Close Menu
  • C. guud
    • Kansar
    • Neefta
    • Wadnaha
  • C. Bulshada
    • Talooyin
  • Warbixinno
    • Teknoloji
  • Covid-19
HealthterHealthter
  • C. guud
    1. Kansar
    2. Neefta
    3. Wadnaha
    maqaalki u dambeeyey

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Maqaalada kale

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Cilaajyada: Xarumaha Gaarka Loo Lee Yahay Ee Daryeelka Bukaannada Dhimirka

    Dayaca iyo Silsiladaynta: Dhibaatooyinka Bukaannada Xanuunnada Dhimirka

  • C. Bulshada
    1. Talooyin
    2. Fur kulli

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

    Jimicsiga: nuucyadiisa iyo faaiidooyin ka uu u leeyahay caafimaadka qofka

    Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

    Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

  • Warbixinno
    1. Teknoloji
    2. Fur kulli

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

    Teknolojiyadda: dhibaato nuucee ayay u leedahay maskaxda iyo jirka ?

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Xiriirka waalidka iyo ilmaha – waa maxay sababta uu muhiim u yahay?

    Maraxaladaha cudurrada ayay ku xirantahay tilaabada dhaqtarka uu qaadaayo

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

  • Covid-19

    Omicron: nuuca cusub ee coronavirus, muxuu uga duwanyahay nuucyada kale?

    COVID-19: calaamadihiisa, sida uu ku faafi karo iyo ka hortaggiisa

    Tallaalka COVID-19: nuucyadooda iyo sida ay uga hortagaan fayraska

    Calaamadaha COVID-19: kuwa ugu badan iyo mudada ay haayaan qofka

    Neefsashada adag ee COVID-19: sida ay ku imaato iyo waxyaabaha keeno

HealthterHealthter
Home»Warbixinno»Xiriirka waalidka iyo ilmaha – waa maxay sababta uu muhiim u yahay?

Xiriirka waalidka iyo ilmaha – waa maxay sababta uu muhiim u yahay?

Mohamed Mustaf AhmedMohamed Mustaf AhmedApril 28, 2025
Share
Copy Link WhatsApp Telegram Facebook Twitter LinkedIn Pinterest
  • Muhiimadda xiriirka wanaagsan ee waalidka iyo caruurta
  • Sidee loo wanaajiyaa xiriirka waalidka iyo caruurta?

Qoraalkaan waxaan ku eegii doonnaa sida loo wanaajiyo xiriirka waalidka iyo caruurta taasoo ku fadhisa ahmiyad aad u weyn.

Xiriir ay ubadka la yeshaan dad midka ugu muhiimsan waa kan ay la yeeshaan waalidkood. Carruurtu waxay wax ka bartaan adduunka ku xeeran iyaga oo u maraya tarbiyada  iyo xiriirka wanaagsan ee waalidku la leeyahay.

Meelaha carruurtu ka dareemaan inay ku sugan yihiin xaalad wanaagsan waa dhaqanka waalidka ay ku arkaan, waana waxa saldhig u noqon kara dhismaha mustaqbalka ilmaha.

Waxaa hubaal ah in qof walba uu xiriir wanaagsan la sameyn karo carruurtiisa, iyadoo muhiim ay tahay in carruurta waqti fiican lala qaato, u samee jawi qurxoon oo ay raali ka yihiin, la soco in wax walba aysan u dhicin sidaad rabto balse loo baahan yahay inaad ku dadaasho hagaajinta xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya adiga iyo carruurtaada, iyadoo dhanka kale la dhihi karo barbaarinta caruurta waxay ka mid tahay xuquuqda waalidka lagu leeyahay.

Waalidnimadu waa shaqada ugu qanisan ee aan waligeen yeelan doonno, laakiin maaha mid caqabado la’aan ah. Nolosha qoyska ee casriga ah waxay noqon kartaa mid walbahaar badan leh oo cadaadisyo kala duwan saarto qoysaska. 

Ugu dambayntii, xiriirka adag ee waalidka iyo ilmaha wuxuu caawin karaa una horseedi karaa natiijooyin wanaagsan carruurta. 

Muhiimadda xiriirka wanaagsan ee waalidka iyo caruurta

Xiriirka Waalidka iyo Ilmaha waa mid kobciya horumarka jireed, shucuureed iyo bulshadeed ee ubadka. Waa xiriir gaar ah oo ubad kasta iyo waalidku ku raaxaysan karaan kuna kori karaan. Xiriirkani waxa uu aasaas u noqdaa shakhsiyadda ilmaha, doorashada nolosha iyo hab-dhaqanka guud ee ilmaha.

Qaar ka mid ah faa’iidooyinka waxaa ka mid ah:

  • Carruurta yar yar ee ku koro meel aamin ah oo xiriir wanaagsan laleh  waalidkood, waxay heestaan fursad wanaagsan oo ay ku kobcin karaan cilaaqaad farxad iyo qanacsanaan leh inee la sameeystaan dadka kale ee noloshooda kusoo biiri doono . 
  • Ilmaha xiriirka wanaagsan la leh waalidkooda waxay bartaan inay xakameeyaan shucuurtooda marka ay ku jiraan xaalad adag.
  • Waxay ka caawisaa ilmaha inay muujiyaan yididiilo iyo hab-dhaqan bulsho oo kalsooni leh.
  • Ka warqabidda  iyo faragelinta wanaagsan ee uu waalidka ku sameeyo nolol maalmeedka ilmaha ayaa aasaas u ah xirfado bulsho iyo waxbarasho oo wanaagsan.
  • Carruurta waxay sidoo kale helaan xirfado muhiim ah oo lagu xaliyo mashaakilaadka marka ay xiriir wanaagsan la yeeshaan waalidkood.
  • Markuu xiriirka waalidka iyo caruurta wanaagsanyahay, caruurta wax dhib ah kuma heyso inuu waalidka la wadaago sirihiisa iyo dhibta heeysato.

Sidee loo wanaajiyaa xiriirka waalidka iyo caruurta?

  • U muuji jaceyl
  • Dheh inta badan erayga “waan ku jeclahay”
  • Dhageyso ilmaha oo u naxariiso
  • La ciyaar ilmaha
  • Noqo waalid la heli karo oo aan mashquul ahayn
  • Cunto la cun ilmaha
  • Abuur jawi waalid iyo caruur
  • Samee xuduudo,sharciyo iyo ganaax
  • Balanqaadyada ku dhegnoow oo ka dhabeey
  • Baro ilmahaaga oo ku qiimey shakhsiyadda ay leeyihiin

Bal aan qodob qodob u kala qaadno Xiriirka Waalidka iyo Caruurta . In aad xiriir wanaagsan la yeelato ilmahaaga waa muhiim si loo horumariyo loona abuuro xiriir adag oo waalidka iyo ilmaha u dhaxeeyo. Halkaan waxaan ku sharraxaynaa qodobo dhowr ah oo kaa caawinaya xoojinta xiriirka aad la leedahay carruurtaada.

U muuji jaceylkaaga

Taabashada aadanaha iyo kalgacalka ayaan u baahannahay marxalad kasta oo nolosheena ka mid ah si loo helo horumar xagga shucuurta iyo maskaxda ah.

Waa muhiim inuu ilmahaaga kaa helo naxariis, taabasho kalgacal (habsiin) adiga oo dhowr jeer sameeynaya maalintii.

Hel fursad aad kula sheekeysan karto ilmahaaga. Runtii carruurtu waxay u baahan yihiin inaad si diirran u salaanto, u dhoolla caddeeyso, ula sheekeysato, una dhiirrigeliso si daacadnimo ay ku dheehantahay.

Adeegso erayga “waan ku jeclahay”

Dabcan waad jeceshahay caruurtaada laakiin maalin kasta u sheeg inaa jeceshahay da’ kasta oo ay yihiin.

Xitaa marka ay ilmahaagu madax adeyg sameeyaan ama sameeyaan wax aadan jeclayn; tani waxay noqon kartaa fursad aad u fiican oo lagu xusuusiyo inaad jeceshahay shuruud la’aan. Waa eray fudud “Waan ku jeclahay” balse waxay saameyn weyn ku yeelan kartaa xiriirka muddada dheer ee aad la leedahay ilmahaaga.

La ciyaar ilmaha

Cayaartu aad ayey muhiim ugu tahay horumarka ilmaha. Waa aaladda ay carruurtu ku horumariyaan xirfadaha luqadda, ku muujiyaan shucuurta, ku kobciyaan hal-abuurka, iyo barashada xirfadaha bulshada.

Intaa waxaa sii dheer, waa hab xiiso leh oo aad adigu ku xoojin karto xiriirka aad la leedahay ilmahaaga. Macno malahan waxaad ciyaareyso ujeedada ayaa ah inaad kaliya ku raaxeysatid la jirkooda oo aad u heellan tahay inaad ilmahaaga siiso feejignaan aan kala sooc lahayn.

Noqo waalid laheli karo oo aan mashquul ahayn

Waqti u sameey si aad ula hadasho ilmahaaga iyadoo aysan jirin wax carqalad ah, xitaa 10 daqiiqo maalintii waxay samayn kartaa farqi weyn oo saameyn wanaagsan kuleh wada hadalkiina.

Demi telefeshinka, iska fogee aaladahaaga elektiroonigga ah sida moobeylada, ilmahaaga wuxuu u baahan yahay inuu ogaado inaad rumeysan tahay inay yihiin muhiimadda koowaad ee noloshaada.

Cuntada la cun ilmaha

Wax wada cunista qoys ahaan waxay badanaa horseedi kartaa wadahadal wanaagsan iyo isku soo dhawaanshaha qoyska.

Ku dhiirigeli qof walba inuu dhigo taleefannadiisa ama aaladaha kale. Waqtiga cunnada sidoo kale waa fursad weyn oo aad ku bari karto carruurtaada muhiimadda ay leedahay cunno caafimaad leh oo dheellitiran, taas oo sidoo kale saameyn ku yeelata caafimaadkooda guud ee maskaxda iyo jirkaba.

Dhegayso oo u naxariiso

Xiriir kasta oo wanaagsan wuxuu ka bilaabmaa dhegaysi. Dhuux dareenka ilmahaaga, tus inaad fahamtay, una xaqiiji inaad u joogto inaad ka caawiso wax kasta oo ay u baahan yihiin.

Isku day inaad wax u aragto sida ay ayaga wax u arkayaan. Dhageysiga iyo u naxariisashada ilmahaaga waxay kaa saacidi doonaan inaad kobciso ixtiraamka labada dhinac.

Abuur jawi waalid iyo caruur

Haddii aad leedahay wax ka badan hal cunug, isku day inaad la hadasho shaqsi walba. Ogoow, hal-hal mar oo carruurtaada aad kulan la qaadato waxay xoojin kartaa isku-xirnaanta waalidka iyo ilmaha, waxayna kor u qaadeysaa isku-kalsoonaanta ilmahaaga, waxaadna u sheegi kartaa inay yihiin kuwo qaas ah oo la qiimeeyo.

Samee xudduudo, sharciyo, iyo ganaax

Carruurtu waxay u baahan yihiin qaab dhismeed iyo hagitaan joogto ah, markay korayaan oo ay wax ka baranayaan adduunka ku xeeran. Kala hadal carruurtaada waxa aad ka filanayso iyaga oo hubi inay fahmaan. 

Markii xeerarka la jebiyo, hubi inaad horay u diyaarsatay ganaax ku habboon da’da caruurta si ay u fahmaan in ay jiraan sharci iyo isla xisaabtan la iskula tacaamulo adduunka.

Balanqaadyada ku dheganoow oo ka dhabeey

Ilmahaaga wuxuu bartaa inuu ku kalsoonaado waxaad tiraahdo. Tusaale ahaan, haddii aad ballan-qaaddo inaad aadi doontaan dalxiis ama meelaha lagu ciyaaro, sameey wax kasta oo aad awooddo si aad halkaas u aaddaan.

Baro ilmahaaga oo ku qiimee shakhsiyadda ay leeyihiin

Hadii ilmahaagu jecel yahay kubadda cagta, ka farxi ilmahaaga ama weydii ciyaartoyda ugu fiican. Muujinta ixtiraamka dareenka iyo ra’yiga ilmahaaga waxay ku dhiirrigelisaa ilmahaaga inuu kula wadaago wax walbo.

Maqaalka HoreBaabasiirka: calaamadihiisa, nuucyadiisa, heerarkiisa iyo daaweyntiisa
Maqaalka Xiga Sidee ayay isku saameeyaan culeeysyada dhimirka iyo xanuunada jirka?

Maqaallo Kale

Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

Maraxaladaha cudurrada ayay ku xirantahay tilaabada dhaqtarka uu qaadaayo

Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

Maqaallo Cusub

Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

Ka mid noqo boggeena

Email ahaan u hel maqaal kasta oo cusub oo aan soo galino.

Healthter

Healthter is a non-profit initiative committed to providing the latest and most reliable health information in the Somali language, tailored specifically for Somali communities.

This initiative was brought to life by Mohamed Mustaf Ahmed, who identified a significant gap in the availability of a health platform that offers reliable and current health information in Somali. Healthter enables Somali individuals, particularly those who may not be fluent in English, to access essential health information in their native language.

Mohamed, a medical doctor, data scientist, and researcher, is the sole manager, financier, and contributor to Healthter. His passion to improve global health, with a special emphasis on Somalia, is the driving force behind this platform.

For personalized information and advice, don't hesitate to get in touch:

Email: momustafahmed@outlook.com

Alternatively, you can connect with me via the provided Linkedin link below:

LinkedIn
Credits & References
  1. Healthline Media
  2. PubMed
  3. WHO (World Health Organization)
  4. CDC (Center for Disease Control)
  5. NIH (National Institutes of Health)
  6. MayoClinic
  7. WebMD
Maqaallo Cusub
Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka
Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha
HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta
Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida
© 2025 (Healthter Media)

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.