Dhiig yarida waxay dhacdaa marka tirada unugyada dhiigga cas ee ku dhex wareega jirka ay yaraato, waana cudurka ugu badan cudurrada dhiigga ku dhaca.
Dhiig yarida waxay leedahay nuucyo kala duwan, qiyaastiina sadax meelood meel dadka ku nool adduunka ayaa leh nuuc dhiig yarida ka mid ah.
Daraasad qaran oo dhowaan la sameeyay ayaa muujisay in haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed ay la il daran yihiin dhiig yari.
50% haweenka, 30% carruurta da’doodu u dhaxayso 6-12 sano iyo 60% carruurta ka yar 5ta sano ayaa la ogaaday in ay leeyihiin dhiig yari.
Dhiig yarida ay leeyihiin dadka soomaaliyeed waxaa sabab u ah arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin soo noq noqoshada cudurrada inta badan aan la daaweynin, iyo isticmaalka cuntooyinka badarka, kuwaas oo ay ka maqan yihiin fiitamiinno iyo macdanno muhiim ah.
Cuntooyinka hodanka ku ah nafaqada ee loo baahan yahay si loo kordhiyo unugyada dhiigga, sida hilibka, ukunta, kalluunka, khudaarta iyo cuntooyinka miraha ayaa inta badan aad qaali ugu ah qoysaska saboolka ah si ay u iibsadaan.
Dhiig yarida waxaa inta badan keeno arrimo caafimaad oo kale oo carqaladeeya soo saarista unugyada dhiigga cas iyo arimo kale oo kordhiya heerarka burburka ama lumitaanka unugyadaan.
Maqaalkaan waxaan ku sharxeynaa nuucyada, astaamaha, iyo waxyaabaha sababa dhiig yarida, iyo sidoo kale daaweynta la heli karo.
Calaamadaha dhiig yarida
Calaamadda ugu badan ee dhiig yarida waa daal. Astaamaha kale ee caadiga ah waxaa ka mid ah:
- Maqaarka oo caddaad noqdo
- Garaaca wadnaha oo zaaid noqdo
- Neefta oo ku qabata
- Laab xanuun
- Madax xanuun
- Madax-fudeyd
Calaamadaha kale ee lagu arko dadka qaba nuucyo ka mid ah dhiig yarida waxaa ka mid ah:
- Qandho
- Shuban
- Indhaha oo caddaad noqdo
- Kaadi mugdi ah
Dadka qaba dhiig yarida waxaa laga yaabaa inaysan isku arkin wax calaamado ah ama waxay la kulmaan calaamado yar.
Waxyaabaha badiyo halista dhiig yarida
Dhiig yarida waxay ku dhici kartaa qof kasta da’doo rabo ha jiro ama jinsiga uu rabo ha ahaado, balse waxaa jiro arimo badan oo dadka qaar ku badiyo halista dhiig yarida, oo ay ka mid yihiin:
- Ilmaha dhicisnimada ku dhasho
- Ilmaha da’dooda u dhaxeeyo 6 bilood iyo 2 sano
- Caadada
- Uurka iyo dhalmada
- Cuntada ay ku yaryihiin fiitamiinada, macdanta, iyo feerada
- Daawooyinka qaar sida ibuprofen
- Xaaladaha la iska dhaxlo ee dhiig yarida, sida (sickle cell anemia) ama (thalassaemia)
- Cudurrada ku dhaca dheefshiidka kuwaaso keeno in feerada iyo fiitaminada uu jirka isticmaali waayo
- Dhiig bax
- Cudurrada joogtada ah sida AIDska, sokorowga, cudurrada kilyaha, kansarka, cudurrada beerka, iyo cudurrada wadnaha.
Maxaa sababo dhiig yarida?
Jirka wuxuu u baahan yahay unugyada cas cas ee dhiigga si uu u noolaado, unugyadaan waxaa gudohooda ku jiro feero iyo borotiin loo yaqaano (hemoglobin) ama (HB), borotiinadaan waxa ay oksijiin kasoo qaadaan sambabada waxayna gaarsiiyaan jirka intiisa kale.
Xaalado caafimaad oo kala duwan ayaa sababi karo in heerarka unugyada cas cas ee dhiigga ay hoos u dhacaan, mar marka qaar way adkaan kartaa in la ogaado waxa qofka u keenaayo in unugyada dhiiggiisa ay hoos u dhacaan.
Sadaxda sababood ee ugu badan ee keena dhiig yarida waa:
- Dhiig bax
- Unugyada cas cas oo yaraada ama naafooba
- Burburinta unugyada cas cas ee jirka
1. Dhiig baxa
Dhiig yarida ka dhalato feero la’aanta jirka ayaa ah nuuca ugu badan ee dhiig yarida, waxa ugu badan ee keeno nuucaanna waa dhiig baxa maadaama feeradi dhiigga ku jirtay ay lunto.
Marka jirka uu dhiig boxo, xididada dhiigga qaada ayaa noqdo faaruq, ka dibna jirka wuxuu biyo ka soo dhuuqaa unugyada kale ee jirka si xididada dhiigga ay u buuxsamaan, biyahaan dheeraadka ah ayaa dhiigga ka dhigo barax taasoo yareyneysa tirada unugyada dhiigga cas cas.
Dhiig baxa wuxuu noqon karaa mid deg deg ah ama si dhaqso ah ku imaado iyo mid joogto ah oo waqti dheer socdo, qaar ka mid ah sababaha dhiig baxa deg degga ah keena waxaa ka mid ah qalliimada, dhalmada, iyo dhaawacyada.
Dhiig baxa joogtada ah ayaa ah midka inta badan keeno xaaladda dhiig yarida, waxaana sababi karo boogaha caloosha, kansarka, ama nuucyada kale ee burooyinka.
Sababaha kale ee dhiig yarida ka dhalato dhiig baxa waxaa ka mid ah:
- Cudurrada caloosha iyo mindhicirka, sida boogaha, babaasiirka, kansarka, ama gaaska
- Isticmaalka daawooyinka qaar sida asbiriin iyo ibuprofen
- Dhiig baxa caadada oo culus
2. Yaraanta ama naafoobida unugyada cas cas
Unugyada dhiigga waxaa lagu sameeyaa dhuuxa lafaha dhaxdooda, dhuuxa lafaha waa xubin laf dhabar u ah soo saarista unugyada dhiigga, waxa uu soo saaraa unugyada loo yaqaano unugyada asliga ah ama (stem cells).
Unugyada asliga ah waa unugyo aan jirka u lahayn kaalin gaar ah waxayna noqon karaan ama isku badali karaan unug kasta oo loo baahdo, marka unugyadaan laga soo saaro dhuuxa waxay isku badalaan unugyada dhiigga, sida unugyada cas cas, kuwa cad cad iyo unugyada baleetletka oo ah unugyada ka hortaga dhiig baxa.
Cudurro badan ayaa saamayn karo dhuuxa lafaha, oo uu ka mid yahay cudurka loo yaqaano liyuukeemiya (Leukemia), cudurkaan waa nuuc kansarka ka mid ah oo sare u qaada soo saaritaanka unugyada dhiigga cad cad.
Marka unugyada cad cad loo soo saaro si xad dhaaf ah oo aan caadi ahayn, waxay carqalad ku noqdaan soo saaritaanka unugyada cas cas ee dhiigga taasoo keeneyso dhiig yarida, unugyada cas cas waa unugyada ka qayb qaato gaarsiinta oksijiinta jirka, halka unugyada cad cad shaqadooda ay tahay kaliya difaaca jirka.
Cudurrada kale ee dhuuxa lafaha waxaa ka mid ah, cudurka loo yaqaano ‘Aplastic anemia’, cudurkaan waxa uu imaadaa marka ay dhuuxa ku yar yihiin amaba aysan ku jirinba unugyada asliga ah ee isku badali lahaa unugyada dhiigga caadiga ah.
Xaaladaha qaarkood, dhiig yarida waxay imaataa marka unugyada cas cas ee dhiigga aysan u korin una weynaanin sidii caadiga ahayd, waxyaabaha keeni karo xaaladdaan waxaa ka mid ah cudurka loo yaqaano ‘thalassaemia’ – oo ah nuuc dhiig yarida ka mid ah oo la iska dhaxlo.
Nuucyada kale ee dhiig yarida ka imaato yaraanta ama noofoobidda unugyada cas cas ee dhiigga waxaa ka mid ah:
Sickle cell anemia
Cudurkaan waa nuuc ka mid ah dhiig yarida la iska dhaxlo, wuxuu sababaa in qaabka unugyada cas cas ee dhiigga ay u samaysan yihiin oo ahaa qaab wareeg ah uu is badalo oo ay u ekeedaan qaabka bisha oo kale, arag sawir.
Taas waxay keenaysaa in unugyada ay si dhaqso ah u jabaan ama ay ku xannibmaan xididada dhiigga ee yaryar maadaama qaabka ay u samaysanyihiin aysan u sahleynin in ay si caadi ah u maraan xididada dhaxdooda.
Xannibistaas waxay yareyn kartaa heerarka oksijiinta waxayna sababi kartaa in isku socodka dhiigga uu hoos usii dhoco.
Dhiig yarida feero la’aanta
Feerada ama iron ta waxay laf dhabar u tahay soo saarista unugyada cas cas ee dhiigga, haddii jirka ay ku yartahay feerada, waxaa hoos u dhacayso soo saarista unugyada cas cas ee dhiigga.
Dhiig yarida nuucaan ah waxaa laga yaabaa inay sababaan:
- Cuntada oo aysan ku jirin feero
- Caadada
- Dhiig shubidda badan
- Jimicsiyada xooggan
- Cudurrada dheefshiidka
- Daawooyinka xasaasiyadda ku sameeyo dahaarka mindhicirada sida daawada ibuprofen
Dhiig yarida fitamiin la’aanta
Fitamiin B12 iyo folate labaduba waxay lama huraan u yihiin soo saarista unugada cas cas ee dhiigga, haddii qofka uu ku yaryahay isticmaalka labadaan fiitamiin midkood, waxaa dhici karto in tirada unugyada cas cas ee dhiigga ay yaraato.
3. Burburinta unugyada cas cas ee dhiigga
Unugyada cas cas ee dhiigga waxay leeyihiin cimri dhan 120 maalmood oo ah inta ay ku jiraan dhiigga, laakiin jirka wuu burburin karaa ama banaanka u saari karaa unugyadaan ka hor inta aysan dhammaysan cimrigooda ama waqtigooda.
Nuuc ka mid ah nuucyada dhiig yarida ka dhalato burburinta unugyada cas cas ee dhiigga waxaa loo yaqaanaa ‘hemolytic anemia’, xaaladdaan waxay dhacdaa marka habka difaaca jirka uu ku qaldamo unugyada dhiigga asagoo u maleeyo wax shishieeye ah oo jirka soo galay, ka dibna uu burburiyo.
Waxyaabaha kale ee sababi karo burburka xad dhaafka ah ee unugyada dhiigga cas cas waxaa ka mid ah:
- Caabuqyada ama infekshanada
- Daawooyinka qaar
- Dhiig karka aadka u daran
- Waxyaabaha lagu tallaalo jirka gudihiisa
- Sunta ka imaato cudurrada kilyaha ama beerka
- Weerarka is difaaca jirka, tusaale ahaan cudurka ‘hemolytic anemia’
- Sunta ka imaato qaniinyada masaska ama caarada
Sidee lagu ogaadaa dhiig yarida?
Waxaa jiro siyaabo kala duwan oo lagu ogaan karo dhiig yarida, laakiin habka ugu caansan waa baaritaanka dhiigga ee loo yaqaanno (CBC).
Baaritaanka (CBC) wuxuu tilmaan ka bixi karaa caafimaadka guud ee qofka, wuxuu sidoo kale ka caawin karaa dhakhtarka inuu go’aamiyo uuna hubiyo xaaladaha hoos kala xiriiro dhiig yarida, sida cudurka liyuukeemiya (leukemia) ama cudurrada kilyaha.
Baaritaankaan (CBC) waxaa lagu cabbiraa dhowr waxyaabood, oo ay ku jiraan:
- Heerarka (hematocrit), oo ah hal beeg la iskula barbar dhigo mugga (tirada) unugyada cas cas iyo mugga (tirada) guud ee dhiigga
- Heerarka hemoglobin (HB), oo ah borotiinka qaado oksijiinta dhiigga
- Tirada guud ee unugyada dhiigga cas cas
Haddii heerarka unugyada cas cas, hemoglobin (HB) ga, iyo hematocrit ay hoos uga dhacaan heerarka caadiga ah, waxay u badan tahay in qofka uu qabo nuuc ka mid ah dhiig yarida.
Sidee loo daaweeyaa dhiig yarida?
Waxaa jiro daawooyin kala duwan oo loogu talagalay dhiig yarida, u jeedka daawo kastana waa inay kordhiso tirada unugyada cas cas ee dhiigga, si loo badiyo xaddiga oksijiinta dhiigga ku jirto.
Waxa aan hoos ku sharxaynaa nuucyada dhiig yarida iyo sida loo daaweeyo mid kasta:
- Dhiig yarida feero la’aanta: kaabisyada feerada sida sharoobooyinka feerada iyo isticmaalka cuntooyinka ay ku badan tahay feerada sida beerka, hilibka, digirta, lowska, baradhada, mooska iyo qamadiga ayaa ku caawin karo.
Dhakhtarka ayaa kuu tilmaami doono waxna ka qaban doono sababta ay feerada jirka uga baxayso oo badanaa ah dhiig baxa.
- Dhiig yarida fitamiin la’aanta: kaabisyada fitamiinada sida sharoobooyinka iyo kaniiniyasha fitamiinka ama isticmaalka cuntooyinka uu ku badan yahay fitamiinka B12 sida hilibka lo’da, doorada, ukunta, caanaha iyo beerka ayaa ku caawin karo.
- Dhiig yarida thalassemia: maadaama xaaladdaan ay tahay, xaalad la iska dhaxlo, taasoo keento in unugyada cas cas ay si fiican u kori waayaan, daaweynta ugu muhiimsan waa in la kaabo unugyadaas, ayadoo qofka lagu shubaayo dhiig ama laga badlaayo dhuuxa lafaha si loo helo unugyo caafimaad qabo maadama unugyada aysan kori karin.
Isticmaalka fiitaminka folate ka iyo feerada ayaa laga yaabaa inay caawiyaan qofka qaba xaaladdaan.
- Dhiig yarida ‘Aplastic anemia’: maadaama cudurkaan uu imaado marka ay dhuuxa ku yar yihiin amaba aysan ku jirinba unugyada asliga ah ee isku badali lahaa unugyada dhiigga caadiga ah, daaweynta ugu muhiimsan waa in qofka lagu shubo dhiig ama laga badalo dhuuxa maadaama dhuuxa uusan soo saari karin unugyada dhiigga.
- Dhiig yarida ‘sickle cell anemia’: cudurkaan waxa uu sababaa in qaabka unugyada cas cas ee dhiigga ay u samaysan yihiin uu is badalo oo ay u ekeedaan bil, ayadoo ku adkaanayso in ay jirka gaarsiiyaan oksijiinta maadaama aysan mari karin xididada dhiigga dhaxdooda.
Daaweynta ugu muhiimsan ee cudurkaan waa in qofka lagu xiraa oksijiin iyo faleembo, waxaa kaloo qofka la siin karaa xanuun baabi’iyaal, qallajiyeyaal maadaama qofka uu u nugul yahay cudurro badan.
Kaabisyada fitamiinka folate ka iyo dhiig shubista ayaa sidoo kale caawin karto qofka qabo xaaladdaan lagu dhasho ama la iska dhaxlo.
- Dhiig yarida ‘Hemolytic anemia’: maadaama cudurkaan uu imaado marka difaaca jirka uu si qalad ah u burburiyo unugyada dhiigga, daaweynta ugu muhiimsan waa daawooyinka hoos u dhigo awoodda difaaca jirka, daawooyinka caabuqa, iyo sifeynta dhiigga ayadoo la isticmaalaayo qalabka dhiigga lagu sifeeyo ee loo yaqaano plasmapheresis.