Xanuunada ibna’aadamka uu dareemo iyo isku dayyada ku aaddan daaweynta xanuunadaas waxay ahaayeen dadaallo lasoo billowday jiritaanka ibna’aadamka ilaa qarniyadii dambe oo hormarro xoog badan laga gaaray fahamka iyo horumarinta daaweynta cudurrada ibna aadamka.
Horumar walba oo laga gaaray horumarinta daaweynta cudurrada waxay ahaayeen kuwo aan iska indho tirin keed aqooneedka ‘dhaqtarnimada dhaqanka’ oo ah xeelad waqtiyo hore ibna’aadamka uu kusoo mooday.
Horumarradaan dambe ee daaweynta cudurrada waxaa gaashaanka u haayay aragtida dheer ee casriga ah ee cudurrada taas oo si ballaaran u fiirineysay sababaha kala duwan ee cudurka keeni karo iyo qaababka kala duwan ee cudurkaas loo daaweyn karo, taas oo meesha kasaartay diidista daawooyinka qaar sababo la xiriira in aan la sharxi karin ama aan la fahamsaneen qaabka qofka uu ugu fiyoobaanaayo.
Iyadoo la ogyahay daawooyin badan oo kuwii hore iyo kuwa casri ahba loosoo isticmaalay si tijaabin ah illaa iyo haatan qaarkood ayaan la ogeyn qaabka ay qofka u daaweeyaan.
Markii la damco in wax laga qoro xaaladaha cudurrada dhimirka waxaa jirto xiriir muhiim ah oo ay fiican tahay in lagu baraarugsanaado, xiriirkaas oo u dhexeeya xubnaha difaaca jirka, xubnaha dareemayaasha neerfaha iyo xaaladaha nafsiga iyo ruuxiga ah ee qofka.
‘Cerebral cortex’ waa xubinta ugu sarreeysa maskaxda iyo guud ahaan xubnaha neerfaha oo gacanta ku heeysa maamulka arimaha la xiriira fahamka iyo wax qaadashada.
Xubintaan waxay saameeysaa unugyada iyo xarumaha unugyada neerfaha ee maskaxda, waxay kaloo saameeyn ku leedahay qaybaha maskaxda ee loo kala yaqaanno ‘thalamaska’ iyo ‘hypothalmuska’ kuwaas oo qayb ka ah xarumaha maskaxda ee laga maamulo raashinka, hurdada iyo maamulista arimaha dareemaha la xiriira ee iskood isu maamula.
Sidoo kale waxay xubnahaan kaalin weyn ey ka qaataan nidaaminta howlaha qanjirka ‘pituitary’ oo ah qanjirka ugu weyn uguna muhiimsan xubnaha qanjirrada ah ee ka garab shaqeeya qanjirrada neerfaha ee loo yaqaano ‘endocrine glands’.
Waxaan wax lala yaabi karin ah in la suureeysto in xubin walba oo jirka ka mid ah ay saameyn karaan waxyaabaha ka dhacaayo hareereheeda iyo wax walba oo soo gaari karo qofka dareemihiisa iyo ogaalkiisa , iyo sidoo kale in ay saameyn karaan isbad-badallada nafsiga ah ee lasoo darsi karo qofka.
Taasna micneheeda waxa waaye in tusaale ahaan, cadaadisyada nolosha ee soo gaaro dhanka fikirka iyo maskaxda ay keeni karaan in jirka laga soo daayo maadada kortisoon iyo wixii la halmaala taas oo keeneysa in ay yaraadaan tirada iyo awoodda xubno muhiim u ahaa difaaca jirka.
Arintaasna waxaa caddeeyn u ah, lakulmida ardayda xiliyada imtixaanaadka ay la kulmaan xaaladaha afburburka (nabarrada afka), oo soo wajoho marka uu ku furanyahay cadaadis dhanka imtixaanaadka ah balse ay ka fiyoobaadaan badankooda imtixaanka markii uu ka dhamaado, taas oo lagu micneen karo walwalkooda ku aaddan imtixaanka uu xiriir la leeyahay xaaladaha afburburka.
Sida dad badan ay ku baraarugsanyuhiin, xubnaha difaaca jirka waxay ku faafsanyihiin jirka oo dhan qaab qanjiro ah oo siyaabo kala duwan ugu yaallo xubnaha jirka sida kilyaha korkooda, beeryaraha, dhuunta iyo agagaarka xubnaha taranka.
Nidaamka difaaca jirka ayaa leh kooxo shabakado neerfo ah oo gaarta goobahaas kala duwan iyagoo nidaamiya shaqada xubnahaas.
Sidoo kale qanjirka loo yaqaanno ‘pituitary gland’ ee ku yaallo maskaxda waxa uu saameeyaa qanjirro kale oo ay kamid yihiin qanjirrada thyroidka iyo kuwa dariska la ah iyo qanjirrada ukxanta dumarka iyo qanjirrada ragga qaaska u ah.
Qanjirradaan ayaa leh saameyn caddeeyn u ah in is-badallada nafsiga ah ay hoos u dhigi karaan ama kor u qaadi karaan awoodda jirka uu iskaga difaaci karo cudurrada soo weeraro.
Dhanka kale cadaadisyada nolosha ee qofka soo wajihi karo marna waxay noqon karaan cadaadisyo waqti dheer socda, marna kuwo waqti gaaban socdo taas oo is-badal ku keeni karta xubnaha neerfaha. Is-badalladaas xubnaha nerfaha waxay sii keeni karaan is-badallo xubnaha difaaca jirka iyo guud ahaan xubnaha jirka.
Abuurmista is-badalladaas ayaa ku xiran kala duwanaasho asaas u ah isir ahaan iyo u kala nuglaashiyaha dadka ay u kala nugul yihiin inay saameeyaan waxyaabaha hareerahooda ka dhacaaya.
Waxaa jiro cudurro la isku dhoho ‘cudurrada nafsi-jismiga’ oo ah cudurro jirka caadiga ku dhaca balse ay saameeyn xoog badan ku leedahay xaaladda nafsiga ee qofka uu ku suganyahay, cudurradaas waxaa ka mid ah cudurka neefta, macaanka, dhiig karka, calool gaddoonka, cudurada wadnaha, iyo cudurada maqaarka qaarkood.
Cudurradaan waxay aad u bataan ama ay qofka kusoo rogaal celiyaan oo lagu arkaa waqtiyada nafsad ahaan uu qofka u dhibaateesanyahay, daraasado badan ayaa caddeeyay xaqiiqada mala’awaalkaas, iyadoo daraasadahaan ay sheegeen in dadka cudurradaan lagu arko ay u badanyihiin dad aan afka ka dhihin dareenkooda taasna ey keentay in qaab cudur ahaan uu uga soo muuqdo.
Balse anaga waxaan dhihi karnaa qaabka nafsiga ah ee cudurradaan imaanshohooda ay uga qayb qaadatay xaalada nafsiga waa xaalad waqtil xaadirkaaan si cilmi ah loo sharxi karo ama la ogaaday.
Tusaale ahaan waxaa jiro daraasado dhowr ah oo tilmaamay in nabarka caloosha (gastric ulcer) uu ku badan yahay dadka ka shaqeeya raadaarrada iyo ilaalinta cirka, sidaas oo kale cudurrada wadnaha iyo xididada waxaa aad u cadaatay saameeynta ay ku leedahay xaaladda nafsiga qofka iyo abuurmista xaaladahaas.