Close Menu
  • C. guud
    • Kansar
    • Neefta
    • Wadnaha
  • C. Bulshada
    • Talooyin
  • Warbixinno
    • Teknoloji
  • Covid-19
HealthterHealthter
  • C. guud
    1. Kansar
    2. Neefta
    3. Wadnaha
    maqaalki u dambeeyey

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Maqaalada kale

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Cilaajyada: Xarumaha Gaarka Loo Lee Yahay Ee Daryeelka Bukaannada Dhimirka

    Dayaca iyo Silsiladaynta: Dhibaatooyinka Bukaannada Xanuunnada Dhimirka

  • C. Bulshada
    1. Talooyin
    2. Fur kulli

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

    Jimicsiga: nuucyadiisa iyo faaiidooyin ka uu u leeyahay caafimaadka qofka

    Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

    Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

  • Warbixinno
    1. Teknoloji
    2. Fur kulli

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

    Teknolojiyadda: dhibaato nuucee ayay u leedahay maskaxda iyo jirka ?

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Xiriirka waalidka iyo ilmaha – waa maxay sababta uu muhiim u yahay?

    Maraxaladaha cudurrada ayay ku xirantahay tilaabada dhaqtarka uu qaadaayo

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

  • Covid-19

    Omicron: nuuca cusub ee coronavirus, muxuu uga duwanyahay nuucyada kale?

    COVID-19: calaamadihiisa, sida uu ku faafi karo iyo ka hortaggiisa

    Tallaalka COVID-19: nuucyadooda iyo sida ay uga hortagaan fayraska

    Calaamadaha COVID-19: kuwa ugu badan iyo mudada ay haayaan qofka

    Neefsashada adag ee COVID-19: sida ay ku imaato iyo waxyaabaha keeno

HealthterHealthter
Home»Cudurada faafa»COVID-19»Omicron: nuuca cusub ee coronavirus, muxuu uga duwanyahay nuucyada kale?

Omicron: nuuca cusub ee coronavirus, muxuu uga duwanyahay nuucyada kale?

Mohamed Mustaf AhmedMohamed Mustaf AhmedApril 28, 2025
Share
Copy Link WhatsApp Telegram Facebook Twitter LinkedIn Pinterest
  • Waa maxay omicron?
  • Faafitaanka Omicron
  • Difaaca jirka iyo Omicron
  • Tallaalada iyo Omicron
  • Tallaalka iyo awoodda Omicron
  • Darnaanta kiisaska Omicron
  • Omicron iyo mustaqbalka dhow
  • U diyaargarowga Omicron

Waa maxay omicron?

Saynisyahannada waxay heleen kiisas nuuc cusub oo corona fayras ah oo loo yaqaano omikroon (omicron). Omicron waa nuuc cusub oo corona fayras ah oo markii ugu horeesay la arkay dabayaaqadii bishii nufeembar ee sanadka 2021.

Omicron waxa uu leeyahay qaabab cusub oo ka badalan qaababki horey ay u lahaayeen nuucyadii hore ee corona fayras. 

Saynisyahannada waxay ka walaacsanyihiin in Omicron laga yaabo inuu awoodo inuu iska caabbiyo difaaca jirka iyo difaaca laga helo tallaalada looga hortago cudurka corona, tallaaladaas oo intooda badan ku sallaysan qaababkii asalka ahaa ay lahaayeen nuucyadii hore ee caabuqa corona.

Markii ugu horreysay waxaa nuucaan laga helay wadamada Botswana iyo Koonfur Afrika, ka dibna wuxuu ku faafay adduunka oo dhan muddo kooban gudaheeda, waliba si ka dhakhsi badan nuucyadii hore ee caabuqa corona.

In kasta oo ay jiraan waxyaabo badan oo ay saynisyahannada weli ka fahmin Omicron, fayraska ayaa durba la arkayaa inuu keenaayo kor u kaca kiisas cusub oo laga yaabo inay sababto in isbitaallada iyo hay’adaha daryeelka caafimaadka ay xakamayn waayaan.

Faafitaanka Omicron

Ilaa iyo tan marki ugu horeesay ee corona fayras uu soo if baxay, nuuca Omicron waa kan sida ugu fudud uguna dhakhsiyaha badan u faafo.

Caddaymihii ugu horreeyay ee faafitaanka degdegga ah ee Omicron waxay ka imaadeen dalka Koonfur Afrika, halkaas oo Omicron si degdeg ah ugu faafay gobol ka gobol ka dibna uu gaaray wadamo badan oo caalamka ka mid ah. 

Cilmi-baarayaasha weli ma garanayaan sababta Omicron uu si fudud ugu faafo. Mid ka mid ah waxyaabaha suurtogalka ah ayaa ah inuu Omicron awood u leeyahay in uu si deg deg ah u weerari karo unugyada jirka.

Difaaca jirka iyo Omicron

In kasta oo uu difaaca jirka ka hortago cudurrada daran ee jirkeena soo wajaha, ka hortagga difaaca jirka ee caabuqyadii hore ee covid-19 kama hor istaagaayo qofka inuu ku dhoco caabuqa nuuca cusub ee Omicron. 

Waxyaabihii ugu horeeyey ee tilmaamay in Omicron uu ka baxsan karo difaaca jirka waxaa lagu arkay Koonfur Afrika, halkaas oo saynisyahannada ay ku qiyaaseen in ugu yaraan todobaatan boqolkiiba dadkii uu horay ugu dhacay Covid-19 ay khatar ugu jiraan nuucaan cusub ee omicron. 

Waxaa lama filaan ah in dadkii uu horay ugu dhacay Covid-19 ay mar kale la tacaalayaan caabuqaan cusub. 

Awoodda uu Omicron u leeyahay inuu iska caabbiyo difaaca jirka ayaa laga yaabaa inay qayb ka tahay sababta kiisaska caabuqaan ay si deg deg ah u labalaabmaayaan maalinba maalinta ka dambeysa. 

Saynisyahanno ku sugan dalka ingiriiska ayaa ogaaday in dad badan oo uu ku dhacay nuucaan  cusub ee corona fayras ay mar hore ka bad baadeen nuucyadii hore ee caabuqa. Cilmi-baarayaasha waxay ku qiyaaseen in halista dib-u-qaadista caabuqa Omicron ay qiyaastii shan jeer ka  badneed nuucyada kale ee caabuqa corona.

Si loo fahmo khatarta sii kordhaysa ee dib-u-qaadista caabuqa omicron, tiro saynisyahano ah oo uu soo xigtay wargayska (New York Times) ayaa daraasad ku sameeyay unugyada difaaca ee laga soo saaray jirka dadka ka soo kabsaday cudurka COVID-19. 

Marka ay saynisyahannada isku dareen unugyada difaaca jirka iyo nuucyada kale ee corona fayras, unugyada difaaca waxay qabteen shaqo wanaagsan oo ah ka hortagga fayrasyada.

Laakiin markii ay isku dareen unugyada difaaca jirka iyo nuuca cusub ee corona fayras ee Omicron, waxaa muuqatay in nuucaan uu awood u leeyahay inuu ka baxsado unugyada difaaca jirka, taass waxay ka dhigan tahay in isbeddellada uu wato Omicron ay beddelayaan qaabka unugyada difaaca ay ku aqoonsadaan corona fayraska.

Awooddaan oo uu Omicron u leeyahay inuu ka baxsado difaaca jirka ayaa laga yaabaa inay qayb ka tahay sharraxaadda ah sababta kiisaska Omicron ay si degdeg ah u laba-laabmooyaan.

Iyadoo nuucyada kale ee cudurka covid-19 uu ka adag yahay difaaca jirka, Omicron wuxuu ku guuleystaa inuu ku faafo unugyo badan oo jirka qofka ka mid ah – taasoo ka dhigaysa inuu aad ugu faafo dad badan.

Tallaalada iyo Omicron

Daraasado dhowr ah ayaa tilmaamaya in tallaalka buuxa iyo tallaalka xoojiyeyaasha ay leeyihiin difaac adag oo ka hortagi karo caabuqa Omicron. 

Haddii qofka uusan qaadan tallaalka xoojiyaha ah, balse kaliya laba mar uu qaato tallaalada qaar, ma helaayo difaac aad u xooggan, balse tallaalada qaar, qaadashada laba mar oo kaliya ayaa u muuqda inay qofka ka difaacaan darnaashaha caabuqa omicron. 

Sida uu soo xigtay wargayska (New York Times), saynisyahannada waxay dhiig ka soo saareen dadka sida buuxda u tallaalan, dadkaas dhiigooda oo ka kooban unugyada difaaca jirka ayay ka dib ku dareen nuuca cusub ee fayraska iyo unugyo kale oo caadi ah oo laga soo qaaday dad aan qaadanin tallaal. 

Tallaal kasta oo la tijaabiyay ilaa hadda ma qabanin shaqo fiican oo ku aaddan ka takhalusidda nuuca Omicron marka loo eego nuucyada kale ee COVID-19. 

Dhinaca kale, unugyada difaaca jirka ee dadka qaatay labo mar tallaalka AstraZeneca ah ama hal mar oo tallaalka Johnson & Johnson ah uma muuqanin inay wax ka qabteen ka hortagga omicron.

Laakiin markii cilmi-baarayaasha ay tijaabiyeen unugyada difaaca jirka ee dadka helay tallaalada xoojiyaasha ah ee Moderna ama Pfizer-BioNTech, waxay arkeen sawir ka duwan kii hore, unugyada difaaca ee tallaalada xoojiyaasha ah ayaa ka xannibay fayrasyo badan oo Omicron ah inay u gudbaan oo ay weeraraan unugyada kale ee caadiga ah.

Tallaalka iyo awoodda Omicron

Daraasadaha hordhaca ah ee laga sameeyey koonfur Afrika waxay soo jeedinayaan inay tallaalada ay awoodaan inay yareeyaan darnaanta caabuqa Omicron.

Cilmi-baarayaasha ayaa dib u eegay kiisaska Omicron saddexdii toddobaad ee ugu horreeyay, waxayna ogaadeen in qaadashada labo mar tallaalka Pfizer-BioNTech ah uu waxtar u yeeshay boqolkiiba todobaatan in dadka aysan u baahan in isbitaal la jiifiyo.

Balse natiijadaas ayaa kaliya ku tiirsan waxa ay saynisyahannadu ka og yihiin sida dhammaan tallaallada ay u shaqeeyaan. 

Darnaanta kiisaska Omicron

Sida aan kasoo xigannay wargayska (New York Times) Daraasado horudhac ah oo taxane ah oo laga sameeyay Koonfur Afrika iyo ingiriiska ayaa muujinaya in inyar oo caabuqyada Omicron ay dadka u horseedayaan in isbitaal la seexiyo marka loo eego nuuca kale ee korona fayras ee loo yaqaano Delta, kaas oo ahaa nuucii ugu badan ee coronavirus sanadki 2021.

Cilmi-baarisyadaan horudhaca ama bilaawga ah waxay soo jeedinayaan in Omicron uu wax yar ka fudud yahay nuuca kale ee Delta marka loo eego dadka aan tallaal horay u qaadan ama uusan horay ugu dhicin cudurka covid-19. 

Xitaa haddii cilmi-baarisyo dheeraad ah ay xaqiijiyaan in Omicron uu ka fudud yahay Delta celcelis ahaan, faafitaankiisa aadka u xooggan waxay horseedi doontaa in dad badan ay u baahdaan isbitaal, taasoo culeys ku noqon korto nidaamyada daryeelka caafimaadka.

Omicron iyo mustaqbalka dhow

Cilmi-baarayaasha waxay abuurayaan moodallo xisaabeed si ay u ogaadaan sida Omicron uu noqon doono bilaha soo socdo. 

Moodallaadaas, asal ahaan, waxay ku saleysan yihiin fikrado ku saabsan Omicron, fikradahaas waxaa laga yaabaa inay u baahdaan in wax laga beddelo marka caddaymo dheeraad ah ay soo baxaan. 

Laakiin saynisyahannada waxay horeba u arki karaan in Omicron uu aad ugu kala gudbi karo dadka  oo uuna ku fiican yahay inuu iska caabbiyo difaaca jirka.

Xitaa haddii Omicron ay noqoto inuu noqdo mid ka khafiifsan nuucyada kale ee cudurka, wuxuu weli culeys ku yeelan karaa daryeelka caafimaadka. 

Qayb yar oo ka mid ah kiisaska Omicron ayaa laga yaabaa inay u baahdaan isbitaal, laakiin haddii tirada kiisaska Omicron ay aad uga badan tahay nuucyadii hore, waxaa weli jiri doono bukaanno aad u xanuunsan oo u baahnaa doono isbitaal.

U diyaargarowga Omicron

“Xogta ugu wanaagsan ee aan hadda hayno waxay tilmaamaysaa khatarta Omicron inay tahay mid la taaban karo siina kordhayso, dadkaiyo dawladuhuna waa inay u diyaar garoobaan sidii ay uga jawaabi lahaayeen sida ku habboon” ayay ku baaqeen saynisyahannada.

Digniinta waxa ay ka kooban tahay fariin muhiim ah: “Saadaasha cudurku kuma qorna dhagax”. xaaladaha way is beddeli karaan haddii dad badan la tallaalo lana raaco tillaabooyinka badbaadada bulshada dhexdeeda sida kala fogaanshaha bulshada iyo xirashada waji-xirka, kuwaas oo gacan ka geysan karo xakamaynta faafitaanka Omicron.

Maqaalka HoreCudurka istaroogga: wax kasta oo aad u baahantahay inaad ka ogaatid
Maqaalka Xiga Cagaarshowga: nuucyadiisa, calaamadihiisa, sida uu ku gudbo iyo ka hortaggiisa

Maqaallo Kale

COVID-19: calaamadihiisa, sida uu ku faafi karo iyo ka hortaggiisa

Tallaalka COVID-19: nuucyadooda iyo sida ay uga hortagaan fayraska

Calaamadaha COVID-19: kuwa ugu badan iyo mudada ay haayaan qofka

Maqaallo Cusub

Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

Ka mid noqo boggeena

Email ahaan u hel maqaal kasta oo cusub oo aan soo galino.

Healthter

Healthter is a non-profit initiative committed to providing the latest and most reliable health information in the Somali language, tailored specifically for Somali communities.

This initiative was brought to life by Mohamed Mustaf Ahmed, who identified a significant gap in the availability of a health platform that offers reliable and current health information in Somali. Healthter enables Somali individuals, particularly those who may not be fluent in English, to access essential health information in their native language.

Mohamed, a medical doctor, data scientist, and researcher, is the sole manager, financier, and contributor to Healthter. His passion to improve global health, with a special emphasis on Somalia, is the driving force behind this platform.

For personalized information and advice, don't hesitate to get in touch:

Email: momustafahmed@outlook.com

Alternatively, you can connect with me via the provided Linkedin link below:

LinkedIn
Credits & References
  1. Healthline Media
  2. PubMed
  3. WHO (World Health Organization)
  4. CDC (Center for Disease Control)
  5. NIH (National Institutes of Health)
  6. MayoClinic
  7. WebMD
Maqaallo Cusub
Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka
Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha
HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta
Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida
© 2025 (Healthter Media)

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.