Malaariyada ama duumada waa cudur mararka qaar aad halis u ah. Caadi ahaan wuxuu ku gudbaa qaniinyada kaneecada dheddigga ah ee loo yaqaanno Anopheles, cudur-sababaha malaariyada waa baarasaayt loo yaqaanno balaasmoodiyaam “Plasmodium”.
Kaneecada sababto malaariyada ama duumada ayaa xambaarsan Plasmodium. Marka ay kaneecadaan ku qaniinto, baarasaaytka ku jiro dheecaanka afkeeda ayay ku sii daysaa dhiiggaaga.
Marka baarasaaytka uu gudaha u galo jirka, wuxuu aadaa dhanka beerka, halkaas oo uu ku koro kuna weynaado. Dhowr maalmood ka dib, marka uu baarasaaytka weynaado waxa uu galaa dhiigga wuxuuna dhex degaa caabuqna uu ku sameeyaa unugyada dhiigga ee cas cas.
48 ilaa 72 saacadood gudahood, baarasaaytka ku jiro unugyada dhiigga ee cas cas ayaa koro oo bato, taasoo keenta in unugyada dhiigga ay dillaacaan.
Intaas ka dib, baarasaaytyada ayaa caabuq ku sii sameeyo unugyo badan oo dhiigga ka mid ah, taasoo keeneyso calaamadaha malaariyada lagu yaqaanno, sida qandhada oo kale.
Duumada ama malaariyada waxaa caadi ahaan laga helaa meelaha cimilada kulul leh halkaas oo ah meelaha ugu badan ee uu ku kori karo baarasaaytka.
Meelaha qaarkood, ogaanshaha hore ee malaariyada ayaa kaa caawin karo daaweynta iyo xakamaynta cudurka. Si kastaba ha ahaatee, waddamo badan ayaa waxaa ka maqan agabkii ay ku samayn lahaayeen baaritaan waxtar leh.
Cudurka malaariyada wuxuu noqon karaa labo nuuc, nuuc caadi ah oo fudud iyo nuuc daran, nuuc kasta waxa uu leeyahay calaamado u gaar ah, daaaweyntoodana wey kala duwantahay.
Sannadkii 2020, waxaa jiray ku dhawaad 241 milyan oo kiis oo malaariyo ah adduunka oo dhan iyo 627,000 oo dhimasho ah.
Calaamadaha malaariyada
Duumada ama malaariyada waa cudur sida caadiga ah wato qandho, qarqaryo, iyo madax xanuun. Waxay mararka qaar yeelan kartaa calaamado daran ama nafta halis geli karo.
Sida duumada ay dadka u saamayso aad bay u kala duwanaan kartaa. Dadka qaar ayaa leh calaamado fudud, kuwa qaarna maba laha calaamado, halka kuwa kalana lagu arko calaamado daran.
Dhakhaatiirta waxay calaamadaha duumada u qaybiyaan laba qaybood: calaamadaha malaariyada caadiga ah iyo calaamadaha malaariyada daran.
Malaariyada caadiga ah
Malaariyada caadiga ah waxaa loola jeedaa marka qofka uu leeyahay calaamado laakiin uusan lahayn calaamado muujinaayo infekshan daran ama hawlgabka xubnaha muhiimka ah.
Si kastaba ha ahaatee, haddii aan la daaweynin, ama haddii qofka difaaca jirkiisa uu hooseeyo, waxay isku badali kartaa nuuca daran ee malaariyada.
Calaamadaha nuucaan waxay u ekaan karaan kuwa hargabka waxayna caadi ahaan socon karaan 6-10 saacadood waxayna usoo noq-noqdaan si maalinle ah.
Calaamadaha guud waxaa ka mid ah:
- Qandho iyo qarqaryo
- Dhidid iyo huur
- Madax xanuun
- Lalabbo iyo matag
- Jir xanuun
- Tabar darro
- Beerka oo weynaado
- Cagaarshow fudud, kaas oo keeni kara in indhaha u muuqdaan jaalle-jaalle
- Heerka neefsashada oo sarreeyo
Meelaha malaariyada aysan ku badnayn, waxaa laga yaabaa in dhakhtarka uu u maleeyo in qofka waxa haayo uu yahay hargab. Haddii qofka uu dhawaan booqday meel ay malaariyada ku badan tahay oo uuna isku arko calaamadahaan waa inuu kala tashadaa dhakhtar.
Qandhada malaariyada
Wareegga qandhada caadiga ah ee malaariyada waxay caadi ahaan socotaa 6-10 saacadood waxayna soo noqotaa maalin kasta.
Waxyaabaha qandhada wehliyo waxaa ka mid ah:
- Qarqaryo iyo gariir
- Qandho, madax-xanuun, iyo matag, laga yaabo inay la socdaan qallal ku dhaca carruurta yar yar
- Dhidid
- Daal
- Qofka oo cabbaar ka dib heerkulkiisa uu caadi kusoo noqdo
Malaariyada daran
Xaaladaha qaarkood, malaariyada waa ay darnaan kartaa, waxayna saameyn kartaa xubnaha muhiimka ah ee jirka. Halkaa marka ay marayso, macneheeda waa in baarasaaytyada ay saameeyeen in ka badan 5% unugyada dhiigga e cas cas.
Calaamadaha waxaa ka mid ah:
- Dhiig-yaraan daran
- Kaadida uu dhiig la socdo
- Isbeddellada xinjirowga dhiigga
- Miyir beelid
- Isbeddelka habdhaqanka qofka
- Qallal
- Miyir-beel
- Gariir ama jarees
Malaariyada daran waa xaalad caafimaad oo deg deg ah taasoo nafta halis galin karto. Calaamadaha la xiriiro maskaxda waxaa badanaa keeno baarasaaytka loo yaqaanno “PF” ama Plasmodium Falciparum.
Waxyaabaha sababo malaariyada
Malaariyada waxaa sababo baarasaayt, waxaana badanaa gudbiso kaneecada dheddigga ah ee loo yaqaanno “Anopheles”. Nuucyada baarasaaytka ee keeno malaariyada waxaa ka mid ah:
- Plasmodium Falciparum (PF)
- Plasmodium Vivax
- Plasmodium Ovale
- Plasmodium Malariae
- Plasmodium Knowlesi
Si kastaba ha ahaatee, siyaabo kale ayay ku gudbi kartaa malaariyada oo ay qofka ugu dhici kartaa. Siyaabaha kale ee ay ku gudbi karto waxaa ka mid ah:
- In hooyada u gudbiso uur-ku-jirta xilliga uurka ama dhalmada
- In qof lagu shubo dhiig uu ku jiro baarasaaytka sababo malaariyada
- In la isticmaalo cirbad uu isku duray qof malaariyo qabo
Dadka halista badan ugu jiro malaariyada
Dadka qaar ayaa halis badan ugu jiro inay ku dhacdo malaariyada, dadkaas waxaa ka mid ah:
- Dadka ku nool meelaha ay ku badan tahay kaneecada sida waddamada ku yaallo saxaraha hoose ee Africa oo ay soomaaliya ka mid tahay
- Dadka ku nool goobaha ay biyaha ka ag dhowyihiin sida wabiyaasha yio waraha
- Caruurta yar yar ee uu wali difaaca jirkooda xoogsanin
- Hooyooyinka uurka leh gaar ahaan, marka koowaad ama labaad
- Dadka difaaca jirkooda uu daciif yahay
- Dadka qabo xaalado kale sida HIV-AIDS
- Dadka ka imaaday meelaha aysan malaariya ka jirin haddana tago meel ay malaariyada ku badan tahay
Daaweynta malaariyada
Malaariyada waxay noqon kartaa xaalad nafta halis gelin karto, gaar ahaan nuuca PF-ta. Daaweynta cudurka malaariyada waxaa sida caadiga ah lagu bixiyaa isbitaallada, dhakhtarkaaga ayaa kuu qori doono daawooyin ku salaysan nuuca baarasaaytka ee sababay malaariyada.
Xaaladaha qaarkood, daawada loo qoro qofka ayaa laga yaabaa inayna cirib tiri karin caabuqa sababtoo ah malaariyada qaar ayaa iska caabbin ku sameeyso daawooyinka la isticmaalo.
Haddii ay taas dhacdo, dhakhtarkaaga waxa laga yaabaa inuu u baahdo inuu isticmaalo wax ka badan hal daawo ama beddelo daawooyinka gebi ahaanba si loo cirib tiro malaariyada.
Intaa waxaa dheer, nuucyada baarasaaytka qaarkood, sida P. vivax iyo P. ovale, waxay leeyihiin marxalado ay ku dhuuntaan beerka halkaasoo ay ku noolaan karaan jirkaaga gudihiisa muddo dheer ayagoo waqti dheer ka dib soo koco ka dibna keeno malaariyada.
Haddii xilli hore la daaweeyo, inta badan dadka malaariyada qaba si buuxda ayay uga bogsadaan.
Daaweynta waxaa ka mid ah:
- Daawooyin lagula tacaallo calaamadaha cudurka
- Daawooyin lagu cirib tiro malaariyada
- In isbitaalka la jiifiyo dadka leh calaamadaha daran ee malaariyada
- Daryeelka deg degga ah ama (ICU) ee loo sameeyo dadka noloshooday ay halis gali karto
Nuuca daawaynta iyo muddada ay daawada soconayso way kala duwanaan kartaa, iyadoo ay ku xiran tahay:
- Nuuca Plasmodium ee sababay cudurka
- Sida ay calaamadaha u daran yihiin
- Haddii qofka uu horey u qaadan jiray dawooyinka ka hortagga duumada
- Haddii qofka uu uur leeyahay
Baaritaanka malaariyada
Baaritaanka hore ayaa muhiim u ah daaweynta duumada, malaariyada waxay xitaa qofka ku dhici kartaa ka dib markuu qaato dawooyinka ka hortagga duumada. Xaaladdaan oo kale, calaamadaha waxay soo muuqan karaan ilaa hal sano ka dib caabuqa koowaad.
Qofkasta oo leh calaamado muujin kara malaariyada waa inuu la hadlaa dhakhtarka sida ugu dhakhsaha badan.
Dhaqtarka ayaa qofka weydiin doono calaamadahooda iyo inay u safreen meel ay malaariyada ku badan tahay. Haddii uu dhakhtarka ka shakiyo duumada, waxuu dalban doonaa baaritaanno dhiig ah.
Baaritaannadaas waxaa ka mid ah:
- Baaritaanka dhiigga guud ee CBC
- Baaritaanka deg degga ah ee ogaanshaha baarasaaytka, ee loo yaqaanno “Rapid Daignostic Test ama RDT” kaas oo natiijada kusoo saari karo 2-15 daqiiqo
- Baaritaanka shaybaarka ee unugyada dhiigga
Ka hortagga malaariyada
Xeeladaha looga hortagi karo duumada waxaa ka mid ah:
- In qofka uu ka war qabo halista malaariyada
- ka hortagga qaniinyada kaneecada, iyadoo la isticmaalayo sasayeeri ama sunta cayayaanka lagu buufiyo
- Qaadashada kaniiniyada loo isticmaalo duumada marka loo safrayo meel ay duumada ku badan tahay
- Helitaanka ogaanshaha iyo daawaynta deg degga ah haddii qof uu u maleeyo inay ku dhacday malaariyo
Dhibaatooyinka malaariyada
Dhibaatooyinka suurtagalka ah ee ay keeni karto duumada waxaa ka mid ah:
- Beerka oo shaqadiisa gabo, taasoo keeni karto cagaarshow
- Kilyaha oo istaaga
- Gulukooska dhiigga oo si aan caadi ahayn hoos ugu dhoco
- Beeryaraha oo dillaaco ama bararo
- Shoog (hoos u dhac lama filaan ah oo ku imaado cadaadiska dhiigga)
- Bararka sambabada (dareere ku ururo sambabada)
- Xanuunka neef-mareenka ee deg degga ah, kaas oo saameeya neefsashada
- Fuuqbax
- Bararka xididada dhiigga ee maskaxda, ama duumada maskaxda