Marasmus ka waa nuuc nafaqo darrada ka mid ah, waxa uu imaadaa marka qaadashada nafaqada iyo tamarta ay aad uga yar tahay inta uu qofka u baahanyahay, taasoo horseedi karta in jirka uu tamar ahaan u isticmaalo dufanka iyo muruqaha jirka.
Caruurta xaaladdaan qaba waxaa laga yaabaa in aysan u korin sida carruurta kale ay badanaa u koraan.
Nafaqo xumada waxay imaataa marka nafaqo la’aanta cunugga heeso ay keento dhibaatooyin caafimaad, sababtana waxay tahay maadaama qofka cuntadiisa aysan ku jirin dhammaan fiitamiinnada iyo nafaqooyinka jirka u baahan yahay si uu u shaqeeyo.
Marka cunugga uusan helin nafaqooyinkii ku habboonaa, waxaa jirkiisa ku adkaanayso inuu sameeyo hab raacyo joogto ah oo awood u siinaya inuu koriyo unugyada cusub ee jirka ama uu iska difaaco cudurrada.
Dhibaatooyin caafimaad oo aad u daran ayaa arintaas ka dhalan kara. Meelo badan oo dunida ka mid ah oo uu ka mid yahay wadankeena ayay xaaladdaan aad ugu badan tahay, sababtoo ah dadka ma haystaan cunto ku filan.
Waa maxay marasmus?
marasmus ka waa nuuc nafaqo darrada ka mid ah oo la xiriira borotiin la’aanta jirka kaas oo imaada marka qofka uusan cunin borotiin iyo kalori ku filan.
Marka cunugga uusan helin borotiin ku filan, heerarka tamarta jirka ayaa si aad ah hoos ugu dhacaysa kadibna shaqooyinka muhiimka ah ee jirka waxay bilaabaan inay istaagaan.
marasmus ka waxa uu ku dhici karaa dadka waaweyn iyo caruurta, laakiin waxa uu inta badan saameeyaa carruurta yaryar ee dalalka soo koraya oo ay ka mid tahay soomaaliya.
Hay’adda UNICEF ayaa ku qiyaastay in ku dhawaad kala bar dhammaan dhimashada carruurta ka yar 5 sano ay ka dhalato nafaqo darro.
Maxaa keena marasmus ka?
Waxyaabaha sababa marasmus ka waxaa ka mid ah:
- In qofka uusan haysan nafaqo ku filan ama uu haysto cunto aad u yar
- Cunista nafaqooyin aan isku dheelli tirneen, sida cunista hal nuuc o nafaqo ah ayadoo aan la cunin nuucyada kale ee nafaqooyinka
- Qabidda xaalado caafimaad oo adkeynaaya in si fiican jirka uu isticmaalo nafaqooyinka la cunay
Goobaha ay cuntada ku yartahay, in cunugga la nuujiyo naaska ilaa intii suurtogal ah ayaa ka caawin karta yareynta halista nafaqo darrada.
Si kastaba ha ahaatee, haddii naas nuujin oo kaliya uu cunugga helo in ka badan 6 bilood iyada oo aan la siinin cunto adag waxay kordhin kartaa halista marasmus ka, gaar ahaan haddii hooyada xataa ay hayso nafaqo darro.
Caruurta dhicisnimada ku dhasha ama dhasha ayaga oo miisaankooda hooseeyo ayaa sidoo kale laga yaabaa inay u nugul yihiin nafaqo darrada.
Nafaqaynta hooyada xilliga ay uurka leedahay iyo nafaqaynta cunugga sanaddada hore markuu dhasho ka dib waxay lagama maarmaan u yihiin ka hortagga nafaqo darrada soo wajihi karta caruurta.
Calaamadaha marasmus ka?
Astaamaha asaasiga ah ee marasmus waa in ay jirka ka dhamaadaan dufanka iyo unugyada muruqa, astaanta ugu weyn ee marasmus ka caruurta waa inuu cunugga kori waayo, oo uu noqdo ma kore.
Dadka qaangaarka ah iyo carruurta waaweyn, astaanta ugu weyn ayaa ah in muuqaalka jirkooda uu is dhimo, maadaama dufanki iyo murqihi jirkooda ku jiray uu jirka u isticmaalay tamar ahaan marka uu heli waayey nafaqooyinki uu u baahnaa.
Ilmaha marasmus ka qaba ayaa laga yaabaa inuu aad u gaajoodo marwalbana la arko asagoo nuugaayo dharkiisa ama gacmihihiisa sidii isagoo raadinaya wax uu cuno.
Waqti ka dib, cunugga marasmus ka qaba waxaa ka baab’aayo unugyada jirka qayb ka mid ah iyo waliba baruurta wejigiisa. Sidoo kale, lafihihiisa ayaa waxaa laga arkayaa maqaarka hoostiisa.
Laalaabyo ayaa sidoo kale kasoo baxaayo maqaarka oo ah meelihi ay ka bexeen dufanki iyo hilibki ku jiray, Indhaha cunugga ayaa sidoo kale god galaayo.
Astaamaha kale ee marasmus ka waxaa ka mid ah:
- Dawakhaad joogto ah
- Tabar la’aan
- Maqaar qallalan
- Timo jajaban
Ka sokow miisaanka oo yaraada, saamaynta muddada dheer ee marasmus ka ku yeesho carruurta waxaa ka mid ah koriimada oo yaraata iyo caabuqyo joogto ah.
Shubanka, jadeecada, ama caabuqa neef mareenka ayaa ah dhibaatooyin halis ah oo uu dhiman karo cunugga qaba marasmus ka.
Dhibaatooyinka kale waxaa ka mid ah garaaca wadnaha oo yaraada, cadaadiska dhiigga oo yaraada, iyo heer kulka jirka oo hoos u dhaca.
Sidee lagu daaweeyaa marasmus ka caruurta?
Marasmus ka waa xaalad caafimaad oo nafta halis gelin karta una baahan daryeel caafimaad oo deg deg ah. Marka calaamadaha ay soo baxaan, cunugga wuxuu u baahan yahay gurmad isla markiiba.
Miisaanka oo deg deg u yaraada, caabuqyo, iyo is beddel deg deg ah oo ku imaada dabeecadda ama rabitaanka cuntada ayaa noqon kara calaamado muujinaaya dhibaato hoose ee jirka ka jirta, sida cunno xumida ama xaalad caafimaad kale.
Cunugga ayaa u baahan in la geeyo goob caafimaad, ka dibna xirfadle caafimaad ayaa u diyaarinaayo qorshe cunto oo gaar ah cunug kasta oo qaba xaaladda marasmus ka.
Aad ayay muhiim ugu tahay cunugga qaba marasmus ka inuu helo daaweyn cunto oo hodan ku ah nafaqooyinka, kaarbohaydraytyada, iyo kalooriyada, waxaa uu cunugga u baahnaan doonaa kalooriyo ka badan inta caadiga u ah da’diisa.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga yaabaa in jirkiisa ay ku adkaato inuu u dulqaato ama dheefshiido cuntada la siiyo ka dib markii uu jirka uu horay u lumiyey dufan badan iyo unugyo badan.
Mid ka mid ah xalka ugu muhiimsan ayaa ah in dhakhaatiirta ay qaab tubbo ahaan ku siiyaan cunugga cunto iyo dheecaano nafaqo leh, tubooyinkaas waxay u ogolaanaayan in cuntada iyo dheecaanka ay si deg deg ah oo toos ah loo geeyo jirka qaybihiisa kala duwan.
In cunugga uu ka bogsado marasmus ka si buuxdo ayaa qaadan karto bilooyin, xitaa haddii qorshaha daaweynta saxda ah la raaco. Cunugga wuxuu kaloo u baahan karaa daawaynta dhibaatooyinka kale ee uu keeno marasmus ka, sida caabuqyada iyo fuuqbaxa.
Sidee looga hortagaa marasmus ka?
Habka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo marasmus ka waa in cunugga uu helo nafaqo iyo borotiin ku filan.
Cuntooyinka hodanka ku ah borotiinka, sida caanaha dufanka leh, kalluunka, ukunta, iyo lowska ayaa ku habboon tamarta iyo koritaanka.
Macneheeda maahan in haddii aadan heli karin cuntooyinkaas aadan ka hortagi karin marasmus ka, cunto kasta oo borotiin iyo kalori badan leh ayaa loo isticmaali kara in lagaga hortago marasmus ka, iyada oo ay ku xiran tahay waxa waalidka uu u heli karo caruurtiisa.
Khudaarta iyo miraha ayaa sidoo kale laga helaa nafaqooyin iyo macdanno kale oo ay ka mid yihiin fiitamiinnada.
Dadka waxay kaloo qaadan karaan kaabis, oo ah daawooyinka ama waxyaabaha kale ee la warshadeeyo ee qofka ka kaaba fiitaminada iyo macdanta kale, laakiin waxaa laga yaabaa inay ka waxtar yar yihiin cuntooyinka caadiga ah.
Cunugga ka bogsaday ama ka soo kabsanaayo marasmus ka waa in laga taxadsaraa, lagana hortagaa in dhibaatooyin kale, oo ay ka mid yihiin fuuqbax iyo shuban ay ku imaadaan.
Fayadhowrka iyo nadaafadda
Fayadhowrka iyo nadaafadda wanaagsan ayaa kaalin ka qaadan kara marasmus ka, gaar ahaan meelaha aan si joogto ah looga helin cunto caafimaad leh iyo biyo nadiif ah.
Nadaafad xumada ayaa horseedi karta caabuqyo ka sii dari kara astaamaha marasmus ka iyo nuucyada kale ee nafaqo xumada taasoo adkeyneysa in laga bogsado xaaladdaan.
In cuntada si fiican loo kariyo si loo baabi’iyo bakteeriyada ayaa caawin karta yareeynta caabuqdyada, sidoo kale kululeyska ka hor intaanan la cunin cuntada waa muhiim.
Biyaha oo la karkariyo inta aan la cabin, wax lagu karsan, ama lagu qubeysan marka la joogo meelaha ay adag tahay in la helo biyo nadiif ah ayaa lagama maarmaan u ah ka hortagga faafidda cudurrada ka dhasha biyaha kuwaasoo kasii dari kara xaaladda marasmus ka.
In cunugga la nuujiyo naas muddo 6 bilood ah ayaa sidoo kale ka ilaalin karta dhibaatooyinka nafaqo xumada, marka la joogo meelaha cuntada ay ku yar tahay.