Kansarka naasaha waa kansarka ugu badan ee ku dhaca dumarka. Marka laga hadlaayo dhimashada dumarka ee kansarrada, kansarka naasaha waa kansarka labaad ee ay u dhintaan dumarka, kansarka koowaad waa kansarka sambabada.
Horumarka laga gaaray baaritaannada iyo daaweynta kansarka naasaha ayaa si aad ah hoos ugu dhigay heerarka dhimashada ee kansarkaan tan iyo 1989-kii.
Ka warqabka astaamaha iyo calaamadaha kansarka naasaha iyo waliba in baaritaano joogto ah la sameeyo ayaa yarayn karo halista kansarkaan.
Badanaa kansarka naasaha waxa uu ku dhacaa dumarka, balse marar dhif ah, wuxuu sidoo kale saamayn karaa ragga, laakiin maqaalkaan wuxuu diiradda saari doonaa kansarka naasaha ee dumarka.
Calaamadaha kansarka naasaha
Calaamadaha ugu horreeyo ee kansarka naasaha waa in buro ama meel yar oo adag ay ka soo muuqato naaska ama kilkilaha agtooda.
Astaamaha kale waxaa ka mid ah:
- Xanuun kilkilaha ama naaska ah oo aan is badalin wareegga caadada marki lagu jiro
- Dus dus yar yar oo kasoo muuqdo maqaarka naaska
- Finan ama dhibco guduudan oo ku wareegsan ibta naaska
- Dheecaan ka soo baxa ibta marmarna uu lasocdo dhiig
- Ibta oo gudaha u noqoto
- Isbadal ku imaado cabbirka ama qaabka naaska
- Maqaarka naaska oo qolofta kore ka fiiqanto
Inta badan burooyinka naasaha ma aha kansar. Si kastaba ha ahaatee, haweenayda haddii ay isku aragto buro ama calaamad kale waa inay u tagtaa dhakhtar si loo baaro loona ogaado in burada ay tahay kansar ama in kale.
Fadlan ha yareesanin ama haka xishoonin inaad dhakhtar u tagtid haddii aad isku aragto calaamadahaan, sababtoo ah in xilli hore la ogaado haddii uu kansar jiro waxay kaa caawin kartaa in daaweyn lagu bilaabo ama qaliin lagu sameeyo.
Heerarka kansarka naasaha
Heerarka kansarka naasaha waxaa loo qaybiyaa 5 marxaladood ayadoo loo fiirinaayo hadba inta ay la’eg tahay burada iyo haddii ay ku faaftay qanjirada ama qaybaha kale ee jirka.
Waxaa jira siyaabo kala duwan oo loo dejiyo ama loo qaybiyo heerarka kansarka naasaha, balse maqaalkaan waxaan ku eegaynaa 5 marxaladood oo uu maro kansarka naasaha.
- Marxaladda 1-aad: marxaladdaan inta lagu guda jiro unugyada burada waxa ay ku koobanyihiin hal meel oo ah meesha ay ka billaabeen koriimada, mana u gudbin xubnaha kale ee ku hareereesan.
- Marxaladda 2-aad: burada waxay cabbir ahaan gaarsiisantahay ilaa 2 sentimitir (cm), balse wali kuma wada faafin oo saameyn weyn kuma yeelan qanjirada yar yar ee ku jiro naasaha.
- Marxaladda 3-aad: burada waxay noqon kartaa labo midkood; in ay tahay 2 sentimitir (cm), oo ayna bilaawday inay ku fiddo qanjirada u dhow, ama inay tahay 2 ilaa 5 sentimitir (cm), balse aysan ku fidin qanjirada u dhow.
- Marxaladda 4-aad: burada ayaa sidoo kale noqon karto labo midkood; in ay gaareyso ilaa 5 sentimitir (cm), oo ay ku fidday qanjirro aad u badan oo u dhow, ama in ay ka weyn tahay 5 sentimitir (cm), balse ay ku fidday dhowr qanjir oo aan badnayn.
- Marxaladda 5-aad: waa marxaladda ugu dambeyso, kansarku wuxuu ku fiday xubno fog fog, sida lafaha, beerka, maskaxda, ama sambabada.
Waxaa xusid mudan in marxaladba marxaladda ay ka dambeyso ay ka dhib badan tahay marki laga hadlaayo daaweynta, waana sababta aan kor kusoo sheegnay in ay fiican tahay in kansarka lagu ogaado marxaladaha hore inta uu ku jiro si ay u fududaato daaweyntiisa.
Sidee ayuu ku imaadaa kansarka naasaha?
Caadiyan gabadha marka ay qaan-gaarto, naaskeeda wuxuu ka kooban yahay baruur, unugyo, iyo kumanaan loobiyuul ‘lobule’, loobiyuul ka waa qanjirrada yar yar ee soo saaro caanaha xilliga naas-nuujinta, ka dibna tubooyin yar yar ayaa caanaha u qaado dhanka ibta.
Kansarka naasaha wuxuu sababaa in unugyada ku jiro naasaha ay u koraan ama u bataan si aan xad lahayn oo aan xakamaysnayn.
Unugyada kansarka ma dhintaan oo waligood waxay sii wadaan koritaankooda, koritaankaan xad dhaafka ah ee unugyada ayaa sababo kansar.
Unugyadaan marka ay isku uruuraan waxay sameeyaan buro, burada ayaa ka dib isticmaasho nafaqooyinki iyo tamarti loogu tala galay unugyada caadiga ahaa, ka dibna unugyadi caadiga aha ayaa dhinto.
Kansarka naasaha wuxuu caadiyan ka bilaabmaa gudaha dahaarka tubooyinka caanaha qaado amaba loobiyuul ka caanaha soo saaro, ka dib ayuu ku faafi karaa qaybaha kale ee jirka.
Nuucyada
Waxaa jira dhowr nuuc oo kansarka naasaha ah, oo ay ku jiraan:
- Kansarka tubooyinka: kansarkaan wuxuu ka bilaabmaa marinka ama tuboooyinka caanaha qaado waana nuuca ugu badan ee kansarka naasaha.
- Kansarka loobiyuulka: kansarkaan wuxuu ka bilaabmaa loobiyuulka ama meesha laga soo saaro caanaha xilliga naas-nuujinta.
Kansarka naasaha wuxuu sidoo kale noqon karaa; mid faafa iyo mid aan faafin.
Kansarka naasaha ee faafa wuxuu imaadaa marka unugyada kansarka ay dillaacaan ayna kasoo baxaan tubooyinka ama loobiyuulka oo ay ka dib ku fidaan qanjirada u dhow, taas oo kordhiso halista ah in kansarka uu ku faafo qaybaha kale ee jirka.
Kansarka naasaha ee aan faafin waa marka unugyada kansarka ay ku egyihiin meeshi ay ka bilaabmeen oo aysan wali faafin, si kastaba ha ahaatee, unugyadaan ayaa mararka qaarkood u gudbi karo qanjirada u dhow ka dibna waxay isku badallaan kansarka faafa.
Maxaa kordhin karo halista kansarka naasaha?
Sababta dhabta ah ee uu ku imaado kansarka naasaha weli ma cadda, laakiin arimo dhowr ah ayaa badin karo halista uu ku imaan karo, arimahaas qaar ayaa laga hortagi karaa halka kuwo kalena aan waxba laga qaba karin.
Waxyaabaha ay suurtogal tahay in laga hortago waxaa ka mid ah:
- Cayilka
- Maandooriyaasha
- Shucaaca aaladaha
- Jimicsi la’aanta
- Cuntooyinka la warshadeeyey
Waxyaabaha aan laga hortagi karin ee badi karo halista kansarka naasaha waxaa ka mid ah:
- Da’da weyn
- Hidde sidaha
- Isku dheeli tir la’aanta hormoonka
1. Da’da
Halista kansarka naasaha waxay sare u kacdaa marka qofka ay weynaato da’diisa. Marka gabadha ay jirto 20 sano, fursadda ah inuu ku dhaco kansarka naasaha tobanka sano ee soo socota waa 0.06%, markay ay gaarto 70 sano, khatarta waxay gaaraysaa ilaa 3.84%.
2. Hiddaha
Mararka qaar waxaa laga yaabaa inuu khalad ku imaado hidde-sideyaasha unugyada naasaha, khaladkaan ayaana ah mid la iska dhaxli karo.
Haddii gabadha ay waalidkeeda ka dhaxasho khalad ku imaado hidde sidayaasha unuyada naasaha sida sideyaasha loo yaqaano ‘BRCA1 iyo BRCA2’ waxay leedahay fursad sare oo ah inay qaaddo kansarka naasaha, kansarka ugxan-sidaha, ama labadaba.
Sidoo kale, haddii qof qoyska ama qaraabada dhow ka mid ah uu qabo kansarka naasaha, fursadda qofka uu ugu dhici karo kansarka naasaha ayaa badanayso.
3. Buro hore
Dumarka hore u qabay kansarka naasaha waxay u badan tahay inay mar kale qaadaan kansarka marka loo eego dumarka uusan horay ugu dhicin kansarka.
Burooyinka aan kansarka ahayn ee naasaha ayaa sidoo kale kordhin karo fursadda ah inuu qofka kansarka ku dhoco xilli dambe.
Shakhsiyaadka ay horay ugu dheceen kansarrada naaska, ugxan-sideyaasha, ama ilmo-galeenka waa inay dhakhaatiirtooda weydiiyaan baaritaanka hiddaha si looga sii war qabo in hadhow caruurtooda ay halis ugu jiri karaan kansarradaan.
4. Hormoonada
Heerarka dheeraadka ah ee hormoonka ostirijiinka (estrogen) ayaa kordhin karo halista kansarka naasaha.
In hormoonkaan heerarkiisa ay bataan ayaa waxay dhici kartaa marka gabadha ay caadada u bilaabato ka hor xilligii ay u bilaaban lahayd ama marka ay haweenayda ka daahdo da’da dhalmo-goyska.
Naas-nuujinta, gaar ahaan in ka badan 1 sano ayaa waxay yareysaa kansarka naasaha, sababtoo ah heerarka hormoonka ostirijiin ka (estrogen) ayaa hoos u dhacaan xilliga naas-nuujinta
5. Miisaanka jirka
Dumarka cayilan ama cayilo xilliga dhalmo-goys ka ayaa yeelan karo halis sare oo ah inay qaadaan kansarka naasaha, oo laga yaabo inay sabab u tahay heerarka ostirijiin ka oo kordho, isticmaalka sokorta badan ayaa sidoo kale laga yaabaa inay sabab u tahay sare u kaca halistaan.
6. Shucaaca
Daaweynta shucaaca ee loo isticmaalo in lagu daaweeyo kansar kale oo qofka uu horay u qabay ayaa kordhin karto halista kansarka naasaha waqti dambe oo nolosha qofka ka mid ah.
7. Naasaha macmalka ah
Daraasad ayaa lagu ogaaday in dumarka loo sameeyey naaso macmal ah ayadoo looga danleeyahay in la isku qurxiyo ayaa halis sare ugu jiro inay u dhintaan kansarka naasaha.
Sababtana waxay noqon kartaa in marki baaritaanka la sameenaayo la ogaan waayo inuu jiro kansar maadaama xubin macmal ah ay ku jirto meesha ama in xubinta macmalka ah ay is badal ku sameeso xubnaha caadiga ah ee naaska ka dibna uu sidaas kansarka ku imaado.
Sidee loo daaweeyaa kansarka naasaha?
Daaweynta waxay ku xirnaan doontaa dhowr arrimood, oo ay ka mid yihiin:
- Nuuca iyo marxaladda kansarka
- Haddii uu qofka qaadan karo hormoon
- da’da, caafimaadka guud, iyo ikhtiyaarka qofka
Ikhtiyaaraadka daaweynta ugu weyn ee kansarka naasaha waxaa ka mid ah:
- Daaweynta shucaaca
- Qalliin
- Daawooyin caadi ah
- Daaweynta hormoonka
- Faleembo (Chemotherapy)
Qaliinka
Haddii qalliin loo baahdo, nuuca qaliinka la sameenaayo wuxuu ku xirnaan doonaa marxaladda iyo ikhtiyaarka shakhsiga qofka, waxaa jiro nuucyo badan oo qaliinka ah, nuucyada ugu badan waxaa ka mid ah:
1. In la gooyo loobiyuulka
Qaliinkaan waxaa lagu saaraa burada ku jirto loobiyuulka iyo qayb ka mid ah unugyada caafimaadka qaba ee oo ku wareegsan burada.
Nuucaan ayaa kaa caawin karo ka hortagga faafidda kansarka, nuucaan waxa uu noqo karaa ikhtiyaar haddii burooyinka ay yar yar yihiin oo ay sahlan tahay in laga sooco unugyada caadiga ah ee ku xeeran.
2. In la gooyo naaska
Nuucaan waxa uu leeyahay nuucyo kala duwan oo ay ka mid yihiin:
- Nuuca 1-aad: In la saaro hal naas ayadoo la bixinaayo loobiyuulka, tubooyinka, ibta, iyo qayb maqaarka ka mid ah, balse waxa la reebayaa muruqyada naaska hoostiisa ku yaallo iyo qanjirada.
- Nuuca 2-aad: waa in la saaro naaska oo dhan, ayadoo xataa la bixinaayo qanjirada iyo muruqaha hoose.
- Nuuca 3-aad: waa in la saaro naaska oo dhan ayadoo la bixinaayo qanjirada hoose balse laga reebaayo murqaha.
- Nuuca 4-aad: waa in la saaro labada naas oo dhan.
Marka la sameeyo qaliinka, dhakhtar ayaa sameeyo qaliin dib u dhis ah oo naaska lagu sameeyo si uu u ekaado mid dabiici ah, taas waxay qofka ka caawin kartaa inuu la qabsado saamaynta nafsaaniga ah ee kasoo wajahdo naas la’aanta.
Waxaa laga yaabaa in dhakhtarka uu qofka u tallaalo naas macmal ah ama uu meesha ku buuxiyo xubin kale oo jirka ka mid ah.
Shucaaca
Qaliinka ka dib, qofka waxaa laga yaabaa in lagu daaweeyo shucaac ku dhawaad hal bil, waxaa la beegsanaa burada ayadoo la isticmaalaayo qiyaas shucaac ah oo la xakameeyey kuwaas oo dilaayo unugyada kansarka.
Daawada faleembada
Dhakhtarka wuxuu kuu qori karaa dawooyinka lagu qaato faleembada ama ‘kiimoterabiga’ (chemotherapy) si loo dilo unugyada kansarka haddii ay jirto khatar sare oo ah in kansarka soo noqdo ama uu sii faafo.
Kiimoterabiga waxaa la qaadan karaa qaliinka ka hor ama qaliinka ka dib, mararka qaar, dhakhtarka wuxuu dooran karaa inuu qofka siiyo faleembada kiimoterebiga qalliinka ka hor si uu u yareeyo burada una fududeeyo saaristeeda.
Daawyenta hormoonka
Dhakhaatiirta waxay isticmaalaan daaweynta hormoonka si ay uga hortagaan kansarka naasaha ka imaado isku dheelitir la’aanta hormoonka.
Daaweynta xannibaadda hormoonka waxaa loo isticmaali karaa in lagu xiro meelaha ay ka shaqo galaan hormoonada ostirijiin (estrogen) ama borojesteroonka (progesterone).
Waxaa badanaa qofka la siiyaa daawooyinkaan lagu joojiyo hormoonada qaliinka ka dib laakiin waxaa laga yaabaa in mararka qaarkood la siiyo qaliinka ka hor si loogu yareeyo burada.
Daaweynta xannibaadda hormoonka ayaa noqon karta ikhtiyaarka kaliya ee haystaan dadka aan gali karin qalliinka, ama aan qaadan karin kiimoterabi ama shucaaca.
Dhakhaatiirta waxay ku talin karaan in qofka uu isticmaalo daaweynta hormoonka 5-10 sano qalliinka ka dib. Hase yeeshee, daaweyntaan ma saamayn doonto kansarrada naasaha ee aan ku imaanin isku dheeli tir la’aanta hormoonada dartood.
Daawooyinka caadiga ah
Daawooyin badan ayaa loo isticmaalaa in lagu burburiyo nuucyo gaar ah oo kansarka naasaha ka mid ah, daawooyinka kansarka naasaha iyo kansarrada kale waxay yeelan karaan saamayn xun.
Marka la go’aaminaayo daawada, dadka waa inay dhakhtarka kala hadlaan khataraha ka iman karo oo ay raadiyaan siyaabo loo yarayn karo saameynta daawada.
Sidee looga hortagaa kansarka naasaha?
Ma jirto si looga hortago kansarka naasaha. Si kastaba ha ahaatee, go’aamada hab-nololeedka qaarkood ayaa si weyn u yarayn karo halista kansarka naasaha iyo sidoo kale nuucyada kale ee kansarka.
Kuwaas waxaa ka mid ah:
- Ka fogaanshaha tubaakada iyo mukhaadaraadka
- Isticmaalka cunto caafimaad leh oo ay ku jiraan miro iyo khudaar
- In la sameeyo jimicsi
- In lala socdo miisaanka
- Naas-nuujinta