Xanuunka dhanjafka waa nuuc ka mid ah madax xanuunka, waxaa loo yaqaannaa dhoonjaf sababtoo ah badanaa madaxa qayb ka mid ah ayaa aad u xanuuno qofka.
Xanuunkaan ayaa qofka ugu bilaawda si tartiib tartiib ah wuxuuna maraa marxalado kala duwan asagoo socon kara ilaa dhowr maalmood. Kiisaska aadka u daran ee xanuunkaan waxay saamayn karaan nolol-maalmeedka qofka, oo ay ku jiraan shaqooyinkiisa ama waxbarashadiisa.
Qofkasta ayuu ku dhici karaa xanuunkaan ayada oo aysan ku xirneen da’da qofka, sidoo kale astaamaha dhanjafka ee carruurta waxay la mid yihiin kuwa dadka waaweyn.
Astaamahaasna waxaa ka mid noqon kara madax xanuun, lalabbo, matag, iyo qofka oo dhibsada iftiinka iyo sawaxanka.
Waxyaabaha saxda ah ee ka dambeeya xanuunka dhanjafka ee caruurta ilaa iyo hadda ma aha kuwo cad, laakiin hidde-sideyaasha ayaa laga yaabaa inay door ka ciyaaraan imaatinkiisa.
Balse daraasad ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad kala bar carruurta la kulma xanuunka dhanjafka ay ka baab’aan astaamihiisa marka ay qaan gaaraan.
Maqaalkaan waxaan ku sharraxaynaa astaamaha, waxyaabaha keena, iyo daaweynta xanuunka dhanjafka carruurta.
Dhanjafka iyo caruurta
Qiyaastii boqol kiiba 3 ilaa iyo boqolkiiba 10 ee carruurta ka mid ah ayaa la kulma dhanjafka. Waxa uuna sii jiraa ilaa qaangaarnimada, markaas oo ay caruurta badankood ay ka baaba’aan calaamadaha cudurkaan.
Dhanka kale, haddii astaamaha xanuunka dhanjafka ay bilaabmaan qaan gaarnimada dhaxdeeda ama ka dib, waxay u badan tahay in astaamaha ay sii jiraan ilaa iyo muddo.
Qaangaarnimada ka hor, dhanjafka wuxuu saameeyaa caruurta oo dhan lab iyo dheddigba, balse qaangaarnimada ka dib, gabdhaha ayaa uga badan wiilasha inay la kulmaan xanuunkaan.
Calaamadaha dhanjafka ee caruurta
Sidaa horay usoo sheegnay, carruurta qabta xanuunka dhanjafka waxay la kulmaan calaamado badan oo la mid ah kuwa dadka waaweyn. Calaamadahana waxaa ka mid noqon karo:
- Madax xanuun soconaya 2 ilaa 72 saacadood
- Madax xanuun hal dhinac oo madaxa ah
- Xanuun dhexdhexaad ama zaaid ah
- Xanuun ka sii daraayo marka cunugga uu dhaq dhaqaaq sameeyo
- Iftiinka iyo dhawaaqa oo dhiba cunugga
- Lalabbo ama matag
- Aragga oo is badala, qofka oo dareema in nal uuku biligleenaayo indhihiisa
Carruurta waxay u badan tahay inay xanuun ka dareemaan meelo badan, ama madaxa oo dhan, marka loo barbar dhigo dadka waaweyn.
Sidoo kale, inta uu dhanjafka haayo caruurta ayaa laga yaabaa inay ka gaaban tahay inta uu haayo dadka waaweyn.
Way adkaan kartaa in la ogaado in carruurta yaryar inay qabaan xanuunkaan, sababtana waxay tahay in caruurta yaryar aysan awoodin inay tilmaamaan astaamahooda.
Sidaas awgeed, dhakhaatiirta aad ayay ugu adag tahay inay ogaadaan in caruurta ka yar 2 da sano uu haayo xanuunkaan.
Ugu dambayn, waxaa xusid mudan in dadka qaar ee qaba dhanjafka, aysan dareemin madax xanuun ama ay dareemaan xaddi aad u yar oo madax xanuun ah.
Maxaa keena dhanjafka caruurta?
Cilmi-baarayaasha ma garanayaan sababta ay carruurta qaar ula kulmaan dhanjafka halka kuwa kalena aysan la kulmin.
Si kastaba ha ahaatee, caruur badan oo qaba xanuunkaan ayaa waxaa jiro xubno qoyskooda ka tirsan oo qaba xaaladdaan, taasoo sheegaysa inuu xanuunkaan uu ku imaan karo qaab hidde ah.
Dadka qaba xanuunka dhanjafka waxay inta badan ogaadaan in cuntooyinka qaar, xaaladaha qaar, ama arrimaha deegaanka ay kiciyaan xanuunkaan. In la aqoonsado waxyaabahaan kiciya dhanjafka ayaa caawin karta in laga hortago xanuunka.
Si kastaba ha ahaatee, aqoonsiga waxyaabaha qofka ku kiciya xanuunkaan waxay qaadan kartaa waqti. Waxaa kale oo xusid mudan in dhowr waxyaabood oo isla socda ay kicin karaan xanuunkaan.
Waxyaabaha caruurta ku kicin kara xanuunkaan waxaa ka mid ah:
- Is bedellada hurdada: cunugga ayaa waxa ku kici kara xanuunka dhanjafka haddii hurdadiisa ay aad u badato ama ay aad u yaraato.
In cunugga loo sameeyo jadwal hurdo lana joogteeyo jadwalkaas ayaa kaa caawin kara inaad ka hortagto in cunugga uu kusoo koco xanuunka.
- Biyo cabidda yar: In cunugga uu cabo biyo ku filan, gaar ahaan marka uu sameeyo dhaq dhaqaaqyada jirka, ayaa laga yaabaa inay caawiso yareeynta astaamaha dhanjafka.
- Cuntooyinka iyo cabitaannada: cuntooyinka qaar ayaa laga yaabaa inay kiciyaan astaamaha, sidaa darteed u fiirso waxa uu cunugga cuno.
- Cadaadiska: cadaadiska iyo walbahaarka xad dhaafka ah ayaa gacan ka geysan kara xanuunka dhanjafka.
Haddii cunugga uu si joogto ah u dareemo walwal iyo walaac, waxaa muhiim ah inay helaan meel deggan oo ay ku nastaan kuna cayaaraan.
- Deegaanka: Is bedellada cimilada, qiiqa kasoo baxa sigaarka ama qofka cabaayo, iyo nalalka iftiinka badan sida shaashadaha kombiyuutarada, telefeshinnada ama taleefannada ayaa dhamaan caruurta ku kicin kara xanuunkaan.
Dhammaan waxyaabaha kiciya xanuunka dhanjafka ma aha kuwo laga fogaan karo, laakiin in laga fogaado waxyaabaha ay suurtagal tahay ka fogaanshohooda ayaa waxay yareeyn kartaa soo noq noqoshada xanuunkaan.
Sidee lagu daaweeyaa dhanjafka caruurta?
Maareynta dhanjafka caruurta waxa loo mari karaa habab kala duwan oo ay ka mid yihiin isticmaalka daawooyin caadi ah iyo waliba daryeelka guriga.
Daryeelka guriga
Ka sokow isticmaalka daawooyinka caadiga ah, waalidiinta waxay isticmaali karaan xeelado kale si ay gacan uga geystaan maareynta astaamaha dhanjafka:
Marka aad cunugga ku aragto astaamaha dhanjafka, isku day in aad:
- Cunugga geeysid qol deggan oo aan leheen iftiin badan
- Maro qabow ama diiran aad madaxa ka saar saartid
- Indhaha u dabooshid haddii uu iftiinka dhibaayo
- U riix riixdid jirka
- Seexisid cunugga, haddi hurdada ay ka yareeneeso calaamadaha
Waxaa xusid mudan in cunugga la siiyo daawooyinka xanuun baabi’iyaasha sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah, si loo yareeyo ama loo joojiyo xanuunka.
Midda kale, si hadhow aad dhakhtarka uga caawiso in uu ogaado xanuunka haaya cunugga, waxaa fiican in aad diiwaan galiso:
- Waqtiga iyo taariikhda ay calaamadaha ku bilaawdeen cunugga
- Muddada iyo darnaanta xanuunka intay la ekaayeen
- Haddii wax daawo ah ama daryeelka guriga ay caawiyeen cunugga
- Wax kasta aad isleedaahy way ku kicin karaan cunugga xanuunka
Daawooyinka caadiga ah
Haddii cunuggaaaga lagu arko astaamaha xanuunka dhanjafka, dhakhtarka wuxuu kugula talin karaa qiyaas ku habboon dawada la siinaayo cunugga, daawooyinkaas waxaa ka mid ah:
- Acetaminophen : 4-6 saacadood kasta
- Ibuprofen : 6-8 saacadood kasta
- Naproxen : 8 -12 saacadood kasta
Si kastaba ha ahaatee, daawooyinkaan iyo qiyaasahaan mar walba kuma habboona carruurta, waa inaad kala tashataa dhakhtar ka hor intaadan cunuggaaga siin wax daawo ah.
Haddii cunugga uu la kulmo xanuunkaan si joogto ah, dhakhtarka ayaa laga yaabaa inuu u qoro daawooyin loo yaqaanno triptans, daawooyinkaan ayaa si gaar ah uga hortago xanuunada dhanjafka.
Daawooyinka kale ee loo isticmaalo caruurta waxa ka mid ah sumatriptan, rizatriptan, iyo amitriptyline.
Fiiro gaar ah, daawooyinkaan ayaa ku imaan kara magacyo kala duwan ayada oo ay ku xirantahay shirkadaha soo saaro, waa inaad mar walba kala tashataa dhakhtarka wax kasta oo ku saabsan daaweynta caruurta.