Waa maxay nadaafadda qofka?
Nadaafadda qofka waxa loola jeedaa in jirka kore ee qofka uu yahay mid nadiif ah oo caafimaad qaba. Waxay muhiim u tahay ilaalinta caafimaadka jirka iyo maskaxda labadaba.
Dadka nadaafaddooda ay aadka u liidato waxaa uu jirkooda jeermisyada siiyaa jawi ku habboon inay ku koraan jirka korkiisa, taasoo qofka ka dhigaysa mid u nugul caabuq.
Sidoo kale dadka ma jecla inay ka ag dhawaadaan ama ay la tacaamulaan qofka nadaafaddiisa ay liidato taaso keenayso in qofka uu dareemo takoor.
Nuucyada nadaafadda qofka
Waxaa jira nuucyo badan oo ah nadaafadda shakhsiga. Waxaana ka mid ah:
Ilkaha
Nadaafadda ilkaha kaliya ma aha in qofka ilkihiisa ay yihiin kuwo cad. In marwalba aad ka war qabtid nadaafada ilkahaaga ayaa kaa caawin kara kahortagga cudurrada ilkaha sida suuska oo kale.
Jirka
Dhowr milyan oo qanjirrada dhididka ah ayaa ku dahaaran jirka aadanaha. Waxaa kaloo jirka korkiisa ku nool intaasoo milyan oo bakteeriya ah, marka ay bakteeriyadu burburiso dhididka, waxaa ka dhasha ur ama shiir.
Qubeyska ayaa kaa caawin kara ka hortagga cuncunka maqaarka, iyo sidoo kale ka takhalusidda bakteeriyada keenta shiirka.
Dhaqista timaha ayaa sidoo kale waxay timaha ka saartaa saliidda waxayna qofka ka dhigtaa fareesh.
Gacmo dhaqashada
Gacmo dhaqashada joogtada ah ayaa ka mid ah siyaabaha ugu wanaagsan ee looga fogaan karo faafidda cudurrada faafa.
Waxaa lagu taliyaa in gacmaha la dhaqo xilliyadaan:
- Ka hor, inta lagu guda jiro, iyo ka dib diyaarinta cuntada
- Cuntada ka hor
- Ka hor iyo ka dib daryeelidda qof matagaya ama shubmaya
- Ka hor iyo ka dib marka qofku uu taabto dhaawac
- Ka dib markaad musqusha kasoo baxdo
- Ka dib markaad ilmaha ka badashid xafaayadda
- Ka dib markaad sanka biifisid
- Ka dib markaad taabato qashin ama meelaha lagu kaydiyo qashinka
- Ka dib marka aad taabato xaywaanada rabaayadda sida mukulaalaha iyo xoolaha la dhaqdo
Ciddiyaha
Ciddiyaha ayaa laga yaabaa inay xambaarsan yihiin wasakh iyo jeermis, taasoo gacan ka geysanaysa faafidda bakteeriyada.
Way u fududdahay wasakhda iyo jeermisku inay ku uruuraan ciddiyaha dheer hoostooda, sidaas darteed in mar walba la iska gaabiyo ciddyaha waxay kaa caawin kartaa yareynta halista cudurrada faafa.
Sidee loo sameeyaa nadaafad shakhsiyeed wanaagsan?
Ogaanshaha sida loo sameeyo nadaafad shakhsiyeed wanaagsan waxay kuu sahli kartaa inaad dhisato jadwal joogto ah. Qofku waa inuu lahaadaa xoogaa aqoon aasaasi ah oo ku saabsan nuucyada nadaafadda ee soo socda:
Nadaafadda ilkaha
Si aad u hesho af caafimaad qaba iyo dhoollo cadayn qurxoon, waxaa qofka muslimka ah lagula taliyaa inuu cadaysto salaad walba ka hor.
Ururada caafimaadka ayaa sidoo kale ku taliya in la cadaysto 2 daqiiqo ugu yaraan laba jeer maalintii – oo ah subixii iyo galabtii.
Waxaa kaloo wanaagsan in qofka maalintii uu hal mar findhicisho si uu ilkaha dhaxdooda uga saaro wixii ku jira.
Dadku waa inay isticmaalaan daawada ilkaha ee lagu cadaysto. Waana in ay iska bedelaan burushka 3-dii ama 4-tii bilood ba hal mar, haddii aad ku cadaysato geed, waxaa fiican inaad mid kiiba isticmaasho hal isbuuc.
Nadaafadda gacmaha
Ururada caafimaadka waxay tilmaamaan shan tallaabo oo fudud oo ku saabsan dhaqidda waxtarka leh ee gacmaha:
- Gacmaha ku qooy biyo nadiif ah, oo socda, ka dibna iska xir tubada ama qasabadda oo marso saabuun.
- Ku rug gacmaha saabuunta, xusuusnow inaad gaarsiiso dhabarka gacmaha, faraha dhexdooda, iyo ciddiyaha hoostooda
- Isku xoq gacmaha ilaa 20 ilbiriqsi
- Ku raaci gacmaha biyo nadiif ah oo socda
- Qallaji gacmaha adiga oo isticmaalaya maro nadiif ah ama ku qallaji hawada
Nadaafadda jirka
Waxaa habboon in la qubeysto ama la maydho maalin kasta, iyadoo la isticmaalaayo saabuun iyo biyo si unugyada maqaarka ee dhintay, saliidda, iyo bakteeriyada loo raaciyo.
Waa in si fiican loo nadiifiyaa meelaha dhididka badan ku jiro, sida kilkilooyinka, suulasha dhexdooda, iyo aagga gumaarka iyo bisqinta/shuunka.
Sidoo kale waa in timaha lagu dhaqo shaambo ugu yaraan isbuucii hal mar, ama ka badan haddii loo baahdo.
In aad isticmaasho catarada loogu tala galay kilkilaha iyo meelaha dhididka ku jiro ayaa kaa caawin kara inaad ka hortagto shiirka ama urka.
Nadaafadda ciddiyaha
Isticmaalka qalabka ciddiyaha lagu jaro oo nadiif ah iyo inaad had iyo jeer gaabisid ciddiyaha waa mid ka mid ah siyaabaha ugu wanaagsan ee lagu hubin karo in ciddiyaha hoostooda aysan ku uruurin wasakh.
Sidaa horay usoo sheegnay, dhaqidda cidiyaha hoostooda ayaa ka mid ah hab dhaqa gacmaha ee waxtarka leh.
Nadaafadda caadada iyo cawrada
Waxaa muhiim ah in si joogto ah loo beddelo waxyaabaha ay gabdhaha isticmaalaan xilliga caadada, waxaa kaloo muhiim ah in la dhaqo ama la mayro gacmaha ka hor iyo ka dib marka la beddelo tambooniga, ama waxyaabaha kale ee ay gabdhaha isticmaalaan.
Maadaama xubinta taranka dumarka gudeheeda ay is nadiifiso iyada, isticmaalka saabuun si loo nadiifiyo xubinta taranka waxay sababi kartaa dheelli tir la’aanta bakteeriyada dabiiciga ah ee ku jirta xubinta waxaana ka dhalan kara caabuq.
Xubinta taranka ee dumarka (qaybta banaanka) ayaa la nadiifiyaa maalintii hal mar iyadoo la isticmaalaayo saabuun iyo biyo khafiif ah.
Xubinta taranka ee ragga ayaa sidoo kale la nadiifiyaa ayadoo la isticmaalaayo biyo iyo saabuun ugu yaraan hal mar maalintii.
In caruurta la baro nadaafadda
Waalidiinta iyo daryeelayaasha waa inay baraan carruurta sida loo ilaaliyo nadaafadda.
Tusaale ahaan, caruurta waxay bilaabi karaan isticmaalka daawada cadayga markay gaaraan da’da 12 bilood.
Marka caruurta ilkohooda ay isku soo dhawaadaan, waxaa muhiim ah in loo bilaabo findhicilka si looga saaro wasakhda ilkaha dhaxdooda.
Ku dhiirigelinta carruurta nadiifinta jirkooda sida ugu dhakhsaha badan markay korayaan waa hab wanaagsan oo bilaabi karo nadaafad shakhsiyeed fiican marka uu ilmuhu weeynaado.
Waxyaabaha sida xun u saamayn kara nadaafadda
Saboolnimada iyo helitaanka biyo nadiif ah labaduba waxay saamayn xun ku yeelan karaan nadaafadda qofka.
Caafimaad maskaxeedka qofka ayaa sidoo kale saamayn kara sida uu qofka u daryeelo naftiisa.
Dadka la nool xaaladaha gaarka ah, sida cudurrada dhimirka, niyad-jabka aadka u daran, ama dadka isticmaala mukhaadaraadka ama khamriga, ayaa laga yaabaa inay aad ugu adkaato inay joogteeyaan nadaafadda jirkooda.
Saamaynta ka dhalata nadaafad shakhsiyeedka liidata
Nadaafadda liidata waa mowduuc xasaasi ah, in qof lagala hadlo arrintaanna waa ay adkaan kartaa. Sidaas darteed, qofka nadaafaddiisa oo liidata ayaa laga yaabaa inuu ka go’o dadka kale.
Nadaafadda qofka oo liidata ayaa laga yaabaa inay saamayn ku yeelato goobaha shaqada. Waxay si gaar ah dhibaato ugu noqon kartaa goobaha cuntada lagu diyaariyo sida warshadaha iyo maqaayadaha.
Waxa kale oo jira saamayn caafimaad oo badan oo ay leedahay nadaafad xumada, xaaladaha caafimaad ee la xiriira nadaafad xumada waxaa ka mid ah:
- Injirta jirka
- Shuban raaga
- Suuska ilkaha
- Injirta madaxa
- Agool
- Isnadaamiska