Close Menu
  • C. guud
    • Kansar
    • Neefta
    • Wadnaha
  • C. Bulshada
    • Talooyin
  • Warbixinno
    • Teknoloji
  • Covid-19
HealthterHealthter
  • C. guud
    1. Kansar
    2. Neefta
    3. Wadnaha
    maqaalki u dambeeyey

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Maqaalada kale

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Cilaajyada: Xarumaha Gaarka Loo Lee Yahay Ee Daryeelka Bukaannada Dhimirka

    Dayaca iyo Silsiladaynta: Dhibaatooyinka Bukaannada Xanuunnada Dhimirka

  • C. Bulshada
    1. Talooyin
    2. Fur kulli

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

    Jimicsiga: nuucyadiisa iyo faaiidooyin ka uu u leeyahay caafimaadka qofka

    Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

    Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

  • Warbixinno
    1. Teknoloji
    2. Fur kulli

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

    Teknolojiyadda: dhibaato nuucee ayay u leedahay maskaxda iyo jirka ?

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Xiriirka waalidka iyo ilmaha – waa maxay sababta uu muhiim u yahay?

    Maraxaladaha cudurrada ayay ku xirantahay tilaabada dhaqtarka uu qaadaayo

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

  • Covid-19

    Omicron: nuuca cusub ee coronavirus, muxuu uga duwanyahay nuucyada kale?

    COVID-19: calaamadihiisa, sida uu ku faafi karo iyo ka hortaggiisa

    Tallaalka COVID-19: nuucyadooda iyo sida ay uga hortagaan fayraska

    Calaamadaha COVID-19: kuwa ugu badan iyo mudada ay haayaan qofka

    Neefsashada adag ee COVID-19: sida ay ku imaato iyo waxyaabaha keeno

HealthterHealthter
Home»C. Guud»Haweenka»Caadada Xooggan: calaamadaha, waxyaabaha keena iyo daaweynteeda

Caadada Xooggan: calaamadaha, waxyaabaha keena iyo daaweynteeda

Mohamed Mustaf AhmedMohamed Mustaf AhmedApril 28, 2025
Share
Copy Link WhatsApp Telegram Facebook Twitter LinkedIn Pinterest
  • Waa maxay caadada culus?
  • Calaamadaha caadada culus
  • Maxaa keena caadada culus?
  • Sidee lagu maareeyaa caadada culus?

Caadada culus waxaa loola jeedaa marka dhiigga imaada xilliga caadada uu aad u badan yahay, iyo muddada uu socdo dhiigga ay aad u dheertahay ilaa ay xaaladdaan gaarto heer ay carqaladeeyso hawlaha maalinlaha ah ee haweeneyda. 

Xaaladdaan ayaa ah xaaladda ugu badan ee ay ka cawdaan dumarka, waxayna saameeysaa dumar aad u fara badan.

Caadada culus waxay noqon kartaa labo nuuc mid kood:

  • In kaliya dhiig baxa caadada uu badan yahay, balse muddada uu socdo dhiigga aysan badnayn, caadadana ay ku socoto jadwal joogto ah. 
  • In dhiig baxa caadada uu badan yahay iyo in muddada uu socdo dhiigga ay sidoo kale badan tahay taasoo ka dhigaysa nuuc ka mid ah caado wareerka.

Waa maxay caadada culus?

Celceliska dhiigga baxa xilliga caadada qiyaastii waa 30 illaa 40 mili litir, ama 2 ilaa 3 qaaddo inta uu wareegga caadada uu socdo oo ah 4 ilaa 5 maalmood. 

Sida rasmiga ah, caadada culus waxaa loo yaqaannaa marka wax ka badan 80 mili litir oo dhiig ah uu boxo halkii wareeg, taas oo ah labo jibaar xaddiga dhiig baxa noormalka ah.

Si kale haddii aan u dhigno, caadada culus waxaa dhihi karnaa dhiig bax ka tan badan inta qofka dumarka ay maareyn karto, kaas oo socon karo wax ka badan 7 maalmood, qofkana ay u baahan tahay inay iska beddesho suufka tambooniga ama alwayska 2 -dii saacadoodba mar ama labo mar.

Marka haweeneyda ay u tagto dhakhtarka, waxa ugu muhiimsan ee uu dhakhtarka ka fikiraayo ayaa ah saamaynta dhiig baxa uu ku leeyahay nolol maalmeedkeeda.

Calaamadaha caadada culus

Astaamaha caadada culus waxaa ka mid ah:

  • Dhiig bax aad u badan kaasoo beddelo midabka suufka ama tambooniga
  • Dhiig bax badan oo u baahan in labo suuf ama labo always la isla isticmaalo halkii mar
  • In qofka ku qasbanaado in marwalba uu beddelo suufka ama tambooniga
  • Dhiig bax socda wax ka badan hal isbuuc
  • Dhiig bax ay la socdaan xinjiro
  • Dhiig bax saameeyn ku yeesho howlaha maalin laha ah
  • Calaamadaha dhiig yarida, oo ay ku jiraan daal, tabar darro iyo neef yari
  • Xanuun dhanka caloosha ama miskaha ah

Haddii dhiig baxa uu carqaladeeyo nolol maalmeedka iyo tacaamulka bulsheed ama uu qofka ku rido walbahaar, waxaa habboon in qofka uu si deg deg ah u raadsado daryeel caafimaad.

Maxaa keena caadada culus?

Caadada culus ayaa waxay imaa kartaa marka ugxan-sideyaasha aysan soo daaynin ukun inta lagu guda jiro wareegga caadada, taasoo keenta isku dheelitir la’aan ku imaata hormoonnada. 

Xaaladdaan ayaa ku badan:

  • Gabdhaha ay ku cusubtahay caadada 
  • Dumarka usii dhawaanaayo da’da dhalmo goyska

Sababaha kale ee keeni kara caadada culus waxaa ka mid noqon kara:

  • Hormoonnada: haddii uu jiro isbeddel ku imaada heerarka caadiga ah ee hormoonnada ostorojiinka (estrogen) iyo borojesteroonka (progesterone), dahaarka hoose ee ilmo-galeenka  ayaa aad u koro, ka dibna waxa uu dillaacaa xilliga caadada, halkaas ayuuna dhiig baxa badan ka imaanayaa.
  • Hawl-gabka ugxan-sideyaasha: haddii ugxan-sideyaasha aysan soo daaynin ukun, waxaa meesha ka baxaaya hormoonnadii ay soo saari jireen ukumaha, halkaasna waxaa ka dhasha isku dheelli tir la’aan dhanka hormoonnada ah. 
  • Ilmo-galeenka: burooyinka ilmo galeenka sida kuwa aan kansarka ahayn, ama kuwa kansarka ah ayaa sidoo kale keeni kara dhiig bax iyo isku dheelli tir la’aan dhanka hormoonnada ah.
  • Qalabka looga hortago uurka: aaladaha la dhex galiyo ilmo-galeenka gudihiisa ee looga hortago uurka ayaa keeni kara dhiig bax ka culus kan caadiga ah ee wareegga caadada.
  • Xaaladaha la xiriira uurka: Xaaladahaan waxaa ka mid ah, uurka hallaabo ama soo dilma.
  • Daawooyinka qaar: daawooyinka loo isticmaalo ka hortagga caabuqa iyo kuwa looga hortago xinjirowga ayaa keeni karaan dhiig bax culus.

Waxyaabaha kale ee keeni kara dhiig baxa culus ee caadada waxaa ka mid ah, xanuunada dhiig baxa ee la iska dhaxlo, cudurrada qanjirka thaayroodhka, cudurrada kilyaha, cudurrada beerka iyo sidoo kale kansarada qaar sida kansarka ilmo-galeenka iyo ugxan-sideyaasha.

Sidee lagu maareeyaa caadada culus?

Maareynta caadada culus waxay ku xiran tahay qofka iyo waxa qofka u keenaayo dhiig baxa badan.

Daawooyinka lagula tacaalli karo xaaladdaan waxaa ka mid ah:

  • Feerada si looga hortago dhiig yarida
  • Kaniiniyaasha ka hortaga uurka, si loo habeeyo wareegga caadada loona yareeyo muddada dhiig baxa iyo culeyskiisaba
  • Kaniiniga hormoonka borojesteroonka (Progesterone) ah si la isugu dheelli tiro hormoonnada iyo si loo yareeyo dhiig baxa

Dumarka qaba cudurrada dhiig baxa ee la iska dhaxlo ama lagu dhasho sida himofiiliya (hemophilia), waxaa la siiyaa daawooyin ka saacida in kor loo qaado heerarka borotiinada sameeya xinjirowga dhiigga.

Kaniinada xanuun baabi’iyaasha ayaa sidoo kale loo isticmaali karaa in lagu yareeyo xanuunada ka dhasha xaaladdaan, in kastoo qayb ka mida daawooyin kaan sida daawooyinka loo yaqaano (NSAIDS) ay kordhin karaan halista dhiig baxa.

In qaliin lagu sameeyo burooyinka, kansarrada, iyo uurka hallaabay ayaa sidoo kale qayb ka ah daaweynta iyo maareynta caadada culus.

Maqaalka HoreJadeecada: calaamadaheeda, waxyaabaha keeno iyo sida looga hortagi karo
Maqaalka Xiga Caadada aan joogtada ahayn: waxyaabaha keena, calaamadaheeda iyo sida loo mareeyo

Maqaallo Kale

Uurka: calaamadihiisa, marxaladihiisa, iyo waxyaabaha laga taxaddaro

Caadada: xilliga ay bilaabato, marxaladaheeda iyo dhibaatooyinka la xariiro

Caadada aan joogtada ahayn: waxyaabaha keena, calaamadaheeda iyo sida loo mareeyo

Maqaallo Cusub

Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

Ka mid noqo boggeena

Email ahaan u hel maqaal kasta oo cusub oo aan soo galino.

Healthter

Healthter is a non-profit initiative committed to providing the latest and most reliable health information in the Somali language, tailored specifically for Somali communities.

This initiative was brought to life by Mohamed Mustaf Ahmed, who identified a significant gap in the availability of a health platform that offers reliable and current health information in Somali. Healthter enables Somali individuals, particularly those who may not be fluent in English, to access essential health information in their native language.

Mohamed, a medical doctor, data scientist, and researcher, is the sole manager, financier, and contributor to Healthter. His passion to improve global health, with a special emphasis on Somalia, is the driving force behind this platform.

For personalized information and advice, don't hesitate to get in touch:

Email: momustafahmed@outlook.com

Alternatively, you can connect with me via the provided Linkedin link below:

LinkedIn
Credits & References
  1. Healthline Media
  2. PubMed
  3. WHO (World Health Organization)
  4. CDC (Center for Disease Control)
  5. NIH (National Institutes of Health)
  6. MayoClinic
  7. WebMD
Maqaallo Cusub
Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka
Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha
HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta
Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida
© 2025 (Healthter Media)

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.