Cudurrada ibna’aadamka lasoo darsa way kala duwanyihiin waxaana loo qeybiyaa qeybo kala duwan oo marba lagu saleeyo arimo xaddidan, anagoo kusaleeneyna waqti hore ku baraarugga ee calaamadaha cudurrada iyo inta ay la egtahay tilaabooyinka dhaqtarka uu qaadi karo si uu u kaalmeeyo bukaanka xanuunsan.
Cudurrada waxaa loo qeybiyaa labo qeybood, cudurro loo yaqaano cudurrada aan calaamadaha wadan iyo cudurro calaamadahoodu bilaabanaayo isla markii uu bilaabo cudurka in jirka qofka uu ku dhex hormaro.
Cudurrada aan calaamadaha wadan waa cudurro dhowr ah oo aan qofka siineynin wax digniino ama calaamado ah sida xanuun, barar, olol, tabardari iyo wixii lamid ah, balse qofka uu ogaanaayo marka uu si caadi ah isku baaraayo ama uu iska baaraayo dhibaatooyin kale oo aan cudurradaan eheen.
Cudurradaan waxaa ugu caansan cudurka dhiig karka oo mararka qaar loogu naaneeso dilaaga aamusan, maadaama cudurka dhiig karka uusan wadanin calaamadaha shaacsan ee cudurrada lagu yaqaanno , hase yeeshee qofka ey u badantahay in la ogaado inuu qabo markii uu dhawac kasoo gaaro xubno kale oo jirkiisa ka mid ah sida indhaha , maskaxda , kilyaha iyo neerfaha.
Digniin la’aanta ay ku sumadeysanyihiin cudurradaan waxay sii xoojisay inay noqdaan cudurro ay adagtahay in bukaannada ay ku baraarugaan jiritaankooda ama in uu haayo.
Maadaama cudurradaan ogaanshohooda ay ku xirantahay qalab cabbiraayo xubno ka mid ah jirka, markii la damco in la fiiriyo xaddiga iyo baahsanaanta xaaladaha cudurradaan waxay u yara muuqdaan kuwa ka yara hooseeya xaddi ahaan iyo baahsanaanba cudurrada kale ee calaamadaha wato.
Laakiin halista uu la kulmaayo bukaanka la dhibaateesan cudurrada caalamad la’aanta ah heerka uu gaarsiisantahay awgeed ayaa ka dhigtay in aan la yareesan iyadoo lagu marmarsiyoonaayo in tiro ahaan cudurradaan ay ka yaryihiin cudurrada kale .
Dhanka kale waxaa jiro cudurro la isku dhoho cudurrada wata digniinaha ama calaamadaha, cudurradaan waa cudurro isla markii qofka ay ku dhacaan uu qofku dareemaayo calaamado ku qasbaayo in uu kaalmo caafimaad raadsado.
Taas oo keeneeyso in cudurradaan ay u badanyihiin kuwa badankood wax laga qabto xiliyadooda hore maadaama ay ka dhigaayaan bukaankii xanuunka ay wataan awgeed in uu waqti hore raadsado kaalmo caafimaad.
Calaamadaha cudurradaan ay wataan waxaa mararka qaar loo qeybiyaa iney soo maraan saddax ama afar marxaladood, marxaladahaas oo lagu saleeyay qeybintooda heerka ay gaarsiisantahay dhibaatada bukaanka uu dareemaayo iyo doorashooyinka kala duwan ee uu heysto dhaqtarka isku dayaayo in uu caawiyo bukaanka .
Marxaladahaas waxaa ka mid ah:
Marxaladda iska fudud
Marxaladdaan bukaanka wuxuu dareemaa xanuuno aad u yar hase yeeshee uu ku baraarugsanyahay in uusan caadi ahayn.
Xiligaan hadii bukaanka uu u tago dhaqtar waxay u badantahay in dhaqatarka uu heesto doorashooyin kala duduwan oo dhowr ah oo uu wax uga qaban karo dhibaatada bukaanka heeysata, isagoo markaas u weecin doona doorashadiisa xalka ugu sahlan qarash ahaan iyo faragalin daawo ahaanba.
Marxaladda iska dhexdhexaadka ah
Marxaladda labaad oo iyadana loo yaqaano marxaladda iska dhexdhexaadka ah waxay ka ag dhowdahay marxaladdii hore hase yeeshee xanuunka ama dhibaatada bukaanka uu dareemaayo cudurka haayo awgeed way ka yara xoog badantahay markii loo fiiriyo marxaladdii koowaad.
Dhaqtarkana tilaabooyinka uu qaadi karo si uu u caawiyo bukaankaas waxay noqonaayaan tilaabooyin ka yara xaddidan tiradii doorashooyinka aheed ee uu heystay marxaladdii koowaad.
Marxaladda adag
Marxaladda saddaxaad waa marxaladda lagu magacaabo marxaladda adag , marxaladdaan bukaanka wuxuu dareemaa calaamadaha cudurka kuwooda ugu daran.
Dhaqtarka isku dayaaya inuu wax u qabto bukaankaan wuxuu istaagaa boos uusan heysanin wax aan ka badneen hal doorasho taas oo aad khatarteed u leh lacagta ku baxaysana ay aad u badantahay.
Marxaladda aa wax laga qaban karin
Marxaladdaan bukaanka wuxuu dareemaa calaamadaha cudurka kuwooda ugu dardaran, dhaqtarka bukaanka isku dayaayo inuu kaalmeeyo wax doorasha ah oo uu wax ugu qabankaro bukaanka ma hor yaallaan maadaama cudurka bukaanka uu soo gaaray marxalad ay isku mid tahay in faragalin lagu sameeyo iyo in aan lagu sameeninba, oo aysan wax isbadaleeynin.
Dhaqtarka waxa kaliya uu isku dayi karaa inuu ka yara khafiifiyo bukaanka xanuunka cudurka inta uu ka dhimanaayo .
Maraxaladahaas kala duwan waxay inoo muujinaayaan tilaabooyinka dhaqtarka uu qaadaayo inay ku xirantahay marxaladda cudurka uu taaganyahay , taasna waxay naga dhigee inaan ka dhex fahamno marxaladahaan fariinta ah:
“Marwalba oo aad si degdeg ah ula xiriirto dhaqtarkaada waa marwalba oo wax ka qabashada cudurkaaga lagu guuleesan doono”
Dr. Abdinasir Shide