Close Menu
  • C. guud
    • Kansar
    • Neefta
    • Wadnaha
  • C. Bulshada
    • Talooyin
  • Warbixinno
    • Teknoloji
  • Covid-19
HealthterHealthter
  • C. guud
    1. Kansar
    2. Neefta
    3. Wadnaha
    maqaalki u dambeeyey

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Maqaalada kale

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Cilaajyada: Xarumaha Gaarka Loo Lee Yahay Ee Daryeelka Bukaannada Dhimirka

    Dayaca iyo Silsiladaynta: Dhibaatooyinka Bukaannada Xanuunnada Dhimirka

  • C. Bulshada
    1. Talooyin
    2. Fur kulli

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

    Jimicsiga: nuucyadiisa iyo faaiidooyin ka uu u leeyahay caafimaadka qofka

    Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

    Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

  • Warbixinno
    1. Teknoloji
    2. Fur kulli

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

    Teknolojiyadda: dhibaato nuucee ayay u leedahay maskaxda iyo jirka ?

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Xiriirka waalidka iyo ilmaha – waa maxay sababta uu muhiim u yahay?

    Maraxaladaha cudurrada ayay ku xirantahay tilaabada dhaqtarka uu qaadaayo

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

  • Covid-19

    Omicron: nuuca cusub ee coronavirus, muxuu uga duwanyahay nuucyada kale?

    COVID-19: calaamadihiisa, sida uu ku faafi karo iyo ka hortaggiisa

    Tallaalka COVID-19: nuucyadooda iyo sida ay uga hortagaan fayraska

    Calaamadaha COVID-19: kuwa ugu badan iyo mudada ay haayaan qofka

    Neefsashada adag ee COVID-19: sida ay ku imaato iyo waxyaabaha keeno

HealthterHealthter
Home»C. Guud»Caruurta»Kwashiorkor: nafaqo darrada caruurta ee ka imaata borotiin la’aanta

Kwashiorkor: nafaqo darrada caruurta ee ka imaata borotiin la’aanta

Mohamed Mustaf AhmedMohamed Mustaf AhmedApril 28, 2025
Share
Copy Link WhatsApp Telegram Facebook Twitter LinkedIn Pinterest
  • Calaamadaha Kwashiorkor-ka caruurta?
  • Maxaa keena Kwashiorkor-ka caruurta?
  • Sidee lagu daaweeyaa Kwashiorkor-ka caruurta?
  • Dhibaatooyinka Kwashiorkor-ka caruurta

Kwashiorkor-ka caruurta, waa nuuc ka mid ah nafaqo darrada ku dhacda caruurta, waxaa xaaladdaan loo yaqaanaa kawaashiyookow (kwashiorkor).

Kwashiorkor-ka waa xaalad halis ah oo dhici karta marka cunugga uusan cunin borotiin ku filan, borotiinka oo jirka aad ugu yaraadana waxay horseedi kartaa in biyaha ay ku aruuraan jirka, taas oo caloosha ka dhigi karta inay u muuqato mid bararsan.

Xaaladdaan waxay ku badan tahay carruurta, gaar ahaan haddii aysan helin nafaqo ku filan isla marka laga joojiyo naas nuujinta. Haddii cunugga ay ku dhacdo xaaladdaan, waxa uu ubaahan yahay daryeel caafimaad oo deg deg ah.

Waxyaabaha Kwashiorkor-ka uu leeyahay waxaa ka mid ah:

  • Nafaqo darro dhanka borotiinka ah
  • Nafaqo darro dhanka kalooriga ah
  • Nafaqo xumo daran

Waxaa jiro xaalado badan oo la xariira nafaqo darada oo uu ka mid yahay marasmuska. Kwashiorkor-kaiyo marasmuska labadaba waa laba nuuc oo nafaqo darrada ka mid ah, balse waxay ku kala duwan yihiin in calool bararka uu si aad ah ula xariiro borotiin la’aanta.

Maqaalkaan waxaan ku eegaynaa calaamadaha, waxyaabaha keena iyo daaweynta Kwashiorkor-kacaruurta.

Calaamadaha Kwashiorkor-ka caruurta?

Carruurta leh Kwashiorkor-ka badanaa malaha dufan badan, balse cunugga wuxuu u muuqan karaa inuu yahay mid leh miisaan caadi ah ama xitaa uu buuran yahay, laakiin muuqaalkaas waa barar ka imaaday dheecaannada iyo biyaha ku aruuray jirka ee ma aha baruur ama muruqo caadi ah.

Astaamaha waxaa ka mid noqon kara:

  • Amateed la’aan
  • Midabka timaha oo is bedella oo u ekaada huruud ama oranji
  • Fuuqbax
  • Barar, siiba lugaha iyo cagaha
  • Bararka oo marka la riixo ay maqaarka kasoo bexeeso calaamad
  • Murqaha iyo dufanka jirka oo baaba’a
  • Daal iyo tabar darro
  • Xanaaq
  • Maqaarka oo noqda mid dildillaacsan, jajaban ama jactad ah
  • Maqaarka oo nabarro yeesha

Maxaa keena Kwashiorkor-ka caruurta?

Xaaladdaan waxay ka dhalataa nafaqo darro ba’an ama borotiin la’aan, waaa ayna ka duwan tahay marasmuska, oo ah nuuc kale oo nafaqo darrada ka mid ah oo ay sabab u tahay kalori la’aanta.

Borotiinka ayaa mas’uul ka ah isku dheelli tirka dareeraha ku jiro jirka. Borotiinka oo jirka ku yaraadana wuxuu keenaa in dareeraha jirka uu u wareego meelo aan loogu tala galin oo xubnaha jirka ka mid ah, taasoo keeneysa barar.

Sababta saxda ah ee xaaladdaan ma cadda, laakiin khubaradu waxay la xiriiriyaan cuntooyin ay ka mid yihiin galleyda ama bariiska. 

Xaaladdaan caadi ahaan waxay imaataa marka cunugga laga joojiyo naas nuujinta, sababtoo ah cunugga mar dambe kama helaayo cuntooyinka nafaqooyinki iyo barootiinadi uu ka heli jiray caanaha naaska. 

Xaaladdaan ayaa aad ugu badan meelaha ay ka jirto cunto yarida iyo nafaqo darrada aadka u badan sida wadamada:

  • Somaaliya
  • South Sudan
  • Kenya
  • Kongo
  • Koonfur Afrika
  • Uganda

Xaaladdaan ayaa ku badan meelahaan iyo meelo kale oo fara badan, laga yaabee inay sabab u yihiin masiibooyinka dabiiciga ah, abaaraha, colaadaha, ama saboolnimada ka jira wadamadaas.

Sidee lagu daaweeyaa Kwashiorkor-ka caruurta?

In kasta oo Kwashiorkor-ka caruurta uu yahay xaalad la xiriirta nafaqo darro, kaliya quudinta cunugga ma sixi doonto dhammaan cilladaha iyo saamaynta ay keento xaaladdaan.

Haddii cunugga muddo dheer borotiin iyo nafaqo la’aan u ahaa, way ku adkaan kartaa inuu qaato cunto, waxaana muhiim ah in cunugga dib loo baro cunto qaadashada.

Dhakhaatiirta daaweyneysa xaaladdaan ayaa marka hore siin doonta cunugga cunto ay ku jiraan kaarbohaydraytyo, ka dibna waxay ugu dari doonaan borotiinno iyo fiitamiinno. Dib u barista cunto qaadashada ayaa laga yaabaa inay qaadato toddobaad ama ka badan.

Intaa waxaa sii dheer, haddii xaaladda cunugga ay aad u daran tahay oo uu galo shoog, cadaadiska dhiiggiisana uu hoos u dhoco, garaaca wadnahiisana uu bato, waxaa laga yaabaa inuu u baahdo daawooyin kor usoo qaada cadaadiska dhiiggiisa.

Dhibaatooyinka Kwashiorkor-ka caruurta

Haddii an la daaweyn xaaladdaan waxay horseedi kartaa dhibaatooyinka soo socda:

  • Dhibaatooyinka wadnaha
  • Caabuqyada kaadida
  • Dhibaatooyinka caloosha
  • Beerka oo barara
  • Nidaamka difaaca jirka oo hoos u dhaca
  • Isku dheelli tir la’aanta macdanta jirka

Carruurta qaba xaaladdaan ayaa laga yaabaa inaysan si fiican u korin,  xaaladdaan ayaa sidoo kale caruurta ka dhigta kuwo u nugul caabuqyada, ayadoo ay weheliso habdhiska difaaca jirkooda oo daciif noqda.

Maqaalka HoreGoonjabka caruurta: calaamadhihiisa, waxyaabaha keena iyo daaweyntiisa
Maqaalka Xiga Jadeecada: calaamadaheeda, waxyaabaha keeno iyo sida looga hortagi karo

Maqaallo Kale

Jadeecada: calaamadaheeda, waxyaabaha keeno iyo sida looga hortagi karo

Goonjabka caruurta: calaamadhihiisa, waxyaabaha keena iyo daaweyntiisa

Marasmus: nafaqo darrada caruurta ay keento macluusha aadka u daran

Maqaallo Cusub

Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

Ka mid noqo boggeena

Email ahaan u hel maqaal kasta oo cusub oo aan soo galino.

Healthter

Healthter is a non-profit initiative committed to providing the latest and most reliable health information in the Somali language, tailored specifically for Somali communities.

This initiative was brought to life by Mohamed Mustaf Ahmed, who identified a significant gap in the availability of a health platform that offers reliable and current health information in Somali. Healthter enables Somali individuals, particularly those who may not be fluent in English, to access essential health information in their native language.

Mohamed, a medical doctor, data scientist, and researcher, is the sole manager, financier, and contributor to Healthter. His passion to improve global health, with a special emphasis on Somalia, is the driving force behind this platform.

For personalized information and advice, don't hesitate to get in touch:

Email: momustafahmed@outlook.com

Alternatively, you can connect with me via the provided Linkedin link below:

LinkedIn
Credits & References
  1. Healthline Media
  2. PubMed
  3. WHO (World Health Organization)
  4. CDC (Center for Disease Control)
  5. NIH (National Institutes of Health)
  6. MayoClinic
  7. WebMD
Maqaallo Cusub
Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka
Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha
HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta
Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida
© 2025 (Healthter Media)

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.