Akhriska
Akhriska waxa uu faaiido u leeyahay caafimaadka jirkaaga iyo maskaxdaada labadaba, faa’iidooyinkaasna waxay sii jiri karaan inta noloshaada ka dhiman.
Haddii aad is barto akhriska oo aad jeclaato, waxa aad dareemaysaa in aad caalam kale joogtid marka aad wax akhrisanayso, akhriska ayaa kaa baabi’inaayo istareeska nolosha, ugu yaraan si ku meelgaar ah.
In yar oo bulshadeena ka mid ah ayaa ah kuwo wax akhriyo, haddii aad ku jirto inta kale ee akhriska shaqadooda uusan ahayn, laga yaabee inaad wax badan ka barato sida akhriska uu u wanaajin karo caafimaadka iyo fayoobaanta qofka ka dibna aad ka fogaato telefeshinnada oo aad u wareegto maktabadaha.
Waa maxay waxa dhabta ah ee qofka uu ka helo akhriska? Ma wax caadi iska ah baa akhriska?, mise faaiidooyin ayaa ku hoos jiro? Jawaabta cilmiyaysan ayaa ah “haa, waliba faaiidooyin badan”.
Cilmi-baarayaasha waxay ogaadeen in akhriska uu faa’iidooyin u leeyahay caafimaadka iyo ladnaanta qofka. Maqaalkaan waxaan ku eegeynaa qaar ka mid ah faaiidooyinkaas.
Akhriska iyo istareeska
Akhriska wuxuu yareyn karaa istareeska ama walbahaarka, waxaa la rumaysan yahay in istareeska uu ka mid yahay waxyaabaha ugu badan ee keena cudurro badan oo ay ka mid yihiin cudurrada wadnaha iyo istaroogga.
Dabcan, nolol-maalmeedka caadiga ah ee dadka ayaa suurtogal ka dhigaynin in gebi ahaanba la baabi’iyo istareeska, laakiin waxaa jiro waxyaabo aan samayn karno si aan u yareyno istareeska una joojinno inuu isku bedello xaalad dhibaato ku keynta nolosheena.
Waxyaabaha aan ku yareyn karno istareeska ayaa waxaa ka mid ah akhriska, sida laga soo xigtay daraasad, akhriska waxa uu hoos u dhigi karaa heerarka walaaca ama istareeska ilaa boqolkiiba 68, oo ka badan inta ay waxyaabaha kale yareyn karaan istareeska.
Daraasad kale ayaa lagu ogaaday in 30 daqiiqo oo akhris ah ay hoos u dhigi karto cadaadiska dhiigga, garaaca wadnaha, iyo dareenka cadaadiska nafsiga ah.
Akhriska iyo maskaxda
Qofka marka uu sii duqoobo, shaqada maskaxda ayaa hoos u dhacda, sidoo kale garashada maskaxda ee laga yaabo in ay horay u fudueed ayaa adkaato, sida xusuusashada magacyada ama lambarrada.
Laakiin sida laga soo xigtay daraasado dhowr ah akhriska wuxuu gacan ka geysan karaa ka hortagga hoos u dhaca ku imaada garashada maskaxda, waxaa xataa laga yaabaa inuu ka qayb qaato ka hortagga cudurrada hilmaamka ee ku dhaca dadka da’da ah sida cudurka alzaaymar (Alzheimer).
In kasta oo ay daraasadda si cad u xaqiijin in akhriska uu ka hortagi karo cudurka alzaaymar (Alzheimer), haddana waxay muujinaysaa in dadka da’da ah ee wax akhrin jiray markastana wax cusub baran jiray ay xusuustooda aad u fiicneyd.
Sidaas darteed, waa inaanan dhayalsanin oo aanan yaraysanin saamaynta akhriska uu ku leeyahay maskaxdeenna.
Akhriska iyo hurdada
Taleefannada casriga ah ayaa noqday saaxiibada aan wehshanno marka aan seexaneeno, balse Isticmaalka taleefannada marka uu dhowyahay wakhtiga jiifka ayaa sababi karo hurdo la’aan.
Sababtana waxay tahay in iftiinka buluugga ah ee kasoo baxa shaashadaha taleefannada uu kiciyo maskaxda kana hortago soo saarista hormoonka melatonin ee maskaxda, kaasoo ah hormoonka jirka u tilmaama xilliga la seexanaayo.
Daraasad ayaa lagu ogaaday in isticmaalka taleefannada casriga ah ee xilliga hurdada ay keento hurdo la’aan iyo in tayada hurdada qofka ay hoos u dhacdo.
Waxyaabaha kaa saacidi karo in aad huruddo waxaa ka mid ah in aad marka hore hal saac ka hor waqtiga hurdada aad taleefanka ama kombiyuutarka meel iska dhigto, ka dibna aad ku beddesho caadooyin kale oo uu ka mid yahay akhriska.
Sida laga soo xigtay khubarada caafimaadka, abuurista caado fiican xilliga seexashada sida akhriska waxay kor u qaadi kartaa hurdada wanaagsan iyadoo yareyneyso waqtiga u dhexeeya soojeedista iyo hurdada oo macneheeda tahay in isla marka aad damacdo inaad seexato ay horay hurdada kaa qabanayso.
Akhriska iyo xirfadaha bulshada
Dadka qaar waxay u akhristaan buugaagta si ay uga baxsadaan istareeska dunida dhabta ah iyo dadka ku nool, ayagoo gala jawi kale iyo caalam kale oo khiyaali ah kaasoo ay ka helaan degenaan.
Lakiin daraasad ayaa waxay muujisay in marka laga hadlaayo xirfadaha bulshada, akhriska laga helo fikrado iyo waxyaabo badan oo qofka ku dhaliya inuu isku dayo inuu sameeyo waxyaabaha uu ka bartay akhriska kuwaaso u noqon karo xirfad.
Daraasad ayaa sidoo kale muujisay in shakhsiyaadka akhriya sheekooyinka khiyaaliga ah ay ka “aragti maskaxeed” fiican yihiin dadka kale, taasoo siisa awoodda ay ku fahmi karaan waxyaabaha ay dadka aaminsan yihiin, waxyaabaha dadka ay rabaan, iyo fikradaha kala duwan ay dadka yeelan karaan.
Dadka akhrista buugaagta ku saabsan horumarinta nolosha ayaa sidoo kale ay u badan tahay in ay la iimaadaan fikrado qofka uu ku abuuri karo ama ku curi karo waxyaabo noloshiisa heer gaarsiin karo, ha ahaato mid ganacsi, mid shakhsi iyo mid bulshaba.
Cilmi-baarayaasha waxay sidoo kale ogaadeen in ardayda si joogto ah u akhriya buugaagta, ay si tartiib -tartiib ah u kobacdo maskaxdooda aygoo barto erayo waaweyn oo dhanka luqadda ah iyo fikrado fara badan.
Erayadaas iyo fikradahaas waxay saamayn karaan meelo badan oo nolosha ardayga ka mid ah, sida imtixaanaadka iyo helidda fursadaha shaqo.
Akhriska iyo garaadka
Akhriska waxa uu saamayn ballaaran ku leeyahay garaadka qofka, haddii aad wax badan akhriso, wax badan ayaad baranaysaa, haddii aad wax badan baratana horumar badan ayaad gaareysaa, waa qaaciddo fudud.
Akhriye
Intaas waxaa sii dheer, marka uu qofka hibo u yeesho xirfadaha akhriska xilli hore ee da’diisa ka mid ah, ay u badan tahay inuu noqdo qof caqli badan, oo aan u fikirin sida dadka kale ay u fikiraan, asaga oo aanan ku fududaanin go’aannada uu qaato, waxa uuna wax kasto ka fiiriyaa dhinacyo badan.
Daraasad ayaa lagu ogaaday in carruurta da’dooda ay tahay 7 sano ee leh xirfadaha akhriska ay ka garaad fiicnaayeen kana caqli badnaayeen caruurta kale uusan akhriskooda badnayn.
Dadka akhriska xiiseeyo, madadaalladooda ay ka helaan akhriska ayaa siiso faa’iidooyin badan oo dhanka nolosha ah oo ay ka mid yihiin horumarka iyo caafimaadka.
Ugu dambayntii, haddaba maxaad u baahan tahay inaad akhriso? Jawaabta oo kooban waa: Wax kasta oo aad heli karto ama aad jeceshahay.
Haddii aad tahay qof mashquul badan waqtigana uu ku yaryahay, waxaa kugu filan in daqiiqado kooban aad maalin walba u qorsheyso in aad wax akhriso wax cusubna aad barato.
Waxaa kaloo xusid mudan in aadan wax ka akhrin kaliya taleefanka ama kombiyuutarka, oo aad sidoo kale ka akhriso buugta caadiga ah ee daabacan.
Daraasadaha waxay muujiyeen in dadka sida joogtada ah u akhriya buugaagta caadiga ah ee daabacan ay faham sareeyeen, ayna xusuus badnaayeen marka loo eego dadka isla buugtaas ka akhrinaayey taleefannada ama kombiyuutarrada.