In aad cabto biyo kugu filan waxay muhiim u tahay caafimaadkaaga iyo ladnaantaada, laakiin dad badan ma aaminsana taas oo ma cabaan biyo ku filan maalin kasta.
Qiyaastii boqolkiiba 60 jirka waxa uu ka koobanyahy biyo, sidoo kalana boqolkiiba 71 adduunka waa biyo.
Maadaama biyaha laga heli karo meel walba, waxaa dhacday in dadka badanaa aysan ku fikirin inay cabaan biyo ku filan ayna ku darsadaan liiska waxyaabaha muhiim ka ah ay u isticmaalaan si maalinle ah.
Biyuha waa nafaqo lagama maarmaan ah, waana lama huraan in la joogteeyo cabiddooda, qofka wuxuu noolaan karaa dhowr maalmood oo keliya biyo la’aan.
Khubarada caafimaadka ayaa inta badan dadka ku dhiirra galiya inay cabaan 2 ama ka badan oo litir oo biyo ah maalintii, laakiin waxaa is weydiin mudan, labadaas litir ma biyaha cad oo kaliyaa mase waxaa kaloo lagu tirinaa waxyaabaha kale ee biyaha leh ee aan isticmaalno.
Faaii’dooyinka biyaha
Waa caadi inaad mar walba maqasho in biyaha muhiim ay u yihiin caafimaadkaaga. Laakiin ma is weydiisaa sababta?
Sida aan kor kusoo sheegnay inta ugu badan miisaanka jirkaaaga waxa uu ka koobanyahay biyo, shaqooyin badan ayayna jirka u qabtaan biyaha, shaqooyinkaas waxaa ka mid ah:
- Nadiifinta wasakhda jirka
- Nidaaminta heerkulka jirka
- Caawinta shaqada maskaxdaada
Biyaha intooda badan waxaad ka heshaa cabitaannada la cabo, laakiin sidoo kale cuntada ayaad ka heli karta qayb yar oo ka mid ah biyaha aad isticmaasho maalin kasta.
Faaiidooyin ka biyaha waxaa ka mid ah:
Biyaha iyo candhuufta
Candhuufta waxay naga caawisaa dheef-shiidka cuntada waxayna ilaalisaa afka. Biyaha ayaa sidoo kale nadiifiya afka.
Waxay kaloo yareyn karaan suuska ilkaha, halka cabitaanada macaan sida soodhada oo kale ay kor u qaadi karaan halista suuska ilkaha.
Biyaha iyo shaqada jirka
In aad cabtid biyo badan inta lagu guda jiro dhaq dhaqaaqa jirka ama jimicsiga waa lama huraan. Biyaha waxay sidoo kale qofka ka caawiyaan ama ay siiyan xoog, awood, iyo adkaysi.
Haddii aad tahay qof jimicsi sameeya oo aan cabin biyo badan, waxaa laga yaabaa inaad u nuglaato saamaynta biyo la’aanta marka aad sameeneeso jimicsiyada xoogga badan ama dhaq dhaqaaqyada badan sida ciyaarista kubadda iyo jiimka.
Haddii aad sameeyso jimicsi xooggan adigoo aan cabaynin biyo kugu filan waxay kuu keeni kartaa xaalado caafimaad oo halis ah. Biyo la’aanta aadka u daran ayaa sababi karta suuxdin iyo xitaa dhimasho.
Biyaha iyo oksijiinta
Boqolkiiba 90 dhiigga waa biyo, dhiigguna wuxuu u qaadaa oksijiin qaybaha kala duwan ee jirka, sidaa darteed haddii aad biyo badan cabto waxaa kor u kacaaya shaqada dhiigga taas oo kaa saacideysa in oksijiinta ay si dhaqso ah u gaarto unugyada jirka.
Biyaha iyo maqaarka
Biyo la’aanta ayaa maqaarka ka dhigta mid u nugul cudurro, biyo la’aanta ayaa sidoo kale maqaarka kusoo dadajiyan laalaabka qofka asaga oo wali da’diisa ay yartahay.
Haddii aad cabto biya badan, unugyada maqaarka waxaa ka yaraanaaya cufnaanta, ka dibna maqaarka ayaa noqda mid qurux badan oo jactad lahayn.
Biyaha iyo heerkulka jirka
Biyaha waxaa lagu kaydiyaa lakabyada dhexe ee maqaarka, haddii uu jirka kululaado waxay usoo baxaan dhidid ahaan. Marka uu uumi baxo maqaarkana, waxaa hoos u dhacaayo heerkulka jirka waa uuna qaboobayaa.
Saynisyahannada qaarkood waxay soo jeediyeen in haddii ay biyaha aad ugu yar yihiin jirka ay dhacdo in kuleelka jirka uu kordho taasoo sababaysa in qofka uusan awoodin inuu u dulqaato cadaadiska kuleylka.
Biyo cabidda waxay muhiim u tahay ilaalinta heerkulka jirkaaga. Jirkaaga ayaa ku lumiya biyo badan dhidid ahaan marka la sameenaayo jimicsiga iyo marka la joogo meelaha kulul.
Dhididka waxa uu qaboojiyaa jirkaaga, laakiin heerkulka jirka ayaa kor u kacaayo haddii aadan soo celin biyaha kaa lumay oo aadan cabin biyo badan.
Sababtoo ah biyaha markay baxaan waxaa raaco oo la boxo maadooyin kale oo jirka muhiim u ah. Haddii aad dhidid badan tahay sida caadiga ah, waa inaa cabtaa biyo fara badan.
Biyaha iyo dheef shiidka
Mindhicirka waxa uu u baahan yahay biyo si uu ugu shaqeeyo si habboon. Biyo la’aanta waxay horseedi kartaa dhibaatooyin dhanka dheef shiidka ah, calool istaag, iyo in caloosha ay aashitada ku badato.
Biyo la’aanta ayaa sidoo kale kordhiso halista laabjeexa iyo boogaha caloosha ama cudurka gaaska.
Si ka duwan sida dadka qaar aaminsan yihiin, khubaradu waxay xaqiijiyeen in biyaha la cabo cuntada ka hor iyo kadib ay jirkaaga ka caawin doonto inuu si fudud u shiido cuntada.
Biyaha iyo kilyaha
Kilyaha waxay nidaamiyaan oo ay isku dheelli tiraan dareeraha ama biyaha jirka. Biyaha oo ku yaraada kilyaha waxay keeni kartaa inay dhagaxyo ku sameesmaan kilyaha amaba ay imaadaan cuduro kale oo keeni kara in kilyaha ay howlgab noqdaan.
Dhagxaanta kilyaha aad ayay u xanuun badan yihiin waxayna ka sameesan yihiin macdanta ay kaadida ka kooban tahay. Waxaa jira caddeymo xaddidan oo tilmaamaya in biyo cabidda badan ay gacan ka geysan karto ka hortagga dhagxaanta kilyaha.
Biyo cabidda badan waxay kordhisaa mugga kaadida dhex marta kilyaha, taasoo hoos u dhigta isku uruursanaanta macdanta ku jirta kaadida, sidaa darteed uma badna inay isku aruuraan ka dibna uu dhagax sameesmo.
Biyaha iyo caloosha
Calool istaagga waa xaalad caafimaad oo lagu garto dhaq dhaqaaqa caloosha oo yaraada iyo saxarada oo qofka ku dhagta.
In aad cunto cuntooyinka uu ku badan yahay faaybar ka (fiber) ka ma aha habka kaliya ee looga hortago calool istaagga, waxaa kale oo muhiim ah in la joogteeyo cabista biyaha si saxaradaada ay u noqoto mid jilicsan.
Haddii aadan cabin biyo kugu filan ama aadan cunin cuntooyin ka uu ku badan yahay faaybar ka (fiber) , waxaa laga yaabaa inaad halis ugu jirto calool istaagga.
Daraasaduhu waxay muujiyeen in biyaha ay ku badan yihiin magnesium iyo sodium ay wanaajiyaan dhaq dhaqaaqa caloosha.
Dhibaatada biyo la’aanta
Biyo la’aanta waa marka biyaha iyo dheecaanada jirka ka baxa ay ka badan yihiin inta soo gasho jirka. Biyo la’aanta waxay noqon kartaa mid aad u daran iyo mid fudud, biyo la’aanta fudud waxay sababi kartaa madax xanuun, daal, iyo calool istaag.
Dhibaatooyinka kale ay leedahay biyo la’aanta waxaa ka mid ah:
- Dhiigga oo yaraada, dhiig yarida waxay keeni kartaa hoos u dhac ku imaada cadaadiska dhiigga, ka dibna waxaa hoos u dhaca xaddiga oksijiinta ee gaaro unugyada iyo xubnaha jirka taas oo sababi karta xaalado nafta halis galin kara.
- Isku dheeli tir la’aan ku imaato macdanta iyo maadooyinka jirka muhiim ka u ah, isku dheeli tir la’aantaan waxay mararka qaar keeni kartaa miyiir daboolan.
- Dhibaatooyinka kilyaha – oo ay ku jiraan dhagxaanta kilyaha, caabuqyada kaadida, iyo ugu dambayn kilyaha oo howl gab noqda.
Biyo la’aanta waxay sidoo kale keeni kartaa madax xanuun, daraasad ayaa muujisay in madax xanuunka uu ka mid yahay calaamadaha ugu badan ee biyo la’aanta. Tusaale ahaan, daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in 40% dadka ka qaybqaatay daraasadda ay lahaayeen madax xanuun ka dhashay biyo la’aanta.
Intaa waxaa sii dheer, daraasadaha qaarkood waxay muujiyeen in biyaha la cabo ay kaa caawin karaan yareynta madax xanuunka joogtada ah. Daraasad kale ayaa lagu ogaaday in cabidda hal litir iyo bar oo biyo ah maalin kasta ay yaraysay madax xanuunka.