Fadhiga waxa uu qayb weyn ka yahay nolosha dadka, badanaa dadka waqtigooda badan fadhi ayay ku qaataan sida marka ay dadku shaqeeynayaan, sheekeesanayaan, wax baranayaan, ama ay safrayaan.
Si kastaba ha noqotee, taasi micnaheedu maahan in fadhiga iyo dabeecadaha kale iska fadhiga ah aysan dhib u lahayn caafimaadka qofka.
Celcelis ahaan in ka badan kala bar ayuu qofka maalintiisa ku qaataa fadhi, sida wadista baabuurka, shaqada xafiiska, Isticmaalka taleefanka ama daawashada telifashinka.
Dhab ahaantii, shaqaalaha xafiiska caadiga ayaa laga yaabaa inuu fadhiyo 15 saacadood maalintii. Dhanka kale, shaqaalaha beeraha waxay fadhiyaan oo kaliya qiyaastii 3 saacadood maalintii.
Hab-nololeedka fadhiidka ah ayaa u muuqda mid ku sii badanaya dunida ayadoo waliba lala xiriirinaayo xaalado caafimaad oo kala duwan.
Fadhiga iyo tamarta jirka
Hawlahaaga maalin laha ah ee aan ahayn jimicsiga, sida istaagidda iyo socodka ayaa guba kalooriyo badan. Haddii intaas la waayana, waxa uu qofka halis ugu jiraa cayil.
Hab-nololeedka fadhiidka ah, oo ay ku jiraan marka la fadhiyo iyo marka la jiifo, ma jiraan wax tamar ah ee uu jirka isticmaalo, waxaana dhacda in kalooriyada aan la isticmaalin ay ku kaydsamaan jirka.
Daraasaduhu waxay sheegayaan in shaqaalaha beeraha ay gubi karaan ilaa 1,000 kalori oo dheeraad ah maalintii marka loo eego dadka ka shaqeeya xafiisyada.
Sababtoo ah shaqaalaha beeraleyda ayaa waqtigooda inta badan ku qaata socod iyo taagnaan.
Fadhiga iyo cayilka
Sida aan horay usoo sheegnay, marka uu qofka fadhiyo ama uu jiifo, jirka waxa uu isticmaalaa tamar aad uga yar marka uu qofka taaganyahay ama dhaq-dhaqaaqaayo.
Sidaa darteed kalooriyada yar ee aad gubto xilliga fadhiga, ayaa u badan inay sababto in miisaankaaga uu kordho.
Dhab ahaantii, cilmi-baarisyadu waxay muujinayaan in dadka cayilan ay fadhiyaan celcelis ahaan in ka badan laba saacadood maalin kasta marka loo eego dadka miisaanka caadiga ah leh.
Fadhiga iyo cudurrada
Cilmi-baarisyadii ugu dambeyey ayaa xaqiijinaaya halista caafimaad ee la xiriirta hab-nololeedka fadhiga. cudurrada iyo xaaladaha la xariira waxaa ka mid ah:
Daraasaduhu waxay muujiyeen in socod ka yar 1,500 oo talaabo maalintii, ama iska fadhiga muddo dheer iyada oo uusan jirka isticmaalin tamar badan waxay sababi kartaa iska caabbinta insulinta, taas oo ah waxa keena nuucca 2 aad ee sokorowga.
Dhaqdhaqaaq la’aanta mudada dheer waxay yareyn kartaa dheef-shiid kiimikaadka jirka waxayna daciifin kartaa awoodda jirka ee ah xakamaynta heerarka sonkorta dhiigga, nidaaminta cadaadiska dhiigga, iyo burburinta dufanka badan.
Fadhiga iyo caafimaadka maskaxda
Hab-nololeedka fadhiidka ah ayaa sidoo kale u muuqda inuu saamayn xun ku leeyahay fayoobaanta maskaxda.
Isku-darka saameynta fadhiga uu ku leeyahay caafimaadka jirka iyo maskaxda ayaa hab-nololeed kaan ka dhigaya mid halis ku ah qofka noloshiisa.
Daraasad lagu sameeyey in ka badan 10-kun oo qof oo la xiriirtay hab-nololeed ka fadhiidka ah iyo dhaqdhaqaaq la’aanta jirka ayaa lagu ogaaday in fadhiga uu saameyn weyn ku yeeshay caafimaadka maskaxdooda.
Daraasad kale ayaa lagu ogaaday xiriir ka dhexeeya hab-nololeedkaan iyo depression ka ama niyad jabka.
Xalalka hab-nololeedka fadhiidka ah
Hab-nololeed aad u firfircoon ayaa yarayn kara xaaladaha caafimaad ee ka dhasha hab-nololeedka fadhiga.
Waxyaabaha lagu xalin karo hab-nololeed kaan waxaa ka mid ah:
1. Kordhinta dhaqdhaqaaqa jirka
Cilmi-baarisyadu waxay muujinayaan in dhaqdhaqaaqa jirka, oo ay ku jiraan jimicsiga iyo isboortiga, ay yarayn karaan halista cudurrada wadnaha, sokorowga nuuciisa 2 aad iyo cayilka,
Caddaymaha ayaa sidoo kale muujinaya in jimicsigu uu hagaajin karo caafimaadka maskaxda. Daraasad la sameeyay 2018 oo lagu sameeyey in ka badan 1 milyan oo qof ayaa lagu ogaaday in dadka sheegay inay jimicsi sameeyaan uu caafimaadkooda maskaxda ka fiicnaa marka loo eego kuwa aanan sameenin jimicsiga.
Waxaa wanaagsan in la isku daro jimicsiyo kala duwan oo ka shaqeeysiiya wadnaha, sida orodka ama baaskiil wadista Iyo jimicsiyada kale ee jiimka sida miisaan qaadista.
Inaad labadaas jimicsi midkiiba ugu yaraan 30 minute ka sameeso isbuucii ayaa ku filan inaad buuxiso tilmaamaha hay’adaha caafimaadka ay soo saareen ee la xiriira dhaqdhaqaaqa jirka.
In kasta oo jimicsi joogto ah mar walba lagula taliyo qofka, haddana gebi ahaanba maka hortago dhammaan khataraha caafimaad ee uu keeno fadhiga badan waxaana lagama maarmaan ah in la yareeyo fadhiga.
3. Yaraynta waqtiga fadhiga
Jimicsiga jirka waa muhiim, laakiin in fadhi lagu qaato maalinta inteeda badan weli waa khatar.
Dadku waxay yarayn karaan waqtiga ay ku qaataan fadhiga iyagoo:
- Istaaga halkii ay ka fadhiisan lahaayeen marki la sugaayo gaadiidka
- Shaqada socod ku aado
- Socda xilliga nasashada shaqada lagu guda jiro
- Saacad ku xirta in ay istaagaan 30 -kii daqiiqaba marka xilliga xafiiska la joogo
- Waqti badan lagu bixinaayo qabashada shaqooyinka guriga
- Xoogaa socod ah sameenaaya waqtiga firaaqada la yahay halkii laga daawan laha telefishanka ama lagu mashquuli lahaa mobile-ka
- Isticmaala jaranjarada halkii laga isticmaali lahaa wiishka