Waa maxay dhiig karka?
Dhiig karka waa xaalad imaata marka cadaadiska dhiiggaagu uu kordho uuna dhaafo heerkiisii loogu tala galay. Marka la cabbiraayo cadaadiska dhiigga waxaa la xisaabiyaa xaddiga dhiigga ee maraayo marinnada ama xididada dhiigga iyo xaddiga cadaadiska ee uu dhiigga la kulmaayo inta uu wadnuhu garaacmaayo.
Halbowlayaasha ciriiriga ah waxay kordhiyaan cadaadiska. Markasta oo xididadaadu ay ciriiri noqdaan, waxaa sare u kacaaya cadaadiska dhiiggaaga. Cadaadiskaan haddii uu sii jiro muddo dheer wuxuu sababi karaa xaalado caafimaad, oo ay ku jiraan cudurrada wadnaha.
Dhiig karka wuxu caadi ahaan imaadaa xilliyada dambe ee qofka da’diisa ay sii weenaato, badanaana, lama dareemo wax calaamado ah.
Laakiin ayadoo aysan jirin calaamado haddana, dhiig karka wuxuu sababi karaa dhaawacyo soo gaara xididada dhiiggaaga iyo xubnahaaga, gaar ahaan maskaxda, wadnaha, indhaha, iyo kilyaha.
In laga warqabo xaaladdaan xilli hore waa muhiim. Cabbiridda cadaadiska dhiigga ee joogtada ah ayaa idinka caawin kara adiga iyo dhakhtarkaaga inaad ogaataan wixii isbeddel ah.
Haddii cadaadiska dhiiggaagu sarreeyo, dhakhtarkaaga ayaa laga yaabaa inuu kaa hubiyo ama cabbiro cadaadiska dhiigga muddo toddobaadyo ah si loo arko haddii nambarka cadaadiska uu sii kordhaayo ama uu dib ugu noqonaayo heerarka caadiga ah.
Maareynta dhiig karka waxay noqon kartaa in daawooyin la qaato iyo in qofka uu is bedel ku sameeyo hab nololeedkiisa. Haddii xaaladda dhiig karka aan la daweyn, waxay horseedi kartaa arrimo caafimaad, oo ay ka mid yihiin wadno qabad iyo istaroog.
Nuucyada dhiig karka iyo waxa keena
Dhiig karka waxa uu u qaybsamaa labo nuuc, nuuc aan si buuxda loo ogeyn sababta uu ku imaado iyo nuuc la ogyahay sababta uu ku imaado.
Nuuca koowaad ee dhiig karka
Nuuca koowaad ee dhiig karka ayaa iska imaada ayadoo aan la ogeen waxa sababa, inta badan dadka waxa ay u badanyihiin nuucaan.
Cilmi baarayaasha wali uma kala cadda waxa keena in cadaadiska dhiigga uu si tartiib tartiib ah u kordho. Balse waxaa la ogaaday in waxyaabo badan ay door ka ciyaari karaan kororka cadaadiska dhiigga. waxyaabahaas waxaa ka mid ah:
1. Hidda-wadaha:
Dadka qaarkiis hiddo ahaan ayaa ay ugu nugul yihiin dhiig karka. Waxaa laga yaabaa in is bedello iyo khaladaad ka dhaca hiddo-sidaha ee qofka u nugul siiya dhiig karka laga dhaxlo waalidka.
2. Isbeddelada jirka:
Haddii wax jirkaaga ka mid ah ay is beddelaan, waxaa ka imaan kara xaalado fara badan oo ka dasha saameyntaas. Dhiig karka ayaa laga yaabaa inuu ka mid noqdo xaaladahaas.
Tusaale ahaan, waxaa loo maleynayaa in isbeddelada ku dhaca shaqada kilyahaaga gabow awgiis ay horseedi karto carqalad soo wajahda isku dheelli tirka dabiiciga ah ee jirka ku sameeyo cusbada iyo biyaha. Isbeddelkaan wuxuu sababi karaa in cadaadiska dhiiggaaga uu kordho.
3. Bay’ada
Hab-nololeedka aan caafimaadka leheen sida jimicsi la’aanta iyo cuntada aan isku dheelli tirneen waxay saameen ku yeeshaan jirkaaga.
Hab nololeedkaas waxa uu horseedi karaa dhibaatooyin xagga miisaanka ah. Miisaanka culusna wuxuu kordhin kara halista dhiig karka.
Nuuca labaad ee dhiig karka
Nuuca labaad ee dhiig karka badanaa si dhakhso leh ayuu u dhacaa wuuna ka sii darnaan karaa nuuca koowaad. Xaaladaha qaar ee sababi kara dhiig karka nuuciisa labaad waxaa ka mid ah:
- Cudurrada kilyaha
- Cudurrada wadnaha ee lagu dhasho
- Cudurrada qanjirka thyroid ka
- Waxyeellada daawooyinka qaar
- Isticmaalka daroogada sida sigaarka
- Sokorowga
- Uurka (dhiig karka ka dhasha uurka ayaa badanaa baaba’a marka uu qofku dhalo)
Calaamadaha dhiig karka
Qofka qaba dhiig karka waxaa laga yaabaa inuusan dareemin wax astaamo ah, sidaa darteedna dadka badanaa waxay ugu yeeraan dhiig karka “dilaaga aamusan”.
Ayada oo aan laga war qabin, dhiig karku wuxuu dhaawici karaa wadnaha, xididada dhiigga, iyo xubnaha kale, sida kilyaha.
Waxay qaadan kartaa sannado ama xitaa tobanaan sano xaaladdu inay gaarto heerar aad u daran oo ay soo muuqdaan astaamo. Calaamadaha dhiig karka lagu arko waxaa sidoo kale loo aanayn karaa xaalado kale.
Calaamadaha dhiig karka heerkiisa daranyahay waxaa ka mid ah:
- Madax xanuun
- Neefta oo ku qabata
- Sanka oo dhiig ka imaada
- Dawakhaad
- Xabad xanuun
- Isbedel ku imaada aragga
- Kaadi dhiig
Calaamadahaan waxay u baahan yihiin daryeel caafimaad oo deg deg ah. Kuma dhacaan qof kasta oo qaba dhiig kar, balse in la sugo astaamaha dhiig karka si ay usoo muuqdaan waxay noqon kartaa halis waxaana fiican in goor hore la iska cabbiro dhiigga lalana socdo haddi cadaadiska dhiigga uu sareeyo.
Habka ugu wanaagsan ee lagu ogaan karo inaad qabtid dhiig kar ayaa ah inaad si joogto ah u cabbirtid cadaadiska dhiigga. Dhakhaatiirta badankood waxay caadiyan bukaanka ka cabbiraan cadaadiska dhiigga markasta uu u imaado.
Sidee lagu cabbiraa cadaadiska dhiigga?
Inaad u tagtid dhakhtar ama farmashiye si aad u ogaato inta uu maraayo cadaadiska dhiiggaaga muhiim maahan had iyo jeer. Waxaa jiro qalab lagu cabbiro cadaadiska dhiigga oo aad guriga keensan karto.
Qalabka lagu cabbiro cadaadiska dhiigga waxa loo yaqaanaa sphygmomanometer, wuxuuna kaa caawin karaa inaad la socotid heerarka uu maraayo cadaadiska dhiiggaada.
Marka la cabbiraayo cadaadiska dhiigga waxaa la fiiriyaa labo tilmaame oo lambar ah ayadoo la isticmaalaayo hal beeg loo yaqaano (mmHg). Labada lambar waxay kala yihiin.
1. Sistoolik (Systolic)
Sistoolik waa lambarka koowaad ama lambarka kore ee kasoo muuqda shaashadda qalabka lagu cabbiro cadaadiska dhiigga.
Waxa uu sheegaa cadaadiska halbowlayaasha ku jiro marka uu wadnaha garaacmaayo dhiiggana uu ku shubaayo halbowlayaasha.
2. Dhaayistoolik (Diastolic)
Dhaayistoolik waa lambarka labaad, ama lambarka hoose ee kasoo muuqda shaashadda qalabka lagu cabbiro cadaadiska dhiigga.
Wuxu sheegaa cadaadiska halbowlayaasha ku jiro marka uu wadnaha nasanaayo oo ah mudada u dhaxaysa labo garaac ee uu wadnaha sameeyo, marka garaaca hore uu joogsado ilaa inta garaaca labaad uu ka bilaabanaayo.
Caadiyan, labadaan lambar mid kasta waxa uu leeyahay heerar normal ah, marka uu jiro dhiig karka, labadaan lambar waxay ka zaaidaayaan heerarkooda caadiga ah.
Waxaa hoos ku qoran cabbirada cadaadiska dhiigga ee normal ka iyo kuwa muujinaya in uu jiro dhiig kar.
Sistoolik = SYS, Dhaayistoolik = DIA
SYS (mmHg) | DIA (mmHg) | |
Cadaadiska normal ka ah | Ka yar 120 | Ka yar 80 |
Cadaadiska Sareeyo | U dhaxeeya 120 – 130 | Ka yar 80 |
Heerka 1 aad ee dhiig karka | U dhaxeeya 130 – 140 | U dhaxeeya 80 – 90 |
Heerka 2 aad ee dhiig karka | Ugu yaraan 140 | Ugu yaraan 90 |
Heerka dhiig karka halista | Ka badan 180 | Ka badan 120 |
Marka aad isticmaalayso qalabka lagu cabbiro cadaadiska dhiigga waa in kafka aad ku dhuujisaa gacanta, uuna kafka fit ku yahay gacanta, haddii kale waxa dhici karta inuu soo saaro tiro khalad ah.
Daawo muuqaalkaan sida aad u isticmaali leheed qalabka.
Haddii marka aad iska cabbirto cadaadiska dhiiggaaga uu sarreeyo, waxaa jiri karo arrimo keeni kara in cadaadiska dhiigga oo kordho waqti kooban ayada oo uu qofka caafimaad qabo oo uusan qabin dhiig kar, arimahaas waxaa ka mid ah marka uu qofka ku furanyahy stress daran ama marka uu sameeyo jimicsi xooggan.
Sababtaas awgeed, cabbiridda cadaadiska dhiigga waxay u baahan tahay in la sameeyo dhowr mar sii loo arko in heerarka cadaadiska dhiigga inay sarreeyaan waqti dheer.
Sidee lagu daaweeyaa dhiig karka?
Dhowr arrimood ayaa ka caawinaaya dhakhtarkaaga inuu kuu go’aamiyo nuuca daaweynta ugu fiican ee adiga kugu habboon.
Arrimahaan waxaa ka mid ah nuuca dhiig karka ee aad qabtid iyo waxa loo maleenaayo inay sabab u yihiin.
Daaweynta dhiig karka waxaan u qaybineenaa labo qaybood oo kala ah: Is beddel lagu sameeyo hab nololeedka iyo in la isticmaalo dawooyin.
1. Isbedelka hab nololeedka
Hagaajinta hab nololeedka ayaa ah daaweynta ugu fiican ee dhiig karka. Is bedelladaas waxaa ka mid ah:
Jimicsi joogto ah
Khubarrada caafimaadka waxay ku talinayaan in dadka oo dhan, oo ay ku jiraan kuwa dhiig karka qaba, ay sameeyaan jimicsi isbuucii in ka badan 150 daqiiqo, oo lagu qiyaasay in 5 mar oo min 30 daqiiqo ah isbuucii la sameeyo jimicsi.
Jimicsiyada aad samee karto waxaa ka mid ah socodka, orodka, iyo nuucyada kale ee jimicsiga.
Yaraynta istareeska
Yaraynta istareeska ka iyo fikirka badan waxay qofka ka caawin karaan inuu xakameeyo cadaadiska dhiiggiisa.
Ka fogaanshaha maandooriyaha
Dadku waa inay ka fogaadaan waxyaabaha maanka dooriya oo dhan sida, tubaakada iyo sigaarka.
Sigaar cabiddu waxay kordhin kartaa dhiig karka. Ka fogaanshaha ama joojinta sigaarka waxay yareysaa halista dhiig karka iyo cudurrada wadnaha ee halista ah.
Yareynta miisaanka
Haddii aad cayillan tahay, miisaankaaga oo aad yaraysaa adigoo isticmaalaaya cunno caafimaad leh iyo samaynta dhaqdhaqaaqa jirka ayaa kaa caawin kara yareynta halista dhiig karka.
2. Isticmaalka dawooyin
Dadku waxay isticmaali karaan dawooyin gaar ah oo lagu daaweeyo dhiig karka. Daawooyinkaan badanaa waxay yeelan karaan calaamado yar yar oo waxyeello ah.
Dadka qaba dhiig karka waxay u baahan doonaan inay isku qaataan laba daawo ama ka badan si ay u maareeyaan cadaadiska dhiiggooda.
Daawooyinka loo isticmaalo dhiig karka ayaa mid walba qabta shaqooyin kala duwan. Daawooyinkaas waxaa ka mid ah:
Beta blockers
Daawooyinkaan ayaa hoos u dhiga wadna garaaaca, ka dibna waxaa yaraanaya xaddiga dhiigga soo gaaraayo halbowlayaasha markasta uu wadnaha garaacmo taasoo yareeneysa cadaadiska.
Diuretics
Heerarka soodiyaamka ee xad dhaafka ah iyo biyaha badan ee jirkaaga ku jira ayaa kordhin kara cadaadiska dhiigga. Daawooyinkaan ayaa ka caawiya kilyahaaga inay jirkaaga ka saaraan soodiyaamta badan.
Marka soodiyaamta la saaro, biyaha dheeraadka ah ayaa sidoo kale sii raaca oo u baxa kaadi ahaan, taas oo ka caawinaysa hoos u dhigidda cadaadiska dhiiggaaga.
Alpha-2 agonists:
Daawooyinkaan waxay beddelaan fariimaha neerfaha ee ku kalifa in xididada dhiigga ay adkaadaan, taasoo kaa caawinaysa in xididada dhiigga ay dabcaan, waxaana ka dib yaraanaaya cadaadiska dhiigga.
ACE inhibitors
Angiotensin waa kiimiko sababtaa in xididada dhiigga iyo darbiyada halbowlayaasha ay adkaadaan oo ciriiri noqdaan.
Daawooyinkaan ayaa ka hortaga in jirka uu soo saaro kiimikadaan. Taasoo ka caawinaysa xididada dhiigga inay dabcaan cadaadiskana uu ka yaraado.