Waa maxay kansar?
Kansar waa eray micnihiisa uu ballaaranyahay. Waxaana loo yaqaanaa cudurka imaado marka qaybo ka mid ah unugyada jirka ay u koraan si aan xakamaysneen oo ay bataan.
Kansarrada waa ay ku kala duwanyihiin koritaanka, Kansarrada qaar ayaa sababo in unugyada ay sameeyaan koritaan deg deg ah, halka kuwa kalena ay u koraan si tartiib tartiib ah.
Kansarrada qaar waxay sameeyaan koritaan muuqdo oo loo yaqaanno buro, halka kuwa kale, sida kansarka dhiigga ku dhaco aysan leheen buro.
Inta badan unug kasto oo jirka ka mid ah wuxuu leeyahay shaqo u gaar ah uu u qabto jirka iyo waqti go’an oo uu noolaado.
Unug kasta marka uu shaqada uu jirka u haaayay uu qabto waa la bedelaa wuuna dhintaa, ka dibna waxaa lagu bedelaa unug cusub oo asaga la mid ah kaas oo si fiican u shaqeeyo, waana nidaam dabiici ah oo uu jirka leeyahay.
Koritaanka unugyada jirka marka uu gaaro xadki loogu tala galay, jirka ayaa fariin u diro unugyada si ay u joojiyaan koriimada iyo badashada, sidaas ayayna ku xakameysanyihiin.
Unugyada kansarka noqdo kama jawaabaan farriimaha uu jirka usoo diraayo, waxa ayna sameeyaan koritaan aan xakamaysneen iyagoo isticmaalaayo oksijiinta iyo nafaqooyinka loogu tala galay unugyada kale ee caadiga ah.
Unugyada kansarka waxay sameeyaan burooyin, waxay wiiqaan habka difaaca jirka ee qofka waxay sidoo kale sababi karaan isbedello kale oo ka hor istaaga jirka inuu si joogto ah u shaqeeyo.
Unugyada kansarka waxay ka bilaawdaan hal aag ama hal meel, ka dibna waxay ku faafaaan meelo ka fog meesha ay ka bilaawdeen ayagoo usii maraya qanjirrada iyo dhiigga.
Sidee ayuu ku imaadaa kansarka?
Shaqo kasta oo jirka ka socoto waa ay xakameeysantahay, Unugyada jirkana waa ay isku xiranyihiin, unug kasto oo jirka ka mid ah waxay wada xariiraan unugyada kale ee jirka si shaqada ka socoto jirka ay u qabsanto si habsami la’.
Hiddo-wadaha loo yaqaano DNA ayaa ku dhax jiro unug kasta. DNa waxa uu wataa tilmaamo usheegaya unugga shaqooyinka uu qabanaayo iyo sida uu u koraayo.
Isbedello ama khaladaadyo ayaa si isdaba joog ah ugu dhaco DNA-da, laakiin badanaa unugyada ayaa sixi karo khaladaadkan. Marka khaladka la sixi waayo, fariimahana ay qaldamaan unugga waxa uu waaynayaa fariimihii saxnaa ee uu heli jiray, waxaana lumaayo xakamaynti koritaanka, ka dibna unugga ayaa bilaabo inuu iska koro iskuna beddelo kansar.
Maxaa keeno kansarka?
Sababta tooska ah ee keento kansarka waa isbedellada (ama khaladaadka) ku dhaco DNA-ga unugyada. Isbedelladaan ayaa la iska dhaxli karaa.
Khaladaadkaas ayaa sidoo kale dhici karo ayagoo aan ku xirneen dhaxal, waxaana keeni karo bay’ada uu qofka ku nool yahay.
Waxyaabaha keeni karo kansarka waxaa ka mid ah:
- Shucaacyada ka imaado qalabyada
- Fallaaraha qorraxda
- Fayrasyada qaarkood
- Sigaar cabidda
- Qaab nololeedka, sida nuuca cuntada iyo heerka dhaqdhaqaaqa jirka ama jimicsi la’aanta
Nuucyada Kansarka
Kansarka waxa uu sameeyaa burooyin. Burooyinku waxay sababi karaan dhibaatooyin caafimaad oo kala duwan, waxayna ku xirantahay hadba halka ay jirka kaga soo baxaan.
Laakiin burooyinka oo dhan maahan kansar. Burooyin waxaa jiro aan kansar isku badalin oo aan ku faafin unugyada u dhow. Balse mararka qaarkood, waa ay weynaan karaan oo waxayna sababi karaan dhibaatooyin markay cadaadiyaan xubnaha iyo unugyada deriska la ah.
Burooyinka kale ee kansarka ah ayaa loogu magac daray aagga ay ka bilaawdaan iyo nuuca unugyada ay ka sameysan yihiin, xitaa haddii ay ku faafaan qaybaha kale ee jirka.
Tusaale ahaan, kansarka ka bilaawdo sambabada ee ku faafo beerka ayaa loo yaqaanaa kansarka sambabada, xataa asagoo ku faafay beerka kuna koray beerka gudihiisa.
Nuucyada kale ee kansarka waxaa ka mid ah:
- Kansarka kaadi haysta
- Kansarka mindhicirrada
- Kansarka ilmo galeenka
- Kansarka kilyaha
- Kansarka naasaha
- Kansarka dhiigga
- Kansarka beerka
- Kansarka maqaarka
- Kansarka xameetida
- Kansarka qanjirka ‘thyroid’
Calaamadaha kansarka?
Calaamadaha iyo astaamaha uu keeno kansarka way kala duwanaan karaan iyadoo ay ku xirantahay hadba meesha uu kaga sameesmo jirka.
Calaamadaha iyo astaamaha guud ee la xiriiro kansarka laakiin aan gaar u ahayn kansar oo kaliya waxaa ka mid ah:
- Daal
- Burooyin
- isbedellada miisaanka, miisaan lumis ama koror
- isbedellada maqaarka
- isbedellada ku dhaco caadada
- Qufac joogto ah ama neefsashada oo dhib noqoto
- Liqitaanka oo dhib noqdo
- Muruq xanuun joogto ah
- Qandho joogto ah, iyo dhidid habeenkii ah
- Dhiigbax
Sidee lagu daaweeyaa kansarka?
Dhakhaatiirta sida caadiga ah waxay qofka u qoraan daawada ayagoo ku saleenaayo seddex arimood oo ah; nuuca kansarka, heerka koritaanka kansarka, iyo caafimaadka guud ee qofka.
Hoos waxaa ku qoran tusaalooyin ku saabsan qaababka loo daweeyo kansarka:
1. In la isticmaalo dawooyin
Dawooyinkaan ayaa ujeedadooda tahay in lagu dilo unugyada kansarka ah, waxay sidoo kale kaa caawin karaan yareynta burooyinka. Balse waxay daawooyinkaan leeyihiin dhibaatooyin kale oo ay ka mid yihiin daal, timo la’aan, miisaan yari iyo dhiig la’aan.
2. In la isticmaalo shucaac
Waxaa shucaaca loo adeegsadaa si uu u dilo unugyada kansarka. Sidoo kale waxaa loo adeegsadaa in lagu yareeyo burooyinka ka hor inta aan qalliin lagu sameeyn.
3. In lagu sameeyo qalliin
Qalliinka waxa uu ka midyahay daaweynta ugu badan ee la isticmaalo marka uu qofku leeyahay buro kansar ah. Marka qalilinka la sameeynaayo waxaa sidoo kale la saaraa qaar ka mid ah qanjirada ku jiro si loo yareeyo ama looga hortago faafitaanka kansarka uu ku faafo qaybo badan oo jirka ka mid ah.
Sidee looga hortagaa kansarka?
Ogaanshaha waxyaabaha keeno kansarka ayaa kaa caawin karo inaad ku noolaato qaab nololeed yareeya ama ka hortaga khatarta kansarka.
Qaababka ugu fiican ee looga hortagi karo kansarka waxaa ka mid ah:
- Joojinta isticmaalka tubaakada iyo iska ilaalinta sigaar cabista
- Cunista cunto caafimaad leh oo dheellitiran
- Xaddiditaanka qaadashada cuntada warshadaysan
- Dheellitirka miisaanka iyo samaynta dhaqdhaqaaq jimicsi ugu yaraan 30 daqiiqo maalin kasta
- Iska ilaalinta qorraxda zaaid ka ah, waliba inta u dhexeyso 10-ka subaxnimo ilaa 4-ta galabnimo waa marka falaaraha qorraxdu ugu xoog badan yihiin.
- Iska tallaalidda infakshanka fayraska ee horseedi kara kansarka, sida cagaarshowga iyo fayraska HPV oo keena kansarka ku dhaca ilmo galeenka qayb ka mida.