Close Menu
  • C. guud
    • Kansar
    • Neefta
    • Wadnaha
  • C. Bulshada
    • Talooyin
  • Warbixinno
    • Teknoloji
  • Covid-19
HealthterHealthter
  • C. guud
    1. Kansar
    2. Neefta
    3. Wadnaha
    maqaalki u dambeeyey

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Maqaalada kale

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Cilaajyada: Xarumaha Gaarka Loo Lee Yahay Ee Daryeelka Bukaannada Dhimirka

    Dayaca iyo Silsiladaynta: Dhibaatooyinka Bukaannada Xanuunnada Dhimirka

  • C. Bulshada
    1. Talooyin
    2. Fur kulli

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

    Jimicsiga: nuucyadiisa iyo faaiidooyin ka uu u leeyahay caafimaadka qofka

    Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

    Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

  • Warbixinno
    1. Teknoloji
    2. Fur kulli

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

    Teknolojiyadda: dhibaato nuucee ayay u leedahay maskaxda iyo jirka ?

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Xiriirka waalidka iyo ilmaha – waa maxay sababta uu muhiim u yahay?

    Maraxaladaha cudurrada ayay ku xirantahay tilaabada dhaqtarka uu qaadaayo

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

  • Covid-19

    Omicron: nuuca cusub ee coronavirus, muxuu uga duwanyahay nuucyada kale?

    COVID-19: calaamadihiisa, sida uu ku faafi karo iyo ka hortaggiisa

    Tallaalka COVID-19: nuucyadooda iyo sida ay uga hortagaan fayraska

    Calaamadaha COVID-19: kuwa ugu badan iyo mudada ay haayaan qofka

    Neefsashada adag ee COVID-19: sida ay ku imaato iyo waxyaabaha keeno

HealthterHealthter
Home»Cudurada faafa»COVID-19»Tallaalka COVID-19: nuucyadooda iyo sida ay uga hortagaan fayraska

Tallaalka COVID-19: nuucyadooda iyo sida ay uga hortagaan fayraska

Mohamed Mustaf AhmedMohamed Mustaf AhmedApril 28, 2025
Share
Copy Link WhatsApp Telegram Facebook Twitter LinkedIn Pinterest
  • Nuucyada tallaalada COVID-19
  • Waxyeellooyinka iyo waxtarka tallaalka COVID-19

Tallaalada COVID-19 waxay u shaqeeyaan si la mida tallaalada kale, tallaalka ma keeno cudur balse kaliya difaaca jirka ayuu baraa tilmaamaha fayraska si jirka uu usii diyaarsado wixii uu kula dagaali lahaa haddii uu fayraska soo galo jirka. 

Waxaa jiro in ka badan 20 nuuc oo tallaalada looga hortago COCVID-19 ah, waxayna haystaan ogolaanshaha ah in laga isticmaali karo adduunka oo dhan.

Mararki hore waqti dheer ayay qaadan jirtay in la sameeyo tallaal si looga hortago cudurrada, balse marki lasoo saaraayey tallaalka COVID-19 cilmi-baarayaasha waxay ku shaqeeyeen xaalado aan hore loo arag si ay si deg deg ah ugu hormariyaan tallaal looga hortagi  karo COVID-19 oo adduunka hal mar ku faafay.

Waxay qaadatay wax ka yar hal sano in lagu soo saaro tallaaladii ugu horreeyay ee COVID-19, In kasta oo soo saaristaan ay aad uga dhakhso badan tahay dhammaan tallaalada kale, khubarada waxay ka faa’iideysteen teknolojiyadda tallaalka ee hadda jirta iyo dadaallada caalamiga ah ay wadeen hay’adaha caafimaadka adduunka.

Maqaalkaan waxaan ku eegeynaa sida tallaalada COVID-19 ee kala duwan ay u shaqeeyaan iyo waxyeellooyinka iyo waxtarka tallaalka.

Nuucyada tallaalada COVID-19

In kasta oo dhammaan tallaalada COVID-19 ee laga isticmaalo adduunka oo dhan ay ujeedadoodu tahay in la gaaro hal hadaf oo ah in laga hortago cudurka, haddana shirkadaha soo saaro tallaalka waxay adeegsadaan farsamooyin tallaal oo kala duwan.

Nuucyada tallaalada COVID-19 waxay ku kala duwanyihiin waxyaabaha ku jiro tallaalka dhaxdiisa, tallaalada qaarkood waxa ku jiro fayraska korona oo aad loo daciifiyey, qaar kalena waxay isticmaalaan qaybo ka mid ah fayraska, qaarna maba isticmaalaan wax si toos ah fayraska looga soo qaatay.

mRNA

Nuuc ka mid ah tallaalada ugu horeeyey ee la sameyey waxa uu ahaa (mRNA), tallaalkaan mRNA kuma jirto qayb ka mid ah fayraska, taa badalkeeda, waxa uu wataa wax ka mid ah hidde sidaha fayraska oo loo yaqaano (mRNA), hidde-sidehaan waxa uu wataa macluumaad lagama maarmaan u ah in unugyada jirkeena ay helaan si ay usoo saaraan borotiin uu leeyahay fayraska korona.

Marka hidde-sidahaas ay ku jirto macluumaadka borotiinka gaarka u ah fayraska uu galo unugyada jirkeena, unugyada ayaa sameeya borotiinkaas waxayna u soo bandhigaan nidaamka difaaca jirka, ka dibna jirka waxa uu difaac ka sameestaa borotiinkaas, si hadhow uu ula dagaallamo jirka haddii uu soo galo fayraska caadiga ahaa.

Shirkadaha soo saaray tallaalka (mRNA) waxaa ka mid ah:

  • BioNTech-Pfizer
  • Moderna

Viral vector

Sida la mid ah tallaalada mRNA, tallaalada (Viral vector) ka sidoo kale kuma jiro fayraska korona oo dhamaystiran, balse waxaa ku jiro fayras kale oo aan koronaha ahayn halisna aan lahayn, fayraskaan ayaa waxa la galieyey oo uu wadaa macluumaad lagama maarmaan u ah in unugyada jirkeena ay helaan si ay usoo saaraan borotiin uu leeyahay fayraska korona.

Unugyada ayaa ka dib borotiinkaas u bandhigaan nidaamka difaaca jirka, ka dibna jirka waxa uu difaac ka sameestaa borotiinkaas, si hadhow uu ula dagaallamo jirka haddii uu soo galo fayraska caadiga ahaa.

Shirkadaha soo saaray tallaalka (Viral vector) waxaa ka mid ah:

  • Oxford-AstraZeneca
  • Sputnik V
  • Johnson & Johnson 

Subunit

Sid la mid ah tallaalada (mRNA)  iyo tallaalada (Viral vector) tallaalada (subunit) kuma jiro fayras oo dhan, waxaa ku jiro kaliya qayb ka mid ah fayraska korona.

Laakiinse si ka duwan sida tallaalada (mRNA)  iyo tallaalada (Viral vector), meeshi unugyada jirka loo gudbin lahaa hidde-sidaha ka kooban macluumaadka lagama maarmaanka ah ee unugyada u baahan yihiin si ay usoo saaraan borotiinka u gaarka ah fayraska korona, tallaalkaan asaga ayaaba si toos ah u wato borotiinkaas.

Ka dibna borotiinkaas ayaa loo bandhigaa nidaamka difaaca jirka, ka dibna jirka waxa uu difaac ka sameestaa borotiinkaas, si hadhow uu ula dagaallamo jirka haddii uu soo galo fayraska caadiga ahaa.

Shirkadaha soo saaray tallaalka (Subunit) waxaa ka mid ah:

  •  Novavax

Inactivated

Si ka duwan tallaalada (mRNA, Viral vector & Subunit), tallaalkaan waxaa ku jiro fayraska korona oo dhamaystiran, balse waa fayraski oo kiimiko ahaan loo badalay, lagana dilay awoodda uu ku kori lahaa uuna ku sababi lahaa cudur.

Borotiinka uu wato fayraskaan daciifka ayaa loo bandhigaa nidaamka difaaca jirka, ka dibna jirka waxa uu difaac ka sameestaa borotiinkaas, si hadhow uu ula dagaallamo jirka haddii uu soo galo fayraska caadiga ah ee awoodda leh. 

Tallaalkaan uma xoog badno sida tallaalada kale ee aan kor kusoo xusnay, maadaama uu ka kooban yahay fayraski oo aad loo daciifiyey, difaaca uu jirka siiyana ma sii jiro muddo dheer.

Shirkadaha soo saaray tallaalka (inactivated) waxaa ka mid ah:

  • Sinovac
  • Sinopharm
  • Bharat Biotech

Waxyeellooyinka iyo waxtarka tallaalka COVID-19

Marki la soo saaraayo tallaalada, waxa ay maraan tijaabooyin iyo baaritaanno adag si loo  qiimeeyo badbaadada tallaalka loona xaqiijiyo awoodda uu u leeyahay in uu ka hortago cudurka.

Saynisyahannada waxay sameeyaan daraasado badan ka hor inta aysan bulshada usoo gudbin tallaalka, taas waxay u oggolaanaysaa inay helaan xog ku saabsan suurtagalnimada in dadka qaata tallaalka ay la kulmi doonaan waxyeellooyin uu tallaalka sababay.

Tusaale ahaan, 84.7% dadka qaatay tallaalka (Pfizer-BioNTech) intii lagu jiray tijaabooyinka tallaalka ayaa soo sheegay waxyeello uu tallaalka gaarsiiyey meesha duriinka laga sameeyey.

Waxyeellada ugu badan waxay ahayd xanuun, taas oo 83.1% ka mid ah dadka da’doodu u dhaxayso 18  – 55 sano iyo 71.1% ka mid ah  kuwa da’doodu tahay 55 sano iyo ka badan ay soo sheegeen.

Waxtarka tallaaladaan ayaa aad u fiicnaa, marka loo eego sida ay uga hortageen cudurka, tusaale ahaan baarayaasha waxay soo sheegeen in 94.1% dadka qaatay tallaalka Moderna ay ka hortag ka sameeyeen cudurka.

Maqaalka HoreCalaamadaha COVID-19: kuwa ugu badan iyo mudada ay haayaan qofka
Maqaalka Xiga COVID-19: calaamadihiisa, sida uu ku faafi karo iyo ka hortaggiisa

Maqaallo Kale

Omicron: nuuca cusub ee coronavirus, muxuu uga duwanyahay nuucyada kale?

COVID-19: calaamadihiisa, sida uu ku faafi karo iyo ka hortaggiisa

Calaamadaha COVID-19: kuwa ugu badan iyo mudada ay haayaan qofka

Maqaallo Cusub

Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

Ka mid noqo boggeena

Email ahaan u hel maqaal kasta oo cusub oo aan soo galino.

Healthter

Healthter is a non-profit initiative committed to providing the latest and most reliable health information in the Somali language, tailored specifically for Somali communities.

This initiative was brought to life by Mohamed Mustaf Ahmed, who identified a significant gap in the availability of a health platform that offers reliable and current health information in Somali. Healthter enables Somali individuals, particularly those who may not be fluent in English, to access essential health information in their native language.

Mohamed, a medical doctor, data scientist, and researcher, is the sole manager, financier, and contributor to Healthter. His passion to improve global health, with a special emphasis on Somalia, is the driving force behind this platform.

For personalized information and advice, don't hesitate to get in touch:

Email: momustafahmed@outlook.com

Alternatively, you can connect with me via the provided Linkedin link below:

LinkedIn
Credits & References
  1. Healthline Media
  2. PubMed
  3. WHO (World Health Organization)
  4. CDC (Center for Disease Control)
  5. NIH (National Institutes of Health)
  6. MayoClinic
  7. WebMD
Maqaallo Cusub
Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka
Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha
HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta
Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida
© 2025 (Healthter Media)

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.