Rabies waa fayras sida caadiga ah ku faafa qaniinyada ama xagashada xayawaanaadka qaba fayraska, waxaa uu keenaa cudurka raabbiyada, astaamaha cudurkaan waxay badanaa soo baxaan goor dambe oo ay adag tahay in la badbaadiyo qofka.
Balse qofka laga yaabo inuu ku dhacay cudurka raabbiyada ayaa sida caadiga ah la daaweyn karaa haddii uu xilli hore raadsado daryeel caafimaad.
Wadanka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamada ay saamaynta ugu badan kasoo gaarto cudurka raabbiyada maadaama eeyaha qaba cudurkaan ay aad ugu badan yihiin wadanka.
Si kastaba ha ahaatee, caalamka oo dhan ayuu cudurkaan dhibaato ku haayaa, tobanaan kun oo Qof ayaa u dhinta cudurka raabbiyada sanad walba, waxaana ugu badan afrika iyo aasiya. 95% boqolkiiba caabuqyada raabbiyada waxaa sababa eeyaha.
Waa maxay raabbiyada?
Raabbiyada waa caabuq uu keeno fayraska rabies oo inta badan ku faafa qaniinyada xayawaanka qaba cudurka, fayraska rabies nuuciisana waa RNA fayras.
Haddii aan la daaweyn xilli hore, badanaa cudurkaan waa dilaa.
Raabbiyada meesha ugu badan eey saamayso waa maskaxda, waana sababta ka dhigtay cudurkaan cudur halis ah, fayraska wuxuu jirka u saamayn karaa laba siyaabood midkood:
- Inuu si toos ah u galo habdhiska neerfaha ee jirka ka dibna uu gaaro maskaxda.
- Inuu ku tarmo unugyada murqaha dhaxdooda, halkaas oo uu uga badbaado nidaamka difaaca jirka, ka dibna uu u gudbo neerfayaasha asagoo gaaro maskaxda.
Marka uu fayraska gudaha u galo habdhiska neerfayaasha, waxa uu keenaa caabuq deg deg ah oo dhanka maskaxda ah, taasoo horseedi karto in qofka uu galo koomo amaba uu dhinto.
Sidee ayay ku faaftaa raabbiyada?
Cudurka raabbiyada wuxuu ku badan yahay wadamada eeyaha aan la xanaanayn ay aad ugu badan yihiin, gaar ahaan Aasiya iyo Afrika.
Waxaa lagu kala qaadaa dhareerka ama candhuufta, raabbiyada waxay imaan kartaa haddii qofka uu qaniino xaywaan qabo cudurka, ama haddii dhareerka ka imaada xaywaanka cudurka qaba uu galo boog ama nabar furan.
Fayraska wuxuu sidoo kale ku gudbi karaa haddii dhareerka xaywaanka qaba cudurka uu gaaro meelaha furan ee jirka sida indhaha iyo afka.
Calaamadaha raabbiyada?
Cudurka raabbiyada waxa uu maraa marxalado dhowr ah oo gaaraayo shan marxaladood oo kala ah:
Marxaladda 1-aad
Marxaladdaan waa xilliga aysan calaamadaha soo muuqanin, fayraska waxa uu ku jiraa xaalad loo yaqaanno inkubeeshan ‘Incubation period’ waxay caadi ahaan socotaa 3 illaa 12 toddobaad, laakiin waxay qaadan kartaa wax ka yar 5 maalmood ama in ka badan 2 sano.
Marxaladdaan waxay ku xirantahay sida ay meesha la qaniinay ugu dhowdahay maskaxda, haddii ay u dhawdahay maskaxda sida ugu dhakhsaha badan ayay astaamaha usoo muuqa doonaan.
Sida aan horay usoo sheegnay calaamadaha cudurkaan waxay soo baxaan xilli dambe, sidaa darteed markay calaamadaha soo baxaan, raabbiyada badanaa waxay gaartay marxalad halis ah. Qof kasta oo laga yaabo inuu ku dhacay cudurkaan waa inuu raadsadaa kaalmo caafimaad, isagoo aan sugin astaamaha.
Marxaladda 2-aad
Marxaladdaan waa xiliga ay soo muuqdaan calaamadaha yar yar ka hor inta calaamadaha waaweyn aysan soo muuqanin, xaaladdaan waxaa loo yaqaanaa ‘prodrome’.
Astaamaha hore ee la arko waa sida calaamadaha hargabka, waxaana ka mid ah:
- Qandho (38 darajo) ama ka badan
- Madax xanuun
- Walwal
- Wajac
- Dhuun xanuun iyo qufac
- Lalabbo iyo matag
- Damqasho goobta qaniinyada
Calaamadahaan waxay socon karaan 2 ilaa 10 maalmood, wayna sii xumaadaan waqti ka dib.
Marxaladda 3-aad
Marxaladdaan waa xilliga calaamadaha waaweyn ee cudurka raabbiyada ay soo muuqdaan sida calaamadaha neerfaha. Astaamaha neerfaha ee marxaladdaan imaado waxaa ka mid ah:
- Wareer
- Caro iyo xanaaq
- Bareeliska murqaha
- Murqaha qoorta oo adkaada
- Gariir
- Cadaadiska dhiigga oo kordha
- Neefsashada oo adkaata
- Dhareer badan oo afka ka imaada
- Cabsida biyaha ama (hydrophobia), sababtuna tahay liqitaanka oo adkaada
- Aragtiyo dhalanteed ah, qaraw iyo hurdo la’aan
- Cabsida iftiinka sababtuna tahay indhaha oo baralees noqda
Inta lagu guda jiro marxaladdaan, neefsashada waxay noqotaa mid deg deg ah oo aan lahayn hab socod joogto ah.
Marxaladda 4-aad
Marxaladdaan waa marxaladda ugu dambeysa ee cudurka raabbiyada, qofka waxa uu galaa koomo, inta uu koomada ku jirana qofka waxa uu ku dhiman karaa saacado gudahood haddii uusan ku xirnayn mashiinka hawada siiya dadka ama oksijiinta.
Marar dhif ah ayaa laga yaabaa inuu qofka ka soo kabsado marxaladdaan dambe, maadaama ay tahay marxalad halis ah oo badanaa loo dhinto.
Waa maxay sababta raabbiyada u keento cabsida biyaha?
Fayraska maadaama uu saameeyo neerfaha, waxaa dhacdo in murqaha ka qayb qaato liqitaanka ay adkaadaan maadaama neerfayaasha uu soo gaaray dhaawac.
Murqaha adkaaday ayaa si xoog leh isku daya inay u shaqeeyaan marka uu qofka isku dayaayo in uu wax liqo, taas ayaa keenta xanuun badan oo qofka ku kalifa inuusan biyaha liqi karin.
Sidoo kale, dhareerka xad dhaafka ah ee ka imaado qofka ayaa laga yaabaa inay sabab u tahay saamaynta fayraska ku yeeshay habdhiska neerfayaasha.
Haddii qofka uu si fudud u liqi karo candhuuftiisa ama dhareerkiisa, waxay yarayn lahayd in fayraska uu kusii faafo dadka kale, maadaama uu dhareerka badankiis uu liqi laha.
Sidee lagu ogaadaa in qofka uu qabo raabbiyo?
Marka uu qofka qaniino eey, sida caadiga ah ma jirto wax lagu ogaan karo in eeyga uu qabo raabbiyo ama in uu qofka u gudbiyey fayraska.
Baaritaannada shaybaarka ayaa laga yaabaa inay muujiyaan unugyada difaaca jirka ee la dagaalama fayraskaan oo la yaqaano ‘antibodies’ si loo ogaado in fayraska uu ku jiro jirka.
Balse unugyadaas ma muuqan karaan ilaa xilliga dambe ee cudurka, markaas oo ay adag tahay in la qaado tallaabo lagu daaweyn karo cudurka.
Sababtaas awgeed, waxaa fiican in qofka uu bilaabo isticmaalka daawooyin ka hortag ah, isagoo aan sugin in la xaqiijiyo in jirka uu ku jiro fayraska iyo in kale.
Sidee loo daaweeyaa raabbiyada?
Haddii uu xaywaan laga shakisanyahay qaniino ama xagto qof ama haddii xayawaanka dhareerkiisa uu gaaro boog furan, qofka waa inuu isla markiiba nadiifiyaa dhaawaca uuna ku dhaqaa meesha qaniinyada saabuun ama idoine si loo yareeyo tirada fayraska ee u gudbi karo jirka.
Kadibna waa in qofka uu raadsado kaalmo caafimaad isla markiiba.
Qaniinyada ka dib iyo ka hor inta aysan astaamaha bilaaban, daawooyin iyo tallaallo taxane ah ayaa ka hortagi karo inuu fayraska sii bata.
Daawayntaas waxaa ka mid ah:
Rabies immune globulin
Rabies immune globulin waa cirbad loo isticmaalo in difaac looga dhigo dadka ay qaniinaan xaywaanada raabbiyada looga shakisanyahay ama qabo, daawadaan waxaa si wadajir ah loola qaataa dhowr taxane oo tallaalka raabbiyada ah, rabies immune globulin keligiis kama difaaci doono qofka cudurka raabbiyada.
Uma baahnid cirbadda rabies immune globulin haddii aad hore u qaadatay tallaalka raabbiyada.
Rabies immune globulin waxaa lagu duraa muruqa, ama si toos ah ayaa loogu duraa meel u dhow nabarka (qaniinyada xayawaanka ama xagashada).
Tallaalada raabiyada oo taxane ah
Tallaaladaan waxaa qofka la siinayaa 2 illaa 4 toddobaad, waxayna jirka u tababari doonaan inuu la dagaallamo fayraska xilli kasta oo uu arko.
Badanaa suurtogal ma aha in la ogaado in xayawaanka qofka qaniinay uu qabo raabbiyada iyo in kale, balse waxaa fiican in shar la fisho, khayr waxba ma dhibi doonee lana bilaabo daawaynta haddii uu qofka qaniino mid ka mid ah xaywaanada raabbiyada faafiyo.
Run ahaantii, dad yar ayaa ka bad baado cudurka raabbiyada marka ay astaamahiisa soo baxaan, mana jirto daaweyn wax ku ool ah oo marxaladdaan wax ka tari karto.
Dadka laga helo astaamaha waa in loola tacaalaa sida ugu macquulsan, waxaa laga yaabaa inay u baahdaan caawimaad dhanka neefsashada ah.
Sidee looga hortagi karaa raabbiyada?
Raabbiyada waa cudur halis ah, laakiin waa laga hortagi karaa ayadoo la qaadaayo tallaabooyin lagu xakameenaayo cudurka iyo in gabi ahaan la tir tiro.
Xeeladaha ka hortagga cudurkaan waxaa ka mid ah:
- Xakamaynta xaywaanada faafiyo raabbiyada sida eeyaha
- In la tallaalo dadka halista ugu jiro inay qaniinaan eeyaha
- In dadka la baro raabbiyada lagana wacyigeliyo
Shakhsiyaadka waa inay raacaan xeerarka badbaadada si loo yareeyo fursadda qaadista cudurka raabbiyada.
- Ha u dhowaan xayawaanka duurjoogta ah: xayawaanada qaba cudurka raabbiyada sida eeyaha iyo fiidmeerta waxay u badan tahay inay dadka usoo dhawaadaan.
- Eeyaha iyo Fiidmeerta ka fogee guriga: xir gurigaaga si aad uga hortagto eeyaha iyo fiidmeerta inay ku noolaato.
Sanadkii 2015 kii, haweeney ayaa u dhimatay cudurka raabbiyada kadib markii ay qaniintay fiidmeer habeenkii, mana aysan ogayn in ay wax qaniineen.