Marka ay dadka maqlaan kafeey, waxaa caadi ahaan kusoo dhacda maskaxdooda awoodda uu kafeeyga u leeyahay inuu xoojiyo tamarta jirka.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay cilmi-baarisyada qaarkood, kafeeyga wuxu sidoo kale faa’iidooyin caafimaad oo muhiim ah u leeyahay jirka, sida inuu hoos u dhigo khatarta kansarka beerka, sokorowga nuuca 2-aad, iyo halista cuduro kale.
Kafeeyga waa mid ka mid ah cabitaannada ugu badan ee laga isticmaalo dunida, khubarradu waxay qiyaasayaan in dadku ay cabaan qiyaastii 2.25 bilyan oo koob oo kafeey ah maalintii.
Cilmi-baaryaasha waxay sidoo kale eegeen faa’iidooyinka kafeeyga uu u leeyahay xaaladaha caafimaad oo ay ka midka yihiin sokorowga, cudurrada wadnaha, caabuqa mindhicirada, iyo cudurrada beerka.
Kafeeyga waxaa ku jiro nafaqooyin iyo fiitamiino badan oo waxtar leh, oo ay ku jiraan fiitamiin B-2, fiitamiin B-3, magnesium iyo potassium.
Khubarrada qaar ayaa soo jeedinaya in waxyaabahan iyo kuwa kale oo ku jira kafeeyga ay siyaabo kala duwan faaiido ugu leeyihiin jirka aadanaha.
Maqaalkani wuxuu eegayaa faa’iidooyinka caafimaad ay leedahay cabidda kafeeyga, caddaymaha taageeraya faa’iidooyinkaas, iyo sidoo kale halista ay yeelan karto cabidda kafeeyga badan.
Kafeeyga iyo firfircoonida jirka
Kafeeyga ayaa dadka ka caawin kara inaysan dareemin daal fara badan iyo in tamarta jirka ay kororto, sababtoo ah kafeeyga waxaa ku jiro maaddo la dhoho kafiin (caffeine) – oo ah maadada ugu badan ee loo isticmaalo firfircoonida jirka.
Daraasado badan ayaa muujinaya in kafeeyga uu ka qayb qaato shaqada maskaxda; sida xusuusta, niyadda, feejignaanta, heerarka tamarta iyo shaqada guud ee maskaxda.
Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah saameynta uu kafeeyga ku leeyahay maskaxda waxay u badan tahay inay yihiin kuwo jira muddo gaaban.
Balse, haddii aad maalin walba kafeey cabto, jirka waa uu la qabsanayaa maadada ku jirta kafeeyga ka dibna waxaa yaraaneyso saameynta uu kafeeyga ku yeelan doono jirka.
Kafeeyga iyo baruurta
Maadada ku jirta kafeeyga ee (caffeine) ayaa waxay ka mid tahay waxyaabaha badanaa loo isticmaalo in lagu gubo baruurta jirka. Waa mid ka mid ah waxyaabaha dabiiciga ah ee yar ee la xaqiijiyay inay caawiyaan in ay jirka ka yaraato baruurta.
Daraasado dhowr ah ayaa muujinaya in (caffeine) uu kor u qaadi karo heerka dheef-shiid kiimikaadka jirka oo ay ku jirto gubidda iyo isticmaalka baruurta.
Daraasado kale ayaa tilmaamaya in (caffeine) uu si gaar ah u kordhin karo gubashada dufanka illaa 10% shakhsiyaadka cayilan iyo ilaa 29% dadka caatada ah.
Si kastaba ha noqotee, waxaa suurtagal ah in saameyntaan ay ku yaraato dadka badanaa isticmaala kafeeyga, maadaama jirkooda uu la qabsanaayo kafeeyga ka dibna saameynta kafeeyga ay sidaas ku yaraato.
Kafeeyga iyo Sokorowga
Sokorowga nuuciisa 2-aad waa xaalad caafimaad oo dhib badan, waxaana qaba malaayiin qof oo adduunka ku nool.
Cudurkaan waxaa lagu gartaa heerarka sokorta dhiigga oo sare u kaca, taas oo ay sababto iska caabbinta insulinta ama awoodda insulinta oo hoos u dhacdo. Insulinta waa hormoonka maareeya heerarka sokorta ee dhiigga.
Sababo jira awgood, kafeeyga ayaa kaa caawin kara kahortagga sokorowga nuuciisa 2-aad. Daraasado ayaa lagu ogaaday in dadka caba kafeeyga badan ay halistooda cudurka sokorowga ay hoos u dhacday 23-50%. Daraasad ayaa sidoo kale muujisay hoos u dhac gaaraaya ilaa 67%.
Cilmi-baareyaal kale ayaa ogaaday in dadka kordhiyay cabidda kafeeyga ugu yaraan hal koob maalintiiba muddo 4 sano ah ay 11% ka hooseeyeen halista sokorowga nuuciisa 2-aad marka loo eego dadka aan isticmaalin kafeey badan.
Kafeeyga iyo niyad jabka
Niyad jabka waa jirro maskaxeed halis ah oo sababta in tayada nolosha qofka ay hoos u dhacdo. Waana xaalad guud, maadaama dad fara badan oo adduunka ku nool ay la noolyihiin niyad jabka.
Daraasado ayaa lagu ogaaday in dadka cabay 4 koob ama ka badan oo kafeey ah maalintii ay 20% hoos u dhacday halistooda la xiriirtta niyad jabka.
Maadaama dadka aan muslimiinta ahayn ay is dilaan marka ay la kulmaan niyad-jab fara badan, daraasad ayaa lagu ogaaday in dadka cabay 4 koob ama wax ka badan oo kafeey ah maalintii ay 53% ka yaraatay halista ah in ay is dilaan.
Kafeeyga iyo kansarka
Kansarka waa mid ka mid ah cudurrada ugu badan ee sababa dhimashada. Waxaa lagu gartaa koritaanka unugyada jirka ee aan xadidneyn. Halkaan ka aqriso sida uu kansarka ku sameesmo.
Kafeeyga ayaa u muuqda inuu qofka ka difaaco laba nuuc oo kansar ah: kansarka beerka iyo kansarka mindhiciraha.
Kansarka beerka ayaa ah kansarka saddexaad ee keena dhimashada ugu badan adduunka, halka kansarka mindhicirka uu ku jiro kaalinta afaraad.
Daraasaduhu waxay muujinayaan in dadka caba kafeeyga ay 40% hoos u dhacday halistooda ku aaddan kansarka beerka.
Sidoo kale, daraasad ayaa lagu ogaaday in dadka cabay 4-5 koob oo kafeey ah maalintii ay 15% ka hooseeyeen halista kansarka mindhiciraha marka loo eegay dadka aan cabin kafeey badan.
Kafeeyga iyo wadnaha
Daraasad ayaa muujinaysa in cabidda kafeeyga ee dhexdhexaad ka ah ay kaa ilaalin karto cudurrada wadnaha ku dhaca.
Dadka waxay badanaa aaminsan yihiin in kafeeyga uu kordhin karo cadaadiska dhiigga. Waa run, laakiin koror kaaas aad ayuu u yar yahay.
Badanaana dadka sida joogtada ah u caba kafeeyga laguma arko koror ka cadaadiska dhiigga. Si kastaba ha noqotee, dadka qaar ayaa xataa haddii ay si joogto ah u isticmaalaan kafeeyga waxaa kordho cadaadiska dhiigooda.
Kafeeyga iyo neerfaha
Daraasado kala duwan ayaa muujiyey in (caffeine) ku jira kafeeyga iyo cabitaanno kale oo badan, laga yaabo inay kaa caawiso kahortagga cudurrada neerfaha sida cudurka baarkinson, oo ah cudur ku dhaca dadka da’da ah, waxaana lagu gartaa jarees iyo tabar darro gacmaha ah.
Waxaa lasoo ogaaday in ragga caba in ka badan afar koob kafeey ah ah maalintii ay dhici karto inay shan jeer ka hooseeyaan halista cudurkaas marka loo eego kuwa aan cabin.
Intaa waxaa dheer, (caffeine) kua ku jiro kafeeyga ayaa laga yaabaa inuu gacan ka geysto xakameynta dhaq dhaqaaqa dadka qaba cudurka baarkinson sida laga soo xigtay daraasad la sameeyey.
Sidoo kale cudurka Alzaaymar oo ah cudur ku dhaca neerfaha oo lagu garto xasuus la’aanta dadka da’da ah ayaa ah cudurka ugu badan adduunka ee sababa iloowshaha ama xasuus la’aanta.
Daraasadaha waxay muujiyeen in dadka caba kafeeyga ama qaxwada ay leeyihiin 65% halis hoose oo ah inuu ku dhoco cudurka Alzaaymar.
Kansarka iyo beerka
Beerkaaga waa xubin aad u muhiim ah oo leh boqollaal shaqooyin oo kala duwan oo ka dhaca jirkaaga. Waxa uu u nugul yahay dufanka iyo sokorta xad dhaaf ka ah.
Marxaladda ugu dambeysa ee dhaawaca ku imaada beerka waxaa loo yaqaan siroosis (cirrhosis), waxaana is bedela muuqaalka beerka oo dhan waxa uuna yeeshaa nabarro badan, arag sawir.
Daraasad ayaa lagu ogaaday in dadka kafeeyga caba ay leeyihiin ilaa 84% halis hoose oo ah inuu ku dhaco siroosis (cirrhosis), saamaynta ugu xooganna waxaa lagu arkay dadka caba 4 koob ama ka badan maalintii.
Khataraha uu leeyahay kafeeyga badan
Cabitaanka kafeeyga badan wuxuu kaloo yeelan karaa waxyeello. Qaar ka mid ah khatarahaas waxaa ka mid ah.
Jabka lafaha
Daraasadaha qaarkood waxay ogaadeen in dumarka caba kafeeyga badan laga yaabo inay halis sare ugu jiraan jabka lafaha. Ragga sidoo kale isticmaala kafeeyga badan ayaa u muuqday ayagana inay halis ahaan ka yaraayeen dumarka.
Uurka
Cilmi-baarayaashu waxay intaa ku dareen in laga yaabo in isticmaalka kafeeyga uusan fiicneen xilliga uurka.
Waxaa jiro xoogaa caddaymo ah oo soo jeedinaya xiriirka ka dhexeeya isticmaalka kafeeyga badan iyo xaaladaha la xiriira uurka oo ay ka mid yihiin; uurka oo halaaba, cunugga oo miisaankiisa yaraada ama cunugga oo dhicisnimo ku dhasha.
Maskaxda
Isticmaalka xaddi badan oo kafeey ah ayaa sidoo kale kordhin kara halista walwalka, gaar ahaan dadka qaba cabsida.
Sidoo kale daraasad la sameeyey ayaa lagu sheegay in qaadashada kafeeyga badan inta lagu jiro xilliga qaangaarnimada ay u horseedi karto qofka isbeddel toos ah oo ku imaada maskaxdiisa.
Saynisyahannada sameeyey daraasaddaan ayaa walaac ka muujiyay in arintaan ay kordhin karto halista xaaladaha la xiriira walwalka iyo walaaca.