Close Menu
  • C. guud
    • Kansar
    • Neefta
    • Wadnaha
  • C. Bulshada
    • Talooyin
  • Warbixinno
    • Teknoloji
  • Covid-19
HealthterHealthter
  • C. guud
    1. Kansar
    2. Neefta
    3. Wadnaha
    maqaalki u dambeeyey

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Maqaalada kale

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Cilaajyada: Xarumaha Gaarka Loo Lee Yahay Ee Daryeelka Bukaannada Dhimirka

    Dayaca iyo Silsiladaynta: Dhibaatooyinka Bukaannada Xanuunnada Dhimirka

  • C. Bulshada
    1. Talooyin
    2. Fur kulli

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

    Jimicsiga: nuucyadiisa iyo faaiidooyin ka uu u leeyahay caafimaadka qofka

    Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

    Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

  • Warbixinno
    1. Teknoloji
    2. Fur kulli

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

    Teknolojiyadda: dhibaato nuucee ayay u leedahay maskaxda iyo jirka ?

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Xiriirka waalidka iyo ilmaha – waa maxay sababta uu muhiim u yahay?

    Maraxaladaha cudurrada ayay ku xirantahay tilaabada dhaqtarka uu qaadaayo

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

  • Covid-19

    Omicron: nuuca cusub ee coronavirus, muxuu uga duwanyahay nuucyada kale?

    COVID-19: calaamadihiisa, sida uu ku faafi karo iyo ka hortaggiisa

    Tallaalka COVID-19: nuucyadooda iyo sida ay uga hortagaan fayraska

    Calaamadaha COVID-19: kuwa ugu badan iyo mudada ay haayaan qofka

    Neefsashada adag ee COVID-19: sida ay ku imaato iyo waxyaabaha keeno

HealthterHealthter
Home»C. Guud»Maskaxda»Cilaajyada: Xarumaha Gaarka Loo Lee Yahay Ee Daryeelka Bukaannada Dhimirka

Cilaajyada: Xarumaha Gaarka Loo Lee Yahay Ee Daryeelka Bukaannada Dhimirka

Mohamed Mustaf AhmedMohamed Mustaf AhmedApril 28, 2025
Share
Copy Link WhatsApp Telegram Facebook Twitter LinkedIn Pinterest
  • Waa maxay Cilaaj?
  • Sababaha Cilaajka
  • Noocyada Bukaannada
  • Saamaynta Cilaajyada
  • Horumarinta Cilaajyada
  • Gunaanad

Waa maxay Cilaaj?

Cilaaj waa kalmad Soomaali ah oo laga keenay kalmadda carabiga ah ee “علاج” taaso macneheeda noqonaayo “daawayn”. Cilaajyada waa xarumo lagu xareeyo lagu baxnaaniyana dadka xanuunada dhimirka qabo, badanaa xarumahaan waa xarumo si gaar ah loo leeyahay.

Xarumahaan ma aha xarumo ay shati ama laysin siiso dawladda si ay u hawlgalaan. Xarumaha kama jiraan barotokoollo ama shuruuc dawladeed oo ay u hoggaansamaan markay noqoto daawaynta iyo baxnaanaynta bukaanada.

Sababaha Cilaajka

Sida laga spo xigtay Ururka Caalamiga ah ee Caafimaadka Adduunku ee WHO, saddexdii qof ee Soomaali ahba hal qof ayaa qabo nuuc ka mid ah xanuunada dhimirka.

Adeegyada daryeelka caafimaadka maskaxda waxaa badanaa lagu bixiyaa isbitaalo gaar loo leeyahay, waxaaana kaliya lagu daaweeyaa bukaan socodka qarashkooduna waa mid qaali ah.

Isbitaallada ufuran dadweynaha ee dawladda hoos imaado waxay leeyihiin waaxyo qaabilsan daaweynta xanuunada dhimirka laakiin xarumahaan ma aha kuwo ku filan baahida loo qabo xarumo noocaas ah.

Cilaajyada waxaa loo abuuraa si ay u buuxiyaan baahidaas jirto una siiyaan daryeel bukaanada xanuunkoodu daran yahay ee xaraynta iyo baxnaaninta u baahan.

Qoysas badan waxay ku xareeyan bukaankooda ay jecelyiin xarumahaan maadaama aysan jirin xarumo kale oo dhaama oo ay geeyaan.

Noocyada Bukaannada

Dadka oo dhan ma awoodaan inay bixiyaan qarashka xarumaha lagu xaraynaayo laguna xanaanaynaayo bukaankooda, maadaama qarash badan oo bille ah ay qaataan.

Sidaa awgeed, kaliya qoysaska heerkooda dhaqaale fiican yahay ayaa caadi ahaan ku xareeya xarumahaan bukaankooda ka xanuusan ee ay jecelyihiin. Bukaanada lagu xareeyo xarumahaan waxaa ka mid ah:

  1. Bukaannada naftooda waxyeeleeya ama dadka kale
  2. Kuwa qaadka cuna ama  cabba sigaarka
  3. Kuwa aan qaadan daawooyinka sida looga baahan yahay

Xarumaha cilaajyada waxay baxnaanin iyo daawayn siiyaan bukaanada noocan ah kuwaas oo aan lagu daaweyn karin xarumaha caafimaadka ee bukaan socodka.

Haddii xarumahaan aysan jiri leheenna, dadka noocan ah ee qaba xanuunadaan dhimirka ma aysan heleen daryeelka ku habboon, qaar badan oo ka mid ahna waa ay dayacmi lahaayeen, taas oo ku tusayso baahida muhiimka ah ee loo qabo xarumahaan.

Saamaynta Cilaajyada

  • Dhibaatooyinka Caafimaadka Jirka: Miisaanka bukaanadaan waa uu kordhaa, waxaana sabab u ah nolol maalmeedkooda fadhiidka ah iyagoon wax jimicsi ah aan samayn. Daawooyinka dhimirka ay qaataan ayaa sidoo kale ka qayb qaadan karo kororka miisaankooda.

    Kororka miisaanka waxaa ka dhasho dhibaatooyin caafimaad oo ay ka mid yihiin cudurrada sokorta iyo dhiig karka.

  • Rabshad: Bukaannada lagu xareeyo xarumaha cilaaka mararka qaar waa ay kacaan wayna dagaallamaan, wayna  waxyeeleeyaan, taasna waxay keeni kartaa in ay is gaarsiiyaan dhaawacyo halis ah.

  • Dayyac iyo Xadgudub: Ma jiraan xirfadlayaal caafimaad oo si wacan ugu tababaran daawaynta iyo daryeelka dadka xanuunada dhimirka qaba, bukaanada qaar waa la dayyacaa, loo hanjabaa, la garaacaa amaba la xiraa.

  • Nadaafad Darro: Xarumahaan oo loogu talo galay in lagu ganacsado faa’ido lacageedna laga helo, sidoo kalena uusan jirin kormeer joogto ah ama shuruuc ay uhoggaansamaan, waxaa dhacdo inay qabtaan bukaano ka badan inta xarunta qaadi karto taas oo keento inay buux dhaafto ayna ka dhalato xaalad nadaafad darro ah oo sababi karto dhibaatooyin caafimaad.

Horumarinta Cilaajyada

Xarumahaan waxay daboolaan baahi dhab ah oo ka jirta Soomaaliya, laakiin ma aha xal habboon. Dawladda waa inay qaadaa tallaabooyin lagu korjoogtaynayo xarumahan si loo xaqiijiyo inay bixinayaan daryeel wax ku ool ah oo ammaan ah. Tallaabooyinkaan waxaa ka mid noqon karo:

  1. Abuurista qaab shaqo oo shati ama laysin lagu siinaayo laguna kormeeraayo cilaajyada
  2. Siinta tababar xirfadlayaasha caafimaadka maskaxda
  3. Samaynta kormeer joogto ah si loo xaqiijiyo inay u hoggaansan yihiin shuruudaha hawlgalidda.

Gunaanad

Dawladda waa inay maalgalisho fidinta adeegyada caafimaadka maskaxda si qof kasta uu u helo uguna heli karo qiimo jaban. Taas waxay yarayn kartaa baahida loo qabo daryeelka lagu bixiyo cilaajyada.

Maqaalka HoreDayaca iyo Silsiladaynta: Dhibaatooyinka Bukaannada Xanuunnada Dhimirka
Maqaalka Xiga Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

Maqaallo Kale

Dayaca iyo Silsiladaynta: Dhibaatooyinka Bukaannada Xanuunnada Dhimirka

Sidee ayay isku saameeyaan culeeysyada dhimirka iyo xanuunada jirka?

Caafimaadka maskaxda: maxay yihiin waxyaabaha saameeynta ku leh?

Maqaallo Cusub

Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

Ka mid noqo boggeena

Email ahaan u hel maqaal kasta oo cusub oo aan soo galino.

Healthter

Healthter is a non-profit initiative committed to providing the latest and most reliable health information in the Somali language, tailored specifically for Somali communities.

This initiative was brought to life by Mohamed Mustaf Ahmed, who identified a significant gap in the availability of a health platform that offers reliable and current health information in Somali. Healthter enables Somali individuals, particularly those who may not be fluent in English, to access essential health information in their native language.

Mohamed, a medical doctor, data scientist, and researcher, is the sole manager, financier, and contributor to Healthter. His passion to improve global health, with a special emphasis on Somalia, is the driving force behind this platform.

For personalized information and advice, don't hesitate to get in touch:

Email: momustafahmed@outlook.com

Alternatively, you can connect with me via the provided Linkedin link below:

LinkedIn
Credits & References
  1. Healthline Media
  2. PubMed
  3. WHO (World Health Organization)
  4. CDC (Center for Disease Control)
  5. NIH (National Institutes of Health)
  6. MayoClinic
  7. WebMD
Maqaallo Cusub
Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka
Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha
HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta
Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida
© 2025 (Healthter Media)

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.