Niyad jabka waa xaalad ka mid ah xaaladaha soo wajaha maskaxda, aad ayay halistiisa u badan tahay, wuxuuna saameyn ku yeelan karaa nolosha qofka.
Wuxuu keeni karaa dareen murugo oo joogto ah, wuxuu kaloo sababi karaa rajo beel, iyo in qofka uusan xiiseynin howlihiisa maalin laha ah.
Wuxuu kaloo keeni karaa astaamo dhanka jirka ah oo ay ka mid yihiin isbedello ku imaada amateedka iyo hurdada. Astaamaha iyo waxyaabaha keena niyad jabka ayaa si aad ah ugu kala duwanaan karo dadka.
Jinsiga ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro sababta uu qofka u saameeyo niyad jabka.
Maqaalkaan waxaan kaga hadlaynaa qaar ka mid ah astaamaha qarsoon ee niyad jabka uu leeayahay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in la ogaado in qaar ka mid ah calaamadaha aan xusidoonno ay sidoo kale tilmaami karaan arrimo kale oo caafimaad.
Waxaan sidoo kale ka hadlaynaa waxyaabaha ay khubarrada caafimaadka ay aaminsan yihiin inay yihiin waxyaabaha ugu badan ee keena niyad jabka, waxaan kaloo wax ka sheegeynaa hababka ugu macquulsan ee uu qofka u maareyn karo niyad jabka.
Waa maxay niyad jabka?
Niyad jabka waa xaalad caafimaad oo soo wajahda maskaxda taasoo keenta in qofka uu yeesho niyad aad u hooseyso waxaana laga yaabaa inuu qofka dareemo murugo iyo rajo beel joogto ah.
Calaamadaha niyad jabka waxay noqon karaan kuwo iska caadi ah oo ku meel gaar ah, tusaale ahaan marka qofka ay ku dhacdo arrin xun sida marka uu waayo qof u dhowaa, laakiin haddii calaamadaha ay sii socdaan oo ay sii jiraan in ka badan 2 toddobaad, waxay muujinaysaa in qofka uu soo wajahay cudurka niyad jabka.
Sidee ayuu u egyahay niyad jabka?
Way adkaan kartaa in loo sharxo sida uu niyad jabka u egyahay qof aan waligiis dareemin niyad jab, Mid ka mid ah ismaandhaafyada ugu weyn ee ku aaddan niyad jabka ayaa ah in niyad jabka iyo murugta ay isku mid yihiin.
In kasta oo dad badan oo niyad jabka qaba ay dareemaan murugo, haddana calaamadaha niyad jabka waxay jiri karaan bilo ama sannado waxayna saameyn weyn ku yeelan karaan nolol-maalmeedka qofka.
Waxay sidoo kale carqaladeyn karaan qofka shaqooyinkiisa, xiriiradiisa, iyo hawlihiisa maalinlaha ah sida is daryeelidda shakhsiyadeed iyo shaqada guriga.
Dhakhaatiirta waxay caadiyan fiiriyaan in calaamadaha ay soo jireen ugu yaraan 2 toddobaad, markaas waxaa suurtogal ah inay la xiriiraan cudurka niyad jabka.
Niyad jabka wuxuu u ekaan karaa sidaan:
- Farxadda iyo raaxada nolosha oo baaba’da: qofka qaba niyad jabka waxaa laga yaabaa inuusan ku raaxaysan waxyaabo uu mar jeclaa farxadna uu ka heli jiray marka uu sameenaayo, wuxuuna dareemaa in waxyaabahaas aysan farxad galineenin hadda.
- Qofka oo ku adkaata inuu wax xoogga saaro: qofka waxaa ku adkaato inuu diiradda saaro ama uu xoogga saaro howsha uu qabanaayo, tusaale ahaan, waxaa qofka ku adkaanayso inu si fiican wax u aqriyo ama uu si fiican u qabto howlaha shaqada.
- Qofka oo dareemo quus iyo rajo beel: niyad jabka ayaa laga yaabaa inuu qofka dareensiiyo inaysan jirin rajo, iyo in wax walba aysan waligood hagaagaynin.
- Qofka oo isku kalsoonaan waayo: dadka qaba niyad jabka waxaa laga yaabaa inay dareemaan inaysan lahayn wax qiimo ah ama ay ku fashilmayaan wax walba.
Waxaa laga yaabaa inay la noolaadaan afkaar xun xun oo ay iska aaminsanyihiin ayagoo awoodin inay naftooda ka arkaan sifooyin wanaagsan. - Hurdada oo qofka ku noqoto dhibaato: qofka qaba niyad jabka waxaa dhibaato ku ah inuu seexdo habeenkii ama uu soo wada jeedo habeenkii.
Qofka ayaa laga yaabaa inuu xilli hore kasoo koco hurdada uuna awoodi waayo inuu ku noqdo hurdada.
Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay u hurdaan si xad dhaaf ah, ayna soo toosaan iyagoo wali dareemaayo daal xitaa haddii ay heleen hurdo ku filan.
- Tamarta qofka oo hoos u dhacda: dadka qaarkood waxay dareemaayaan daal fara badan iyo inaysan sariirta ka kici karin, xataa marka ay helaan hurdo ku filan.
- Amateetka qofka oo isbedela: dadka niyad jabka qaba qaarkood waxay dareemaan inaysan ka haynin inay wax cunaan, oo ay tahay inay isku qasbaan cuntada, taasoo keeni karto in miisaanka qofka uu hoos u dhoco.
In kasta oo dadka qaba niyad jabka qaarkood aysan rabin inay wax cunaan, qaar kale ayaa aad u cuni kara cuntooyinka aan caafimaadka leheen, taasoo u horseedi karta miisaankooda inuu kordho. - Qofka oo dareema wajac iyo xanuun: dadka qaarkood waxay la kulmaan madax xanuun, lalabbo, kor xanuun, iyo xanuuno kale.
Niyad jabka waa xaaalad aad u dhib badan, dadka qaba niyad jabka si fudud uma go’aansan karaan inay joojiyaan niyad jabka. Si ka duwan murugada ama walaaca caadiga ah, qofka qaba niyad jabka wuxuu dareemaa rajo beel iyo quus dhanka nolosha ah.
Calaamadaha jirka ee niyad jabka
Daraasad ayaa lagu ogaaday siyaabo badan oo uu niyad jabka u saameyn karo caafimaadka jirka, oo ay ku jiraan kuwa soo socda:
Miisaanka oo kordha ama yaraada
Sida aan horay usoo sheegnay dadka qaba niyad jabka waxaa laga yaabaa inay la kulmaan isbedel xagga rabitaanka cuntada ah, taasoo sababi karta miisaan lumis ama koror aan la filaynin.
Khubarrada caafimaadka waxay cayilka la xiriiriyaan arrimo caafimaad oo badan, oo ay ku jiraan sokorowga iyo wadna xannuunka. Sidoo kale Miisaankaaga oo yaraada wuxuu dhaawici karaa wadnaha, wuxuuna keeni karaa tabar darro iyo daal.
Xanuuno joogto ah
Dadka qaba niyad jabka waxaa laga yaabaa inay dareemaan xanuuno aan la tilmaami karin, oo ay ka mid yihiin xanuunada kala gooysyada ama murqaha, damqashada naaska, iyo madax xanuun.
Xanuunadaan joogtada ah ayaa qofka kaga sii dari karo calaamadaha niyad jabka.
Wadna xanuun
Niyad jabka ayaa qofka ka dhiga inuusan daryeelin hab-nololeedkiisa ay ka mid tahay cuntada, haddii qofka uusan cunin cunto caafimaad leh ama uusan sameynin jimicsi waxaa sare u kacaayo khatarta cudurrada wadnaha.
Dhibaatooyinka galmada
Dadka qaba niyad jabka waxaa laga yaabaa inay hoos u dhacdo awoodooda dhanka galmada ah, dadka qaarkood waxay kaloo la kulmaan dhibaatooyin qoyska la xariira sababtuna tahay niyad jabka, taasoo saamayn ku yeelan karta hawlaha galmada ee qoyska.
Xaaladaha caafimaad
Dadka hore u lahaa xaalado caafimaad ayaa laga yaabaa inay astaamohooda kasii daraan haddii uu soo wajaho niyad jab.
Qofka qaba cudurro kale ayaa awalba dareemaayey cadaadis iyo walbahaar, niyad jabkana waxa uu kor u usii qaadaa walwalka iyo istareeska qofka uu ka qabo xaaladaha caafimaad ee haysto.
Qofka qaba niyad jabka ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu ku dhibtoodo inuu si sax ah u qaato daawooyinka uu u isticmaalo cudurrada kale, maadaama uu niyad jabka qofka ka dhigo mid aan ka fikirin daryeelka noloshiisa.
Dadka la kulma niyad jab ayaga oo qaba xaalado kale oo caafimaad waa inay dhakhtar kala hadlaan sida wax looga qabanaayo labada xaaladoodba.
Ilaalinta caafimaadka dhimirka ayaa laga yaabaa inay wanaajiso caafimaadka jirka waxayna sahlaysaa in si joogto ah loo maareeyo cudurrada kale uu qofka qabo.
Dhibaatooyinka caloosha
Dadka qaba niyad jabka waxay badanaa ka sheegtaan dhibaatooyinka caloosha ama dheef -shiidka, sida shubanka, matagga, lalabbada, ama calool-fadhiga.
In la ogaaado in niyad jabka uu sababi karo dhibaatooyin caafimaad oo ay ka mid yihiin kuwaan waxay qofka ka caawin kartaa inuu raadsado daaweyn iyo inuu sameeyo isbedello ka caawiya maareynta xaaladdiisa.
Maxaa keena niyad jabka?
Niyad jabka waxaa sababi karo dhowr arrimood, waxyaabaha macquulka ay tahay inay sababaan niyad jabka waxaa ka mid ah:
- Hiddaha: niyad jabka iyo xanuunada kale ee niyadda ku dhaca ayaa ku imaan kara qaab dhaxal ah, inkastoo ay macneheeda eheen in haddii dad qoyskaaga ka mid ah ay qabaan niyad jab ay qasab tahay inuu adigana kugu dhici doono.
- Dhacdooyinka nolosha: isbedellada nolosha ee waaweyn iyo dhacdooyinka walaaca leh ayaa kicin kara niyad jabka.
Dhacdooyinkaas waxaa ka mid ah furriinka, geerida qof aad jeceshahay, shaqo la’aanta, ama dhibaatooyin dhaqaale.
- Isbedellada hormoonnada: niyad jabka ayaa badanaa lala xiriiriyaa caadada ama uurka, maadaama xilliyadaas ay jirka ka dhacaan isbedello badan oo dhanka hormoonnada ah.
- Xanuunada qaarkood: walwalka, xanuunada joogtada ah sida, sokorowga, iyo wadna xanuunka ayaa laga yaabaa inay qofka u keenaan niyad jabka.
- Mukhaadaraadka: mararka qaar, isticmaalka mukhaadaraadka ayaa sababi kara niyad jab.
Mararka kalana, niyad jabka ayaa qofka ku sababi kara inuu isticmaalo mukhaadaraadka si uu isku hilmaamsiiyo murugada.
- Daawooyinka qaar: daawooyinka la qoro qaarkood ayaa kordhin kara halista niyad jabka, waxaana ka mid ah daawooyinka loo isticmaalo dhiig karka, steroidska, iyo qaar ka mid ah daawooyinka kansarka.
Sidee lagu maareeyaa niyad jabka?
Niyad jabka waa la daaweyn karaa, dadka badankood waa inay isku dayaan daaweyn kala duwan si ay u helaan midda ku habboon. Hababka ugu waxtarka badan ee lagu daaweeyn karo niyad jabka waxaa ka mid ah:
- Ku xirnaanta Allah: dhagaysiga iyo aqrisashada quraanka kariiim ka ah ayaa kaa caawin kara inay kaa yareeyaan walwalka.
- Daawooyinka caadiga ah: daawooyin looga hortago niyad jabka waxaa loo yaqaanaa antidepressants. Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay u baahdaan in la isugu daro daawooyin fara badan.
- Daaweyn nafsaani ah: daaweyntaan waxay qofka ka caawin kartaa inuu iska saaro afkaarta iyo shucuurta xun xun ee uu niyadda ku haayo, uuna hagaajiyo noloshiisa, iyo inuu fahmo xiriirka ka dhexeeya afkaartiisa iyo niyad jabka.
- Isbedellada hab-nololeedka: dad badan oo qaba niyad jabka waxay ogaadaan in jimicsiga badan, cunista cuntada caafimaadka leh, iyo helidda hurdo tayo leh ay qofka ka yarayn karaan astaamaha niyad jabka.