Caadada waa dhiigga imaado marka ay gabadha gaarto xilliga qaangaarnimada, dhiig baxaan ayaa waxaa uu ka imaadaa ilmo-galeenka.
Caadada waxay qayb ka tahay caafimaadka caadiga ah ee dumarka inta lagu jiro sanaddada ay awood u leeyihiin inay dhalaan.
Xaaladdaan ayaa dumarka u imaata qiyaastii 28 maalmood kasta ka dib, balse dumarka waa ay ku kala duwanaan karaan muddada ay imaanayso, kala duwanaanshahaan ayaa u dhaxayn kara 24 ilaa 35 maalmood.
Waa maxay caadada?
Caadada waxay calaamad u tahay bilowga qaangaarnimada gabadha iyo bilowga sanaddada ay gabadha awood u leedahay inay taran sameyso.
Caadada waa calaamad muujinaysa in gabadha jirkeeda uu si caadi ah u shaqaynaayo uurna ay qaadi karto, waxayna joogsataa marka qofka uu gaaro da’da dhalmo goyska loo yaqaano oo ah inta u dhaxaysa 45 sano ilaa iyo 55 sano.
Dumarka waxay leeyihiin laba ugxan-side oo mid walba ay ku jiraan ukumo badan. Inta gabadha ay ku jirto sanaddada taranka, bil kasta waxaa lasoo dayn doonaa hal ukun.
Sidoo kale, bil kasta ilmo-galeenka wuxuu isku diyaariyaa ukunta wuxuuna dahaarkiisa ka dhigaa mid ay ku beermi karto ukuntaas lacalla haddii ay dhacdo in ukunta la bacrimiyo, marka ay gabadha uur qaaddo.
Balse haddii ukunta aan la bacrimin, dahaarka ilmo-galeenka baahidi loo qabay ayaa meesha ka baxayso maadaama uur uusan jirin.
Intaas ka dib, waxa dhacaysa in dahaarkii ilmo-galeenka iyo waliba ukunti aan la bacrimin bannaanka loo soo daadiyo, dhiiggaas soo daadanaayo ayaa loo yaqaanaa caado.
Haddii ukunta la bacrimiyo, uurka wuxuu u baahan doonaa dahaarka ilmo-galeenka si ay ukunta ugu beeranto, mana dillaaci doono oo ma soo daada doono, taasna waa sababta caadada ay u joogsato marka uu uurku bilaabmo.
Diyaar garowga dahaarka ilmo-galeenka
Caadiyan dahaarka hoose ee ilmo-galeenka waa khafiif mana aha meel ay ku beermi karto ukunta la bacrimiyey, sidaa darteed hormoonnada la soo daaayo xilliga caadada ayaa waxay dahaarka u diyaariyaan inay ka dhigaan meel ay ku noolaan karto ukunta.
Marka hormoonnada lasoo daayo, waxaa weynaata dhumucda dahaarka, xididdo badan oo dhiig ah ayaana soo gala, si hadhow ukunta ay nafaqo uga hesho.
Hormoonnada wareegga caadada
Dhowr hormoo ayaa ka qayb qaata hab u socodka wareegga caadada, waxayna kala yihiin:
- FSH: waa hormoonka ugu horreeyo ee la soo daayo xilliga caadada, waxaana laga soo daayaa qanjirka bituutariga (pituitary gland) ee maskaxda.
Hormoonkaan ayaa kiciyo ugxan sideyaasha si ay usoo saaraan ugxamo, xilligaan ukumaha waa la soo saaraa oo kaliya ee lama soo daayo. - Ostorojiin (Estrogen): waa hormoonka labaad ee la soo daayo xilliga caadada, waxa laga soo daaya gudaha ugxan-sideyaasha.
Hormoonkaan ayaa dahaarka ilmo-galeenka ka dhiga mid diyaar u ah inay ku beeranto ukunta, sidoo kale wuxuu maskaxda u sheegaa in lasoo daayo hormoon kale oo loo yaqaano LH.
- LH: waa hormoonka sadexaad ee la soo daayo xilliga caadada, waxaa laga soo daayaa qanjirka bituutariga (pituitary gland) ee maskaxda.
Hormoonkaan ayaa ugxan-sideyaasha u sheega inay sii daayaan ugxanta.
- Borojesteroon (Progesterone): waa hormoon ka afaraad ee la soo daayo xilliga caadada, waxaana laga soo daaya gudaha ugxan-sideyaasha.
Hormoonkaan ayaa dahaarka ilmo-galeenka ka caawiya in ukunta ay sidii la rabay ugu noolaato marki la bacrimiyo. - hCG: hormoonkaan waxaa lasoo daayaa haddii uu imaado uur, ukuntana la bacrimiyo, waxaa laga soo daayaa qanjirka bituutariga (pituitary gland) ee maskaxda.
Hormoonkaan ayaa ka caawiya ugxan-sideyaasha inay sii wadaan soo saarista hormoonka borojesteroonka (Progesterone) si dahaarka ilmo-galeenka ay shaqadiisa usii socoto.
Goorma ayay bilaabataa caadada?
Caadada waxay bilaabataa marka dhammaan qaybaha uu ka kooban yahay hab dhiska nidaamka taranka ee gabadha ay dhamaystirmaan awoodna u yeeshaan inay wada shaqeeyaan.
Caadada ayaa gabdhaha u bilaabata inta u dhaxaysa da’da 10 ilaa 14 sano, laakiin waxaa laga yaabaa in gabdhaha qaar ay xilli hore u imaato kuwa qaarna ay kasoo daahdo.
Caadada waa marxaladda ugu weyn ee qaangaarnimada gabadha, waa mid ka mid ah dhowr calaamadood oo muujinaya in gabadha ay noqonayso haweenay.
Qiyaastii 6 bilood ka hor inta gabadha aysan caadada ugu horeeso u imaan ayaa laga yaabaa inay isku aragto dheecaan cad oo ka imaada xubinta taranka, haddii dheecaankaas uusan lahayn ur xooggan ama uusan wadanin cun-cun, waa iska caadi mana aha wax laga walwalo.
Marxaladaha wareegga caadada
Wareegga caadada wuxuu ka kooban yahay dhowr marxaladood, dhererka marxalad kastana way ku kala duwanaan karaan dumarka, waqti ka dibna isbadal ayaa ku imaan karo muddada ay socdaan marxaladaha wareegga.
Marxaladda 1-aad (Menstrual Phase)
Marxaladdaan waxay bilaabmaysaa marka ukunta lasoo daayay wareeggii hore aysan ku imaanin wax bacrimin ah , ka dibna heerarka hoormoonnada ostorojiinka (estrogen) iyo borojesteroonka (progesterone) ayaa hoos u dhacaayo.
Dahaarka ilmo-galeenka oo taageeri lahaa ukunta la bacrimiyey aya hadda loo baahneen maadaama uusan uur jirin, ka dibna waa uu dillaacayaa banaanka ayuuna usoo daadanayaa.
Marxaladda 2-aad (Follicular phase)
Marxaladdaan waxay bilaabmaysaa marka lasoo daayo hormoonka FSH ee kiciyo ugxan-sideyaasha si ay usoo saaraan ukumo.
Ugxan-sideyaasha waxay soo saaraan kiishash yar yar oo ay ku jiraan ukumo, kiishashkaan ayaa loo yaqaanaa foolikal (Follicle), foolikal kasta waxaa ku jiro 5 ilaa 20 ukumo aan weeynaanin.
Kaliya ukunta ugu caafimaadka badan ayaa aakhirka weynaan doonto. (Marmar dhif ah, laba ukun ayaa weynaa karto.) Inta kalena jirka ayay ku baab’ayaan.
Foolikalka (follicle) ama kiishka yar ay ku dhex jirto ukunta ayaa wuxuu sii daayaa hormoonka ostorojiinka (estrogen) kaasoo dahaarka ilmo-galeenka kasii dhiga mid diyaar u eh ukunta.
Marxaladda 3-aad (Ovulation phase)
Marxaladdaan waxaa loo yaqaanaa marxaladda ugxan sii deynta, waxay bilaabataa marka heerarka ostorojiinka (estrogen) ee kordhay inta lagu jiray marxaladda 2-aad ay maskaxda u tilmaamaan in lasoo daayo hormoonka LH.
Hormoonkaan ayaa asna u tilmaama ugxan-sideyaasha inay sii daayaan ugxanta, ukunta ayaa sii marta tubada u dhaxaysa ugxan-sideyaasha iyo ilmo-galeenka ee loo yaqaano falloobiyaan (Fallopian tube), waana meesha shahwada iyo ukunta ay ku kulmaan si loo bacrimiyo ukunta.
Marxaladdaan waa waqtiga kaliya ee ka mid ah caadada ee uur la qaadi karo, marxaladdaan waxay dhacdaa maalinta 14-aad haddii aad leedahay wareeg 28-maalmood ah.
Marxaladdaan waxay socotaa 24 saacadood, hal maalin ka dibna ukunta ayaa dhiman doonto ama baabbi’i doonto haddii aan la bacriminin, balse waxaa xusid mudan in shahwada ragga ay ku noolaan garto gudaha tubada ilaa iyo 5 maalmood.
Marxaladda 4-aad (Luteal phase)
Ka dib marka Foolikalka (follicle) uu sii daayo ukuntiisa, wuxuu yeeshaa qaab dhismeed kale oo loo yaqaano korbas luutiyam (Corpus Luteum).
Qaab dhismeedkaan ayaa ah meesha laga soo saaro hormoonnada ostorojiinka (estrogen) iyo borojesteroonka (progesterone), balse borojesteroon ka ayaa ah hormoonka ugu badan ee laga soo saaro.
Sidaa horay usoo sheegnay, hormoonnadaan waxay xajiyaan dahaarka ilmo-galeenka waxayna u yeelaan dhumuc weyn oo ku filan in ukunta la bacrimiyo ay ku beeranto.
Haddii uu imaado uur, qanjirka bituutariga (pituitary gland) ee maskaxda ayaa soo daayo hormoonka hCG, oo ah kan lagu ogaado uurka marka la sameenaayo baaritaannada uurka.
Hormoonkaan ayaa u tilmaama qaab dhismeedka korbas luutiyamka (Corpus Luteum) inuu sii wado soo saarista hormoonnada si loo sii xajiyo dahaarka ilmo-galeenka.
Haddii uusan uur imaanin, lama soo saaraayo hormoonka hCG, ka dibna qaab dhismeedka korbas luutiyamka (Corpus Luteum) ayaa baaba’aayo, maadaama hormoonki u tilmaami lahaa inuu sii wado shaqadiisa aan lasoo daaynin.
Marka uu baabo’o korbas luutiyamka (Corpus Luteum) waxaa meesha ka baxaaya hormoonnada ostorojiinka (estrogen) iyo borojesteroonka (progesterone), taasoo keenaysa in dahaarka ilmo-galeenka uu waayo shaqadi hormoonnadaan, kadibna uu dillaaco soona daato, waana sidaas sida ay ku imaato caadada.
Inta lagu jiro marxaladdan, haddii uusan uur imaanin, waxaa laga yaabaa in dumarka qaar ay la kulmaan xaalado ama astaamo la xariiro caadada oo loo yaqaano premenstrual syndrome (PMS).
Xaaladaha la xariira caadada
Waxaa jiro astaamo la xariiro caadada oo loo yaqaano premenstrual syndrome (PMS), kuwaas oo ay dumarka la kulmaan ka hor inta uusan wareegga caadada u bilaaban.
Calaamadaha ay isku arkaayaan waxay noqon karaan kuwo dhanka shucuurta ama jirka ah, astaamahaasna waxaa ka mid ah:
- Calool barar
- Finan
- Madax xanuun ama goon jab
- Dabeecad xumo
- Xanaaq
- Dhabar xanuun
- Niyadda qofka oo aad u hoosayso
- Hurdo la’aan
- Qofka oo xooga saari karin shaqooyinka ama waxbarashada
- Naaska oo damqado ama bararo
- Miisaanka oo zaaida
- Amateet badan
Isla marka ay caadada bilaabato, dumarka way kasoo roonaadaan astaamahaan, mararka qaarna, astaamaha ayaa gabi ahaanba baaba’a marka ay caadada dhamaato.
Waxyaabaha keeni kara astaamahaan la xariira caadada waxaa ka mid ah:
- Isticmaalka kafeeyga badan
- Cadaadiska ama walbahaarka
- Niyad jabka iyo xaaladaha kale ee maskaxda la xiriira
- Cabista sigaarka ama taabuuga
- Haddii waalidka uu qabo xaaladdaan
Fiitamiin la’aanta iyo macdan la’aanta sida kalsiyaamka iyo fiitamiin B-ga.
Caado wareerka
Marka laga hadlaayo caado wareerka waxaa soo hoos galo arimahaan:
- Muddada caadada oo aan joogto ahayn (halkaan ka aqri)
- Xaddiga dhiig baxa oo aad u bata (halkaan ka aqri)
- Caado la’aan
Dhererka celceliska wareegga caadada waa 28 maalmood, laakiin dumarka ayaa ku kala duwanaan karo, sida caadiga ah dhererka wareegga iyo xaddiga dhiig baxa waa isku mid bil walba.
Si kastaba ha ahaatee, dumarka qaarkood waxay leeyihiin caado aan lahayn jadwal joogto ah:
Waxaa jiri kara kala duwanaansho ka jira:
- Muddada u dhexeeysa caadooyinka
- Xaddiga dhiig baxa
- Muddada dhiig baxa uu soconaayo
Caado wareerka wuxuu yeelan karaa sababo kala duwan, daaweyntana waxay ku xirnaan doontaa sababta markaas keentay, waxyaabaha keeni kara caado wareerka waxaa ka mid ah:
- Cudurrada ku dhaca ilmo-galeenka
- Hormoonnada jirka oo isku dheelli tirneen
- Xanuunada dhiig baxa
- Daawooyinka qaar
- Waxyaabaha looga hortago uurka
- Kansarka ilmo-galeenka
Qof kasta oo ka walwalsan caado wareerka waa inuu u tagaa dhakhtar.
Caado la’aanta
Xaaladda caado la’aanta waa marka haweeneyda ay iska weyso caado, oo ay seegto saddex wareeg oo isku xiga. Xaaladda caado la’aanta ayaa sidoo kale loo yaqaanaa haddii gabadha waligeedba aysan caado ku dhicin markay soo gaarto 15 sano.
Waxyaabaha keeni kara caado la’aanta waxaa ka mid ah:
- Uurka
- Jimicsiga xad dhaafka ah
- Daawooyinka qaar, oo ay ku jiraan kuwa looga hortago uurka
- Dhibaatooyin dhanka hormoonnada ah
- Walbahaarka
Caadada xanuunka badan
Xaaladdaan waa marka xilliga caadada ay haweeneyda dareento xanuun xad dhaaf ah oo dhanka caloosha ah siiba meesha ku aaddan ilmo-galeenka.
Caadiyan, dumarka waxay badanaa dareemaan xanuun yar inta ay caadada socoto, laakiin haddii xanuunka uu aad u daran yahay oo uu saameyn ku yeesho nolol maalmeedka qofka waxay noqon kartaa xaalad u baahan in la daaweeyo.
Dumarka qaar waxay la kulmaan xanuun yar maalmo ka hor inta aysan u imaan caadada, halka qaar kalena ay qabaan xaaladdaan loo yaqaanno caadada xanuunka badan, balse xanuunkaan ayaa baaba’a marka ay caadada dhamaato.
Calaamadaha soo socda ayaa laga yaabaa in lagu arko qofka qaba caadada xanuunka badan:
- Xanuun maroojis oo kale ah oo dhanka hoose ee caloosha laga dareemo
- Shuban
- Madax xanuun
- Dhabar xanuun lugaha kusii faafaayo
- Lalabbo
- Matag
- Daal iyo tabar dari
Caadada xanuunka badan waxay ku badan tahay:
- Gabdhaha ay xilli hore u bilaabatay caadada
- Dumarka ka weyn 30 sano
- Dumarka sigaarka caba
- Dumarka miisaankooda aad u culus yahay ama uu aad u yar yahay
Caadada xanuunka badan ayaa sidoo kale keeni karto xaalado caafimaad oo la xiriira habdhiska nidaamka taranka, oo ay ku jiraan cudurrada ku dhaca ilmo-galeenka.
Uurka iyo caadada
Xaqiiqooyin ku saabsan caadada iyo uurka:
- Waa wax aan dhici karin laakiin weli waa suurtogal in aad uur qaaddo haddii aad galmo samayso muddada caadada ay socoto, waxayna ku xirantahay wareeggaaga billaha ah, maxaa yeelay shahwada ragga waxay ku noolaan kartaa gudaha dumarka ilaa iyo 5 maalmood.
- Ujeedada caadada waa in ilmo-galeenka loo diyaariyo uurka, haddii uur uu imaan waayo, ukunta aan la bacrimin iyo dahaarka ilmo-galeenka ayaa banaanka loo daadiyaa.
- Uma badna inay kuu imaato caado inta aad uurka leedahay, laakiin dhibco ama dhiig bax yar ayaad isku arki kartaa xilliga ku aaddan wareeggaaga caadada.
- Dhiig bax xilliga uurka ah wuxuu imaan karaa qiyaastii isbuuca lixaad ee uurka ka dib, waqtigaas oo ah marka ay mandheerta la wareegayso nafaqaynta cunugga uurka jiifa.
- Dhiig baxa xilliga uurka ayaa sidoo kale calaamad u noqon kara uurka hallaabo, dhiig bax kasta oo aad isku aragto xilliga aad uurka leedahay waa in aad u sheegtaa dhakhtar.
Maareynta caadada
Dumarka la kulmo calaamadaha la xiriira caadada ayaa laga yaabaa inay isticmaalaan daawooyin si ay isaga yareeyaan caalaamadahaas.
Waxyaabaha lagu maareyn karo caadada waxaa ka mid ah:
- Xanuun baabi’iyaasha: kaniiniyaasha sida (ibuprofen ama aspirin) ayaa kaa caawin kara xannuunada ku qabto xilliga caadada.
- Ka -hortagga uurka: kaniiniyaasha looga hortago uurka ayaa badanaa khafiifiyo xanuunka caadada, daawooyinkaan ayaa dahaarka ilmo-galeenka ka dhigo mid khafiif ah, taas oo keenaysa in maroojiska uu yaraado xilliga caadada.
- Jimicsi: jimicsiga ayaa la ogaaday inuu kaa caawinaayo yaraynta xanuunka xilliga caadada.
- Nasashada: nasashada, hawo qaadashada, masaajka ayaa waxay gacan ka geysan karaan yaraynta xanuunka caadada.
- Qubayska diirran: qubayska diirran ayaa laga yaabaa inuu kaa yareeyo xanuunka aad ka dareemeeso korka maadaaama u qubeyska ka mid yahay farsamooyinka lagu nasto.