Cuntooyinka la warshadeeyay, sida cuntooyinka diyaarka ah, kuwa la dubay, iyo hilibka la warshadeeyayba waxay yeelan karaan saamayn caafimaad.
Sida caadiga ah, cuntooyinka qaar ayaa u baahan xoogaa warshadeyn ah si loo isticmaalo, dhammaan cuntooyinka la warshadeeyayna waxyeello uma laha jirka.
Si kastaba ha ahaatee, cuntooyinka kiimikada lagu farsameeyo ama aadka loo warshadeeyo, waxay u muuqdaan inay ku badan tahay sokorta, maadooyin macmal ah, kaarbohaaydaraytyo la sifeeyey, iyo dufan macmal ah.
Sababtaas awgeed, cuntooyinka aadka loo warshadeeyey waxay qayb weyn ka yihiin waxyaabaha keena cayilka iyo jirrooyin kale.
Tobannaankii sano ee la soo dhaafay, isticmaalka cuntada aadka loo farsameeyay ayaa si aad ah ugu batay adduunka oo dhan. Cuntooyinkaan ayaa hadda aduunka ka ah 25-60% cuntooyinka maalin laha ah ay dadka u isticmaalaan inay ka helaan tamar.
Maqaalkaan waxaan kaga hadleynaa sida cuntooyinka la warshadeeyay ay u saamayn karaan caafimaadka qofka iyo sidoo kale waxyaabaha la rabo in laga fogaado.
Waa maxay cuntooyinka la warshadeeyay?
Ereyga ‘cuntooyinka la warshadeeyay’ wuxuu dadka u keeni karaa xoogaa jahawareer ah sababta oo ah cuntooyinka badankood ee hadda laga isticmaalo adduunka si uun baa loo warshadeeyaa.
Marka laga hadlaayo warshadeeynta cuntada, waxa soo hoos galo qaybo fara badan oo ay ka mid yihiin, warshadeeyn kiimikeed iyo warshadeeyn aan kiimiko wadanin.
Warshadeeynta aan kiimikada lahayn waxaa ka mid ah hilibka la shiido, khudaarta la huuriyo iyo wixii la mid ah. Haddii warshadeeynta aysan wadanin kiimikooyin ama maadooyin kale, uma muuqato inay yareeyneyso badqabka ama caafimaadka cuntada.
Balse, khasab ma aha in cuntooyinkaan aysan lahayn wax saameyn ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira cuntooyinka qaar oo lagu daro kiimikaad marka la warshadeenaayo ama la farsameenaayo.
Cuntooyinka kiimikada lagu farsameeyo badanaa waxay ka kooban yihiin maadooyin la sifeeyey iyo waxyaabo macmal ah, oo aan lahayn nafaqo sidaas u sii badan. Waxyaabaha lagu daro cuntooyinkaan waxaa ka mid ah waxyaabo cuntada siiya dhadhan, ama badala midabka cuntada.
Tusaalooyinka cuntooyinka aadka loo warshadeeyay waxaa ka mid ah:
- Cuntooyinka barafaysan ama diyaarsan
- Cuntooyinka la dubay, oo ay ku jiraan pizza iyo doolshaha
- Rootiyada baakadaysan
- Farmaajada la warshadeeyay
- Buskud ka iyo jibsiga
- Nacnacyada iyo shukulaatooyin ka
- Baastada deg degga loo diyaariyo ee wadata suugada
- Hilibka la habeeyay, sida gasacyada malaayga
- Soodhada iyo cabitaannada kale ee macaan
Cuntooyinka la warshadeeyay ma kuu xun yihiin?
Cuntooyinka aadka loo farsameeyo waa kuwo dhadhan fiican leh oo aad u macaan, inta badanna aan qaali ahayn.
Si kastaba ha ahaatee, waxay badanaa ka kooban yihiin maaddooyin waxyeello keeni kara haddii si xad dhaaf ah loo cuno, sida dufanka, sokorta, iyo milixda. Cuntooyinkaan ayaa sidoo kale waxaa ku jiro faaybar iyo fiitamiinno yar marka loo eego cuntooyinka dabiiciga ah.
Daraasad weyn oo lagu kalsoon yahay, ayaa lagu ogaaday in cunista 10% cuntooyinka aadka loo farsameeyo ay la xiriirto kor u kac 10% ah ee halista cudurrada wadnaha iyo maskaxda.
Cilmi-baarisyo kale ayaa tilmaamaya in cunista cuntooyinka aadka loo farsameeyo ay horseedi karto miisaan ka oo kordha.
Hoos waxaan ku eegeynaa sababaha cuntooyinka la warshadeeyay ay u keeni karaan halisyo caafimaad.
Sokorta badan
Cuntooyinka la warshadeeyay waxay u badan yihiin in lagu daro sokor badan. Sokorta lagu darana kuma jiraan nafaqooyin muhiim ah laakiin waxay leedahay kalooriyeyaal badan oo tamar ah.
Cunista xad dhaafkaa ee joogtada ah ee cuntooyinka lagu daro sokorta badan waxay u horseedi kartaa qofka xaalado caafimaad sida cayilka iyo sokorowga nuuciisa 2-aad.
Cuntooyinka iyo cabbitaannada la warshadeeyay ayaa ka mid ah ilaha ugu waaweyn ee laga helo sokorta. Cabitaannada macaan ayaana ugu sii daran; dadka isticmaala cabitaannada fudud waxay cunaan sokor aad uga badan inta ay ka warqabaan.
Iska yaraynta cuntooyinka lagu daray sokorta badan – adigoo cabaya cabitaannada dabiiciga ah iyo kuwa aysan ku badneen sokorta ayaa kaa yarayn kara halisyo caafimaad oo fara badan.
Maadooyinka macmalka ah
Liiska maadooyinka ku qoran xagga dambe ee baakadaha ama gasacyada cuntooyinka la warshadeeyey badanaa waxaa ka buuxo waxyaabo aan la aqoonsan karin.
Qaarkood waa kiimikooyin macmal ah oo ay warshaduhu ku dareen si ay cuntada uga dhigaan mid aad u macaan badan.
Kiimikooyinka ku jira cuntooyinka aadka loo warshadeeyey waxaa ka mid ah:
- Waxyaabo ka ilaaliya cuntada in si dhaqso ah u xumaato ama isku badasho
- Waxyaabo cuntada siiya midab macmal ah
- Waxyaabo cuntada siiya dhadhan kale
Sidoo kale, cuntooyinka la warshadeeyay waxaa ku jiri kara kiimikooyin badan oo dheeraad ah oo aan ku qorneyn baakadaha ama gasacyada ay ku imaadaan.
Tusaale ahaan, warshadaha waxay ku qoraan gasacyada inuu ku jiro “dhadhan macmal ah”, eraygaan waa eray guud oo aan la aqoon waxa uu yahay. Warshadaha si cad uma sheegaan waxay isticmaalaan si ay dhadhanka kusoo saaraan, dabcan waxay isku daraan kiimikooyin badan.
Ururada rasmiga ah ee caafimaadka waxay tijaabiyeen inta badan waxyaabaha lagu daro cuntada si ay u hubiyaan badqabkooda, in kasta oo adeegsiga kiimikooyinkan ay wali tahay mid muran badan ku leh saynisyahannada iyo dhakhaatiirta dhexdooda.
Kaarbohaaydaraytyo la sifeeyey
Kaarbohaaydaraytyada jirka waxay siiyaan tamar, waana qayb muhiim ah oo ka mid ah dheelli tirka cuntada. Laakiin dhammaan kaarbohaaydaraytyada isku mid ma aha. Kuwa la sifeeyay waxaa laga saaraa dhammaan nafaqooyinka horay ay u lahaayeen.
Kaarbohaaydaraytyada nuucaan ah ma laha tamar waqti dheer sii jirta, waxayna leeyihiin fiitamiinno iyo macdan aad u yar, cunistoodana badanaa waxay sababi kartaa dhibaatooyin caafimaad.
Kuwa aan la sifeeynin ama aan la warshadeeynin waxaa ku jiro faaybar, fiitamiinno, iyo macdan. Jirka wuxuu si dhakhso leh u shiidaa una socodsiiyaa K]kaarbohaaydaraytyada sifeysan, waxayna sababi karaan in sokorta dhiigga ay si dhakhso ah kor ugu kacdo ka dibna ay hoos u dhacdo.
Kuwa caadiga ahna waxee qaadataa waqti dheer in la shiido oo la socodsiiyo, sidaa darteed waxay leeyihiin tamar waqti dheer sii jira.
Cuntooyinka aadka loo farsameeyo badanaa waxaa ku badan kaarbohaaydaraytyada la sifeeyey.
Ilaha kaarbohaaydaraytyada caafimaadka leh ee aan la sifeeynin waxa ka mid ah:
- Qamadiga
- Khudaarta
- Miraha
- Digirta
Nafaqooyin yar
Cuntooyinka aadka loo warshadeeyay waxay aad ugu hooseeyaan nafaqooyinka lagama maarmaanka ah marka loo barbar dhigo cuntooyinka caadiga ah ee aan la warshadeeynin.
Mararka qaarkood, warshadaha waxay ku daraan fiitamiinno macmal ah iyo macdan si ay ugu badalaan nafaqooyinka ka lumay cuntada intii la warshadeenaayey.
Si kastaba ha ahaatee, cuntooyinka aan la warshadeeynin waxaa laga helaa waxyaabo caafimaad leh oo dheeraad ah oo aanay cuntooyinka aadka loo farsameeyo laga helaynin.
Habka ugu wanaagsan ee lagu heli karo dhammaan nafaqooyinka lagama maarmaanka ah waa in la cuno cuntooyin ka caadiga ah ee aan la diyaarin, ama aan aad ka loo warshadeeynin.
Dufan ka
Cuntooyinka aadka loo warshadeeyo badanaa waxaa ku badan dufan ka nuuca aan caafimaadka u fiicneen.
Warshadaha waxay sameeyaan dufan macmal ah iyagoo saliidaha khudaarta ku daraaya maaddo la dhoho haaydorojiin (hydrogen), maadadaan ayaa saliidaha dareeraha ah ka dhigaysa kuwo aad u adag.
Dufanka nuucaan ah wuxuu keeni karaa xaalado caafimaad oo fara badan, sida inuu kor u qaado kolestaroolka.
Cunista dufanka nuucaan ah waxay sidoo kale la xiriirtaa wadna xanuunka, istaroogga, iyo sokorowga nuuciisa 2-aad. Daraasad la sameeyey ayaa waxa ay muujinaysaa in isticmaalka dufanka nuucaan ah uu leeyahay koror 2% oo ah halista cudurrada wadnaha.
Habka ugu fiican ee looga fogaado dufanka macmalka ah waa in laga fogaado cuntooyinka la warshadeeyay. Qofka wuxuu ku badali karaa kuwaan dufanka caafimaad ka leh, sida saliidda qumbaha ama saliid saytuunka.
Tobannaankii sano ee la soo dhaafay, cuntooyinka aadka loo warshadeeyay ayaa caan ka noqday adduunka oo dhan. Si kastaba ha ahaatee, cunista xaddi badan oo cuntooyinkaan ah waxay kor u qaadi kartaa halisyo badan oo caafimaaad.
Si aad isugu dheelli tirto cuntada ama aad uga dhigto cuntadaada mid caafimaad leh, waxaa isticmaali kartaa cuntooyinka caadiga ah, oo ay ku jiraan badarka, lowska, miraha, hilibka, khudaarta, iyo digirta.