Close Menu
  • C. guud
    • Kansar
    • Neefta
    • Wadnaha
  • C. Bulshada
    • Talooyin
  • Warbixinno
    • Teknoloji
  • Covid-19
HealthterHealthter
  • C. guud
    1. Kansar
    2. Neefta
    3. Wadnaha
    maqaalki u dambeeyey

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Maqaalada kale

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Cilaajyada: Xarumaha Gaarka Loo Lee Yahay Ee Daryeelka Bukaannada Dhimirka

    Dayaca iyo Silsiladaynta: Dhibaatooyinka Bukaannada Xanuunnada Dhimirka

  • C. Bulshada
    1. Talooyin
    2. Fur kulli

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

    Jimicsiga: nuucyadiisa iyo faaiidooyin ka uu u leeyahay caafimaadka qofka

    Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

    Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

  • Warbixinno
    1. Teknoloji
    2. Fur kulli

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

    Teknolojiyadda: dhibaato nuucee ayay u leedahay maskaxda iyo jirka ?

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Xiriirka waalidka iyo ilmaha – waa maxay sababta uu muhiim u yahay?

    Maraxaladaha cudurrada ayay ku xirantahay tilaabada dhaqtarka uu qaadaayo

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

  • Covid-19

    Omicron: nuuca cusub ee coronavirus, muxuu uga duwanyahay nuucyada kale?

    COVID-19: calaamadihiisa, sida uu ku faafi karo iyo ka hortaggiisa

    Tallaalka COVID-19: nuucyadooda iyo sida ay uga hortagaan fayraska

    Calaamadaha COVID-19: kuwa ugu badan iyo mudada ay haayaan qofka

    Neefsashada adag ee COVID-19: sida ay ku imaato iyo waxyaabaha keeno

HealthterHealthter
Home»C. Guud»Maskaxda»Walwalka: nuucyadiisa, saameyntiisa iyo sida looga hortagi karo

Walwalka: nuucyadiisa, saameyntiisa iyo sida looga hortagi karo

Mohamed Mustaf AhmedMohamed Mustaf AhmedApril 28, 2025
Share
Copy Link WhatsApp Telegram Facebook Twitter LinkedIn Pinterest
  • Waa maxay walwalka?
  • Dareenka walwalka ee caadiga ah
  • Cudurrada walwalka
  • Nuucyada cudurrada walwalka
  • Calaamadaha walwalka
  • Maxaa keena walwalka?
  • Maxaa lagu daaweeyaa walwalka?
  • Sidee looga hortagaa walwalka?

Walwalka waa dareen dabiici ah, badanaana malaha wax dhibaato ah. Si kastaba ha ahaatee, marka qofka uu si joogto ah u dareemo walwal iyo walaac aan kala go’ lahayn, waxaa laga yaabaa inay noqoto cillad caafimaad oo dhanka maskaxda ah.

Qofka qaba walwalka wuxuu si joogto ah u dareemaa cabsi, badanaana waxaa jiro waxyaabo ama xaalado ku kiciya qofka inuu walwal dareemo.

Cudurrada walwalka waxay badalaan sida qofka uu u maareeyo shucuurtiisa iyo sida uu u dhaqmo, waxay kaloo keenaan astaamo kale oo jirka ah.

Waa maxay walwalka?

Walwalka waxaa lagu qeexaa “dareen lagu garto shucuurta qofka oo kacdo, fikir ama walaac badan iyo isbadallo jirka ku dhaca sida cadaadiska dhiigga oo kordha.”

Dareenka walwalka iyo cudurka walwalka isku mid ma aha, waa ay kala duwan yihiin, walwalka waa dareen dabiici ah oo uu qofka dareemo marka uu la kulmo ama ay soo wajahdo arrin xasaasi ah oo adag.

Qofka marka uu haayo walwalka waxa uu dareemaa calaamado ay ka mid yihiin walaac, fikir iyo istarees, wuxuu sidoo kale yeelan karaa astaamo kale oo dhanka jirka ah sida cadaadiska dhiigga iyo garaaca wadnaha oo kordha. 

In la ogaado farqiga u dhexeeya dareenka caadiga ah ee walwalka iyo cudurka walwalka ee u baahan daryeel caafimaad ayaa qofka ka caawin kara inuu ogaado uuna iska daaweeyo haddii waxa haayo uu yahay cudurka walwalka.

Maqaalkaan waxaan ku eegeynaa kala duwanaanshaha u dhexeeya dareenka caadiga ah ee walwalka iyo cudurka walwalka, nuucyada kala duwan ee cudurka walwalka, iyo sida loo daaweyn karo.

Dareenka walwalka ee caadiga ah

Marka shaqsiga uu la kulmo waxyaabaha cabsida keeni kara waxa uu dareemaa walwal, dareenkaasna ma aha mid iska caadi ah, wuxuu lagama maarmaan u yahay qofka noloshiisa.

Dareenka walwalka caadiga ah ayaa imaada marka qofka ay soo wajahdo halis weyn sida marka uu arko bahal dad cun ah oo hortaagan, ama uu ku socdo waddo cidlo ah oo halis ah.

Marka uu qofka la kulmo xaaladahaan halista ah, maskaxda ayaa jirka u dirta qaylo dhaan, si uu jirka isugu diyaariyo inuu ka falceliyo xaaaladda taagan.

Isku diyaarinta waxay noqon kartaa mid la dareemi karo sida garaaca wadnaha iyo heerkulka jirka oo kor u kaca, ama feejignaanta qofka oo badata.

Halista qofka soo wajahda waxay keentaa in si deg deg ah uu jirka u sii daayo hormoonno uu ka mid yahay hormoonka loo yaqaano adrenalin.

Hormoonkaan ayaa ah farriin side maskaxda ku jira, kaas oo kiciya astaamaha ka falcelinta khatarta, hormoonkaan wuxuu jirka u diyaariyaa inuu ka hortago ama ka cararo wax kasta oo khatar ku ah ammaanka qofka.

Walwalka kaliya lama xiriiro khataraha aan kasoo hadalnay, wuxuu kaloo la xiriiraa shaqada qofka, lacagta, nolosha qoyska, caafimaadka, iyo arrimo kale oo muhiim ah oo u baahan feejignaanta qofka.

Walwalka ayaa sidoo kale la dareemaa marka qofka uu qaadi rabo tallaabo uusan horay u qaadin ama uu sameen rabo wax uusan horay u samaynin oo ku cusub, waana wax dabiici ah in qofka uu dareemo walwal xilliyadaan oo kale. 

Dareenka walwalka ayaa sidoo kale noqon kara mid lagama maarmaan u ah badbaadada qofka, tusaale ahaan walwalka uu qofka dareemaayo inuu gaari ku dhoco marka uu gooynaayo wadada ayaa waxay ka dhigan tahay in qofka si feejignaan leh isaga fiiriyo labada dhinac si uu uga fogaado khatarta soo wajihi karta.

Cudurrada walwalka

cudurrada walwalka waxay imaadaan marka walwalka uu noqdo mid joogto ah, qofkana uu mar walbo ka fikiro ama ka walaaco xaalado caadi ah, taasoo u baahan faragalin caafimaad si qofka looga daaweeyo xaaladdaan.

Cudurrada walwalka waxay noqon karaan kuwo fudud oo aan qofka laga dareemi karin iyo kuwo aad u daran oo qofka laga dareemi karo kuwaasoo carqaladayn karaan nolol maalmeedka qofka.

Nuucyada cudurrada walwalka

Cudurrada walwalka waxaa ka mid ah:

Cudurka walwalka guud

Cudurkaan waa xaalad joogto ah oo leh walwal iyo walaac fara badan oo ku aaddan dhacdooyinka nolosha.

Xaaladdaan waxaa lagu qeexaa walaac joogto ah oo aan lahayn meel loo raaco taasoo dhibaato u geysata nolol maalmeedka shakhsiga. 

Calaamadaha walaaca iyo walwalka waxaa dheeri ku ah oo uu qofka dareemi karaa: 

  • Xasilooni darro
  • Daal
  • Muruqyada oo adkaada
  • Hurdo la’aan

Cudurkaan ayaa ah kan ugu badan cudurrada walwalka, dad ka qabana waxaa laga yaabaa iany dareemaan walwal ayadoo aysan jirin wax ku kicinaayo walwalkaas, dadka ayaa sidoo kale had iyo jeer awoodin inay ogaadaan waxa keenay walaaca ay qabaan.

Cudurrada argagaxa

Dadka qaba cudurka argagaxa waxay la kulmaan argagax iyo baqdin joogto ah kaasoo si lama filaan ah ku imaada.

Qof kasta wuu ku dhici karaa argagax. Laakiin  mararka qaarkood, argagaxa xad dhaafka ah wuxuu calaamad u noqon karaa cudurka argagaxa.

Argagaxa ayaa u horseedi kara qofka inuu dareemo gariir, wareer, dawakhaad, lalabbo, iyo dhibaatooyin xagga neefsashada ah. Argagaxa waxa uu qofka u qabtaa si degdeg ah, xoogiisa ugu badanna waxa uu qofka dareemaa 10 ka daqiiqo e u horreyso, hase yeeshee, argagaxa ayaa sii jiri kara saacado dhowr ah.

Marka uu qofka dareemaayo argagax, waxaa kor u kaca shucuurtiisa, waxa uuna dareemaa quus, walbahaar ama cabsi. 

Sidoo kale waxaa sare u kaca oo deg deg noqda garaaca wadnihiisa iyo neefsashadiisa, waxaa kaloo qofka ka imaada dhidid badan, asagoo mararka qaar dareemi karo gariir.

Cabsida ama foobbiyada

Foobbiyada ama cabsida waxay ka mid tahay ‘cudurrada walwalka’, foobbiyada waxay leedahay nuucyo badan oo ay ka mid yihiin: 

  • Foobbiyada guud: nuucaan waa foobbiyo uu qofkasta qabi karo, mana laha astaan khaas ah oo lagu tilmaami karo, qofka ayaa ka cabsa karo waxyaabaha qaar, dhacdooyinka qaar, ama xayawaanada qaar sida dadka foobbiyada ka qaba caarada.
  • Foobbiyada bulshada: foobbiyadaan waxaa mararka qaarkood loo yaqaanaa ‘walwalka bulshada’, qofka waxa uu cabsi ka qabaa in dadka ay xukmiyaan oo ay wax ka sheegaan.

    Qofka ayaa mar walbo isku dayo inuu xaddido la tacaamulka bulshada asaga oo diidaaya in dadka ay xukmiyaan ficilladiisa ama hadaladiisa. 
  • Foobbiyada meelaha: qofka ayaa waxa uu foobbiyo ka qabi karaa meelaha iyo xaaladaha aan laga baxsan karin, tusaale ahaan marka uu qofka saaran yahay wiishka dabaqyada ama uu ku dhex jiro tareen socdo. 

Calaamadaha walwalka

Calaamadaha cudurrada walwalka waxaa ka mid noqon kara:

  • Degenaansho la’aan iyo xasilooni darro
  • Dareen ah in aad qarka u saarantahy halis 
  • Walaac aan la xakamayn karin
  • Howlaha oo qofka ku adkaada
  • Hurdo la’aan

In kasta oo ay astaamahan caadi ahaan ka mid noqon karaan nolol maalmeedka dadka qaar, dadka qaba cudurrada walwalka waxay calaamadahaan u leeyihiin si joogto ah oo xad dhaaf ah. 

Maxaa keena walwalka?

Waxyaabaha keena walwalka waa kuwo jahwareer badan. Waxyaabo badan ayaa laga yaabaa inay hal mar wada keenaan walwalka.

Waxyaabaha suurtogal ka ah ee keeni kara walwalka waxaa ka mid ah:

  • Cadaadis ka imaada deegaanka, sida dhibaatooyinka shaqada, dhibaatooyinka xiriirka, ama arimaha qoyska
  • Hidde-sidaha, waxaa laga yaabaa in qofka uu yeesho walwal badan haddi dad qoyskiisa ka mid ah ay qabaan walwalka.
  • Arrimo caafimaad, sida qofka marka uu isku arko astaamaha cudurrada qaar ama marka uu qofka galaayo qaliin
  • Daawooyinka qaar 
  • Isbadallada hormoonnada maskaxda
  • Iska joojinta balwadda

Maxaa lagu daaweeyaa walwalka?

Daaweynta cudurrada walwalka waxa ka mid ah: 

  • Daaweyn nafsaani ah
  • Daawooyinka caadiga ah
  • Is caawinta qofka

Daaweynta nafsaaniga ah

Habka caadiga ah ee lagu daaweeyo walwalka waa in qofka la siiyo la talin nafsaani ah, oo ay ka mid tahay daaweynta  dabeecadda garashada iyo fikirka qofka. 

Daaweynta nafsaaniga ah ayaa looga gol leeyahay in lagu aqoonsado laguna badalo afkaarta xun xun ee qofka uu leeyahay kuwaasoo aasaas u ah walwalkiisa.

Dhakhaatiirta ayaa isku daya inay xaddidaan afkaarta gurracan oo ay badalaan sida dadku uga falceliyaan waxyaabaha ama xaaladaha kiciya walwalka.

Daaweynta nuucaan ah waxay dadka ka caawisaa inay fahmaan oo ay ogaadaan asalka jirradooda ka dibna ay isku dayaan inay isbadal ku sameeyaan nolol maalmeedkooda. 

Daawooyinka caadiga ah

Daawooyinka laga yaabo inay xakameeyaan qaar ka mid ah astaamaha jirka iyo maskaxda ee ka imaada walwalka waxaa ka mid ah daawooyinka lagu daaweeyo niyad jabka.

Daawooyinka qaar ee loo isticmaalo walwalka waxay noqon karaan kuwo qofka uu la qabsado, balse malaha waxyeellooyin caafimaad oo halis ah, qofka ayaa laga yaabaa inuu dareemo wareer.

Waxaa kaloo laga yaabaa in qofka uula qabsado kuna tiirsanaado daawooyinkaan, mar walbana uu u baahdo inuu isticmaalo, daawooyinkaan waxaa ka mid ah Diazepam, ama Valium.

Daawooyinka looga hortago niyad jabka ayaa sidoo kale lagu daaweeyaa walwalka, daawooyinkaan waxay caadi ahaan ka caawiyaan qofka walaaca, in kasta oo ay u fiican yihiin niyad jabka.

Dawada ugu fiican ayaa ah in qofka uu ku xirnaado Allah, dhagaysiga iyo aqrisashada quraanka kariiim ka ah ayaa kaa caawin kara inay kaa yareeyaan walwalka.

In aad dukato 2 rakaco oo salaad ah mar walbo oo aad iska dareento walwal, ayaa waxay kaa caawineysaa in xilligaas uu kaa tago walwalka

Is caawinta qofka

Xaaladaha qaarkood, qofka wuxuu guriga isaga daaweyn karaa cudurka walwalka. Si kastaba ha ahaatee, is caawintaan ma noqon karto mid waxtar u leh cudurrada walwalka ee aadka u daran ama soo jiray muddada dheer.

Waxaa jiro jimicsiyo iyo waxyaabo dhowr ah oo qofka ka caawiya inuu la qabsado walwalka nuucyadiisa fudud, waxyaabahaas waxaa ka mid ah:

  • Maareynta istareeska ama walbahaarka: barashada maareynta walbahaarka waxay gacan ka geysan kartaa yareynta waxyaabaha kicin kara cudurrada walwalka, isku day inaad maareyso istareeskaaga ama walbahaarkaaga.
  • Farsamooyinka nasashada:  farsamooyinkaan waxaa ka mid ah neefsashada qotada dheer ee ah inaad neef weyn qaadatid hal mar ka dibna aad neefsato.

    Waxaa kaloo ka mid ah farsamooyinkaan qubeysyada dhaadheer, ku nasashada mugdiga ama xeebta adigoo kaligaa ah, dhagaysiga ama aqrisashada quraanka kariim ka ah.
  • Jimicsi: jimicsiga wuxuu hagaajin karaa nolosha qofka wuxuuna jirka ku sii deyn karaa kiimikooyin maskaxda ku jira oo kiciya dareenno fiican oo ay ka mid yihiin nafiska iyo farxadda.
  • Dhex galka bulshada: la sheekeyso qof aad xiiseeneeso, sida xubin qoyskaaga ka mid ah ama saaxiibkaa. La hadalka dadka ayaa waxay ku siin kartaa nafis yar oo aad hesho marka aad dareento walwal.

Sidee looga hortagaa walwalka?

Waxaa jiro habab lagu yareeyo khatarta jirrooyinka walwalka. Xusuusnow in dareenka walwalka yahay arrin dabiici ah oo nolol-maalmeedka ka mid ah, dareenkoodana mar walba ma tilmaamaayo jiritaanka xanuun maskaxeed.

Tallaabooyinka aad qaadi karto si aad u yareyso khatarta walwalka waxaa ka mid ah: 

  • Iska yaree isticmaalka badan ee kafeeyga iyo shaaha
  • Iska yareey isticmaalka baraha bulshada
  • Ka hor inta aadan isticmaalin daawooyinka qaar, la tasho dhakhtar si aad u hubsato in daawada ay ku jiraan wax keeni kara calaamadaha walwalka
  • Joogtee cunista cunto caafimaad leh
  • Hel hurdo joogto ah.
  • Ka fogow waxyaabaha maanka dooriya
Maqaalka HoreWalbahaarka: maarayntiisa iyo saameynta uu ku leeyahay jirka
Maqaalka Xiga Niyad jabka: sidee ayuu usaameeyaa jirka? Sidee ayaana lagu maareeyaa?

Maqaallo Kale

Cilaajyada: Xarumaha Gaarka Loo Lee Yahay Ee Daryeelka Bukaannada Dhimirka

Dayaca iyo Silsiladaynta: Dhibaatooyinka Bukaannada Xanuunnada Dhimirka

Sidee ayay isku saameeyaan culeeysyada dhimirka iyo xanuunada jirka?

Maqaallo Cusub

Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

Ka mid noqo boggeena

Email ahaan u hel maqaal kasta oo cusub oo aan soo galino.

Healthter

Healthter is a non-profit initiative committed to providing the latest and most reliable health information in the Somali language, tailored specifically for Somali communities.

This initiative was brought to life by Mohamed Mustaf Ahmed, who identified a significant gap in the availability of a health platform that offers reliable and current health information in Somali. Healthter enables Somali individuals, particularly those who may not be fluent in English, to access essential health information in their native language.

Mohamed, a medical doctor, data scientist, and researcher, is the sole manager, financier, and contributor to Healthter. His passion to improve global health, with a special emphasis on Somalia, is the driving force behind this platform.

For personalized information and advice, don't hesitate to get in touch:

Email: momustafahmed@outlook.com

Alternatively, you can connect with me via the provided Linkedin link below:

LinkedIn
Credits & References
  1. Healthline Media
  2. PubMed
  3. WHO (World Health Organization)
  4. CDC (Center for Disease Control)
  5. NIH (National Institutes of Health)
  6. MayoClinic
  7. WebMD
Maqaallo Cusub
Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka
Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha
HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta
Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida
© 2025 (Healthter Media)

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.