Baabasiirka waxaa sidoo kale loo yaqaannaa “Piles” waxa uu imaadaa markay bararaan xididada ku dhex yaallo saxara-mareenka ama hareerihiisa. Bararka waxaa keeni karo kororka cadaadiska soo saarmaayo xididadaas.
Cadaadiskaan ayaa imaan karo marka uu jiro calool istaag, saxaradana ay adag tahay qofkana uu isku dayo inuu si xoog leh u saxaroodo, ka dibna uu sidaas cadaadiska saxara-mareenka ku bato.
Qiyaastii boqolkiiba 50 dadka qaangaarka ah ayaa laga yaabaa inay la kulmaan calaamadaha baabasiirka markay da’doodu kor u dhaafto 50 sano.
Nuucyada baabasiirka
Baabasiirka waxa loo qaybiyaa labo nuuc, qaybintaan waxay ku salaysantahay hadba meesha uu kasoo boxo baabasiirka.
Nuuca 1-aad waxa uu kasoo baxaa gudaha saxara-mareenka, waxaana loo yaqaannaa “Internal hemorrhoids”. Nuucaan badanaa xanuun ma leh, mana la dareemi karo, calaamadda ugu horreeyso ee lagu dareemi karana waa in dhiig uu ka imaadaa saxara-mareenka.
Mararka qaar markay qofka saxarada ku dhaggan tahay, cadaadiska saxarada ee xad dhaafka ah ayaa banaanka usoo saari karo baabasiirka gudaha ku jiray.
Nuuca 2-aad waxa uu kasoo baxaa bannaanka ama maqaarka kore ee saxara-mareenka, waxaana loo yaqaannaa “External hemorrhoids”. Maadaama maqaarka ay ku dhax jiraan neerfo badan, nuucaan badanaa aad ayuu u xanuun badan yahay, dhiig bax ayuuna samee karaa marka ay saxarada soo gudbeyso.
Labadaan nuuc ee baabasiirka way ku kala duwanyihiin calaamadaha ay keenaan iyo sidoo kale qaabka loo daaweeyo.
Heerarka baabasiirka
Heerka 1-aad | Mar walbo gudaha ayuu ku dhax jiraa mana soo boxo |
Heerka 2-aad | Xilliga saxarada ayuu bannaanka usoo baxaa, dib ayuuna u laabtaa |
Heerka 3-aad | Xilliga saxarada ayuu bannaanka usoo baxaa, farta ayaana lagu celiyaa |
Heerka 4-aad | Marka uu soo boxo dib looma celin karo |
Calaamadaha baabasiirka
Calaamadaha waxay ku xiran yihiin nuuca baabasiirka aad leedahay, haddii uu yahay midka gudaha kasoo boxo ama midka bannaanka kasoo boxo. Calaamadaha baabasiirka inta badan waxaa ka mid ah:
Baabasiirka gudaha
- Dhiig bax aan xanuun lahayn oo saxarada soo raaco.
- Kuus kuus uu qofka taabto xiliga uu saxaroonaayo ama marka uu suuliga fadhiyo
- Saxarada oo mararka qaar oo aan si la dareensaneen kusoo baxdo
Baabasiirka bannaanka
- Cun-cun ama damqasho agagaarka ay saxarada kasoo baxdo.
- Xanuun ama dhibsasho xiliga saxarada.
- Barar agagaarka duleelka ay saxarada kasoo baxdo.
Hadii aad isku aragtid mid ka mid ah calaamdahaan, u tag dhaqtar. Dhiig baxa ka imaada saxara-mareenka waxaa keeni kara cudur aan ahayn baabasiirka sida kansarka oo kale waana in la qiimeeyaa.
Sidoo kale u tag dhakhtarkaaga haddii baabasiirka ku bogsan waayo 1 toddobaad gudihiisa marka aad isticmaasho daaweynta guriga.
Maxaa keeno baabasiirka?
Bararka xididada ku yaallo saxara-mareenka, kaasoo ka dhasho kororka cadaadiska saxara-mareenka ayaa keeno baabasiirka.
Waxyaabaha kordhin karo cadaadiska saxara-mareenka waxaa ka mid ah:
- Qofka oo ay saxarada ku dhaggan tahay, iskuna dayo inuu si xoog leh isaga soo riixo
- Qofka oo leh shuban badan oo muddo dheer socdo, kaasoo kordhin karo cadaadiska saxara-mareenka
- Qofka oo waqti badan ku fadhiyo tuunjiga musqusha
- Qofka qaado miizaanka aadka u culus sida xamaaliga ama jimicsiyada xoogga badan
- Cayilka badan
- Uurka
Baabasiirka waxaa keeni karo wax kasto oo kordhin karo cadaadiska saxara-mareenka, waxyaabaha kale ee keeni karo baabasiirka waxaa ka mid ah:
- In aan la isticmaalin cuntooyinka qolofta leh sida digirta, salbukada, qamadiga iwm
- In aan la cabin biyo badan
Ogaanshaha baabasiirka
Si loo ogaado cudurka baabasiirka, dhakhtarka ayaa ku weydiin doono warbixin ku saabsan caafimaadkaaga iyo calaamadahaaga, wuxuu kaloo dhakhtarka kugu sameeyn doonaa baaritaan jirka ah.
Haddii nuuca baabasiirka uu yahay kan bannaanka kasoo boxo, dhakhtarka wuxuu awood u leeyahay inuu arko nabarrada baabasiirka ee ku yaallo aagga saxara-mareenka.
Si loo xaqiijiyo baabasiirka, dhakhtarkaaga waxaa laga yaabaa inuu sameeyo baaritaanno kala duwan si uu u hubiyo wax kasta oo u muuqdo nabar ama dhaawac ee ku jiro saxara-mareenka.
Dhakhtarka wuxuu isticmaali karaa qalab kaamirad yar wato oo la galiyo saxara-mareenka sii loo arko haddii dhaawac ama nabar uu ku yaallo gudaha saxara-mareenka.
Dhakhtarka ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu baaritaan ku sameeyo saxara-mareenka asagoo isticmaalaayo fartiisa, si uu u hubiyo ama u dareemo in gudaha uu ku jiro nabar.
Daaweynta baabasiirka
Baabasiirka waxaa lagu daaweeyaa habab badan, ikhtiyaarka daaweynta baabasiirka waxay ku xiran tahay nuuca baabasiirka iyo sidoo kale heerka baabasiirka. Hababka lagu daaweyn karo baabasiirka waxaa ka mid ah:
1. Xanuun baabi’inta
Si loo yareeyo xanuunka, ku fadhiiso weel ay ku jiraan biyo diirran ugu yaraan 10 daqiiqo maalin kasta. Waxa kaloo ku fadhiisan kartaa dhalo ay ku jiraan biyo diirran si aad uga nafisto xanuunka, haddii uu baabasiirka ku yaallo bannaanka.
Haddii xanuunku uu yahay mid aan loo adkaysan karin, isticmaal dawooyinka xanuun baabi’iyaasha nuuca sumboosta ahaan loo isticmaalo, sidoo kale waxaa isticmaali kartaa boomaatooyinka lagu baabi’iyo cun-cunka.
2. Daaweynta guriga
Kareemada loo isticmaalo baabasiirka iyo boomaatooyin ayaa isticmaali kartaa, daawooyinkaas waxaa ka mid ah hydrocortisone.
Isku day in maalintiiba in 10 daqiiqo camal aad ku fadhiisatid biyo diirran, sidoo kale mar walbo ku nadiifi meesha biyo diirran, biyaha haku darin saabuun ama shaambo, maadaama ay uga sii dari karaan baabasiirka.
3. Daaweynta isbitaalka
Daaweynta isbitaalka waxaa ka mid ah in dhakhtarka uu isku dayo in baabasiirka uu ka xiro dhiigga, si uu u shuuqo. Qaababka kale ee lagu shuuqin karo baaba siirka waxaa ka mid ah in la isticmaalo qalabka lazerka, kaasoo lagu baabi’iyo baabasiirka.
Mararka qaar haddii uu baabasiirka weyn yahay ama uu heerki u dambeeyey joogo waxaa laga yaabaa in uu u baahdo qalliin si asaga dhan loo gooyo.
Ka hortagga baabasiirka
Gabi ahaanba lagama hortagi karo baabasiirka, balse talooyinka soo socda ayaa yarayn kara khatarta baabasiirka:
- Cunista cuntooyinka uu faybarka ku badan yahay: cuntooyinka qolofta leh sida digirta, salbukada , qamadiga iyo boorashka waxay caawisaa in dhaqdhaqaaqa mindhicirka uu ahaado mid joogto ah, saxaradana aysan ku dhagin gudaha mindhicirrada.
- Dhaq-dhaqaaqa jirka: ka fogaanshaha fadhiga waqtiga dheer iyo inaad socoto saacad kasta waxay kaa caawin kartaa ka hortagga babaasiirka.
- In aadan saxarada iska soo riixin hadii ay caloosha ku fadhiso: haddii ay caloosha ku fadhiso, waxaa fiican inaad qaadatid daawooyinka saxarada jilciyo halkii aad si xoog badan isaga soo riixi lahayd.
- Cabitaanka biyo badan: inaad biyo kugu filan cabto waqti walbo waxay kaa caawin kartaa in uu yaraado halista calool-istaagga, kaasoo ah waxa ugu badan ee keeno baabasiirka.
Dhibaatooyinka baabasiirka
Dhibaatooyinka ka dhasho baabasiirka ma badno, laakiin mararka qaar wuxuu baabasiirka keeni karaa:
- Xinjirowga dhiigga iyo bararka xididada
- Dhiig yari ka dhalato dhiig baxa.
- Caabuq ama infekshin ka dhasho baabasiirka banaanka.
- Dhabar xanuun.
Baabasiirka waa xaalad caadi ah oo inta badan ma aha mid aad halis u ah, badanaa waxaa lagu daaweyn karaa dawooyinka guriga ama kuwa aad kasoo gadatay farmashiga, waxaana laga yaabaa in aadan xitaa u baahnayn inaad aaddo dhakhtar.
Laakiin qaar ka mid ah calaamadaha baabasiirka, gaar ahaan dhiig-baxa ayaa laga yaabaa inay keenaan cudurro kale, oo ay qaarkood halis yihiin, sida kansarka mindhicirka ama saxara-mareenka.