Close Menu
  • C. guud
    • Kansar
    • Neefta
    • Wadnaha
  • C. Bulshada
    • Talooyin
  • Warbixinno
    • Teknoloji
  • Covid-19
HealthterHealthter
  • C. guud
    1. Kansar
    2. Neefta
    3. Wadnaha
    maqaalki u dambeeyey

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Maqaalada kale

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Cilaajyada: Xarumaha Gaarka Loo Lee Yahay Ee Daryeelka Bukaannada Dhimirka

    Dayaca iyo Silsiladaynta: Dhibaatooyinka Bukaannada Xanuunnada Dhimirka

  • C. Bulshada
    1. Talooyin
    2. Fur kulli

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

    Jimicsiga: nuucyadiisa iyo faaiidooyin ka uu u leeyahay caafimaadka qofka

    Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

    Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

  • Warbixinno
    1. Teknoloji
    2. Fur kulli

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

    Teknolojiyadda: dhibaato nuucee ayay u leedahay maskaxda iyo jirka ?

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Xiriirka waalidka iyo ilmaha – waa maxay sababta uu muhiim u yahay?

    Maraxaladaha cudurrada ayay ku xirantahay tilaabada dhaqtarka uu qaadaayo

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

  • Covid-19

    Omicron: nuuca cusub ee coronavirus, muxuu uga duwanyahay nuucyada kale?

    COVID-19: calaamadihiisa, sida uu ku faafi karo iyo ka hortaggiisa

    Tallaalka COVID-19: nuucyadooda iyo sida ay uga hortagaan fayraska

    Calaamadaha COVID-19: kuwa ugu badan iyo mudada ay haayaan qofka

    Neefsashada adag ee COVID-19: sida ay ku imaato iyo waxyaabaha keeno

HealthterHealthter
Home»C. Guud»Caruurta»Jadeecada: calaamadaheeda, waxyaabaha keeno iyo sida looga hortagi karo

Jadeecada: calaamadaheeda, waxyaabaha keeno iyo sida looga hortagi karo

Mohamed Mustaf AhmedMohamed Mustaf AhmedApril 28, 2025
Share
Copy Link WhatsApp Telegram Facebook Twitter LinkedIn Pinterest
  • Waa maxay jadeecada?
  • Calaamadaha jadeecada
  • Sidee ayay ku imaataa jadeecada?
  • Sidee ayay ku faaftaa jadeecada?
  • Sidee loo daaweeyaa jadeecada?
  • Sidee looga hortagaa jadeecada?

Jadeecada waa cudur faafa oo uu keeno fayraska loo yaqaano rubeola, habka uu ku faafo waa in qofka uu xiriir toos ah la yeesho qof qaba fayraska, wuxuu kaloo ka faafaa dhibcaha fayraska ee hawada ku jiro.

Waa maxay jadeecada?

Jadeecada waa cudur aad u faafa oo keeni kara dhibaatooyin nafta halis gelin kara, sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) kumanaan kun oo caruur ah ayay haleeshaa jadeecada sanadkii, boqolaal kalana waa ay u dhintaan.

Si kastaba ha ahaatee, jadeecada waa laga hortagi karaa waxayna leedahay tallaal, tallaalkeedana wuxuu bixiyaa ka hortag wax ku ool ah. Balse, caruurta qaarkood ma qaadan karaan tallaalka sababo la xariira xaalado caafimaad oo ay qabaan aawgeed, sida haddii cunugga difaaca jirkiiisa uu aad daciif u yahay. 

Si kastaba ha ahaatee, sida ku cad maqaal uu daabacay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), haddii 93-95% dadka ay qaataan tallaalka, dadka halista ugu jira jadeecada ee aan qaada karin tallaalka ayaa laga yaabaa inay ka yaraato halista. 

Calaamadaha jadeecada

Astaamaha jadeecada waxaa ka mid ah:

  • Qandho xad dhaaf ah oo gaari karto ilaa (40 ° C)
  • Qufac
  • Diif
  • Hindhiso
  • Indhaha oo biyo yeesho
  • Jir xanuun
  • Baro yaryar oo cad oo afka kasoo baxa
  • Finan guduudan

Finanka badanaa waxay soo baxaan 3 ilaa 5 maalin marka ay calaamadaha kale imaadaan, waxayna kasoo baxaan meesha ay timaha wajiga ka bilaawdaan waxayna ku fidaan jirka. 

Baraha ayaa laga yaabaa inay ku bilaawdaan si siman, laakiin kuus kuusyo yar yar ayaa laga yaabaa inay kasoo muuqdaan kor, baraha ayaa sidoo kale isku darsama marka ay faafaayaan.

Sidee ayay ku imaataa jadeecada?

Caabuqa fayraska rubeola ayaa keena jadeecada, fayraska wuxuu jirka ka soo galaa afka, sanka, ama indhaha, ka dibna waxay u badan tahay inuu galo sambabada, halkaas oo uu ku saameeyo unugyada difaaca jirka.

Unugyada difaaca waxay aadaan qanjirada jirka, ka dibna fayraska oo unugyadaan ku dhex jiro ayaa u gudba unugyada ku jira qanjirada, unugyada qanjirada ayaa ka dib fayraska kusii daaya dhiigga.

Marka dhiigga ku wareego jirka, fayraska wuxuu gaaraa xubnaha jirka oo dhan, oo ay ka mid yihiin beerka, maqaarka, maskaxda, iyo beeryaraha.

Marka uu fayraska galo maqaarka dhexdiisa wuxuu caabuq ku sameeyaa xididada dhiigga ee maqaarka ku hareereesan, taasoo keenta firiirica gud guduudan ee ay leedahay jadeecada.

Fayraska badanaa uma gudbo maskaxda, maadaama maskaxda ay leedahay xeendaab dhiigga celiya, balse mararka qaar ayuu u gudbi karaa maskaxda asagoo keena barar maskaxda ah kaasoo laga yaabo inuu nafta halis geliyo.

Infekshanka uu fayraska ku sameeyo sambabada ayaa keena in cunugga uu qufaco, marka uu cunugga qufacana waxa uu dadka kale u gudbin karaa fayraska.

Qof kasta oo aysan waligiis ku dhicin jadeeco ama qaadan tallaalkeeda aad ayuu ugu xanuunsan karaa haddii uu u gudbo fayraskaan.

Sidee ayay ku faaftaa jadeecada?

Cudurka jadeecada waa cudur aad u faafa, ururada caafimaadka waxay tilmaamaan in qofka uu gudbin karo fayraska 4 maalmood ka hor iyo 4 maalmood kadib marka finanka ay soo baxaan.

Infekshanka wuxuu ku faafaa:

  • Taabashada qofka jadeecada qaba
  • U dhowaanshaha qof qaba jadeecada marka uu qufacaayo ama hindhisaayo
  • Taabashada meelaha uu fayraska saaran yahay kadibna faraha la geliyo, afka, sanka ama indhaha

Ka dib marka uu cunugga qufaco ama hindhiso, fayraska wuxuu hawada ku sii jiri karaa ilaa 2 saacadood.

Haddii hal cunug ay ku dhacdo jadeecada, wuxuu u gudbin karaa boqolkiiba 90 dadka ku xeeran haddii aysan haysan difaac xooggan ama aysan qaadan tallaalka cudurka.

Sidee loo daaweeyaa jadeecada?

Ma jirto daaweyn gaar ah oo loogu talagalay jadeecada, calaamadahana badanaa waxay ku baxaan 7 ilaa 10 maalmood gudahood.

Haddii aysan jirin wax dhib ah, dhakhtarka wuxuu kugula talin doonaa in cunugga uu helo nasasho badan iyo in la siiyo cabitaanno badan si looga hortago fuuqbax. Haddii cunugga uu ku jiro xaalad halis ah, dhakhtarka wuxuu cunugga u qori karaa inuu hospitalka jiifto.

Daryeelka guriga ee caruurta la siin karo waxaa ka mid ah kaniiniyaasha xanuun baabi’iyaasha si qandhada iyo xanuunka ay uga yaraato, huurinta cunugga iyo siinta cabitaannada liinta iyo malabka haddii uu qufac badan dareemaayo. Fiiro gaar ah, caruurta ka yar 1 sano uma fiicno malabka.

Haddii indhaha ay qalfoof ka saaran tahay cunugga isticmaal suuf nadiif ah oo qoyan si aad uga qaaddo, geli cunugga qol aan iftiin badan lahayn haddii uu dhibsanaayo iftiinka badan.

Jadeecada waa caabuq uu keeno fayras, kaniiniyaasha qallajiyeyaasha ama antibiyootigyada wax maka tari karaan, qalajiyeyaasha waxaa loo isticmaalaa kaliya caabuqyada ay keento bakteeriyada.

Si kastaba ha ahaatee, dhakhtarka ayaa cunugga u qori kara kaniiniyaashaan haddii cunugga uu qabo caabuq kale oo dheeraad ah oo ay keentay bakteeriyo. 

Sidee looga hortagaa jadeecada?

Qofka haddii mar ay ku dhacdo jadeecada, badanaa jirka waxa uu ka sameestaa difaac si markale aysan qofka u qabanin jadeecada.

Dhakhtarka wuxuu caadi ahaan kugula talin doonaa in aad tallaashid caruurtaada haddii aysan horay ugu dhicin jadeecada.

Tallaalka jadeecada ayaa la isticmaalaayay ilaa 1960 kii, waana tallaal ammaan ah oo wax ku ool badan, WHO waxay ku talineysaa in la tallaalo dhammaan carruurta iyo dadka waaweyn ee la tallaali karo.

Maqaalka HoreKwashiorkor: nafaqo darrada caruurta ee ka imaata borotiin la’aanta
Maqaalka Xiga Caadada Xooggan: calaamadaha, waxyaabaha keena iyo daaweynteeda

Maqaallo Kale

Kwashiorkor: nafaqo darrada caruurta ee ka imaata borotiin la’aanta

Goonjabka caruurta: calaamadhihiisa, waxyaabaha keena iyo daaweyntiisa

Marasmus: nafaqo darrada caruurta ay keento macluusha aadka u daran

Maqaallo Cusub

Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

Ka mid noqo boggeena

Email ahaan u hel maqaal kasta oo cusub oo aan soo galino.

Healthter

Healthter is a non-profit initiative committed to providing the latest and most reliable health information in the Somali language, tailored specifically for Somali communities.

This initiative was brought to life by Mohamed Mustaf Ahmed, who identified a significant gap in the availability of a health platform that offers reliable and current health information in Somali. Healthter enables Somali individuals, particularly those who may not be fluent in English, to access essential health information in their native language.

Mohamed, a medical doctor, data scientist, and researcher, is the sole manager, financier, and contributor to Healthter. His passion to improve global health, with a special emphasis on Somalia, is the driving force behind this platform.

For personalized information and advice, don't hesitate to get in touch:

Email: momustafahmed@outlook.com

Alternatively, you can connect with me via the provided Linkedin link below:

LinkedIn
Credits & References
  1. Healthline Media
  2. PubMed
  3. WHO (World Health Organization)
  4. CDC (Center for Disease Control)
  5. NIH (National Institutes of Health)
  6. MayoClinic
  7. WebMD
Maqaallo Cusub
Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka
Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha
HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta
Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida
© 2025 (Healthter Media)

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.