Caadada culus waxaa loola jeedaa marka dhiigga imaada xilliga caadada uu aad u badan yahay, iyo muddada uu socdo dhiigga ay aad u dheertahay ilaa ay xaaladdaan gaarto heer ay carqaladeeyso hawlaha maalinlaha ah ee haweeneyda.
Xaaladdaan ayaa ah xaaladda ugu badan ee ay ka cawdaan dumarka, waxayna saameeysaa dumar aad u fara badan.
Caadada culus waxay noqon kartaa labo nuuc mid kood:
- In kaliya dhiig baxa caadada uu badan yahay, balse muddada uu socdo dhiigga aysan badnayn, caadadana ay ku socoto jadwal joogto ah.
- In dhiig baxa caadada uu badan yahay iyo in muddada uu socdo dhiigga ay sidoo kale badan tahay taasoo ka dhigaysa nuuc ka mid ah caado wareerka.
Waa maxay caadada culus?
Celceliska dhiigga baxa xilliga caadada qiyaastii waa 30 illaa 40 mili litir, ama 2 ilaa 3 qaaddo inta uu wareegga caadada uu socdo oo ah 4 ilaa 5 maalmood.
Sida rasmiga ah, caadada culus waxaa loo yaqaannaa marka wax ka badan 80 mili litir oo dhiig ah uu boxo halkii wareeg, taas oo ah labo jibaar xaddiga dhiig baxa noormalka ah.
Si kale haddii aan u dhigno, caadada culus waxaa dhihi karnaa dhiig bax ka tan badan inta qofka dumarka ay maareyn karto, kaas oo socon karo wax ka badan 7 maalmood, qofkana ay u baahan tahay inay iska beddesho suufka tambooniga ama alwayska 2 -dii saacadoodba mar ama labo mar.
Marka haweeneyda ay u tagto dhakhtarka, waxa ugu muhiimsan ee uu dhakhtarka ka fikiraayo ayaa ah saamaynta dhiig baxa uu ku leeyahay nolol maalmeedkeeda.
Calaamadaha caadada culus
Astaamaha caadada culus waxaa ka mid ah:
- Dhiig bax aad u badan kaasoo beddelo midabka suufka ama tambooniga
- Dhiig bax badan oo u baahan in labo suuf ama labo always la isla isticmaalo halkii mar
- In qofka ku qasbanaado in marwalba uu beddelo suufka ama tambooniga
- Dhiig bax socda wax ka badan hal isbuuc
- Dhiig bax ay la socdaan xinjiro
- Dhiig bax saameeyn ku yeesho howlaha maalin laha ah
- Calaamadaha dhiig yarida, oo ay ku jiraan daal, tabar darro iyo neef yari
- Xanuun dhanka caloosha ama miskaha ah
Haddii dhiig baxa uu carqaladeeyo nolol maalmeedka iyo tacaamulka bulsheed ama uu qofka ku rido walbahaar, waxaa habboon in qofka uu si deg deg ah u raadsado daryeel caafimaad.
Maxaa keena caadada culus?
Caadada culus ayaa waxay imaa kartaa marka ugxan-sideyaasha aysan soo daaynin ukun inta lagu guda jiro wareegga caadada, taasoo keenta isku dheelitir la’aan ku imaata hormoonnada.
Xaaladdaan ayaa ku badan:
- Gabdhaha ay ku cusubtahay caadada
- Dumarka usii dhawaanaayo da’da dhalmo goyska
Sababaha kale ee keeni kara caadada culus waxaa ka mid noqon kara:
- Hormoonnada: haddii uu jiro isbeddel ku imaada heerarka caadiga ah ee hormoonnada ostorojiinka (estrogen) iyo borojesteroonka (progesterone), dahaarka hoose ee ilmo-galeenka ayaa aad u koro, ka dibna waxa uu dillaacaa xilliga caadada, halkaas ayuuna dhiig baxa badan ka imaanayaa.
- Hawl-gabka ugxan-sideyaasha: haddii ugxan-sideyaasha aysan soo daaynin ukun, waxaa meesha ka baxaaya hormoonnadii ay soo saari jireen ukumaha, halkaasna waxaa ka dhasha isku dheelli tir la’aan dhanka hormoonnada ah.
- Ilmo-galeenka: burooyinka ilmo galeenka sida kuwa aan kansarka ahayn, ama kuwa kansarka ah ayaa sidoo kale keeni kara dhiig bax iyo isku dheelli tir la’aan dhanka hormoonnada ah.
- Qalabka looga hortago uurka: aaladaha la dhex galiyo ilmo-galeenka gudihiisa ee looga hortago uurka ayaa keeni kara dhiig bax ka culus kan caadiga ah ee wareegga caadada.
- Xaaladaha la xiriira uurka: Xaaladahaan waxaa ka mid ah, uurka hallaabo ama soo dilma.
- Daawooyinka qaar: daawooyinka loo isticmaalo ka hortagga caabuqa iyo kuwa looga hortago xinjirowga ayaa keeni karaan dhiig bax culus.
Waxyaabaha kale ee keeni kara dhiig baxa culus ee caadada waxaa ka mid ah, xanuunada dhiig baxa ee la iska dhaxlo, cudurrada qanjirka thaayroodhka, cudurrada kilyaha, cudurrada beerka iyo sidoo kale kansarada qaar sida kansarka ilmo-galeenka iyo ugxan-sideyaasha.
Sidee lagu maareeyaa caadada culus?
Maareynta caadada culus waxay ku xiran tahay qofka iyo waxa qofka u keenaayo dhiig baxa badan.
Daawooyinka lagula tacaalli karo xaaladdaan waxaa ka mid ah:
- Feerada si looga hortago dhiig yarida
- Kaniiniyaasha ka hortaga uurka, si loo habeeyo wareegga caadada loona yareeyo muddada dhiig baxa iyo culeyskiisaba
- Kaniiniga hormoonka borojesteroonka (Progesterone) ah si la isugu dheelli tiro hormoonnada iyo si loo yareeyo dhiig baxa
Dumarka qaba cudurrada dhiig baxa ee la iska dhaxlo ama lagu dhasho sida himofiiliya (hemophilia), waxaa la siiyaa daawooyin ka saacida in kor loo qaado heerarka borotiinada sameeya xinjirowga dhiigga.
Kaniinada xanuun baabi’iyaasha ayaa sidoo kale loo isticmaali karaa in lagu yareeyo xanuunada ka dhasha xaaladdaan, in kastoo qayb ka mida daawooyin kaan sida daawooyinka loo yaqaano (NSAIDS) ay kordhin karaan halista dhiig baxa.
In qaliin lagu sameeyo burooyinka, kansarrada, iyo uurka hallaabay ayaa sidoo kale qayb ka ah daaweynta iyo maareynta caadada culus.