Jimicsiga waa samaynta dhaq dhaqaaqa jirka iyo kordhinta garaaca wadnaha taas oo ka baxsan heerarka caadiga ah ee xilliga nasashada. Jimicsiga waxa uu muhiim u yahay ilaalinta caafimaadka jirka iyo maskaxda.
Haddii dadka ay sameeyaan oo ay joogteeyaan jimicsiyada fudud, sida lugeynta, rucleynta ama dhaq dhaqaaqyada kale ee xoogga leh sida baaskiil wadidda iyo bir qaadista jiimka, waxay arki doonaan faa’iidooyin aad u badan oo dhanka maskaxda iyo jirka ah.
In maalin kasta aad sameyso jimcsi joogto ah ayaa lagama maarmaan u ah ka hortagga cudurro kala duwan iyo arrimo caafimaad oo kale.
Maqaalkaan, waxaan ku sharxeynaa nuucyada jimicsiga ee kala duwan iyo faa’iidooyinkooda, iyo sidoo kale samaynta nidaam jirdhis oo fiican.
Jimicsiga isticmaalo oksijiinta
Jimicsiga nuucaan ah wuxuu ujeedkiisu yahay inuu saxo sida jirka uu u isticmaalo oksijiinta. Qaabka loo sameeyo jimicsigaan ayaa ah in qofka uu is kululeeyo uuna ka shaqeeysiiyo jirka ugu yaraan 20 daqiiqo, ka dibna uu xoogaa nasto.
Jimicsiga nuucaan ah wuxuu:
- Hagaajiyaa awooda sambabada, wadnaha, iyo murqaha jirka oo dhan
- Hoos u dhigaa cadaadiska dhiigga
- Ka qayb qaataa wareegga iyo socodka dhiigga ee murqaha
- Kordhiyaa tirada unugyada dhiigga cas si kor loogu qaado socodka oksijiinta
- Yareeyaa halista cudurrada wadnaha, sokorowga iyo istaroogga
- Hagaajiyaa nolosha qofka
- Kobciyaa koritaanka lafaha wuxuuna yareeyaa halista lafa jileeca
- Wanaajiyaaa hurdada
- Qofka siiyaa adkaysi isagoo kordhiya awooda jirka uu murqaha dhaxdooda ugu kaydiyo tamarta, sida dufanka iyo kaarbohaaydaraytyada.
Jimicsiga aan isticmaalin oksijiinta
Jimicsiga nuucaan ah uma isticmaalo oksijiin tamar ahaan. Dadku waxay sameeyaan jimicsigaan si ay u helaan awood, xoog, iyo murqo waaweyn.
Jimicsiyadaan aad ayay u xoog badan yihiin mana socon karaan wax ka badan 2 daqiiqo oo joogto ah. Jimicsiyadaan waxaa ka mid ah:
- Culeys qaadidda sida biraha oo kale
- Orod ka
- Xarig ka bood ka
- Iyo jimicsiyada kale ee jiimka lagu sameeyo
In kasta oo jimicsiyada nuucyadooda dhan ay faaiido u leeyihiin wadnaha iyo sambabada, hadana jimicsiga nuucaan ah faaiidada uu u leeyahay caafimaadka wadnaha waa ay ka yartahay marka loo eego jimicsiga nuuciisa kale ee oksijiinta u isticmaala tamar ahaan.
Jimicsigaan ayaa sidoo kale gubo kalooriyo ka yar kalooriyada ay gubaan jimicsiga nuuciisa kale aan horay usoo sheegnay, si kastaba ha ahaatee, jimicsigaan waxa uu waxtarkiisa ku badan yahay dhisidda muruqaha, qaab dhismeed ka jirka iyo xooga.
Mida kale, murqaha oo dhismaa faa’iidadeeda waxaa ka mid ah in jirka uu gubo baruur badan, xataa marka uu qofka ku jiro xiliga nasiinada. Murqaha ayaa ah xubinta ugu badan ee guba dufanka ku jira jirka.
Faaiidooyinka jimicsiga
Jimicsiga wuxuu u leeyahay caafimaadka jirka iyo maskaxda faa’iidooyin badan. Qaddar kasta oo jimicsi ah, xitaa hadii uu aad u yaryahay waxay u badan tahay inuu soo saaro faa’iido.
Jimicsiga wuxuu faa’iido u leeyahay caafimaadka maskaxda iyo caafimaadka jirka labadaba. Daraasadahana aad waxay u sheegaan in fududaysiga jimicsiga ay tahay halis.
Dhaq dhaqaaqa jirka oo la joogteeyo waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee aad kaaga saacidi karo inaad hesho caafimaad taam ah, waana muhiim in qof walba uu ka faaiideesto arintaan.
Faaiidooyinka uu leeyahay jimicsiga waxaa ka mid ah:
Jimicsiga iyo wadnaha
Jimicsiga joogtada ah wuxuu u fiican yahay caafimaadka wadnaha. Faa’iidooyinka uu u leeyahay wadnaha waxaa ka mid ah:
- Isku habeynta heerarka kolestaroolka
- Hoos u dhigidda cadaadiska dhiigga
- Yaraynta halista wadna istaagga iyo wadna xanuunka
- Yaraynta halista istaroogga
Qofka wuxuu arki karaa faa’iidooyinka jimicsiga caadiga ah isla marka uu bilaabo jimicsiga, . Waxaa lagu taliyaa in dadka waaweyn ay sameeyaan ugu yaraan 150 daqiiqo oo dhaq dhaqaaq xooggan ah toddobaadkii.
Jimicsiga iyo sokorowga
Sida laga soo xigtay Ururka Sokorowga Mareykanka (ADA), nuucyada jimicsiga ee kala duwan ayaa faa’iido u leh dadka qaba ama halis ugu jira sokorowga nuuciisa 2-aad, faa’iidooyinka uu jimicsiga ugu leeyahay xaaladdaan waxaa ka mid ah:
- Xakamaynta gulukooska dhiigga
- Isku dheelli tirka miisaanka
- Ka hortagga ama yaraynta halista sokorowga nuuciisa 2-aad
Jimicsiga wuxuu kaloo faaiido u leeyahay dadka qaba sokorowga nuuciisa 1-aad, asagoo ka saacidaaya:
- Xoojinta muruqyada
- Xoojinta falgalka insulinta
Dhaq dhaqaaqa jirka iyo jimicsiga waa in lagula taliyaa oo loo qoraa dhammaan shakhsiyaadka qaba sokorowga maadaama jimicsiga uu qayb weyn ka qaato xakamaynta sokorta iyo caafimaadka guud.
Jimicsiga iyo kansarka
Daraasado ayaa muujiyay in sare u qaadidda dhaq dhaqaaqa jirka ay yareeyso halista kansarrada ku dhaca:
- Mindhiciraha
- Caloosha
- Hunguriga
- Naasaha
- Kaadi haysta
- Minka
- Kilyaha
Waxaa sidoo kale jiri kara xiriir ka dhexeeya dhaq dhaqaaqa jirka iyo yareeynta halista kansarro kale, laakiin caddayntu way yar tahay.
Jimicsiga iyo lafaha
Jimicsiga joogtada ah wuxuu kaa caawin karaa ka hortagga lafo jileeca ee ku dhaca dadka da’da ah, jimicsiyada nuucyadooda kala duwan ee aan soo sheegnay ayaa dhammaantood qofka ka caawin kara ka hortagga xaaladdaan.
Samaynta jimicsi ugu yaraan 90 daqiiqo isbuucii ayaa faaiido weyn u leh qofka. Jimicsiyada qaar sida socodka ayaa si gaar ah ugu fiican caafimaadka lafaha.
Jimicsiga iyo miisaanka
Waxaa jiro caddaymo badan oo sheegaayo in jimicsiga kaa caawin karo isku dheelli tirka miisaanka, in kasta oo ay qaadan karto in ka badan xaddiga jimicsi ee lagu taliyo in la sameeyo si loo helo natiijada isku dheelli tirka miisaanka.
Guud ahaan, miisaanka oo yaraada ka dibna laga ilaaliyo inuu kordho ayaa sidoo kale u baahan cunto caafimaad leh oo isku dheelli tiran.
Jimicsiga iyo kor xanuunka
Jimicsiga waxaa sidoo kale laga yaabaa inuu kaa caawiyo kor xanuunka daba dheeraado, daraasad ayaa la sameeyay bal in la ogaado in jimicsiga iyo dhaq dhaqaaqa jirka ay ka caawiyaan dadka waaweyn kor xanuunka daba dheeraada.
In kasta oo tayada caddaynta ee daraasadda guud ahaan ay hoosaysay, haddana cilmi-baarayaasha waxay xuseen in dadka sameeyey dhaqaaqa jirka ay si nafsaani ahaan iyo nolol ahaanba ka fiicnaayeen dadka kale ee aan sameenin jimicsi.
Jimicsiga iyo hurdada
Jimicsiga wuxuu dadka ka caawiyaa hurdada, faa’iidooyinkiisa qaarna waa la arkaa isla markiiba. Jimicsiga joogtada ah wuxuu kaa caawin karaa:
- Kordhinta hufnaanta hurdada
- Wanaajinta tayada hurdada
- Yareeynta lulmada ama hurdada maalintii
- Yareeynta isticmaalka daawooyinka hurdada
Jimicsiga iyo maskaxda
Jimicsiga joogtada ah wuxuu yareeyn karaa halista xasuus la’aanta iyo cudurka iloowga ee dadka waaweyn.
Dadka ka weyn 50 sano jir, jimicsiga wuxuu kaloo hagaajiyaa dhinacyo ka mid ah garashada, iyo dardar galinta shaqada maskaxda. Daraasad ayaa waxay tilmaamaysaa in dhaq dhaqaaqa jirka uu kor u qaado caafimaadka maskaxda ee dadka waaweyn.
Dhaq dhaqaaqa jirka ayaa sidoo kale kaa caawin kara yareeynta walaaca, faa’iidadiisana waxaa la arkaa isla markiiba ka dib marki la sameeyo jimicsi dhex dhexaad ah ama xooggan.
Jimicsiga joogtada ah ee waqtiga dheer socda ayaa sidoo kale kaa caawin kara yareeynta halista niyad jabka.
Ugu dambeyntii, Jimicsiga joogtada ah wuxuu yareeyn karaa halista cudurro badan oo halis ah, wuxuuna hagaajin karaa caafimaadka maskaxda iyo niyadda, wuxuuna wanaaji karaa tayada nolosha qofka.
Halista jimicsi la’aanta
Jimicsi la’aanta iyo hab-nololeedka fadhiid ka ah wuxuu kordhin karaa halista:
Waxay kaloo gacan ka geysan kartaa halista sii kordheysa ee cayilka. Meelo badan oo adduunka ah, oo ay ka mid tahay soomaaliya, tirada dadka cayilan ayaa si xawli ah u kordhaya.