Sigaarka wuxuu dhibaato u geysan karaa ku dhawaad xubin kasta oo jirka ka mid ah. Dadka waa ay yarayn karaan khataraha cudurrada uu sigaarka keeno ayaga oo ka fogaanaayo cabistiisa.
Sigaarka waxa uu ka mid yahay waxyaabaha ugu badan ee sababa cudurrada laga hortagi karo. Joojinta sigaarka waa ay ku adag tahay dad ka intooda badan, laakiin nasiib wanaag tirada dadka iska joojiyo sigaarka ayaa marba marka kasii dambeyso sii kordheyso.
Sigaarka wuxuu saameeyaa nidaamyada jirka oo ay ka mid yihiin; neefsashada, wareegga dhiigga, taranka, maqaarka, iyo indhaha, wuxuuna kordhiyaa halista kansarro badan oo kala duwan.
Maqaalkaan, waxaan ku eegaynaa saamaynta caafimaad ee sigaarka uu u leeyahay jirka, oo ay ku jirto saamaynta uu ku leeyahay maskaxda, wadnaha, sambabada, iyo nidaamka difaaca jirka. Waxaan kaloo ka hadli doonnaa faa’iidada ay leedahay in la joojiyo sigaarka.
Maxaa laga helaa sigaarka?
Sigaarka waxaa ku jiro maadooyin kala duwan, laakiin maadada ugu weyn waa maandooriye niyadda badala oo loo yaqaanno nikotiin. Nikotiinka wuxuu ku gaaraa maskaxda ilbiriqsiyo gudohood marka qofka uu cabo sigaarka, wuxuuna qofka siiyaa fir fircooni waqti kooban socota.
Laakiin markay fir fircoonidaas dhammaato, qofka wuxuu dareemayaa daal, ka dibna wuxuu tabayaa oo uu u xiisaayaa in uu markale cabo sigaar si uu mar labaad u helo saameynta fir fircoonida ee uu wato nikotiinka.
Nikotiinka waa balwad aad u xooggan qofka jirkiisana uu si fudud ula qabsan karo, taasna waa sababta ay dadku ugu adagtahay inay joojiyaan sigaar-cabista.
Joojinta nikotiinka waxay waxyeelo ku yeelan kartaa garashada iyo maskaxda qofka, wuxuuna qofka dareemi karaa walwal, xanaaq, madax xanuun, hurdo la’aan iyo niyad-jab.
Qofka marka uu rabo inuu joojiyo sigaar cabista waxa uu u baahanyahay daryeel iyo la tacaalid caafimaad si uu isaga joojiyo asaga oo aan la kulmin wax dhibaato ah.
Siduu sigaarka u saameeyaa caafimaadka?
Sannad kasta, malaayiin qof ayaa u dhinta sigaarka dartiis, bulshada soomaalida ayaa ah bulsho aad u isticmaasha sigaarka maadaama badanaa dadka soomaaliyeed ay isticmaalaan jaadka waxay la isticmaalaan sigaarka.
Sidaa horay usoo sheegnay, sigaarka waxaa ku jiro waxyaabo badan, qaarkoodna waxay noqon karaan sun saameeysa caafimaadka qofka, suntaas waxaa ka mid ah maadada kaarboon monoksaydh oo ah maaddo ka sameesan qiiq, maadadaan waxaa sidoo kale soo saara baabuurta, waana maaddo halis ah oo dilaa ah haddii xaddi badan oo ka mid ah gasho jirka.
Maadadaan waxay badashaa oo ay gashaa booska oksijiinta dhiigga ku jirta, taas oo keenaysa in unugyada jirka ay waayaan oksijiinti ay heli lahaayeen, iyadoo ka horjoogsanaysa inay si sax ah u shaqeeyaan.
Hoos waxaan kaga hadlaynaa saamaynta sigaarka uu ku yeelan karo qaybaha kala duwan ee jirka.
Sigaarka iyo sambabada
Sambabbada waa xubnaha ugu badan ee uu sigaarka saameeyo, badanaa waxay qaadataa sannado badan ka hor inta uusan qofka dareemin wax calaamado ah oo ku saabsan cudurrada sambabada ee la xiriira sigaarka.
Taas macneheedu waxa waaye qofka ma dareemi karo inuu qabo cudur ilaa cudurku aad uu weynaado.
Sigaarka ayaa saamayn ku leh caafimaadka sambabka maxaa yeelay sigaarka kuma jirto nikotiin oo keliya, waxaa ku jiro nuucyo kala duwan oo kiimikooyin ah. Sigaarka ayaa siyaabo kala duwan u saamayn kara sambabada asagoo waxyeello u geysan kara marinnada hawada.
Daraasad aya sheegtay in qiyaastii 9 ka mid ah 10 -kii Qof ee u dhinta kansarka sambabada ay dhimashadooda la xiriirto sigaar cabista. Sigaar cabista ayaa sidoo kale la xiriirta cudurro badan oo sambabka ku dhaca sida burkiitada, neefta iyo cudurro kale.
Sigaarka iyo kansarka
Kansarka sambabada waa kansarka ugu badan ee sababa dhimashada kansarrada ee ragga iyo dumarka labadaba. Waana mid ka mid ah kuwa ugu adag in la daaweeyo.
Marka laga soo tago kansarka sambabada, sigaarka wuxuu kaloo gacan ka geysan karaa nuucyada kale ee kansarka.
Dadka sigaarka caba waxay sidoo kale saddex jeer u badan tahay inay qaadaan kansarka kaadi-haysta marka loo eego dadka aan sigaarka cabin.
Sigaarka ayaa sidoo kale laba jibaari kara halista kansarka oo uu ka mid yahay kansarka caloosha ku dhaca, waxaa uuna si gaar ah ula xariiraa kansarrada caloosha ee ku dhaca hunguriga agtiisa.
Sigaarka iyo maskaxda
Sigaarka wuxuu sare u qaadaa halista cudurka istaroogga in ka badan labo jibbaar. Cudurka istaroogga wuxuu dhaawac u geystaa maskaxda ka dibna wuxuu keeni karaa dhimasho.
Istaroogga waxa uu imaadaa marka darbiga xididada dhiigga ee maskaxda uu daciifo, taas oo keeni karta inuu dillaaco darbiga ka dibna uu imaado dhiig-bax dhanka maskaxda ah.
Sigaarka iyo wadnaha
Kiimikooyinka ku jira sigaarka waxay sare u qaadaan cudurrada wadnaha, waxay keeni karaan in dufan ama huuro ay ku ururto dhiigga kuna dhegto derbiyada halbowlayaasha, taasoo sababaysa inay halbowlayaasha ciriiri noqdaan, ka dibna uu yaraado socodka dhiigga.
Waxaa kaloo dhici kara in xinjir ay ku sameesmato dhiigga. Sigaarka wuxuu kaloo dhaawacaa xididada dhiigga, asagoo ka dhigaayo kuwo dhumuc weyn leh oo adag, taasna waxay sababaysaa inuu adkaado socodka dhiigga, sidoo kale waxaa taas ka dhala karo inay kordhaan cadaadiska dhiigga iyo garaaca wadnaha.
Daraasad ayaa muujinaysa xiriir toos ah oo ka dhexeeya sigaar-cabista iyo cudurrada wadnaha, xataa dadka horay sigaarka u cabi jiray waxay halistooda ka sareeysaa dadka aan weligood sigaarka cabin.
Kaarboon monoksaydh ka iyo nikotiinka ku jiro sigaarka waxay wadnaha ka dhigaan mid aad u shaqeeyo oo zaaid u garaacma. Taas macneheedu waxa waaye in qofka sigaarka caba ay culeys ku tahay inuu sameeyo jimicsi, jimicsi la’aantana waxay sii keeni kartaa halista cudurrada wadnaha.
Sigaarka iyo lafaha
Sigaarka wauxuu yareeyaa cufnaanta lafaha, taasoo ka dhigaysa lafaha inay noqdaan daciif iyo inay jilcaan. Sigaarka wuxuu sidoo kale waxyeellee karaa bogsashada lafaha marka ay jabaan, taas oo keenaysa in waqti dheer ee qofka ku qaadato inuu kasoo kabto jabka.
Ilaa iyo hadda cilmi-baarayaasha waa ay ku adag tahay inay sheegaan in saameynta lafaha ay si toos ah ula xiriirto sigaarka, ama inaysan toos ula xariirin oo ay jiraan wax yaabo kale oo halis ah oo ku badan dadka sigaarka caba, waxyaabahaas waxaa ka mid ah miisaanka jirka oo hooseeya iyo jimicsiga jirka oo yar.
Lafo jileeca ayaa ku badan dumarka in ka badan ragga, joojinta sigaarka, xitaa xilli dambe, waxay kaa caawin kartaa yareynta dhibaatooyinka lafaha ee uu sababo sigaarka.
Sigaarka iyo afka
Sigaarka wuxuu keeni karaaa:
- Neefta qofka oo is bedesha
- Ilkaha ooo wasakhooba
- Af ka oo qaleel noqda
- Dareenka dhadhanka oo yaraada
Sigaarka wuxuu sidoo kale waxyeelleeya unugyada ciridka. Daraasad ayaa lagu ogaaday in sigaarka uu kordhiyo halista cudurrada ciridka, waxaa kaloo intaas dheer in afka urkiisa uu is bedelo.
Sigaarka iyo taranka
Sigaarka waxuu kaloo saamayn karaa nidaamka taranka ee jirka. Dumarka sigaarka cabaa waa ay ku adkaan kartaa inay uur qaadaan.
Sidoo kale sigaarka wuxuu ragga u keeni karaa awood darro dhanka galmada ah asagoo dhaawacaaya xididada dhiigga ee xubinta taranka ee ragga. Wuxuu kaloo dhaawici karaa shahwada wuxuuna yarayn karaa tirada unugyada ay ka koobantahay shahwada.
Sida laga soo xigtay daraasadaha qaarkood, ragga sigaarka cabaa unugyada shahwadooda aad ayay uga hooseeyeen kuwa aan sigaarka cabin.
Sigaarka ayaa sidoo kale waxyeello u keeni kara ilmaha uur-ku-jirta ah haddii hooyada uurka leh ay cabto sigaar. Waxyeeladaas waxaa ka mid ah:
- Ilmaha oo dhicisnimo ku dhasha
- Ilmaha oo soo halaaba
- Ilmaha oo dhasha asagoo miisaankiisu hooseeyo
- Ilmaha oo ku dhasho cudurro
Sigaarka iyo maqaarka
Sigaarka wuxuu yareeyaa xaddiga oksijiinta ee gaari kara xididada iyo unugyada maqaarka, taas oo maqaarka u yeeli karta laalaabyo iyo haarooyin.
Sigaarka wuxuu sababi karaa:
- Laalaabka wejiga, gaar ahaan agagaarka dibnaha
- Daboolka indhaha oo dabca
- Midabka maqaarka oo is bedela
- Maqaarka oo noqda mid engegan ama qalalan
- Ciddiyaha iyo faraha oo is bedelo midakooda
Sigaarka uxuu kaloo daahiyaa waqtiga ay nabarada maqaarka ku bogsadaan, asaga oo sare u qaadaayo halista caabuqyada maqaarka.
Sigaarka wuxuu sidoo kale saamayn ku yeelan karaa timaha qofka, asagoo timaha ka dhigaaya qafiif taasoo sahlaysa inay daataan, wuxuu sidoo kale sigaarka keeni karaa in timaha iyo maqaarka ay u uraan sida tubaako oo kale.
Sidee la isaga joojin karaa sigaarka?
Markaa go’aansato inaad joojiso sigaarka, diyaar u noqo inaad dejiso jadwalka joojinta sigaarka. Dooro maalin aan aad u fogayn (si aanad u bedelin maskaxdaada), laakiin ku siinaysa wakhti kugu filan oo aad ku diyaargarowdo.
Waxaa jiro dhowr siyaabood oo lagu joojin karo sigaarka, laakiin ugu dambeyntii, waxaad u baahan tahay inaad go’aansato in aad:
- Hal mar joojisid, ama aa sii wadid sigaar cabista ilaa maalinta aad qorsheesay inaa joojinayso
- Si tartiib tartiib ah u joojisid ama u yareesid cabista sigaarka ilaa maalinta aad qorsheesay inaa joojinayso, ka dibna aa wada joojisid.
Cilmi baarisyo lagu kalsoon yahay ayaa is barbar dhigay joojinta deg degga ah iyo joojinta tartiib tartiibta ah ee sigaarka, waxaana lagu ogaaday in midkoodna aanu ka sarreynin kan kale, marka waa dooran kartaa habka adiga kugu habboon.
Raac tilaabooyinkaan si ay kuugu sahlanaato inaad joojiso sigaarka.
- U sheeg asxaabta, qoyska, iyo dadka aad wada shaqeysaan maalinta aad joojineyso.
- Tuur dhammaan sigaarka iyo baakadaha sigaarka
- Go’aanso haddii aad toos u joojinayso sigaarka ama aad isticmaalayso daaweynta maadada nikotiinta (NRT) ama daawooyin kale.
- Ku hayso jeebka ama guriga waxyaabaha afka laga qaato, sida nacnaca adag, xanjo aan sonkor lahayn, ama istakiin si aad isku hilmaamsiiso markuu ku qabto sigaarka
- Sameey jimcsi joogto ah, cab biyo kugu filan, badso miraha iyo khudaarta si caafimaadkaaga uu taam u noqdo.
- Qoro waxyaabaha aad is leedahay way kugu kicin karaan sigaark si aad isaga ilaaliso
- Ku fikir in lacag badan ay kaaga baxaysay sigaarka aad si kale uga faaiideesan karto
- Ka codso saaxiibadaa iyo xubnaha qoyska sigaarka caba in aysan sigaar ku cabin agagaarkaaga.