Caafimaadka maskaxda waxa uu khuseeyaa sida ay dadka u fikiraan, wax u dareemaan, iyo sida ay u dhaqmaan, waxa uuna ka kooban yahay garashada, dabeecadda, iyo ladnaanta dareenka ee maskaxda.
Dadka qaar waxay u isticmaalaan ereyga ‘caafimaadka maskaxda’ si aan sax ahayn, ayagoo ula jeeda eraygaas inuu yahay caafimaad oo kaliya, balse marki laga hadlaayo caafimaadka maskaxda waxa sidoo kale ka mid ah cudurrada ku dhaca dhimirka iyo maskaxda.
Caafimaadka maskaxda wuxuu saamayn karaa nolol maalmeedka, xiriirka, iyo caafimaadka jirka ee qof kasta. Inuu qofka ka fikiro caafimaadka maskaxdiisa ayaa ka saacidi karta inuu helo awood uu ugu raaxaysan karo nolosha.
Ka fikiritaankaan waxaa ka mid ah isku dheelli tirnaan lagu sameeyo shaqooyinka qofka uu qabto, mas’uuliyadaha qofka saaran, iyo dadaallada uu qofka ku gaaraayo inuu helo adkeysi shakhsiyadeed oo nafsaani ah.
Xaaladaha qaar sida walbahaarka, niyad jabka, iyo walwalka ayaa dhammaantood saamayn kara caafimaadka maskaxda waxayna khalkhal gelin karaan nolol maalmeedka qofka.
In kasta oo ereyga ‘caafimaadka maskaxda’ uu yahay mid loo isticmaalo xaaladaha maskaxda, waxaa jiro xaalado badan oo ay dhakhaatiirta u aqoonsan yihiin inay yihiin cillado maskaxeed hadana sidoo kale saamayn ku leh jirka intiisa kale.
Maqaalkaan waxaan ku sharxeynaa caafimaadka maskaxda iyo xaaladaha la xiriira caafimaadka maskaxda. Waxaan kaloo sharxeynaa nuucyada ugu badan ee cudurrada ku dhaca maskaxda, astaamahooda iyo sida loo daaweeyo.
Waa maxay caafimaad ka maskaxda?
Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO)
“Caafimaadka maskaxda waa xaalad fayoobaan ah taas oo shakhsiga uu ka warqabo kartidiisa, lana qabsan karo istareesyada caadiga ah ee nolosha, una shaqayn karo si wax ku ool leh, awoodna u leh inuu wax ku biiriyo bulshadiisa”
WHO waxay kaloo carrabka ku adkeeysay in ilaalinta caafimaadka dhimirka ay muhiim u tahay shakhsi ahaan, iyo sidoo kale bulsho ahaanba.
Wadankeena soomaaliya aad ayay ugu badan yihiin dadka qabo xaaladaha la xiriira caafimaadka maskaxda, balse uma maleyno in cudurrada ku dhaca maskaxda marka laga reebo waalida ay qofka ku leeyihiin saameeyn weyn.
Waxyaabaha halista ku ah xaaladaha caafimaadka maskaxda
Qof kasta wuxuu yeelan karaa halis ah inuu ku dhoco cudur ka mid ah cudurrada maskaxda, iyadoon loo eegayn da’diisa, jinsigiisa, dakhligiisa, ama qowmiyadiisa.
Duruufaha bulshadeed, kuwa maaliyadeed, isirrada bayoolojiga ah sida hidde-sidaha, iyo hab-nololeedka qofka ayaa dhammaantood qaabayn kara caafimaadka maskaxda.
Waxaa muhiim ah in la ogaado in badqabka caafimaadka maskaxda uu ku xiran yahay isku dheelli tirnaanta qaybaha kala duwan ee nolosha, iyo in dhowr arimood oo la xiriira nolosha ay gacan ka geystaan cudurrada maskaxda.
Arrimaha soo socda ayaa laga yaabaa inay ka qayb qaataan carqaladaynta caafimaadka maskaxda.
Cadaadis bulsho iyo cadaadis dhaqaale
Haddii qofka dakhligiisa uu yahay mid xaddidan ama uu kasoo jeedo qowmiyad la faquuqo waxaa sare u kici kara halista ah inay soo wajahaan cudurrada maskaxda.
Daraasad ayaa lagu ogaaday dhowr sababood oo la xiriira arimaha bulshada iyo dhaqaalaha oo ay ku jiraan saboolnimada iyo ku noolaanshaha meelaha aan laga helin asaasiyaadka nolosha ay sababaan xaaladaha caafimaadka maskaxda.
Cilmi-baarayaasha waxay kaloo sharraxeen farqiga u dhexeeya helitaanka iyo tayada daawada loo isticmaalo cudurrada maskaxda, waxayna u fiirinaayeen in waxyaabaha keena farqigaas ay yihiin waxyaabo wax laga badali karo ama kuwo aan wax laga badali karin.
Waxyaabaha wax laga badali karo ee keeni kara xaaladaha caafimaadka maskaxda waxaa ka mid ah:
- Arimaha bulshada la xiriira, sida haddii shaqo laga heli karo deegaanka
- Shaqooyinka nuucooda
- Heerka qofka uu ka taagan yahay bulshadiisa
- Waxbarashada
- Tayada guryaha
Waxyaabaha aan la badali karin waxaa ka mid ah:
- Jinsiga (labnimo ama dheddignimo)
- Da’da
- Isirka
Cilmi-baarayaasha waxay kaloo ogaadeen in dumarka ay ku badnaayeen xaaladaha la xariira caafimaadka maskaxda in ka badan 3 jeer ragga.
Daraasaddaan ayaa sidoo kale lagu ogaaday in dadka dhaqaalohooda hooseeyay ay lahaayeen halista ugu sarreeyso ee xaaladaha caafimaadka maskaxda.
Isirrada baayolojiyadeed
Daraasad ayaa waxay soo jeedinaysaa in isirrada baayolojiyadeed sida hidde-sidaha qoyska ay kordhin karto suurtogalnimada xaaladaha caafimaadka dhimirka, maadaama hidde-sidayaasha qaarkood ay sare u qaadi karaan halista cudurrada qaar ee ku dhici kara qofka.
Si kastaba ha ahaatee, arrimo badan oo kale ayaa gacan ka geysta cudurrada ku dhaca maskaxda.
In aad leedahay hidde-side xiriir la leh xaaladaha ku imaada caafimaadka dhimirka, sida niyad jabka, cabsida iyo cudurrada kale, micnaheeda maahan inay khasab tahay in xaaladahaan ay kusoo wajahaan, balse kaliya halistooda ayaa kugu badan.
Sidoo kale, dadka aan lahayn hidde-side la xiriira xaaladaha ku imaada caafimaadka dhimirka ayaa waxaa soo wajihi kara xaaladaha ku imaada caafimaadka maskaxda.
Xaaladaha caafimaadka maskaxda sida walbahaarka, niyad jabka, iyo walwalka ayaa sidoo kale laga yaabaa inay qofka soo wajahaan haddii qofka uu la noolyahay cudurrada kale ay ka mid yihiin, sida kansarka, sokorowga, iyo xanuunada kale ee joogtada ah.
Xanuunada caafimaadka maskaxda
Nuucyada ugu badan ee cudurrada dhimirka ama maskaxda waxaa ka mid ah:
- Xanuunada walwalka
- Xanuunada niyadda
- Xanuunka dhimirka ee xaqiiqada looga baxo sida iskitsofareeniya (schizophrenia)
Xanuunada walwalka
Sida laga soo xigtay ururada ku shaqo leh caafimaadka maskaxda, cudurka walwalka ayaa ah cudurka ugu badan ee ku dhaca maskaxda ama dhimirka.
Dadka qaba cudurradaan ayaa soo wajahda cabsi ama walaac badan marka ay la kulmaan waxyaabaha qaar ama marka ay ku jiraan xaaladaha qaar. Inta badan dadka qaba walwalka waxay isku dayaan inay ka fogaadaan wax kasta oo kiciya walaacooda.
Tusaalooyinka xanuunka walwalka waxaa ka mid ah:
Xanuunka walwalka guud
Xanuunkaan waxaa lagu qeexaa walwal aan meel loo raaco leheen oo carqaladeeya nolol-maalmeedka qofka.
Marka lga soo tago astaamaha cabsida iyo walaaca ee maskaxda la xiriira, dadka waxay kaloo la kulmi karaan astaamo jireed ay ka mid yihiin:
- Xasilooni darro
- Daal
- Murqaha oo adkaada
- Hurdo la’aan
Dad ka qaba xaaladdaan ayaa waxa laga yaabaa inay iska dareemaan walwal ayada oo aysan jirin wax ku kicinaayo walwalkaas.
Waxaa kaloo laga yaabaa inay dareemaan walwal xad dhaaf ah markasta ay la kulmaan xaaladaha qaar sida marki ay joogaan goobaha shaqada ama ay sugaayaan natiijo.
Xanuunada argagaxa
Xanuunka argagaxa waxaa u ka mid yahay cudurrada la isku dhoho ‘xanuunada walwalka’, dadka qaba xanuunkaan waxay la kulmaan argagax joogto ah oo ku imaada si lama filaan ah.
Argagaxa wuxuu imaan karaa marka uu qofka qabo walwal aad u sarreeya. Caadiyan argagaxa waxa uu ku dhici karaa qof kasta, laakiin mararka qaarkood, argagaxa xad dhaafka ah wuxuu calaamad u noqon karaa cudurkaan.
Inta uu qofka dareemaayo argagaxa, waxaa laga yaabaa in shucuurtiisa ay sare u kacdo, isagoo dareemaayo quus ama cabsi. Sidoo kale qofka wuxuu dareemi karaa wadna garaac fara badan oo deg deg ah, neefsasho deg deg ah, dhidid, iyo gariir.
Cabsida ama foobbiyada
Cabsida ama foobbiyada waxay sidoo kale ka mid tahay ‘xanuunada walwalka’, waxaa jira nuucyo kala duwan oo cabsi ama foobbiya ah:
- Foobbiyada guud: nuucaan waa cabsi uu qofkasta yeelan karo, mana laha wax gooni ah oo lagu tilmaami karo, qofka ayaa wuxuu foobiyo ku qabi karaa waxyaabo gaar ah, dhacdooyin gaar ah, ama xayawaan gaar ah sida dadka ka cabsada caara-caarada.
- Foobbiyada bulshada: nuucaan waxaa mararka qaarkood loo yaqaanaa walwalka bulshada, qofka ayaa waxa laga yaaba inuu foobiyo ka qabo dadka, waxa uuna ka cabsadaa in dadka ay wax ka sheegaan ama ay xukmiyaan.
Qofka qaba cabsida ama foobbiyada bulshada wuxuu inta badan xadidaa la tacaamulka bulshada si uu uga fogaado arimaha aan soo sheegnay.
- Foobbiyada meelaha: nuucaan waxaa loola jeedaa cabsida ama foobbiyada laga qabo meelaha ama xaaladaha aan laga baxsan karin, sida qofka marka uu ku jiro wiishka dabaqyada lagu koro ama uu saaran yahay tareen socdo.
Foobbiyada waa xaalad shaqsiyadeed oo qoto dheer, dhakhaatiirtana ma yaqaanaan nuuc kasta oo foobbiyo ah, waxaa jiri kara kumannaan foobbiyo.
Xanuunada niyadda
Dadka qaar ayaa ku tilmaama in xanuunada niyadda ay yihiin kuwo la saameen ah xanuunka niyad jabka.
Dadka qaba xaaladahaan waxay isku arkaan isbadal weyn oo xagga niyadda ah, qofka ayaa mar dareemaayo fir fircooni iyo farxad zaaid ah, halka mararka kalana uu dareemaayo niyad jab zaaid ah.
Xanuunada niyadda waxaa ka mid ah:
Niyad jabka
Shakhsiga qaba xaaladdaan wuxuu la kulmaa niyad jab joogto ah wuxuuna lumiyaa xiisihi uu u hayn jiray hawlaha uu qaban jiray iyo dhacdooyinkii uu hore ugu riyaaqi jiray, wuxuuna qofka dareemi karaa murugo xad dhaaf ah oo waqti dheer jirta.
Cudurka laba-cirifoodka
Labo-cirifood waxaa loolaa jeedaa in qofka qaba xaaladdaan uu la kulmo labo xaalad oo kala duwan oo laba cirif kala jirta.
Tusaale ahaan, xilliyada qaar qofka niyaddiisa aad ayay u sarreysaa oo wuxuu dareemaayaa fir fircooni iyo farxad dheeraad ah, xilliyada kalana cagsi ayuu dareemaayaa, oo wuxuu yeelanayaa niyad aad u hooseeso iyo niyad jab zaaid ah.
Qofka qaba xaaladdaan wuxuu had iyo jeer la kulmaa isbadallo aan caadi ahayn oo xaga niyadda ah oo ay ka mid yihiin, heerarka fir fircoonida, heerarka dhaq dhaqaaqa, iyo kartida uu ku sii wadan karo nolol maalmeedkiisa.
Xanuunada iskitsofareeniya
Khubarada ka shaqeeya caafimaadka dhimirka ayaa weli isku dayaya inay go’aamiyaan in iskitsofareeniya (schizophrenia) ay tahay hal cudur ama ay yihiin koox cudurro ah oo isla xiriira.
Xaaladdaan ayaa ah mid aad u daran, waxaana ay ka mid tahay cudurrada dhimirka ee xaqiiqada looga baxo, taas oo macneheeda tahay in qofka waxa uu dareemaayo iyo waxa uu ku fikiraayo aysan ahayn wax xaqiiqo ah.
Xaaladdaan ayaa caadi ahaan soo ifbaxda inta u dhaxaysa da’da 16 ilaa iyo 30 sano, qofka wuxuu yeelanaayaa fikrado kala daadsan, sidoo kale waxaa laga yaabaa inay ku adkaato inuu fahmo macluumaadka xaqiiqiga ah.
Xaaladdaan waxay leedahay calaamado kala duwan oo ay ka mid yihiin in qofka uu arko ama maqlo waxyaabo dhalanteed ah oo aan jirin, calaamadaha waxaa kaloo ka mid ah in qofka uu dadka ka go’o, inuusan qabanin wax shaqo ah, iyo in marwalba niyaddiisa ay maqantahay.
Calaamadaha cudurrada maskaxda
Ma jiraan baaritaanno jireed ama iskaanno si kalsooni leh u tilmaamaya in qofka uu ku dhacay cudur ka mid ah cudurrada dhimirka.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiro calaamado haddii qofka lagu arko ay suurtagal tahay in ay heeso xaalad la xiriirta caafimaadka maskaxda.
Calaamadahaan waxay isugu jiraan kuwo tilmaamaayo xaalado iska macquul ah sida xaaladaha la xariira niyadda ama niyad jabka, iyo calaamado kale oo tilmaamaayo xaalado halis ah oo la xariira caafimaadka maskaxda.
Calaamadaha waxaa ka mid ah:
- Ka go’idda asxaabta iyo qoyska
- Ka fogaanshaha waxyaabaha caadiyan dadka farxad galiya
- Hurdo badan ama hurdo aad u yar
- Cunto cunis aad u badan ama aad u yar
- Qofka inuu dareemo quus iyo rajo beel
- Qofka inuu mar walba u muuqdo inuu tabar daran yahay
- Isticmaalka waxyaabaha badala niyadda, oo ay ku jiraan jaadka iyo sigaarka
- Qofka oo marwalbo wareersan
- Awood la’aanta qabashada hawlaha maalinlaha ah, sida in uu qofka shaqo tago ama uu cunto karsado
- Fikrado ama xusuusyo joogto ah
- Qofka oo ku fikira inuu halis u geysto naftiisa ama dadka kale
- Qofka inuu maqlo codad aan jirin
- Qofka inuu arko waxyaabo aan jirin
Sidee lagu daaweeyaa cudurrada maskaxda?
Waxaa jira habab kala duwan oo lagu maareeyo dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda, daaweyntana waxay ku xirantahay qofka, daawo qof u shaqeesay ayaa laga yaabaa inaysan u shaqeeynin qof kale..
Qofka wuxuu u baahan yahay inuu si dhow ula shaqeeyo dhakhtarka, si dhakhtarka uu u ogaado qofka baahidiisa uuna u siiyo daaweyn ku habboon.
Hababka daaweynta xaaladaha caafimaadka maskaxda waxaa ka mid ah:
Daaweyn nafsaani ah
Daaweynta nafsaaniga ah waxaa loola jeedaa in hab cilmi nafsi ah lagu daaweeyo cudurrada dhimirka, daaweynta nuucaan ah waxaa ka mid ah in qofka lala hadlo, lala sheekeysto lagana dhaadhiciyo wax badan si dabeecadda garashadiisa ay isku bedesho.
Dhakhaatiirta dhimirka, kuwa cilmi nafsiga bartay iyo qaar ka mid ah dhakhaatiirta daryeelka aasaasiga ah ayaa sameeya daaweynta nuucaan ah.
Habkaan wuxu dadka ka caawin karaa inay fahmaan asalka jirradooda maskaxeed oo ay bilaabaan inay isku dayaan inay isku sameeyaan isbadal taageera nolol maalmeedkooda isla markaana yareeya halista calaamadahooda.
Daawo caadi ah
Dadka qaar ayaa qaata dawooyinka caadiga ah ee la qoro, sida dawooyinka dhimirka, kuwa niyad jabka iyo kuwa looga hortago walwalka.
In kasta oo ay daawooyinkaan aysan ciribtiri karin cilladaha maskaxda, hadana waxay yarayn karaan astaamaha waxayna qofka ka caawin karaan inuu dib u bilaabo isdhexgalka bulshada iyo nolol maalmeed kiisa caadiga ah.
Is caawinta qofka
Qofka la tacaalaya dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda wuxuu badanaa u baahan yahay inuu isbadal ku sameeyo hab-nololeedkiisa si ay u fududaato raysashadiisa.
Isbedellada nuucan oo kale ah waxaa ka mid ah iska joojinta isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya, in qofka uu badiyo hurdada, iyo cunidda cunto dheelli tiran oo nafaqo leh.