Maxaa loola jeedaa waxyaabaha go’aamiya caafimaadka qofka bulsho ahaan?
Waxyaabah go’aamiya caafimaadka qofka bulsho ahaan waa duruufaha shakhsiyadeed ee saameeya caafimaadka qofka iyo ladnaantiisa.
Waxaa ka mid ah arrimaha siyaasadda, dhaqanka, dhaqaalaha, iyo bulshada, oo ay barbar socdaan sida fudud ee qofka uu u heli karo daryeel caafimaad, waxbarasho, meel ammaan ah oo lagu noolaado, iyo cunto nafaqo leh.
Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu ku qeexaa waxyaabaha go’aamiya caafimaadka qofka bulsho ahaan “xaaladaha ay dadku ku dhashaan, ku koraan, ku shaqeeyaan, ku noolaadaan, ayna ku gaboobaan, iyo arimaha iyo nidaamyada qaabeeya xaaladaha nolol maalmeedka.“
Qaybaha ay u kala baxaan go’aamiyaasha caafimaadka qofka bulsho ahaan
1. Daryeelka Caafimaadka
Qaybtaan waxay ka kooban tahay helitaanka daryeelka caafimaadka iyo tayadiisa. Waxaana ka mid ah:
- Helitaanka daryeelka caafimaadka aasaasiga ah
- Caymiska caafimaadka
- Aqoonta caafimaadka
2. Xasilooni dhaqaale
Qaybtaan waxaa loola jeedaa xiriirka ka dhexeeya dhaqaalaha qofka iyo caafimaadkiisa. Waxyaabha ka mid noqon kara tusaale ahaan waxaa ka mid ah:
- Saboolnimada
- Shaqada
- Helidda cunto fiican
- Hooyga
3. Waxbarashada
Qaybtaan waxay ku saabsantahay xiriirka ka dhexeeya helitaanka waxbarasho tayo leh, tusaale ahaan waxaa ka mid ah:
- Waxbarashada dugsiga sare
- Tacliinta sare
- Luqadda iyo akhriska
- Horumarka carruurnimada
4. Nolosha bulshada
Qaybtaan waxay ku saabsantahay hababka uu qofku u nool yahay, u shaqeeyo, uuna wax u barto iyo sida ay arrimahaas ula xiriiraan caafimaadka qofka. Arrimahaas waxaa ka mid ah:
- Dhax galka bulshada
- Takoorka
- Xabsiga
- Xaaladaha goobta shaqada
5. Deriska
Qaybtaan waxa ay la xiriirtaa bay’ada iyo hooyga qofka iyo doorka ay ka qaataan caafimaadka qofka. Arrimahaas waxaa ka mid ah:
- Tayada guryaha
- Gaadiidka
- Helitaanka cuntooyin caafimaad leh
- Tayada biyaha
- Dagaalka iyo rabshadaha
Xasiloonida dhaqaalaha
Xasiloonida dhaqaaluhu waxay muhiim u tahay awoodidda fursadaha hab nololeed fiican iyo helidda daryeel caafimaad oo tayo leh.
Shaqo mushaar fiican leh, oo joogto ah ayaa muhiim u ah helidda cunto iyo hooy fiican. Kaydadka lacageed waxay sidoo kale lagama maarmaan u yihiin maareynta xaaladaha caafimaad ee waqtiga dheer jira iyo xaaladaha deg degga ah.
Dadka shaqada joogtada ah haysto ayaa waxaa laga yaabaa inaysan kasban ama helin lacag ku filan si ay u helaan daryeel caafimaad oo tayo leh.
Waxaa intaa dheer, xaaladaha caafimaad qaarkood ee soo wajaha qofka iyo naafanimada ayaa dadka ku ridi kara khasaare aad u weyn, maadaama qarash uu uga baxaayo.
Helitaanka waxbarasho tayo leh
In ilmaha uu helo waxbarasho tayo leh inta uu koraayo ayaa go’aamin karta xaalad nololeedkiisa mustaqbalka taasoo saameyn ku leh caafimaadkiisa.
Waxbarashada carruurnimada hore waa lagama maarmaan. Waxayna muhiim u tahay horumarka ilmaha dhanka bulshada iyo maskaxdaba.
Waxbarashada heerka sare oo tayo fiican lehna waxay qofka u furi kartaa albaabo cusub si uu u helo waxbarasho dheeraad ah iyo fursado shaqo.
Carruurta ka soo jeeda qoysaska dakhligoodu yar yahay, kuwa naafada ah, ama kuwa la kulma takoor bulsheed markay yar yihiin ayaa laga yaabaa inaysan ku fiicnaanin waxbarashada dugsiga.
Waxaa kale oo ay la kulmaan caqabado ka hor istaaga inay sii wataan waxbarashada sare.
Sidaas darteed, dadka ka soo jeeda qoysaska dakhligoodu yar yahay waxay inta badan ku dhibtoodaan inay helaan shaqooyin ammaan ah oo mushahar fiican leh.
Waxaa kale oo macquul ah inay ku badato khatarta xaalado caafimaad sida cudurrada wadnaha, sokorowga, ama niyad jabka, maadaama xaaladahaan ay la xiriiraan hab nololeedka qofka.
Walbahaarka ka dhasha dhibaatooyinka dhaqaale ayaa sidoo kale si xun u saamayn kara caafimaadka iyo ladnaanta qofka.
Tusaale ahaan, ku noolaanshaha nolol saboolnimo ah waxay si xun u saamayn kartaa koritaanka maskaxda ilmaha.
Nolosha bulshada
Isdhexgalka u dhexeeya shakhsiyaadka iyo xubnaha qoyskooda iyo dadka la shaqeeya ayaa saamayn kara caafimaadkooda.
Tusaale ahaan, xaaladaha goobta shaqada iyo takoorku waxay saamayn ku yeelan karaan niyadda dadka iyo isku-kalsoonidooda.
Waxaa intaa dheer, xabsiga, waalid la’aanta, iyo xoog sheegashada ay la kulmaan ilmaha qaar ayaa dhammaantood waxay saamayn ku yeelan karaan horumarka ilmaha iyo inay dareemaan kalinimo.
Waxyaabaha go’aamiya caafimaadka qofka bulsho ahaan ayaa ah arrimo aysan dadku keligood xakameyn karin. Kobcinta cilaaqaadyada qofka kala dhaxeeya xubnaha guriga, shaqada, ama bulshada ayaa hormarin kara ladnaanta dadweynaha.
Waxyaabaha kale ee wanaajiya caafimaadka bulshada ayaa waxaa ka mid ah in la sameeyo ololaha bulshada lagu wacyi galiyo, tusaale ahaan hirgelinta aagagga aan lagu cabin sigaarka iyo xakamaynta isticmaalka tubaakada taasoo keenta hoos u dhac ku imaada cudurrada la xiriira sigaarka.
Deriska
Guriga uu qofka ku noolyahay iyo xaaladaha noloshiisu waxay si toos ah u saamayn karaan caafimaadkiisa iyo ladnaantiisa.
Dad badan oo adduunka ku nool ayaa deris la ah:
- Rabshado iyo xasilooni darro
- Wasakh
- Hawo aan nadiif ahayn
- Biyo aan nadiif ahayn
Qowmiyadaha la haybsooco, iyo sidoo kale dadka ka soo jeeda qoysaska dakhligoodu yar yahay, ayay u badan tahay inay ku noolaadaan meelaha khataraahas ay ku badanyihiin.
Xataa marka shaqada la joogo, dadku waxay la kulmi karaan waxyaabo dhaawici kara caafimaadkooda, sida qiiqa sigaarka ay cabaan dadka ay la shaqeeyaan.
Waxaa la sameyn karaa is beddello si loo hagaajiyo bay’adaha dadweynaha iyo caafimaadka guud. Tusaale ahaan, milkiilayaasha shirkaduhu waxay yarayn karaan khataraha caafimaadka iyo badbaadada shaqada.
Golayaasha deegaanka iyo guddoonka degmooyinka ayaa waxay iska kaashan karaan yaraynta:
- Dhibaatooyinka degaanka
- Wasakhda degaanka
- Helidda biyo nadiif ah oo la cabi karo