Walbahaarka oo sidoo kale loo yaqaanno istareeska ama cadaadiska waa dareen dabiici ah oo imaada marka qofka uu la kulmo wax uusan xammili karin ama xaalado uusan xamili karin.
Si kastaba ha ahaatee, walbahaarka wuxuu noqon karaa xaalad joogto ah haddii qofka uusan qaadin tallaabooyin uu ku maareeyo.
Waxyaabaha qaar ee uusan qofka xammili karin waxay ka imaan karaan shaqada, cilaaqaadka dadka, cadaadiska maaliyadeed, iyo xaalado kale, laakiin wax kasta oo qofka u leh caqabad dhab ah ama khatar ku ah qofka waxay sababi karaan istarees ama walbahaar.
Cadaadiska ama walbahaarka wuxuu mararka qaar noqon karaa dhiirra galiye, oo xitaa wuxuu lama huraan u noqon karaa badbaadada qofka.
Tusaale ahaan, marka qofka ay soo wajahdo khatar, sida marka qofka uu la kulmo xaywaan dad cun ah oo kale, cadaadiska imaada xilligaas ayaa jirka u sheega marka la sameenaayo falcelin iyo sida looga falcelinaayo khatartaas.
Si kastaba ha noqotee, marka uu qofka si fudud mar walba u dareemo cadaadis, ama uu marwalba la kulmo walbahaar aad u tiro badan, waxay wiiqi kartaa caafimaadka maskaxdiisa iyo jirkiisa.
Waa maxay istareeska ama cadaadiska?
Cadaadiska waa difaaca dabiiciga ah ee jirka ee ka soo horjeeda khatarta soo wajihi karta qofka. Wuxuu sababaa in jirka uu soo daayo hormoonno u diyaariya nidaamyadiisa si ay uga baxsadaan ama uga hortagaan khatartaas.
Marka qofka uu la kulmo caqabad ama khatar, jirka waxa uu isku diyaariyaa falcelin ta uu sameen lahaa wuxuuna hawlgeliyaa dhamaan nidaamyada jirka ee qofka ka caawiya inuu falceliyo.
Ka dibna jirka waxa uu go’aansanayaa in qofka uu sii taagnaado, cararo ama uu ka hortag sameeyo sida ugu dhakhsaha ee qofka nabad galyadiisa lagu ilaali karo.
Jirka wuxuu soo saaraa hormoonno iyo kiimikooyin fara badan oo ka qayb qaata falcelinta khatarta ama caqabadaha qofka soo wajaha, hormoonnadaan ayaa waxay keenaan:
- Cadaadiska dhiigga oo kordha
- Diyaargarowga murqaha oo la kordhiyo
- Jirka heerkulkiisa oo kordha kadibna keena dhidid
- Feejignaan badan
Arrimahaan ayaa dhammaantood gacan ka gaysta kartida qofka uu u leeyahay inuu ka falceliyo xaalad halis ah.
Waxyaabaha kale ee qofka istareeska ku badiyo ee ka jira bay’adiisa waxaa ka mid ah sawaxanka, dagaalka badan, baabuurta xawaaraha ku socota iyo waxyaabaha cabsida leh ee ku jira filimada.
Nuucyada istareeska ama cadaadiska
Caadiyan waxyaabaha walbahaarka kici kara waxaa ka mid ah:
- Cadaadiska joogtada ah, sida daryeelka caruurta, shaqada guriga, ama mas’uuliyadaha maaliyadeed
- Is bedellada carqaladeeya nolosha oo sida lama filaanka ah ku imaada sida geerida qof ka mida qoyska ama ogaanshaha inaad weesay shaqadaadi
- Walbahaarka xoogga leh, kaasoo imaada markii qofka uu la kulmo shil daran, weerar, masiibo deegaaneed, ama dagaal.
Marki intaas laga soo tago, walbahaarka, waxaa guud ahaan loo qaybiyaa laba nuuc: mid aad u daran oo xilli kooban jira iyo mid muddo dheer socda oo daba dheeraada. Maareynta labadaan nuuc ee walbahaarka ayaa sidoo kale kala duwan
Cadaadiska mudada gaaban
Walbahaarka nuucaan ah waa mid xilli gaaban socda waana nuuca ugu badan ee istareeska. Nuucaan ayaa badanaa soo ifbaxa marka qofka ay soo wajahdo cadaadiska dhacdooyin dhawaan dhacay ama uu dareemo cadaadis ku aaddan caqabadaha soo wajihi kara mustaqbalka dhow.
Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa in qofka uu dareemo culeys ama cadaadis ku saabsan muran dhex maray asaga iyo qofkale ama marka uu soo dhawaado waqtiga kama dambaysta ah ee laga rabo in uu soo gudbiyo shaqo loo diray.
Si kastaba ha ahaatee, istareeskaan ayaa yaraanaya ama baaba’aya marka uu qofka xalliyo muranki kala dhexeeyey qofka ama uu gudbiyo shaqadi laga sugaayey.
Cadaadiska nuucaan ah ma keeno waxyeello la mid ah cadaadiska daba dheeraada ama mudada dheer jira. Saameynta mudada gaaban jirta ee cadaadiskaan waxaa ka mid ah madax xanuun, calool xanuun, iyo xoogaa culeys ama cariiri ah oo uu qofka dareemo.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladaha soo noqnoqda ee cadaadiskaan waxay noqon karaan kuwo daba dheeraada oo waxyeello keeni karo.
Cadaadiska joogtada ah
Walbahaarka nuucaan ah wuxuu jiraa muddo dheer aad ayuuna u dhib badan yahay runti. Saboolnimada, shaqo la’aanta qoyska, ama guurka aan lagu faraxsanayn ayaa tusaale u ah xaaladaha keeni kara culays ama cadaadis joogto ah.
Taasna waxay dhacdaa marka qofka uu quusto uuna waayo waddo kale oo uu uga fogaado cadaadiskaas ama walbahaarkaas ka dibna uu joojiyo inuu raadiyo xal.
Qofka inuu la kulmo dhacdooyin naxdin leh inta uu yaryahay ayaa sidoo kale laga yaabaa inay gacan ka geysato cadaadiska ama walbahaarka joogtada ah.
Jirka ayaa waxaa ku adkaato inuu maareeyo heerarka caadiga ah ee hormoonnada la xariira cadaadiskaan, taasoo gacan ka geysan karta dhibaatooyin ku imaada nidaamyada soo socda:
- Wadnaha iyo xididada dhiigga
- Neefsashada
- Hurdada
- Difaaca jirka
- Taranka
Walbahaarka joogtada ah ayaa sidoo kale kordhin kara halista qofka ay ugu dhici karaan cudurro ay ka mid yihiin nuucca 2aad ee sokorowga, dhiig karka, iyo wadna xanuunka.
Sidoo kale xaalado ay ka mid yihiin niyad jabka, walwalka, iyo jirrooyinka kale ee caafimaadka maskaxda ayaa imaan kara marka walbahaarka qofka uu noqdo mid raaga.
Cadaadiska ama istareeska joogtada ah wuu sii jiri karaa iyadoo aan la dareemin, wuxuuna noqon karaa qayb ka mid ah shakhsiyadda qofka, kaasoo ka dhigaaya qofka in si joogto ah uu ugu nuglaadol saamaynta cadaadiska iyadoo aysan ku xirneyn duruufaha uu qofka la kulmo
Saameynta walbahaarka ee jirka
Marka qofka uu la kulmo xaalad halis ah, cadaadiska wuxuu hoos u dhigaa qaar ka mid ah shaqooyinka jirka ee caadiga ah, sida shaqooyinka dheef-shiidka iyo habdhiska difaaca jirka.
Marka ay yaraadaan shaqooyinkaas, ka dib jirka waxa uu awood u yeelanaa inuu xooga saaro shaqooyinka nidaamyada kale ee jirka sida neefsashada, socodka dhiigga, feejignaanta, iyo diyaarinta muruqyada si loo isticmaalo si degdeg ah.
Waxyaabaha jirka uu sameeyo inta lagu jiro falcelinta cadaadiska waxaa ka mid ah:
- Cadaadiska dhiigga iyo garaaca wadnaha oo kordha
- Neefsashada oo deg deg noqota
- Dheef-shiidka oo yaraada
- Shaqada difaaca jirka oo hoos u dhacda
- Muruqyada oo noqda kuwo kacsan
- Hurdada oo yaraata sababtoo ah waxaa badanayso feejignaanta qofka
Sida uu qofka uga falceliyo xaaladaha adag ayaa go’aamin doonta saamaynta cadaadiska uu ku leeyahay caafimaadkiisa guud.
Dadka qaarkood waxay la kulmi karaan dhowr cadaadisyo oo isku xiga hal mar iyada oo qofka uusan sameenin falcelin xooggan, halka dadka qaar laga yaabo inay falcelin xooggan ay ka bixiyaan hal cadaadis oo kaliya.
Waxyaabaha qaarkood oo ay dadka u arkaan inay wax iska caadi ah yihiin ayaa waxay horseedi karaan walbahaar, sida marka hooyada ay dhasho ilmo ama qofka laga dallacsiiyo shaqadiisa.
Sababtana waxay tahay in arrimahaas ay u baahan yihiin isbadallo badan, sida dadaal dheeri ah, qaadista mas’uuliyad cusub, iyo la qabsi.
Tusaale ahaan marka qofka laga dallacsiiyo shaqada, wuxuu filanayaa mushaar fiican, balse waxaa soo koraayo cadaadis ah inuu isweydiiyo inuu xammili karo mas’uuliyadaha dheeraadka ah ee dallacsiintaan la socdo.
Si kastaba ha ahaatee, inuu qofka yeesho feejignaan dheeri ah oo ku aaddan cadaadiska ayaa laga yaabaa inay qofka ka caawiso inuu si hufan u maareeyo cadaadiska uuna si fiican ula qabsado.
Calaamadaha iyo dhibaatooyinka walbahaarka
Calaamadaha walbahaarka ee jirka waxaa ka mid noqon kara:
- Dhidid
- Xanuun dhanka dhabarka ama laabta ah
- Murqo xanuun
- Miyir beelid
- Madax xanuun
Daraasad ayaa lagu ogaaday in walbahaarka ay waalidiinta la kulmaan, sida dhibaatooyinka dhaqaale ama maareynta guriga, ay sidoo kale horseedi karto inay caruurtooda noqdaan kuwo cayilan.
Falcelinta shucuureed ee istareeska waxaa ka mid noqon kara:
- Xanaaq
- Foojignaan
- Daal
- Dareen amni darro
- Hilmaam badan
- Cidiyo cunis
- Nasasho la’aan
- Murugo
Dabeecadaha la xiriira cadaadiska waxaa ka mid ah:
- Hammiga cuntada oo bata ama yaraada
- Xanaaq deg deg ah
- Isticmaalka maandooriyaasha
- Ka fogaanta bulshada
- Fikir joogto ah
- Dhibaatooyinka xiriirka dadka
Haddii walbahaarka uu noqdo mid joogto ah, wuxuu horseedi karaa dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin:
- Walwal
- Niyad jab
- Wadna xanuun
- Dhiig kar
- Difaaca jirka oo yaraada
- Hurdo la’aan
- Calool xanuun
- Cillado la xiriira galmada
Maxaa keena istareeska?
Dadka si kala duwan ayay uga falceliyaan xaaladaha walbahaarka leh. Wax cadaadis ku ah qof ayaa laga yaabaa inaanay cadaadis ku ahayn qof kale.
Xaaladaha la xiriira caafimaadka maskaxda, sida niyad jabka, ama walwalka ayaa dadka qaar ka dhigi kara kuwo u nugul cadaadiska.
Sida caadiga ah dhacdo kasta waxay sababi kartaa cadaadis. Dadka qaarkood, inay ka fikiraan xaalado ama wax u keeni kara cadaadis ayaa u horseedi kara inay dareemaan walbahaar.
Waxyaabaha keeni kara walbahaarka ama istareeska waxaa ka mid ah:
- Arrimaha shaqada
- Waqtiga oo qofka ku yar
- Lacag la’aan
- Geerida qof kuu dhow
- Dhibaatooyinka qoyska
- Jirrooyinka
- Xiriirada, guurka, iyo furriinka
Waxyaabaha kalee ee la sheego inay keeni karaan walbahaarka waxaa ka mid ah:
- Ilmaha oo hooyada kasoo halaaba
- Ku kaxaynta baabuurta meelaha jaamka ah ee shilalka badan
- Ka cabsiga dambiyada
- Dhibaatooyinka deriska
- Uur qaadista iyo waalidnimada
- Sawaxanka xad dhaafka ah, ama ciriiriga ka jira meesha qofka uu ku noolyahay
- Huban la’aanta ama sugitaanka natiijo muhiim ah
Dadka qaarkood waxay dareemaan cadaadis joogto ah kadib markii ay la kulmaan dhacdo naxdin leh, sida shil ama nuuc ka mid ah xadgudubyada loo gaysto dadka.
Dadka ka shaqeeya shaqooyinka cadaadiska badan, sida milatariga ama adeegyada gurmadka, waxay yeelan karaan cadaadis ka badan dadka kale, sababta oo ah waxay la kulmaan dhacdooyin aan caadi ahayn.
Sidee loo daaweeyaa walbahaarka?
Daaweynta waxay noqon kartaa is caawinta qofka, haddii waxyaabaha keenaayo cadaadiska ay yihiin waxyaabo fudud. Haddii walbahaarka uu yahay mid xooggan, waxa uu qofka isticmaali karaa daawooyin si uu u maareeyo xaaladiisa.
Daaweynta caadiga ah
Dhakhaatiirta sida caadiga ah ma qoraan daawooyin lagula tacaalaayo cadaadiska, haddii aysan jirin jirro kale ee hoos kala xariirta cadaadiska, sida niyad jabka ama walwalka.
Haddii ay jiraan jirooyinkaas, waxaa laga yaabaa in dhakhaatiirta ay qoraan daawooyinka looga hortago niyad jabka ama walwalka ee loo yaqaano antidepressants.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira halis ah in daawada kaliya ay qarinayso cadaadiska halkii ay ka caawin lahayd qofka inuu maareeyo cadaadiska.
Daawooyinkaan waxay kaloo yeelan karaan waxyeello caafimaad, waxaana laga yaabaa inay uga sii daraan dhibaatooyinka qaar ee ka dhasha walbahaarka.
Inaad sameesato xeeladaha la qabsiga cadaadiska ka hor inta uusan kugu noqon mid daba dheeraada ama daran waxay kaa caawin kartaa inaad maareeso xaaladaha cusub ee walbahaarka ee kusoo wajihi kara.
Dadka durba la kulma walbahaar xad dhaaf ah waa inay raadsadaan gargaar caafimaad.
Maaraynta walbahaarka
Maaraynta cadaadiska waxay kaa caawin kartaa:
- Inaad ka takhalustid isha walbahaarka ama waxa kuu keenaayo walbahaarka
- Inaad badashid aragtida aad ka qabtid cadaadiska
- Inay hoos u dhacdo saameynta uu walbahaarka ku yeelan karo jirka
- Barashada siyaabo kale oo loola qabsado walbahaarka
Tallaabooyinka hab-nololeedka ee soo socda ayaa ka dadka ka caawin kara inay maareeyaan ama ay ka hortagaan cadaadiska:
- Jimicsiga: jimicsiga waxa uu yareyn karaa halista walbahaarka badan, asago oo qofka galinaayo jawi kale oo maskaxdiisa iyo jirkiisaba ay ku mashquulaan.
- Yareynta isticmaalka maandooriyaasha iyo kafeeyga: isticmaalka waxyaabahaan makaa caawin karaan ka hortagga walbahaarka, balse waa ay kaaga sii dari karaan.
- Nafaqada: cuntooyinka caafimaadka leh ee isku dheelli tiran oo ay ku jiraan miraha iyo khudaarta ayaa kaa caawin karta ilaalinta nidaamka difaaca jirka xilliga qofka uu dareemaayo walbahaarka.
- Maaraynta maalintaada: waxaa laga yaabaa inay ku caawiso in wakhti yar oo aad galiso hagaajinta howlahaaga maalinlaha ah iyo xoog saarista hawlaha deg degga ah ama muhiimka ah.
Waxaa markaas diiradda saari kartaa wixii aad qabatay ama dhamaystirtay maalintaas, halkii aad ka fikiri leheed hawlaha aadan weli qabanin.
- Waqtiga: dadku waa inay waqti galiyaan si ay u hagaajiyaan jadwalladooda, ama ay u nastaan, oo ay u fushadaan danahooda gaarka ah.
- Neefsashada iyo nasashada: farsamooyinka neefsashada iyo nasashada waxay hoos u dhigi karaan garaaca wadnaha waxayna qofka siin karaan nafis.
Qofka inuu qaato neef dheer ka dibna uu neefta banaanka usoo saaro ayaa ka caawin karta yaraynta cadaadiska saaran.
- Hadalka: In qoyskaaga, asxaabtaada kuu dhow ama asxaabta shaqada aad la wadaagtid dareenkaaga iyo walbahaarkaaga ayaa laga yaabaa inay kaa caawiso yareynta ‘uur ku haysiga cadaadiska’.
Dadka kale ayaa laga yaabaa inay awoodaan inay kuu soo jeediyaan xalal ku anfici kara oo ku aaddan cadaadiska markaas ku heysto.