Waa maxay Cilaaj?
Cilaaj waa kalmad Soomaali ah oo laga keenay kalmadda carabiga ah ee “علاج” taaso macneheeda noqonaayo “daawayn”. Cilaajyada waa xarumo lagu xareeyo lagu baxnaaniyana dadka xanuunada dhimirka qabo, badanaa xarumahaan waa xarumo si gaar ah loo leeyahay.
Xarumahaan ma aha xarumo ay shati ama laysin siiso dawladda si ay u hawlgalaan. Xarumaha kama jiraan barotokoollo ama shuruuc dawladeed oo ay u hoggaansamaan markay noqoto daawaynta iyo baxnaanaynta bukaanada.
Sababaha Cilaajka
Sida laga spo xigtay Ururka Caalamiga ah ee Caafimaadka Adduunku ee WHO, saddexdii qof ee Soomaali ahba hal qof ayaa qabo nuuc ka mid ah xanuunada dhimirka.
Adeegyada daryeelka caafimaadka maskaxda waxaa badanaa lagu bixiyaa isbitaalo gaar loo leeyahay, waxaaana kaliya lagu daaweeyaa bukaan socodka qarashkooduna waa mid qaali ah.
Isbitaallada ufuran dadweynaha ee dawladda hoos imaado waxay leeyihiin waaxyo qaabilsan daaweynta xanuunada dhimirka laakiin xarumahaan ma aha kuwo ku filan baahida loo qabo xarumo noocaas ah.
Cilaajyada waxaa loo abuuraa si ay u buuxiyaan baahidaas jirto una siiyaan daryeel bukaanada xanuunkoodu daran yahay ee xaraynta iyo baxnaaninta u baahan.
Qoysas badan waxay ku xareeyan bukaankooda ay jecelyiin xarumahaan maadaama aysan jirin xarumo kale oo dhaama oo ay geeyaan.
Noocyada Bukaannada
Dadka oo dhan ma awoodaan inay bixiyaan qarashka xarumaha lagu xaraynaayo laguna xanaanaynaayo bukaankooda, maadaama qarash badan oo bille ah ay qaataan.
Sidaa awgeed, kaliya qoysaska heerkooda dhaqaale fiican yahay ayaa caadi ahaan ku xareeya xarumahaan bukaankooda ka xanuusan ee ay jecelyihiin. Bukaanada lagu xareeyo xarumahaan waxaa ka mid ah:
- Bukaannada naftooda waxyeeleeya ama dadka kale
- Kuwa qaadka cuna ama cabba sigaarka
- Kuwa aan qaadan daawooyinka sida looga baahan yahay
Xarumaha cilaajyada waxay baxnaanin iyo daawayn siiyaan bukaanada noocan ah kuwaas oo aan lagu daaweyn karin xarumaha caafimaadka ee bukaan socodka.
Haddii xarumahaan aysan jiri leheenna, dadka noocan ah ee qaba xanuunadaan dhimirka ma aysan heleen daryeelka ku habboon, qaar badan oo ka mid ahna waa ay dayacmi lahaayeen, taas oo ku tusayso baahida muhiimka ah ee loo qabo xarumahaan.
Saamaynta Cilaajyada
- Dhibaatooyinka Caafimaadka Jirka: Miisaanka bukaanadaan waa uu kordhaa, waxaana sabab u ah nolol maalmeedkooda fadhiidka ah iyagoon wax jimicsi ah aan samayn. Daawooyinka dhimirka ay qaataan ayaa sidoo kale ka qayb qaadan karo kororka miisaankooda.
Kororka miisaanka waxaa ka dhasho dhibaatooyin caafimaad oo ay ka mid yihiin cudurrada sokorta iyo dhiig karka. - Rabshad: Bukaannada lagu xareeyo xarumaha cilaaka mararka qaar waa ay kacaan wayna dagaallamaan, wayna waxyeeleeyaan, taasna waxay keeni kartaa in ay is gaarsiiyaan dhaawacyo halis ah.
- Dayyac iyo Xadgudub: Ma jiraan xirfadlayaal caafimaad oo si wacan ugu tababaran daawaynta iyo daryeelka dadka xanuunada dhimirka qaba, bukaanada qaar waa la dayyacaa, loo hanjabaa, la garaacaa amaba la xiraa.
- Nadaafad Darro: Xarumahaan oo loogu talo galay in lagu ganacsado faa’ido lacageedna laga helo, sidoo kalena uusan jirin kormeer joogto ah ama shuruuc ay uhoggaansamaan, waxaa dhacdo inay qabtaan bukaano ka badan inta xarunta qaadi karto taas oo keento inay buux dhaafto ayna ka dhalato xaalad nadaafad darro ah oo sababi karto dhibaatooyin caafimaad.
Horumarinta Cilaajyada
Xarumahaan waxay daboolaan baahi dhab ah oo ka jirta Soomaaliya, laakiin ma aha xal habboon. Dawladda waa inay qaadaa tallaabooyin lagu korjoogtaynayo xarumahan si loo xaqiijiyo inay bixinayaan daryeel wax ku ool ah oo ammaan ah. Tallaabooyinkaan waxaa ka mid noqon karo:
- Abuurista qaab shaqo oo shati ama laysin lagu siinaayo laguna kormeeraayo cilaajyada
- Siinta tababar xirfadlayaasha caafimaadka maskaxda
- Samaynta kormeer joogto ah si loo xaqiijiyo inay u hoggaansan yihiin shuruudaha hawlgalidda.
Gunaanad
Dawladda waa inay maalgalisho fidinta adeegyada caafimaadka maskaxda si qof kasta uu u helo uguna heli karo qiimo jaban. Taas waxay yarayn kartaa baahida loo qabo daryeelka lagu bixiyo cilaajyada.