?

    Maraxaladaha cudurrada ayay ku xirantahay tilaabada dhaqtarka uu qaadaayo

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

  • Covid-19

    Omicron: nuuca cusub ee coronavirus, muxuu uga duwanyahay nuucyada kale?

    COVID-19: calaamadihiisa, sida uu ku faafi karo iyo ka hortaggiisa

    Tallaalka COVID-19: nuucyadooda iyo sida ay uga hortagaan fayraska

    Calaamadaha COVID-19: kuwa ugu badan iyo mudada ay haayaan qofka

    Neefsashada adag ee COVID-19: sida ay ku imaato iyo waxyaabaha keeno

HealthterHealthter
Home»C. Guud»Sokorowga: nuucyadiisa, calaamadaha uu leeyahay iyo daaweyntiisa

Sokorowga: nuucyadiisa, calaamadaha uu leeyahay iyo daaweyntiisa

Mohamed Mustaf AhmedMohamed Mustaf AhmedApril 28, 2025
Share
Copy Link WhatsApp Telegram Facebook Twitter LinkedIn Pinterest
  • Waa maxay sokorow?
  • Nuucyada sokorowga
  • Calaamadaha sokorowga
  • Maxaa keena sokorowga?
  • Carqaladaynta ku imaata insulinta
  • Sidee loo daweeyaa sokorowga?

Waa maxay sokorow?

Sokorowga ama macaanka waa xaalad ama cudur imaado marka unugyada jirka ay isticmaali waayaan gulukooska dhiigga ku jira. Haddii aan la maareynin cudurka macaanka wuxuu horseedi karaa in sokorta dhiigga ku jirta ay badato, taas oo keeni karta dhibaatooyin halis ah, oo ay ku jiraan istaroogga iyo cudurrada wadnaha.

Nuucyo kala duwan oo sokorow ah ayaa jiro, maareynta cudurkana waxay ku xirantahay nuuca cudurka ee qofka haayo. 

Sokorowga kaliya kuma xirna haddii qofka miisaankiisa aad u culus yahay, da’diisu weyntahay, ama uusan sameenin jimicsi, waxa uu ku dhici karaa qof walba, waxaana jiro nuuc sokorowga ka mid ah oo ku dhaca caruurta.

Nuucyada sokorowga

Waxaa jiro ilaa Saddex nuuc oo sokorow ah, oo kala ah; nuuca 1-aad, nuuca 2aad, iyo sokorowga uurka.

Nuuca 1-aad ee sokorowga

Nuucaan waxaa sidoo kale loo yaqaanaa sokorowga da’yarta, waxa uu ku badan yahay da’yarta iyo ilmaha, nuucaan wuxuu dhacaa marka uu jirku ku guuldareysto inuu soo saaro insulin, oo ah hormoonka ka caawiya jirka in sokorta dhiigga ay ka baxdo ayna gasho unugyada u baahan.

Dadka qaba nuuca 1 aad ee sokorowga waxay ku tiirsan yihiin insulin-ta, taas oo macnaheedu tahay waa inay qaataan insulin-ta macmalka ah maalin kasta si ay u noolaadaan.

Nuuca 2-aad ee sokorowga

Nuucaan wuxuu saameeyaa habka jirku uu u isticmaalo insulin-ta. In kasta oo uu jirku ku guuleysto inuu soo saaro insulin, haddana insulinta- lasoo saaro ayaa ku adkaato jirka inuu isticmaalo.

Waxaa ay dhibaato ka jirtaa xiriirka u dhaxeeya unugyada jirka iyo insulin-ta, unugyada jirka ayaan si fiican ula fal galin insulin-ta, ka dibna waxaa meesha ka baxda shaqadi insulin-ta taasoo eheed in unugyada jirka ay ka caawiso inay isticmaalaan sokorta dhiigga ku jirta.

Nuucaan waa nuuca ugu badan ee sokorowga, wuxuuna si adag ula xiriiraa cayilka.

Sokorowga uurka

Nuucaan wuxuu ku dhacaa haweenka uurka leh, waxaa dhacda in xilliga uurka lagu guda jiro ay yaraato sida unugyada jirka ay ula fal galaan insulinta. 

Sokorowga uurka kuma dhaco dumarka oo dhan, wuuna xalismaa dhalmada kadib.

Calaamadaha sokorowga

Calaamadaha guud ee cudurka macaanka waxaa ka mid ah:

  • Baahi ama gaajo badan
  • Oon ama harraad badan
  • Miisaanka oo yaraada
  • Kaadi badan
  • Aragga oo daciifa
  • Daal xad dhaaf ah
  • Nabarro aan reysaneenin ama aan bogsaneenin

Calaamadaha lagu arko ragga

Marka lagu daro astaamaha guud ee sokorowga, ragga qaba sokorowga waxay sidoo kale yeelan karaan hoos u dhac ku imaada awoodda galmada, iyo murqaha oo jilca.

Calaamadaha lagu garto dumarka

Haweenka qaba sokorowga sidoo kale waxay yeelan karaan astaamo kale sida infekshinka kaadi mareenka.

Calaamadaha nuucca 1-aad ee sokorowga

Calaamadaha cudurka macaanka nuuca 1aad waxaa ka mid ah:

  • Baahi
  • Oon
  • Miisaan yari
  • Kaadi badan
  • Arag yari
  • Daal

Calaamadaha nuucca 2aad ee sokorowga

Calaamadaha cudurka macaanka nuucca 2aad waxaa kamid ah:

  • Baahi ama gaajo badan
  • Oon ama haraad badan
  • Kaadi badan
  • Arag yari
  • Daal xad dhaaf ah
  • Nabarro aan reysaneenin

Sokorowga wuxuu kaloo sababi karaa infekshanno soo noqnoqda. Sababtoo ah heerarka gulukooska ee sarreeya ayaa keeno in jirka uu si dhakhso ah u bogsan waayo.

Calaamadaha sokorowga uurka

Inta badan haweenka uurka leh ee uu ku dhoco cudurka sokorta malaha wax astaamo ah. Waxaa marar dhif ah ay yeelan karaan oon iyo kaadi badan.

In haweeneyda uurka leh heerarka sokorta dhiiggeeda uu sarreeyo waxaa lagu ogaadaa baaritaanka caadiga ah ee sokorta lagu baaro oo badanaa la sameeyo inta u dhaxeysa isbuuca 24 aad iyo 28 aad ee uurka.

Maxaa keena sokorowga?

Waxyaabo kala duwan ayaa lala xiriiriyaa nuuc kasta oo sokorow ah.

Waxyaabaha keena nuucca 1 aad ee sokorowga

Dhakhaatiirtu si dhab ah uma oga waxa sababa nuuca 1 aad ee cudurka macaanka. Sababo aan la ogeyn awgood, habka difaaca jirka ayaa si qalad ah u weerara una baabi’iya unugyada soo saara insulin-ta.

Hidda-wadaha ayaa laga yaabaa inuu ka qayb qaato arrintaas, waxaa kaloo macquul ah in fayras uu sabab u noqdo weerarka difaaca jirka ee unugyada soo saara insulinta.

Waxyaabaha keena nuuca 2 aad ee sokorowga

Nuucaan wuxuu ku imaadaa qaab dhaxal ah iyo is bedelka hab nololeedka qofka. Dadka cayilan ayaa halis dheeraad ah ugu jira nuucaan. 

Nuucaan ayaa sidoo kale ka imaada qoyska. Xubnaha qoysku waxay wadaagaan hiddo-side ka dhigaya inay u nuglaadaan inuu ku dhoco cudurka macaanka nuuciisa 2 aad iyo in miisaankoodu uu cuslaado.

Waxyaabaha keena sokorowga uurka

Sokorowga uurku waxaa keena isbeddelada hoormoonka ee dhaca xilliga uurka. Mandheerta waxay soo saartaa hormoonno unugyada haweeneyda uurka leh ka dhiga kuwo aan si fiican ula fal gelin insulinta. Taasoo keenaysa in sokorta dhiigga ee sare u kacdo inta uu jiro uurka. 

Haweenka miisaankoodu sarreeyo markay uurka yeeshaan ama miisaankoodu aad u bato inta ay uurka leeyihiin ayaa u badan inuu ku dhoco sokorowga uurka.

Carqaladaynta ku imaata insulinta

Dhakhaatiirtu ma garanayaan sababaha rasmiga ah ee keena cudurka macaanka nuuciisaa 1 aad. Balse nuuca 2 aad ee sokorowga ayaa leh sababo cad.

Insulin-ta waxay u ogolaataa  gulukooska ka timaada cuntada inuu galo unugyada jirka si jirka uu u helo tamar. In unugyada aysan si fiican u la falgalin insulinta waxaa keeni karo waxyaabahaan

  1. Qofku inuu leeyahay hiddo-wade ama bay’ad u nugulsiineesa jirkiisa in uusan awoodin inuu sameeyo insulin ku filan gulukooska uu cuno.
  2. In Jirka uu isku dayo inuu sameeyo insulin dheeri ah oo badan si uu u daboolo gulukooska xad dhaafka ah ee ku jira dhiigga. Badashada insulinta ayaana horseedi karta in unugyada ay ku badato insulinta ka dibna uu daciifo falgalka ka dhaxeeya unugyada iyo insulinta.
  3. In ganaca, oo ah xubinta soo saarta insulinta aysan dabooli karin baahida badan ee jirka uusoo gudbiyo.
  4. Caadiyan, waqti ka dib, waxaa daciifa waxtar ka insulinta iyo awoodda ay u leedahay in unugyada ay u gudbiso sokorta ku jirta dhiigga si tartiib tartiib ah. 

    Waana sababta ay dhakhaatiirtu dadka kula taliyaan inay sameeyaan isbedel dhanka qaab nololeedka ah.

Sidee loo daweeyaa sokorowga?

Dhakhaatiirtu waxay ku daweeyaan cudurka macaanka daawooyin dhawr ah oo kala duwan. Daawooyinkaan qaarkood afka ayaa laga qaataa, halka kuwa kalena loo qaato cirbad ahaan, waxaana daawooyinkaas ka mid ah:

1. Isticmaalka Insulinta

Dadka qaba nuuca 1 aad ee sokorowga iyo qaar ka mid ah dadka qaba nuuca 2 aad ee sokorowga ayaa laga yaabaa inay u baahdaan inay isku duraan ama ay neefsadaan insulinta si looga hortago in heerarka sokorta ee dhiiggooda ay kordhaan.

Nuucyo kala duwan oo insulin ah ayaa la heli karaa, waxaana loo qaybiyaa:

  • Kuwo waqti gaaban fal gala
  • Kuwo waqti dhax dhaxaad ah fal gala
  • Kuwo waqti dheer shaqeeynaya

Dadka qaarkiis waxay isticmaali doonaan cirbad insulin muddo dheer shaqeyneysa si joogto ah si hoos loogu dhigo heerarka sokorta dhiigga. Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay isticmaalaan insulinta waqtiga gaaban shaqeysa ama isku darsadaan nuucyada insulinta qaar ka mid ah.

Nuucii doono ha la isticmaalee, qofku wuxuu u baahan yahay in uu had iyo jeer la socdo heerarka gulukoosta dhiiggiisa isagoo adeegsanaya baaritaanka fudud ee lagu baaro sokorta ee farta laga sameeyo.

Qalabka lagu ogaado heerarka sokorta dhiigga ayaa loo yaqaanaa ‘glucometer‘. Qofka qaba cudurka macaanka nuuciisa 1-aad wuxuu marwalba u baahanyahay inuu isticmaalo qalabkaan si uu u ogaado inta insulin ee uu u baahanyahy. 

Insulinta si fiican ayay u caawisaa dadka qaba cudurka macaanka noloshooda. Si kastaba ha ahaatee, waxay kaloo u horseedi kartaa waxyeello badan, gaar ahaan haddii qofku uu ka isticmaalo xaddi badan.

Insulin-ta xad-dhaafka ah waxay sababi kartaa xaalad loo yaqaano ‘hypoglycemia’, oo ah xaalad sokorta dhiigga ay hoos u dhacdo, waxayna keentaa lalabbo, dhidid, iyo jarees.

Waxaa lagama maarmaan ah in dadku ay si taxaddar leh u cabbiraan insulin-ta oo ay cunaan cunno isku-dheelli tiran oo dheelli tiraysa heerarka sokorta dhiigga sida ugu macquulsan.

2. Isticmaalka daawooyinka kale

Marka laga soo tago insulinta, nuucyo kale oo daawo ah ayaa la heli karaa kuwaas oo ka caawin kara qofka inuu maareeyo sokortiisa. Daawooyinkaas waxaa ka mid ah:

Metformin

Waxaa daawadaan loo isticmaalaa nuuca 2-aad ee sokorowga, waxaana loo qaataa kaniini ahaan ama qaab dareere ah.

Waxay ka caawisaa qofka:

  • Yareynta sokorta dhiigga
  • Xoojinta waxtarka insulinta

Waxay kaloo kaa caawin kartaa dhimista miisaanka. Inaad yeelato miisaan caafimaad lehna waxay yareyn kartaa saameynta cudurka macaanka.

Waxaa jiro daawooyin kale oo badan oo loo isticmaalo daaweynta sokorowga, dhakhtarkaaga ayaa kugula tali doona midda kugu habboon.

Maqaalka HoreDhiig karka: nuucyadiisa, sida loola socdo heerarkiisa iyo sida lagu daaweeyo
Maqaalka Xiga Nadaafadda qofka: nuucyadeeda iyo sida ay muhiim ugu tahay caafimaadka

Maqaallo Kale

HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

Cilaajyada: Xarumaha Gaarka Loo Lee Yahay Ee Daryeelka Bukaannada Dhimirka

Dayaca iyo Silsiladaynta: Dhibaatooyinka Bukaannada Xanuunnada Dhimirka

Maqaallo Cusub

Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

Ka mid noqo boggeena

Email ahaan u hel maqaal kasta oo cusub oo aan soo galino.

Healthter

Healthter is a non-profit initiative committed to providing the latest and most reliable health information in the Somali language, tailored specifically for Somali communities.

This initiative was brought to life by Mohamed Mustaf Ahmed, who identified a significant gap in the availability of a health platform that offers reliable and current health information in Somali. Healthter enables Somali individuals, particularly those who may not be fluent in English, to access essential health information in their native language.

Mohamed, a medical doctor, data scientist, and researcher, is the sole manager, financier, and contributor to Healthter. His passion to improve global health, with a special emphasis on Somalia, is the driving force behind this platform.

For personalized information and advice, don't hesitate to get in touch:

Email: momustafahmed@outlook.com

Alternatively, you can connect with me via the provided Linkedin link below:

LinkedIn
Credits & References
  1. Healthline Media
  2. PubMed
  3. WHO (World Health Organization)
  4. CDC (Center for Disease Control)
  5. NIH (National Institutes of Health)
  6. MayoClinic
  7. WebMD
Maqaallo Cusub
Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka
Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha
HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta
Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida
© 2025 (Healthter Media)

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.