Marka laga hadlaayo caadada aan joogtada ahayn waxaa soo hoos galo arimahaan:
- Muddada caadada oo aan joogto ahayn
- Xaddiga dhiig baxa oo aad u bata
- Caado la’aan
Maqaalkaan waxaan uga hadleeynaa wareegga caadada ee ay muddadiisa joogtada ahayn. Caadiyan wareegga caadada haweenka waa 28 maalmood, laakiin dumarka ayaa ku kala duwanaan karo.
Caadada aan joogtada ahayn waxa ay imaataa marka wareegga uu ka bato 35 maalmood, ama haddii muddada uu socdo wareegga ay kala duwan tahay bil kasta.
Halkaan ka aqri maqaal ku saabsan wareegga caadada iyo marxaladaheeda.
Marka ugu horeeyso ee ay bilaabato caadada, waxay qaadan kartaa ilaa 2 sano inta wareegga caadada uu ku soconaayo jadwal joogto ah.
Qaangaarnimada ka dib, inta badan wareegga caadada haweenka waxa uu ku socdaa jadwal joogto ah, taasoo micneheeda tahay muddada u dhexeeysa caadooyinka inay isku mid noqoneeyso.
Si kastaba ha ahaatee, dumarka qaar, waqtiga u dhexeeya caadooyinka iyo xaddiga dhiig baxa ayaa wareeg walba kala duwan, waana taas waxa aan ula jeedno caadada aan joogtada ahayn.
Caadada aan joogtada ahayn badanaa uma baahno in la daaweeyo haddii uu imaado xilliga hore ee qaangaarnimada ama xilliga dambe ee da’da dhalmo goyska u dhow.
Laakiin haddii uu imaado inta haweenayda ay ku jirto sanaddada taranka oo u dhaxaysa qaangaarnimada iyo dhalmo goyska, waxaa lagama maarmaan noqonaysa in la daaweeyo.
Maxaa keeno caadada aan joogtada ahayn?
Dhowr arrimood ayaa keeni kara caadada aan joogtada ahayn, inta badanna waxay la xiriiraan hoormoonnada.
Labada hormoon ee saameeya caadada waa ostorojiin (estrogen) iyo borojesteroon (progesterone), hormoonnadaan ayaa ah kuwa nidaamiya wareegga caadada.
Saameynta hormoonnada
Is bedellada ku dhaca nolosha dumarka ee saameeya isku dheelitirka hormoonnada waxaa ka mid ah qaangaarnimada, caadada, uurka, dhalmada, iyo naas nuujinta.
Inta lagu jiro qaangaarnimada, jirka waxaa ku dhoco is bedello waaweyn, waxayna qaadan kartaa dhowr sano in isku dheeli tirka uu saxmo, caadada aan joogtada ahaynna waxa ay imaataa xilligaan aysan jirin isku dheelli tir ka hormoonnada.
Haweenka badankood waxay leeyihiin caado aan joogto ahayn, oo ah in xaddiga dhiigga daadanayaa ama muddada uu soconaayo wareegga ay kala duwanaato bil kasta.
Waxyaabaha looga hortago uurka ayaa sidoo kale keeni kara caadada aan joogtada ahayn, tusaale ahaan qalabka looga hortago uurka ee la galiyo ilmo-galeenka dhaxdiisa ayaa sababi kara dhiig bax xoog leh, kaniiniyaasha looga hortago uurka ayaa sidoo kale keeni kara dhiig baxa.
Marka ugu horreyso ee haweenayda isticmaasho kiniinka looga hortago uurka, waxaa laga yaabaa inay isku aragto dhiig bax yar oo ka khafiifsan kana gaaban kan caadada, balse dhiig baxaan ayaa dhowr bilood ka dib iska baaba’a.
Is bedellada kale ee la xiriira caadada aan joogtada ahayn waxaa ka mid ah:
- Miisaanka oo aad u yaraada
- Miisaanka xad dhaafka ah
- Cadaadiska ama walbahaarka
- Dhibaatooyinka la xariira cuntada
- Jimicsiyada waaweyn
Calaamadaha caadada aan joogtada ahayn
Astaamaha ugu weyn ee caadada aan joogtada ahayn waa marka wareegga uu ka badan yahay 35 maalmood, ama haddii muddada u dhaxaysa caadooyinka ay mar walbo kala duwan tahay.
Haddii ay jiraan is bedello dhanka socodka dhiigga, ama hadii dhiigga uu leeyahay xinjiro ayaa sidoo kale ka mid noqon kara calaamadaha caadada aan joogtada ahayn.
Dhibaatooyinka caadada aan joogtada ahayn
Caadada aan joogtada ahayn ayaa mararka qaar tilmaan u noqon karta dhibaatooyin kale oo caafimaad, qaar ka mida dhibaatooyin kaas ayaa sii horseedi karo dhibaatooyin kale oo ay ka mid tahay dhalmo la’aanta.
Dhibaatooyinka la xiriiro caadada aan joogtada ahayn waxaa ka mid ah:
Cudurrada ugxan-sidayaasha
Cudur ku dhaca ugxan-sideyaasha oo loo yaqaano Polycystic ovarian syndrome (PCOS) ayaa ka mid ah cudurrada la xariira caadada aan joogtada ahayn, xaaladdaan ayaa imaata marka burooyin yar yar oo ay biyo ku jiraan ay ku sameesmaan ugxan-sidayaasha dhaxdooda.
Haweeneyda qabta xaaladdaan waxaa ku adkaata inay soo saarto ukun bil walba, astaamaha cudurkaan waxaa ka mid ah:
- Caado wareer
- Caado la’aan
- Cayil
- Finan
- Timaha ama xaadda wajiga oo bataan
Haweenka qaba xaaladdaan waxaa soo wajahdo isku dheeli tir la’aan dhanka hormoonnada ah, sida hormoonnada insulinta, ostorojiinka (estrogen) iyo hormoonnada labka ee loo yaqaano andorojiin (androgen).
Haweenka qaba cudurkaan ayaa waxaa ku bato xaddiga hormoonka andorojiinka (androgen) oo ah hormoonka labka, waxaana ku yar ostorojiinka (estrogen) oo ah hormoonka dheddiga, waana sababta keentay in finanka iyo timaha wajiga ay ugu bataan haweenka xaaladdaan qaba.
Qanjirka thaayroodhka
Xanuunada thaayroodhka waxay la xiriiraan caadada aan joogtada ahayn maadaama qanjirkaan uu soo saaro hormoonno jirka muhiim u ah.
Kansar
Kansarrada qaybta hore ee ilmo-galeenka ama ilmo-galeenka laftigiisaba ayaa sidoo kale xiriir la leh caadada aan joogtada ahayn ayagoo keeni kara dhiig bax xilliyada u dhaxeeyo wareegyada caadada ama sidoo kale xilliyada galmada.
Cudurrada ilmo-galeenka
Cudurrada ilmo galeenka ee la xariira caadada aan joogtada ahayn waxaa ka mid ah cudur loo yaqaanno Endometriosis, cudurkaan ayaa imaada marka unugyada dahaarka hoose ee ilmo-galeenka ay ku koraan ilmo-galeenka bannaankiisa.
Unugyadaan waa unugyada soo daata xilliga caadada, sidaa darteed xaaladdaan waxay u badan tahay inay saameyso haweenka inta ay ku jiraan sanaddada dhalmada oo ay leeyihiin caadada.
Waxaa xusid mudan in koritaanka unugyada dahaarka ee ilmo-galeenka ay ku koraan bannaanka minka aysan ahayn kansar.
Xaaladdaan ayaa laga yaabaa inaysan lahayn calaamado badan, laakiin waxay leedahay xanuun aad u daran, waxayna horseedi kartaa dhibaatooyin kale.
Unugyadaan ku koray bannaanka ilmo-galeenka ayaa waxaa dhici karto inay saameeyaan xubnaha ku hareereesan ilmo-galeenka ayagoo dhaawacaayo unugyada kale ee xubnahaas.
Xaaladdaan waxay keeni kartaa xanuun fara badan, caado wareer iyo waliba dhalmo la’aan.
Caabuq
Waxaa jiro caabuq ku dhaca xubnaha taranka ee haweenka ee gudaha ku jiro, oo ay ka mid yihiin ilmo-galeenka, ugxan sideyaasha, tubooyinka isku xira ugxan-sideyaasha iyo minka, caabuqaan waxaa loo yaqaannaa Pelvic inflammatory disease (PID).
Caabuqaan ayaa ka mid ah caabuqyada lagu kala qaado galmada, waana caabuqa ugu dhibaatada badan uguna daran caabuqyada galmada lagu kala qaado marka laga reebo AIDS ka.
Haddii goor hore la ogaado cudurkaan waxaa lagu daaweyn karaa qallajiyeyaal, laakiin haddii uu ku faafo xubanaha dhan, wuxuu dhaawici karaa xubnaha taranka ee dumarka, taasoo keenaysa xanuun joogto ah.
Xaaladdaan waxay leedaahay calaamado badan, waxaana ka mid ah dhiig bax imaada xilliyada u dhaxeeya wareegyada caadada ama marki galmada la sameeyo kadib.
Sidee loo maareeyaa caadada aan joogtada ahayn?
Hababka loo maareeyo loona daweeyo caadada aan joogtada ahayn waxaa ka mid ah:
1. Daaweynta guriga
Joogtaynta qaab nololeed caafimaad leh ayaa kaa caawin kara yareynta halista qaar ka mid ah waxyaabaha keena caadada aan joogtada ahayn.
Qaab nololeedyadaas waxaa ka mid ah:
- Jimicsi joogto ah si loo helo miisaan caafimaad leh loona yareeyo istareeska
- Cunista cunto caafimaad leh
2. Daawo caadi ah
Dhakhtarka wuxuu kuu qori karaa kaniiniyo uu ka mid yahay kaniini loo yaqaanno metformin, kaas oo qofka ka caawin kara ugxan siidaynta iyo joogtaynta muddooyinka caadada
Daawadaan ayaa caadi ahaan loo qoraa dadka qaba sokorowga nuuciisa 2-aad ee leh iska caabbinta insulinta, balse xaaladaha qaar ee la xariira caadada aan joogtada ahayn sida xaaladda ku dhacda ugxan-sdieyaasha ayaa xiriir la yeelan karo hormoonka insulinta.
Kiniiniyaasha looga hortago uurka oo ay ku jiraan kaniiniyaasha ka sameesan hormoonnada ostorojiinka (estrogen) iyo borojesteroonka (progesterone) ayaa qofka caawin kara, hormoonnadaan waxay hoos u dhigaan heerarka hormoonnada labka ee ku bato dumarka kuwaasoo sababa caadada aan joogtada ahaynز
Sidoo kale qaadashada hormoonka borojesteroonka (progesterone) 10 ilaa 14 maalmood bil kasta ayaa sidoo kale gacan ka gaysan karto joogtaynta muddooyinka caadada.
Ugu dambeyntii, waxaa muhiim ah in aad dhakhtar kala tashato wax kasta oo ku saabsan daaweynta caadada aan joogtada ahayn maadaamaa qofka uu qabi karo xaalado kale oo caafimaad oo u baahan in la ogaado.