Close Menu
  • C. guud
    • Kansar
    • Neefta
    • Wadnaha
  • C. Bulshada
    • Talooyin
  • Warbixinno
    • Teknoloji
  • Covid-19
HealthterHealthter
  • C. guud
    1. Kansar
    2. Neefta
    3. Wadnaha
    maqaalki u dambeeyey

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Maqaalada kale

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Cilaajyada: Xarumaha Gaarka Loo Lee Yahay Ee Daryeelka Bukaannada Dhimirka

    Dayaca iyo Silsiladaynta: Dhibaatooyinka Bukaannada Xanuunnada Dhimirka

  • C. Bulshada
    1. Talooyin
    2. Fur kulli

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

    Jimicsiga: nuucyadiisa iyo faaiidooyin ka uu u leeyahay caafimaadka qofka

    Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

    Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

  • Warbixinno
    1. Teknoloji
    2. Fur kulli

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

    Teknolojiyadda: dhibaato nuucee ayay u leedahay maskaxda iyo jirka ?

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Xiriirka waalidka iyo ilmaha – waa maxay sababta uu muhiim u yahay?

    Maraxaladaha cudurrada ayay ku xirantahay tilaabada dhaqtarka uu qaadaayo

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

  • Covid-19

    Omicron: nuuca cusub ee coronavirus, muxuu uga duwanyahay nuucyada kale?

    COVID-19: calaamadihiisa, sida uu ku faafi karo iyo ka hortaggiisa

    Tallaalka COVID-19: nuucyadooda iyo sida ay uga hortagaan fayraska

    Calaamadaha COVID-19: kuwa ugu badan iyo mudada ay haayaan qofka

    Neefsashada adag ee COVID-19: sida ay ku imaato iyo waxyaabaha keeno

HealthterHealthter
Home»C. Guud»Maskaxda»Dayaca iyo Silsiladaynta: Dhibaatooyinka Bukaannada Xanuunnada Dhimirka

Dayaca iyo Silsiladaynta: Dhibaatooyinka Bukaannada Xanuunnada Dhimirka

Mohamed Mustaf AhmedMohamed Mustaf AhmedApril 28, 2025
Share
Copy Link WhatsApp Telegram Facebook Twitter LinkedIn Pinterest
  • Daryeelka xanuunka dhimirka
  • Noocyada bukaannada la xabbiso
  • Dhibaatooyinka xabbiska bukaanna
  • Ka hortagga xabbiska bukaannada

Daryeelka xanuunka dhimirka

Haddii aad tahay qof daryeela bukaan xanuunka dhimirka ah oo aadan u awoodin inaad u raadiso daryeelkii caafimaad ee uu u baahnaa, ma waxaad dooran lahayd inaad silsilad ku xirto oo aad guriga ku hayso mise inaad iska sii dayso si uu iskii u cararo una lumo? Tani waa arrin laba daran mid dooro ah oo ay badanaa wajahaan dadka Soomaaliyeed ee haysta qof xanuunka dhimirka qaba.

Ma aha mid yaableh in bukaanno dhimirka ah oo badan la dayaco laguna xiro guryaha sababtoo ah daryeelka caafimaad ee u diyaarka ah dadka noocaana oo xaddidan.

Ma jiraan xarumo maan dhayid, baxnaanayn iyo shaqaale caaafimaad oo xirfad u leh daryeelka xanuunadaan. Taasi waxaa dheer arrimaha sababo xanuunadaan dhimirka sida dagaallada, cunidda qaadka, cabidda sigaarka, caydhnimada iyo shaqo la’aanta oo aan xal loo hayn.

Noocyada bukaannada la xabbiso

Badanaa bukaanada la xabiso  waxaa ka mid ah:

  1. Kuwa naftooda ama dadka kale waxyeeleeyo: Bukaanadaan waxa ay waxyeello u gaysan karaan naftooda ama dadyowga kale. Si ay qoysasku uga hortagaan arrintaasna, bukaanka waa ay xirxiraan.

  2. Kuwa cuna qaadka ama cabo sigaarka: Qaadka iyo sigaarka waxay ku kicin karaan bukaanka xanuunada dhimirka ee haya waxaana suurtogal ah in qoysku uu bukaanka xirxiro si uu uga hortago inuu raadsado qaadka ama sigaarka.

  3. Kuwa qoysaskoodu aanay awood dhaqaale ulahayn inay uraadiyaan daryeel caafimaad: Qoysaska saboolka ahi waxay sidoo kale xidhaan bukaankooda si aanu isooga cararin una lumin. Xanuunada dhimirku sidoo kale waa hiddo waxaana laga yaabaa in dhowr xubnood oo qoyska ka mid ah inuu marku wada dhaco tanina waxay culays dhaqaale ku noqotaa qoyska waxaana ku adkaada inay daryeel siiyaan dhowrkan qof ee xanuustay

  4. Kuwa qoysaskoodu aanay awood dhaqaale u lahayn inay u raadiyaan daryeel caafimaad: Qoysaska saboolka ah waxay sidoo kale xiraan bukaankooda si uusan u cararin una lumin.

  5. Qoysaska qaar aan ka helin talo bixin iyo baaris ku filan dhakhaatiirta ay la kulmaan: Qoysaska waxaa suurtogal ah inaan si wacan loo fahansiinin in xanuunada dhimirka ay ka mid yihiin xanuunada lala noolaado ee daaweynta joogtada ah ubaahan. Sidaa awgeed qaar badan oo ka mid ah marka ay dhakhtarba dhakhtar uga gudbaan ee ay daawadu si buuxda uga daawayn wayso xanuunka bukaanka waxay ismoodsiiyaan in xanuunka bukaankooda aanu ahayn mid dhakhtar aqoonsan karo ama daawaduba ay tahay mid aan waxba tarayn oo kaliya si ku meelgaar ah u dajinaysa xanuunka waxaana in badan dhacdo in qoysaskaasi xal u arkaan inay ku xiraan bukaanka guriga halkaana ku daayaan si uu dhimashada ugu sugo.

  6. Qoysaska qaar oo ka daalo daryeelka bukaanka dhimirka: Daryeelayaasha bukaanka dhimirka waxaa dhacdo inay ka daalaan baahida daryeelka joogtada ah ee qofkan dhimirka ka xanuusanaya islamarkaasina meel isaga xiraan si uu halkaasi geerida ugu sugo. Tanina badanaa waxay ku dhacdaa bukaanada aanay gacanta ku hayn qoyskooda dhow.

Qoysaska badankoodu waa ay silsiladeeyaan bukaanka dhimirka qaba ee ay jecelyiiin iyagoon ka warhayn dhibaatada iyo khattaraha uu leeyahay xariga iyo silsiladaynta.

Dhibaatooyinka xabbiska bukaanna

Dhibaatooyinka jireed ama maskaxeed ee uu keeno xiritaanka bukaanka dhimirka waxaa ka mid ah:

  • Waxyeelo jireed: Silsiladaha lagu xiro bukaanka waxa ay ku keeni karaan dhaawacyo jireed sida inay jirka gooyaan, barariyaan, boogana ku sameeyaan jirka cadaadiska ay cadaadinayaan awgii. Waxay sidoo kale xaddidi karaan dhaqdhaqaaqa bukaanka iyagoo ku adkaynaya inuu guto xaajooyinkiisa maalinlaha ah sida cunista, cabista iyo galista musqushaba.

  • Waxyeelo nafsiyeed: Xiritaanka waxa uu bukaanka dhimirka u yahay nafsad dil, iyo liidid. Waxa uu dareensiin karaa bukaanka inuu xabsisan yahay, rajo u dambaysaana ay jirin waana uu cabsi galin karaa. Waxaana ay kusii kordhin kartaa calaamadaha xanuunada maskaxda, sida walwalka, murugta iyo waalida kale.

  • Waxyeello dhanka bulshada ah: Xiritaanka waxa uu ka takooraa bukaanka dhimirka qoyskiisa u dhow iyo xubnaha kale ee bulshadaba. Waxayna ku adkayn kartaa in bukaanku dib udhex galo bulshada kadib marka laga furo silsiladaha uu ku xiran yahay.

  • Khatar ah inuu rabshad dagaal sameeyo: Xiritaanka bukaanka waxay keeni kartaa in bukaanka dareemo caro iyo cuqdad nafsi ah, tanoo korhdhin karto khatarta uu ku waxyeelaynayo naftiisa ama dadyawga kale.

Ka hortagga xabbiska bukaannada

Waxyaabaha hadda la samayn karo si looga hortago silsiladaynta bukaanada waxaa ka mid ah in wacyiga dadka ee ku wajjahan cawaaqibta xun ee ka dhalan karto xariga bukaanada kor loo qaado.

Sidoo kalena in maalgalin dalka gudihiisa iyo dibadiisaba ah loo raadiyo si bukaanada dhimirka ee silisilaydaysan qoysaskooduna saboolka yahay loogu raadiyo daryeel caafimaad loogana xoreeyo silsilada ay ku xiran yihiin.

Ugu dambaystiinna kama maarmayso xallinta arrinkan adag in la maareeyo sababaha keeno cuduradan dhimirka iyo kor loo qaado adeegyada caafimaad ee dhimirka si guud ahaan loo yareeyo dadka ay saameeyaan cuduradani dalka oo dhan.

Maqaalka HoreKansarka: nuucyadiisa, waxyaabaha keeno iyo daawayntiisa
Maqaalka Xiga Cilaajyada: Xarumaha Gaarka Loo Lee Yahay Ee Daryeelka Bukaannada Dhimirka

Maqaallo Kale

Cilaajyada: Xarumaha Gaarka Loo Lee Yahay Ee Daryeelka Bukaannada Dhimirka

Sidee ayay isku saameeyaan culeeysyada dhimirka iyo xanuunada jirka?

Caafimaadka maskaxda: maxay yihiin waxyaabaha saameeynta ku leh?

Maqaallo Cusub

Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

Ka mid noqo boggeena

Email ahaan u hel maqaal kasta oo cusub oo aan soo galino.

Healthter

Healthter is a non-profit initiative committed to providing the latest and most reliable health information in the Somali language, tailored specifically for Somali communities.

This initiative was brought to life by Mohamed Mustaf Ahmed, who identified a significant gap in the availability of a health platform that offers reliable and current health information in Somali. Healthter enables Somali individuals, particularly those who may not be fluent in English, to access essential health information in their native language.

Mohamed, a medical doctor, data scientist, and researcher, is the sole manager, financier, and contributor to Healthter. His passion to improve global health, with a special emphasis on Somalia, is the driving force behind this platform.

For personalized information and advice, don't hesitate to get in touch:

Email: momustafahmed@outlook.com

Alternatively, you can connect with me via the provided Linkedin link below:

LinkedIn
Credits & References
  1. Healthline Media
  2. PubMed
  3. WHO (World Health Organization)
  4. CDC (Center for Disease Control)
  5. NIH (National Institutes of Health)
  6. MayoClinic
  7. WebMD
Maqaallo Cusub
Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka
Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha
HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta
Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida
© 2025 (Healthter Media)

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.