Waa maxay istaroog (stroke)
Cudurka istaroogga waa cudur ka mid ah cudurrada ugu badan ee sababa dhimashada dadka da’da ah. istaroogga (stroke) waa cudur ku dhoco maskaxda, waxa uuna dhacaa marka hoos u dhac ama xannibaad ay ku imaato isku socodka dhiigga maskaxda aado.
Marka ay sidaas dhacdo, maskaxda ma hesho oksijiin ama nafaqooyin ku filan, unugyada maskaxdana waxay bilaabaan inay dhintaan.
Cudurka istaroogga waa xaalad deg deg ah wuxuuna u baahan yahay in si deg deg ah (saacado gudohood) looga daaweeyo qofka, waana cudur la xallin karo marka marxaladda cudurka ay fududahay (waqti hore), balse nasiib darro badanaa ma dhacdo in xilli hore lagu baraarugo cudurka ama qofka uu helo daryeel caafimaad oo deg deg ah.
Haddii cudurka istaroogga aan la daaweynin xilli hore waxa uu qofka u horseedi karaa naafonimo ama ugu dambeyn dhimasho.
Sida lasoo xigtay daraasado la sameeyey heerka dhimashada ee istaroogga sannadkii 2017 wuxuu ahaa in 37.6 qofood ay u dhintaan 100,000 qofood oo qabto cudurka istaroogga. Dhakhaatiirta waxay horumar weyn ka sameeyeen maaraynta istaroogga, taasoo la micno ah in heerka dhimashada ee cudurka uu ka hooseeyo 13.6% sidii uu ahaa 2007dii.
Maqaalkaan wuxuu sharraxayaa sababta uu istaroogga u dhoco iyo sida loo daweeyo, waxaa kale oo aan ka hadli doonnaa nuucyada kala duwan ee istaroogga, iyo weliba tallaabooyinka uu qofku qaadi karo si uu uga hortago.
Nuucyada cudurka istaroogga
Waxaa jiro saddex nuuc oo waaweyn oo istaroog ah:
Nuuca 1-aad
Nuucaan waxa loo yaqaanaa iskeemik istaroog (ischemic stroke), waa nuuca ugu badan ee istaroogga, boqolkiiba 87% dadka istaroogga qabo nuucaan ayay leeyihiin.
Nuucaan waxa uu dhacaa marka xinjir dhiig ay xirto xididada dhiigga ee maskaxda taasoo keenaysa in dhiigga iyo oksijiinta ay gaari waayaan maskaxda, ka dibna maskaxda qaybo ka mid ah uu dhaawac soo gaaro.
Nuuca 2-aad
Nuucaan waxaa loo yaqaanaa himoreejik istaroog (hemorrhagic stroke), nuucaan waxa uu dhacaa marka xidid ka mid ah xididada dhiigga ee maskaxda uu dillaaco, ka dibna dhiigga iyo oksijiinta ay gaari waayaan qaybo ka mid ah maskaxda.
Nuucaan waxa uu ka dhib badan yahay nuuca 1-aad marka loo fiiriyo dhanka la tacaalidda iyo daaweynta.
Nuuca 3-aad
Nuucaan waxaa loo yaqaanaa taransiyent iskeemik ataak (Transient ischemic attack), waa nuuc ka duwan labada nuuc oo kale, balse waxa uu u dhowyahay nuuca 1-aad ee istaroogga, maadaama nuucaan dhibaatadiisa ay tahay mid ku meel gaar ah, oo haddii si dhakhso ah loo daaweeyo uu qofka ka baaba’aayo.
Waxa uu dhacaa marka isku socodka dhiigga qayb maskaxda ka mid ah uu ku filnaan waayo muddo kooban, mararka qaar socodka dhiigga ayaa si caadi ah dib u bilaabmo waqti yar ka dib, astaamaha cudurkana waa ay baaba’aan daawo la’aan. Dadka qaar ayaa cudurkaan ugu yeero (ministroke) oo macneheeda tahay “istaroogga yar”.
Astaamaha cudurka istaroogga
Astaamaha istaroogga badanaa waxay soo baxaan digniin la’aan. Qaar ka mid ah astaamaha ugu waaweyn waxaa ka mid ah:
- Wareer, oo ay ku jirto in hadalka iyo fahamka hadalka ay ku adkaadaan qofka
- Madax xanuun, ay la socon karaan miyir dabool ama matag
- Kabaabiyo (daciifnimo) ama in qofka uu awoodi waayo inuu dhaqaajiyo qaybo ka mida wejiga, gacmaha, ama lugaha, badanaa kabaabiyadaan waxay saameysaa hal dhinac oo jirka ka mid ah.
- Aragga oo qofka dhib ku noqdo (hal il ama labada ilba)
- Socodka oo dhib ku noqda qofka, ayadoo ay wehliyaan wareer iyo in qofka uu is celin karin.
Istaroogga wuxuu horseedi karaa dhibaatooyin caafimaad oo muddo dheer sii jiro, iyadoo ay ku xiran tahay sida dhakhsaha badan ee loo ogaado cudurka loona daaweeyo, qofka wuxuu la kulmi karaa naafonimo ku meel gaar ah ama joogto ah marka uu ku dhoco istaroogga.
Cudurka istaroogga ka dib, dadka qaar ayaa laga yaabaa inay la kulmaan:
- Dhibaatooyinka kontoroolka saxarada ama kaadida
- Niyad jab
- Cuuryaannimo ama daciifnimo hal dhinac ama labada dhinac ee jirka
- Inay ku adkaato xakamaynta ama muujinta shucuurtooda
Astaamaha cudurka istaroogga way ku kala duwan yihiin dadka waxayna u kala duwanaan karaan darnaantooda iyo waqtiyada ay soo muuqanaayaan ama ay sii jiraayaan.
Maxaa keeni karo cudurka istaroogga?
Nuuc kasta oo istaroogga ka mid ah wuxuu leeyahay waxyaabo kala duwan oo sababi karo. Si kastaba ha ahaatee, guud ahaan marki laga hadlaayo istaroogga ayaa laga yaabaa inuu saameeyo:
- Dadka miisaankooda culusyahay ama aadka u cayilan
- Dadka da’dooda ay ka weyntahay 55 sano
- Qof uu horay ugu dhacay istaroogga ama qof qoyskiisa ka mid ah uu ku dhacay
- Dadka qabo dhiig karka
- Dadka qabo sokorowga
- Dadka kolestaroolkooda uu sareeyo
- Dadka qabo cudurrada wadnaha
- Dadka ku nool hab-nololeedka fadhiidka ah
- Dadka cabo sigaarka
- Dadka isticmaalo daawooyinka maandooriyaasha ah
Daraasadaha qaarkood waxay ogaadeen in ragga ay halis sare ugu jiraan u dhimashada istaroogga marka loo eego dumarka.
Si kastaba ha ahaatee, daraasad kale ayaa soo jeedinaysa in kala duwanaanshahaas uusan saameyn ku lahayn da’da, jinsiyadda qofka iyo darnaanta istaroogga, waxay daraasadda sharraxaysaa in halista dhimashada istaroogga inta badan ay kordhiso da’da iyo xaaladda caafimaad ee qofka, balse aysan kordhin raganimada ama dumarnimada qofka
Qaybaha soo socdo waxaan ku sharraxaynaa waxyaabaha gaarka ah ee keeni karo nuucyada kala duwan ee cudurka istaroogga.
Nuuca 1-aad
Sidaa horay usoo sheegnay istaroogga nuucaan ah wuxuu dhacaa marka xannibaad ay ku imaato isku socodka dhiigga ee halbowlayaasha dhiigga siiyo maskaxda.
Taas waxay keentaa inuu yaraado oksijiinta maskaxda gaaraayo, ka dibna unugyada maskaxda uu dhaawac soo gaaro. Nuucaan waxaa sababo ama keeno xinjiro dhiig, xinjirta waxay ku samaysmi kartaa halbowlayaasha maskaxda iyo xididada kale ee dhiigga ee jirka.
Xeyrta ku kaydsanta xididada ama halwbowlayaasha dhiigga ayaa sidoo kale keeni karto inay xirmaan xididada dhiigga u qaado maskaxda.
Nuuca 2-aad
Dilaaca xididada dhiigga ayaa keeni karo istaroogga nuuciisa labaad ee himoreejik istaroog (hemorrhagic stroke). Dhiig baxa ka imaada dilaacaas wuxuu cadaadis saaraa unugyada maskaxda wuuna dhaawacaa.
Dhiig baxa wuxuu sidoo kale hoos u dhigaa xaddiga dhiig ee gaari lahaa unugyada maskaxda, dilaaca xididada wuxuu sidoo kale sababi karaa in dhiig uu ku shubmo maskaxda gudeheeda iyo maskaxda banaankeeda (inta u dhaxayso lafta iyo maskaxda).
Waxyaabaha keeni karo nuucaan waxaa ka mid ah:
- Dhiig-karka
- Dhaawac (jug) dhanka maskaxda ah
- Qaadashada daawooyinka looga hor tago xinjirowga (daawooyinka dhiigga-khafiifiya) sida daawada heparin
Dhiig baxa loo yaqaano (intracerebral ) ayaa ah nuuca ugu badan ee himoreejik istaroog (hemorrhagic stroke), wuxuuna imaadaa marka unugyada maskaxda ay ku fatahaan dhiig ka dib markii uu dillaaco halbowle.
Nuuca 3-aad
Sida aan hore usoo sheegnay nuucaan wuxuu dhacaa marka uu si ku meel gaar ah u joogsado socodka dhiigga ee maskaxda, waxaa uuna shabbahaa ama uu la mid yahay nuuca 1-aad ee istaroogga.
Waxaa fiican in nuucaan loo arko xaalad degdeg ahaan, xitaa haddii astaamaha yihiin kuwo ku meel gaar ah, nuucaan ayaa digniin u ah in istaroog weyn uu qofka ku dhici karo mustaqbalka wuxuuna tilmaamaa in halbowle ka mid ah kuwa maskaxda ay xannibaad ka jirto.
Sida laga soo xigtay daraasad, in ka badan saddex meelood meel dadka la kulma nuucaan uu ku dhoco istaroog weyn sannad gudihiis haddii aysan helin wax daaweyn ah.
Daaweynta cudurka istaroogga
Maadaama labada nuuc ee ugu weyn istaroogga (iskeemik) iyo (himoreejik) ay leeyihiin sababo iyo saameyn kala duwan, labaduba waxay u baahan yihiin daaweyn kala duwan.
Baaritaan deg deg ah ayaa muhiim u ah yaraynta dhaawaca maskaxda iyo u suurta gelinta dhakhtarka inuu daweeyo istaroogga iyadoo la adeegsanaayo hab ku habboon nuuca markaas uu yahay.
Qaybaha hoose waxaan ku sharraxaynaa doorashooyinka daaweynta ee istaroogga (iskeemik) iyo (himoreejik), iyo sidoo kale qaar ka mid ah talooyinka baxnaaninta guud ee labada nuuc.
Nuuca 1-aad
Maadaama nuucaan uu imaado marka halbowleyaasha maskaxda ay xirmaan ama ay ciriiri galaan, daaweynta waxay u badan tahay inay xoogga saarto soo celinta isku socodka dhiigga ee maskaxda.
Daaweynta waxay ka bilaabantaa qaadashada daawooyinka burburiya xinjirooyinka kana hortaga in kuwa kale ay samaysmaan.
Dhakhtarka wuxuu bukaanka siin karaa daawooinka ka hortago xinjirowga dhiigga (sida asbiriin) ama cirbad ahaan in loo siiyo daawada loo yaqaano (tissue plasminogen activator (TPA).
Daawadaan (TPA) aad bay waxtar ugu leedahay burburinta xinjirooyinka. Hase yeeshee, waxay u baahan tahay in la isticmaalo 4 ilaa 5 saacadood gudahood marka calaamadaha istaroogga ay bilaabmaan, daawadaan waxtarkeeda meesha waa uu ka baxayaa haddii xilli dambe qofka uu ku baraarugo cudurka.
Habraacyada deg degga ah ee lagu daaweeyo nuucaan waxaa ka mid ah in daawada (TPA) si toos ah loogu duro halbowle maskaxda ku yaallo ama in la isticmaalo kateetar si jirka looga saaro xinjirta, cilmi -baarisyo ayaa ku socdo faa’iidooyinka habraacyadaan.
Waxaa jiro habab kale oo aad u horumarsan una qaalisan meelo badanna oo dunida ka mid ah aysan wali gaarin, hababkaan waxaa ka mid ah in dhakhaatiirta qalliinka ay sameeyaan qaliimo si loo yareeyo halista istaroogga.
Nuuca 2-aad
Maadaama nuucaan uu dhoco marka xidid ka mida xidada dhiigga ee maskaxda uu dillaaco ka dibna uu dhiig bax ku imaado maskaxda, daaweynta nuucaan waxay xooga saartaa xakamaynta dhiig baxa iyo yareynta cadaadiska maskaxda ee uu sababao dhiigga badan ee ku daadanaayo maskaxda gudaheeda.
Daaweynta waxay badanaa ku bilaabataa qaadashada daawooyin yareeya cadaadiska maskaxda oo xakameeya cadaadiska guud ee dhiigga, iyo sidoo kale ka hortagga qallalka iyo ciriiri kasta oo ku imaado xididada dhiigga.
Haddii uu qofka horay u qaadanaayey dawooyinka ka hortago xinjirowga dhiigga (daawooyinka dhiigga khafiifiyo) ama dawooyinka antiplatelet-ka, sida warfarin ama clopidogrel, waa inuu qaataa daawooyin kale oo lid ku ah daawooyinkaas si loo yareeyo khafiifinta dhiigga.
Dhakhaatiirta qalliinka ayaa hagaajin karo qaar ka mid ah dhibaatooyinka marinnada dhiigga ee horseeday ama keeni karo istaroog.
Baxnaaninta guud
istaroogga waa dhacdo is badal u keeni karto nolosha qofka saameenna ku yeelan karto jirkiisa iyo niyaddiisa. In si guul leh looga soo kabasado istaroogga waxay inta badan ku xirnaan doontaa daaweyn gaar ah iyo tilaabooyin kaalmaati ah, oo ay ka mid yihiin:
- Baxnaaninta Hadalka: daaweyntaan waxay qofka ka caawisaa dhibaatooyinka soo saarista erayada iyo fahamka hadalka.
Ku celcelinta, nasashada, iyo badalidda qaabka wada xiriirka ayaa dhammaantood fududeyn karo hadalka qofka.
- Baxnaaninta Jirka: daaweyntaan qofka waxay ka caawin kartaa inuu dib u barto dhaqdhaqaaqa jirka, waa muhiim in qofka uu firfircoonaado, dhaq dhaqaaqna sameeyo in kasta oo laga yaabo inay marka hore adkaato.
- Baxnaaninta Shaqada: daaweyntaan waxay qofka ka caawin kartaa qofka inuu hagaajiyo kartidiisa si uu u fuliyo hawlaha nolol maalmeedkiisa, sida qubaysashada, cunto karinta, labbiska, cunista, akhriska, iyo qorista.
- Taageerada saaxiibada iyo qoyska: saaxiibada iyo qaraabada dhow waa inay isku dayaan inay qofka siiyaan taageero wax ku ool ah istaroogga ka dib.
Weydiinta saaxiibada iyo qoyska waxa ay kuu sameyn karaan si ay kuu caawiyaan waa arrin aad muhiim u ah.
Baxnaaninta waa qayb muhiim ah oo joogto ah kana mid ah daaweynta istaroogga. Caawinta saxda ah iyo taageerada dadka u dhow qofka, ayaa badana qofka ka caawiyo dib u helidda tayada nolosha caadiga ah.
Ka hortagga cudurka istaroogga
Habka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo istaroogga waa in wax laga qabto waxyaabaha halista u galin karo qofka. Dadku waxay taas ku gaari karaan iyagoo samaynaya is badallo hab-nololeed sida:
- Cunista cunto caafimaad leh
- Ilaalinta miisaanka jirka
- Jimicsi joogto ah
- Ka fogaanshaha sigaarka
Cunista cunto nafaqo leh macnaheedu waa inay cuntada ku jiraan waxyaabo badan sida:
- Miraha
- Khudaarta
- Qamadiga
- Lowska
- Hilibka cad
Hubi inaad xaddidid xaddiga hilibka cas, cuntooyinka la warshadeeyey, iyo sidoo kale kolestaroolka iyo dufanka badan. Sidoo kale hubi in aad iska yareysid cusbada ama milixda si aad uga hortagto dhiig karka.
Tallaabooyinka kale ee qofka qaadi karo si loo yareeyo khatarta istaroogga waxaa ka mid ah:
- Xakamaynta heerarka cadaadiska dhiigga
- Maaraynta sokorowga
- Helitaanka daaweynta cudurka wadnaha
Ka sokow samaynta is badallada hab -nololeedka, qaadashada dawooyinka xinjirowga lidka ku ah ama (antiplatelet) waxay sidoo kale yareyn kartaa halista ah inuu kugu dhaco istaroog kale (nuuca 1-aad).