HIV/AIDS waa cudur faafa oo saameyn weyn ku leh caafimaadka dadweynaha adduunka oo dhan. In kasta oo horumar la sameeyay, haddana wali waxaa jiro baahi loo qabo wacyi-gelin, ogaansho, iyo helitaan adeegyo daryeel si looga hortago faafitaanka cudurkaan. Maqaalkaan waxaan ku soo bandhigeynaa xaqiiqooyin ku saabsan HIV/AIDS, sida uu ku faafo, siyaabaha looga hortagi karo, iyo daaweynta la heli karo.
Hordhac
Sida laga soo xigtay hay’adda UNAIDS, 39.0 milyan oo qof ayaa la noolaa HIV/AIDS adduunka oo dhan dhamaadkii 2022. Waxaana ka mid ah 1.5 milyan oo carruur ah (da’doodu ka yar tahay 15 sano). Sanadkii 2022, 1.3 milyan oo qof oo cusub ayaa qaadday fayraska HIV. Dhimashada la xiriirta HIV ayaa sidoo kale hoos u dhacday, iyadoo 630,000 oo qof ay u dhinteen sababo la xiriira HIV sanadkii 2022.
Soomaaliya, sida laga soo xigtay UNAIDS, 7,700 oo qof oo dad waaweyn iyo carruur isugu jiro ayaa qabay HIV/AIDS sanadkii 2021, in ka badan 45% waxay ahaayeen haween da’doodu ka weyn tahay 15 sano. Tirada guud ee dhimashada dadka waaweyn iyo carruurta ee la xiriirta HIV/AIDS waxay ahayd in ka yar 500 qof. Sahan laga qaaday dalka oo dhan sanadkii 2018 ayaa sidoo kale muujiyay in celceliska faafitaanka HIV ee uurlayaasha uu ahaa 0.1%. Bangiga Adduunka ayaa sidoo kale qiyaasay in 0.1% dadweynaha Soomaaliya ay qabeen HIV/AIDS sanadkii 2020.
Waa maxay HIV
HIV waa fayras naafeeyo difaaca jirka waxa uu na sababaa cudurka AIDS. HIV wuxuu si gaar ah u weeraraa unugyada CD4-T, oo qayb ka ah nidaamka difaaca jirka. Marka uu fayraska galo jirka, wuxuu ku faafaa unugyada CD4-T oo uu burburiyaa, taasoo yareyneysa tirade unugyada CD4-T ee jirka.
Inta badan waxyeelada soo gaarto unugyada CD4-T waxay dhacdaa bilowga infekshanka, gaar ahaan waxay ka dhacdaa dahaarka hoose ee mindhicirrada, halkaas oo ay ku yaallaan inta badan unugyada difaaca jirka. Sababta ay u dhacdo waxyeeladan ayaa ah in inta badan unugyada CD4 T ee maqaarka gudaha ay leeyihiin CCR5, oo ah molekuul uu adeegsado fayraska HIV si uu ugu faafo unugyada.
Marka tirada unugyada CD4 T ay hoos u dhacdo, awoodda difaaca jirka ayaa daciifto, taasoo keenta in caabuqyada kale ay ka faaideystaan jirka oo ay sababaan cudurro. HIV ayaa sidoo kale wuxuu saameyn ku yeeshaa unugyada kale sida makrofaajyada iyo monocytes kuwaasoo qayb ka ah la dagaallanka fayrasyada iyo bakteeriyada.
Siyaabaha uu ku Faafo HIV
HIV wuxuu ku faafaa dhowr siyaabood:
- Galmada, gaar ahaan marka dheecaanka xubinta taranka ama dhiigga qofka HIV qaba uu taabto dahaarka gudaha ee xubnaha taranka
- In la wadaago cirbadaha ama qalabka kale ee wax lagu duro
- In qofka lagu shubo dhiig laga shubay qof HIV qaba
- In hooyada uurka leh ee HIV qabta ay u gudbiso ilmaha uurka ku jiro xilliga dhalashada, ama naas-nuujinta
Siyaabaha aan lagu Faafin Karin HIV
In kasta oo wali loo baahan yahay wacyi-gelin dheeraad ah, haddana waa in la ogaado in HIV uusan ku faafin:
- Taabashada caadiga ah sida salaanta gacanta, isku duubashada, ama wadaagga musqusha
- Wadaagga cuntada, weelasha, ama dharka
- Qufaca, hindhisada, ama candhuufta
- Qaniinyada
- Barkadaha dabaasha
- Telefoonada
Takoorka dadka HIV la nool
Dadka qaba HIV/AIDS inta badan waxay la kulmaan takoor ka dhasha xaaladooda caafimaad. Takoorkaan wuxuu saameyn xun ku yeeshaa caafimaadka maskaxda iyo tayada nolosha dadka qaba HIV.
Cilmi-baarisyo badan ayaa muujiyay in takoorka uu kor u qaado heerarka walaaca, niyad-jabka, go’doominta, iyo dareenka keliyeysiga ee dadka qaba HIV. Tani waxay horseedaa dhibaatooyin caafimaad oo dheeri ah, oo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka hurdo la’aanta, cunto-xumo, iyo isticmaalka maandooriyaha.
Intaas waxaa dheer, cabsida takoorka ayaa ka hor istaagi karto dadka qaba HIV inay raadsadaan adeegyada daryeelka iyo taageerada ay u baahan yihiin. Taas waxay keeni kartaa dib u dhac ku yimaado ogaanshaha xaaladooda, helitaanka daawada, iyo raacitaanka qorshaha daaweynta.
Sidaas darteed, waa muhiim in la wajaho takoorka ka dhan ah dadka qaba HIV/AIDS si loo hubiyo caafimaadkooda maskaxeed iyo tayada guud ee noloshooda. Taas waxaa ka mid noqon karo kor u qaadista wacyi-gelinta, bixinta taageero dhaqaale iyo mid bulsho, iyo la dagaallanka takoorka.
Tallaabooyinka Looga Hortago HIV
Waxaa jira dhowr tallaabooyin oo lagu yareeyo halista qaadista HIV:
- Dhowrista xeerarka Islaamka ee la xiriira galmada iyo ka fogaanshaha galmada sharci darrada ah
- Ka fogaanshaha isticmaalka daroogada iyo cirbadaha la wadaago
- Helitaanka baaritaanka HIV ugu yaraan laba jeer sanadkii (qofka halista ugu jiro HIV)
- Isticmaalka dawooyinka ka-hortagga sida PrEP ama PEP (qofka la kulmo halis HIV)
- Isticmaalka dawooyinka antiretroviral-ka si qofka qaba HIV uu uga hortagto faafitaanka
Daaweynta HIV
Daaweynta HIV waxaa ka mid ah isticmaalka dawooyinka antiretroviral-ka (ART) si ay hoos ugu dhigaan heerka fayraska dhiigga (viral load) una yareeyaan khatarta cudurrada kale. ART waxay ka caawineysaa dadka HIV qaba inay nolol caafimaad leh ku noolaadaan oo ay yareeyaan halista inay fayraska ku faafiyaan dadka kale. Waa muhiim in la bilaabo ART sida ugu dhakhsaha badan ka dib markii qof ka laga helo HIV.
Dhibaatooyinka Caafimaad ee HIV
Haddii aan la daweyn, HIV wuxuu sababi karaa dhowr dhibaatooyin caafimaad oo halis ah, oo ay ka mid yihiin:
- Jirro, daal, iyo miisaan lumis
- Infekshannada sida tiibishada
- Kansar
- Dhibaatooyinka maskaxda sida niyad-jabka iyo xusuus-beelka
- Dhimasho
Gunaanad
HIV/AIDS wali waa caqabad caafimaad oo adag, laakiin horumar badan ayaa laga sameeyay oo ku aaddan fahamka iyo ka-hortagga faafitaankiisa. Iyada oo la adeegsanayo istaraatiijiyadaha ka-hortagga iyo daaweynta sida ugu dhakhsaha badan, waxaa suuragal ah in si wax ku ool ah looga hortago faafitaanka HIV oo la hubiyo in dadka HIV qaba ay helaan daryeel iyo taageero. Waxaa sidoo kale muhiim ah in la wajaho takoorka ka dhan ah dadka HIV qaba si loo hubiyo inay helaan adeegyada ay u baahan yihiin iyo caafimaad maskaxeed oo wanaagsan.