Close Menu
  • C. guud
    • Kansar
    • Neefta
    • Wadnaha
  • C. Bulshada
    • Talooyin
  • Warbixinno
    • Teknoloji
  • Covid-19
HealthterHealthter
  • C. guud
    1. Kansar
    2. Neefta
    3. Wadnaha
    maqaalki u dambeeyey

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Maqaalada kale

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Cilaajyada: Xarumaha Gaarka Loo Lee Yahay Ee Daryeelka Bukaannada Dhimirka

    Dayaca iyo Silsiladaynta: Dhibaatooyinka Bukaannada Xanuunnada Dhimirka

  • C. Bulshada
    1. Talooyin
    2. Fur kulli

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

    Jimicsiga: nuucyadiisa iyo faaiidooyin ka uu u leeyahay caafimaadka qofka

    Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

    Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

  • Warbixinno
    1. Teknoloji
    2. Fur kulli

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

    Teknolojiyadda: dhibaato nuucee ayay u leedahay maskaxda iyo jirka ?

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Xiriirka waalidka iyo ilmaha – waa maxay sababta uu muhiim u yahay?

    Maraxaladaha cudurrada ayay ku xirantahay tilaabada dhaqtarka uu qaadaayo

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

  • Covid-19

    Omicron: nuuca cusub ee coronavirus, muxuu uga duwanyahay nuucyada kale?

    COVID-19: calaamadihiisa, sida uu ku faafi karo iyo ka hortaggiisa

    Tallaalka COVID-19: nuucyadooda iyo sida ay uga hortagaan fayraska

    Calaamadaha COVID-19: kuwa ugu badan iyo mudada ay haayaan qofka

    Neefsashada adag ee COVID-19: sida ay ku imaato iyo waxyaabaha keeno

HealthterHealthter
Home»C. Bulshada»Kafeeyga: faaiidooyin nuucee ah ayuu u leeyahay caafimaadka qofka?

Kafeeyga: faaiidooyin nuucee ah ayuu u leeyahay caafimaadka qofka?

Mohamed Mustaf AhmedMohamed Mustaf AhmedApril 28, 2025
Share
Copy Link WhatsApp Telegram Facebook Twitter LinkedIn Pinterest
  • Kafeeyga iyo firfircoonida jirka
  • Kafeeyga iyo baruurta
  • Kafeeyga iyo Sokorowga
  • Kafeeyga iyo niyad jabka
  • Kafeeyga iyo kansarka
  • Kafeeyga iyo wadnaha
  • Kafeeyga iyo neerfaha
  • Kansarka iyo beerka
  • Khataraha uu leeyahay kafeeyga badan

Marka ay dadka maqlaan kafeey, waxaa caadi ahaan kusoo dhacda maskaxdooda awoodda uu  kafeeyga u leeyahay inuu xoojiyo tamarta jirka.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay cilmi-baarisyada qaarkood, kafeeyga wuxu sidoo kale faa’iidooyin caafimaad oo muhiim ah u leeyahay jirka, sida inuu hoos u dhigo khatarta kansarka beerka, sokorowga nuuca 2-aad, iyo halista cuduro kale.

Kafeeyga waa mid ka mid ah cabitaannada ugu badan ee laga isticmaalo dunida, khubarradu waxay qiyaasayaan in dadku ay cabaan qiyaastii 2.25 bilyan oo koob oo kafeey ah maalintii.

Cilmi-baaryaasha waxay sidoo kale eegeen faa’iidooyinka kafeeyga uu u leeyahay xaaladaha caafimaad oo ay ka midka yihiin sokorowga, cudurrada wadnaha, caabuqa mindhicirada, iyo cudurrada beerka. 

Kafeeyga waxaa ku jiro nafaqooyin iyo fiitamiino badan oo waxtar leh, oo ay ku jiraan fiitamiin B-2, fiitamiin B-3, magnesium iyo potassium. 

Khubarrada qaar ayaa soo jeedinaya in waxyaabahan iyo kuwa kale oo ku jira kafeeyga ay siyaabo kala duwan faaiido ugu leeyihiin jirka aadanaha.

Maqaalkani wuxuu eegayaa faa’iidooyinka caafimaad ay leedahay cabidda kafeeyga, caddaymaha taageeraya faa’iidooyinkaas, iyo sidoo kale halista  ay yeelan karto cabidda kafeeyga badan.

Kafeeyga iyo firfircoonida jirka

Kafeeyga ayaa dadka ka caawin kara inaysan dareemin daal fara badan iyo in tamarta jirka ay kororto, sababtoo ah kafeeyga waxaa ku jiro maaddo la dhoho kafiin (caffeine) – oo ah maadada ugu badan ee loo isticmaalo firfircoonida jirka.

Daraasado badan ayaa muujinaya in kafeeyga uu ka qayb qaato shaqada maskaxda; sida xusuusta, niyadda, feejignaanta, heerarka tamarta  iyo shaqada guud ee maskaxda.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah saameynta uu kafeeyga ku leeyahay maskaxda waxay u badan tahay inay yihiin kuwo jira muddo gaaban. 

Balse, haddii aad maalin walba kafeey cabto, jirka waa uu la qabsanayaa maadada ku jirta kafeeyga ka dibna waxaa yaraaneyso saameynta uu kafeeyga ku yeelan doono jirka.

Kafeeyga iyo baruurta

Maadada ku jirta kafeeyga ee (caffeine) ayaa waxay ka mid tahay waxyaabaha badanaa loo isticmaalo in lagu gubo baruurta jirka. Waa mid ka mid ah waxyaabaha dabiiciga ah ee yar ee la xaqiijiyay inay caawiyaan in ay jirka ka yaraato baruurta.

Daraasado dhowr ah ayaa muujinaya in (caffeine) uu kor u qaadi karo heerka dheef-shiid kiimikaadka jirka oo ay ku jirto gubidda iyo isticmaalka baruurta.

Daraasado kale ayaa tilmaamaya in (caffeine) uu si gaar ah u kordhin karo gubashada dufanka illaa 10% shakhsiyaadka cayilan iyo ilaa 29% dadka caatada ah.

Si kastaba ha noqotee, waxaa suurtagal ah in saameyntaan ay ku yaraato dadka badanaa isticmaala kafeeyga, maadaama jirkooda uu la qabsanaayo kafeeyga ka dibna saameynta kafeeyga ay sidaas ku yaraato.

Kafeeyga iyo Sokorowga

Sokorowga nuuciisa 2-aad waa xaalad caafimaad oo dhib badan, waxaana qaba malaayiin qof oo adduunka ku nool.

Cudurkaan waxaa lagu gartaa heerarka sokorta dhiigga oo sare u kaca, taas oo ay sababto iska caabbinta insulinta ama awoodda insulinta oo hoos u dhacdo. Insulinta waa hormoonka maareeya heerarka sokorta ee dhiigga.

Sababo jira awgood, kafeeyga ayaa kaa caawin kara kahortagga sokorowga nuuciisa 2-aad. Daraasado ayaa lagu ogaaday in dadka caba kafeeyga badan ay halistooda cudurka sokorowga ay hoos u dhacday 23-50%. Daraasad ayaa sidoo kale muujisay hoos u dhac gaaraaya ilaa 67%.

Cilmi-baareyaal kale ayaa ogaaday in dadka kordhiyay cabidda kafeeyga ugu yaraan hal koob maalintiiba muddo 4 sano ah ay 11% ka hooseeyeen halista sokorowga nuuciisa 2-aad marka loo eego dadka aan isticmaalin kafeey badan.

Kafeeyga iyo niyad jabka

Niyad jabka waa jirro maskaxeed halis ah oo sababta in tayada nolosha qofka ay hoos u dhacdo. Waana xaalad guud, maadaama dad fara badan oo adduunka ku nool ay la noolyihiin niyad jabka.

Daraasado ayaa lagu ogaaday in dadka cabay 4 koob ama ka badan oo kafeey ah maalintii ay 20% hoos u dhacday halistooda la xiriirtta niyad jabka.

Maadaama dadka aan muslimiinta ahayn ay is dilaan marka ay la kulmaan niyad-jab fara badan, daraasad ayaa lagu ogaaday in dadka cabay 4 koob ama wax ka badan oo kafeey ah maalintii ay 53% ka yaraatay halista ah in ay is dilaan.

Kafeeyga iyo kansarka

Kansarka waa mid ka mid ah cudurrada ugu badan ee sababa dhimashada. Waxaa lagu gartaa koritaanka unugyada jirka ee aan xadidneyn. Halkaan ka aqriso sida uu kansarka ku sameesmo.

Kafeeyga ayaa u muuqda inuu qofka ka difaaco laba nuuc oo kansar ah: kansarka beerka iyo kansarka mindhiciraha.

Kansarka beerka ayaa ah kansarka saddexaad ee keena dhimashada ugu badan adduunka, halka kansarka mindhicirka uu ku jiro kaalinta afaraad.

Daraasaduhu waxay muujinayaan in dadka caba kafeeyga ay 40% hoos u dhacday halistooda ku aaddan kansarka beerka.

Sidoo kale, daraasad ayaa lagu ogaaday in dadka cabay 4-5 koob oo kafeey ah maalintii ay 15% ka hooseeyeen halista kansarka mindhiciraha marka loo eegay dadka aan cabin kafeey badan.

Kafeeyga iyo wadnaha

Daraasad ayaa muujinaysa in cabidda kafeeyga ee dhexdhexaad ka ah ay kaa ilaalin karto cudurrada wadnaha ku dhaca.

Dadka waxay badanaa aaminsan yihiin in kafeeyga uu kordhin karo cadaadiska dhiigga. Waa run, laakiin koror kaaas aad ayuu u yar yahay.

Badanaana dadka sida joogtada ah u caba kafeeyga laguma arko koror ka cadaadiska dhiigga. Si kastaba ha noqotee, dadka qaar ayaa xataa haddii ay si joogto ah u isticmaalaan kafeeyga waxaa kordho cadaadiska dhiigooda.

Kafeeyga iyo neerfaha

Daraasado kala duwan ayaa muujiyey in  (caffeine) ku jira kafeeyga iyo cabitaanno kale oo badan, laga yaabo inay kaa caawiso kahortagga cudurrada neerfaha sida cudurka baarkinson, oo ah cudur ku dhaca dadka da’da ah, waxaana lagu gartaa jarees iyo tabar darro gacmaha ah.

Waxaa lasoo ogaaday in ragga caba in ka badan afar koob kafeey ah ah maalintii ay dhici karto inay shan jeer ka hooseeyaan halista cudurkaas marka loo eego kuwa aan cabin.

Intaa waxaa dheer,  (caffeine) kua ku jiro kafeeyga ayaa laga yaabaa inuu gacan ka geysto xakameynta dhaq dhaqaaqa dadka qaba cudurka baarkinson sida laga soo xigtay daraasad la sameeyey.

Sidoo kale cudurka Alzaaymar oo ah cudur ku dhaca neerfaha oo lagu garto xasuus la’aanta dadka da’da ah ayaa ah cudurka ugu badan adduunka ee sababa iloowshaha ama xasuus la’aanta.

Daraasadaha waxay muujiyeen in dadka caba kafeeyga ama qaxwada ay leeyihiin 65% halis hoose oo ah inuu ku dhoco cudurka Alzaaymar.

Kansarka iyo beerka

Beerkaaga waa xubin aad u muhiim ah oo leh boqollaal shaqooyin oo kala duwan oo ka dhaca jirkaaga. Waxa uu u nugul yahay dufanka iyo sokorta xad dhaaf ka ah.

Marxaladda ugu dambeysa ee dhaawaca ku imaada beerka waxaa loo yaqaan siroosis (cirrhosis), waxaana is bedela muuqaalka beerka oo dhan waxa uuna yeeshaa nabarro badan, arag sawir.

Daraasad ayaa lagu ogaaday in dadka kafeeyga caba ay leeyihiin ilaa 84% halis hoose oo ah inuu ku dhaco siroosis (cirrhosis), saamaynta ugu xooganna waxaa lagu arkay dadka caba 4 koob ama ka badan maalintii.

Khataraha uu leeyahay kafeeyga badan

Cabitaanka kafeeyga badan wuxuu kaloo yeelan karaa waxyeello. Qaar ka mid ah khatarahaas waxaa ka mid ah.

Jabka lafaha

Daraasadaha qaarkood waxay ogaadeen in dumarka caba kafeeyga badan laga yaabo inay halis sare ugu jiraan jabka lafaha. Ragga sidoo kale isticmaala kafeeyga badan ayaa u muuqday ayagana inay halis ahaan ka yaraayeen dumarka.

Uurka

Cilmi-baarayaashu waxay intaa ku dareen in laga yaabo in isticmaalka kafeeyga uusan fiicneen xilliga uurka. 

Waxaa jiro xoogaa caddaymo ah oo soo jeedinaya xiriirka ka dhexeeya isticmaalka kafeeyga badan iyo xaaladaha la xiriira uurka oo ay ka mid yihiin; uurka oo halaaba, cunugga oo miisaankiisa yaraada ama cunugga oo dhicisnimo ku dhasha.

Maskaxda

Isticmaalka xaddi badan oo kafeey ah ayaa sidoo kale kordhin kara halista walwalka, gaar ahaan dadka qaba cabsida.

Sidoo kale daraasad la sameeyey ayaa lagu sheegay in qaadashada kafeeyga badan inta lagu jiro xilliga qaangaarnimada ay u horseedi karto qofka isbeddel toos ah oo ku imaada maskaxdiisa.

Saynisyahannada sameeyey daraasaddaan ayaa walaac ka muujiyay in arintaan ay kordhin karto halista xaaladaha la xiriira walwalka iyo walaaca.

Maqaalka HoreHab-nololeedka fadhiga: dhibaato caafimaad ma u leeyahay qofka?
Maqaalka Xiga Cuntooyinka la warshadeeyey: Sidee ayay u saameeyaan caafimaadkaaga?

Maqaallo Kale

Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

Maqaallo Cusub

Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

Ka mid noqo boggeena

Email ahaan u hel maqaal kasta oo cusub oo aan soo galino.

Healthter

Healthter is a non-profit initiative committed to providing the latest and most reliable health information in the Somali language, tailored specifically for Somali communities.

This initiative was brought to life by Mohamed Mustaf Ahmed, who identified a significant gap in the availability of a health platform that offers reliable and current health information in Somali. Healthter enables Somali individuals, particularly those who may not be fluent in English, to access essential health information in their native language.

Mohamed, a medical doctor, data scientist, and researcher, is the sole manager, financier, and contributor to Healthter. His passion to improve global health, with a special emphasis on Somalia, is the driving force behind this platform.

For personalized information and advice, don't hesitate to get in touch:

Email: momustafahmed@outlook.com

Alternatively, you can connect with me via the provided Linkedin link below:

LinkedIn
Credits & References
  1. Healthline Media
  2. PubMed
  3. WHO (World Health Organization)
  4. CDC (Center for Disease Control)
  5. NIH (National Institutes of Health)
  6. MayoClinic
  7. WebMD
Maqaallo Cusub
Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka
Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha
HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta
Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida
© 2025 (Healthter Media)

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.