Dadka adduunka waa ay isku xiranyihiin oo adduunka hadda waxa uu noqday bo hal magaalo oo kale sababtana waa horumarka deg degga ah ee laga gaaray teknolojiyadda.
In kasta oo nuucyo ka mid ah teknolojiyadda ay saamayn iyo waxtar fiican u leeyihiin dadka, haddana waxaa jiro caddaymo muujinaayo dhibaatada teknolojiyadda iyo adeegsigeeda xad dhaafka ah ay ku leeyihiin dadka.
Baraha bulshada iyo taleefannada ayaa laga yaabaa inay saamayn ku yeeshaan maskaxda iyo jirka qofka, waxaana ka mid ah daalka indhaha iyo in qofka ay ku adkaato inuu diiradda saaro hawlaha muhiimka ah.
Waxa kale oo laga yaabaa inay gacan ka geystaan xaalado caafimaad oo aad u daran, sida niyad jabka.
Isticmaalka aadka u badan ee teknolojiyadda ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu saamayn aad u weyn ku yeesho koritaanka carruurta iyo dhallinyarada.
Maqaalkaan waxaan ku eegaynaa saamaynta teknolojiyadda ay ku leedahay maskaxda iyo jirka, iyo sidoo kale sida loo abuuro caadooyin fiican oo dhanka teknolojiyadda ah sii aad uga fogaato isticmaalkeeda xad dhaafka ah.
Saamaynta maskaxda
Isticmaalka xad dhaafka ah ama ku tiirsanaanta teknolojiyadda ayaa laga yaabaa in ay saamayn xun ku yeelato caafimaadka maskaxda, saamayntaas waxaa ka mid ah:
Cidlo
Teknolojiyadda, sida baraha bulshada, waxaa loogu talagalay inay dadka isu keento oo ay ku wada xiriiraan, haddana waxaa laga yaabaa inay mararka qaarkood leedahay saameyn caksi ah.
Daraasad lagu sameeyey dhalinyaro ay da’dooda u dhaxayso 19 – 32 sano jir ayaa lagu ogaaday in dadka isticmaala baraha bulshada ay mararka qaar dareemaan go’doon iyo cidlo in ka badan dadka aan isticmaalin baraha bulshada.
Maadaama dadka uula xariiro qofka ay ku jiraan internet-ka, oo aysan ula joogin si caadi ah, marka dadka uu la sheekeesan jiray ay ka maqan yihiin internet-ka ama aysan jirin qof uu kala sheekesto qadka waxa uu qofka dareemayaa cidlo.
Sidaa darteed, in qofka uu raadiyo xeelado uu isaga yareyn karo isticmaalka baraha bulshada sida inuu waqti xaddidan u dajiyo isticmaalka barnaamijyada baraha bulshada ayaa laga yaabaa inay ka caawiso yareynta dareenka cidlada.
Sababtoo ah haddii uu qofka sameeysto jadwal, waqti xaddidanna uu soo galo baraha bulshada, inta kalena uu ku mashquulo howlihiisa kale ee maalin laha ah, waxaa ka yaraaneyso baahida uu u qabo baraha bulshada iyo la sheekeysiga dadka.
Balse haddii qofka uusan lahayn jadwal, oo uu maanta dhan isaga jiro baraha bulshada asagoo la sheekeesanaayo dadka ama fiirsanaayo waxyaabaha lasoo galiyo, waxaa dhacdo in qofka marka uu heli waayo dad online ah oo la sheekeysto uu dareemo cidlo maadaama aysan jirin waxyaabo kale oo uu isku mashquuliyo.
Niyad jab iyo walwal
Khubarada caafimaadka waxay ogaadeen in uu jiro xiriir u dhaxeeyo baraha bulshada iyo xaaladaha ku imaada caafimaadka maskaxda, sida niyad jabka iyo walwalka. Baaritaannada ay sameeyeen khubarada ayaa waxay ku heleen natiijooyin isku dhafan.
Dadka baraha bulshada ku joogay si wanaagsan, iskana ilaali jiray inay noloshooda saamayn ku yeeshaan dadka iyo waxyaabaha kale ee ku jira baraha bulshada ayaa u muuqday in halistooda ku aaddan niyad jabka iyo walwalka ay aad u yarayd.
Dhanka kale, dadka baraha bulshada ku joogay si aan wanaagsanayn, kuwaaso isla barbardhigi jiray noloshooda iyo nolosha dadka kale ee ku jiro internetka ayaa heerarkooda niyad jabka iyo walwalka uu aad u badnaa.
Wax kasta oo ku jiro baraha bulshada ma aha wax run ah, dadka qaar ee ku jira baraha bulshada ayaa soo bandhiga nolol dhalanteed ah oo aan jirin si ay u helaan dareenka dadka kale.
Balse dadka qaar ayaa noloshaas u maleeya nolol run ah ayagoo isla barbardhiga noloshooda iyo noloshaas, ka dibna ay noloshooda u arkaan mid aan hormarsanayn, taasoo u keeneyso niyad jab aad u weyn.
Saamaynta jirka
Isticmaalka teknolojiyadda ayaa saamayn kara qaybo badan oo jirka ka mid ah:
Indhaha
Taleefannada casriga ah iyo kombiyuutarrada ayaa awood u leh inay haayaan qofka dareenkiisa muddo dheer asagoo qofka fiirinaynin meel kale, taas ayaana saamayn u keeni karto indhaha.
Astaamaha indhaha ee qofka soo wajihi karo waxaa ka mid ah; aragga oo xumaada ama qofka oo dareema in indhaha uu shucaac ka saaranyahay, iyo indho qallayl oo ah in illinta ay ku qallasho indhaha iftiinka badan ee qabanaayo dartiis.
Qof kasta oo si joogto ah ula kulma calaamadahaan waa inuu u tagaa dhakhtarka indhaha si loo baaro.
Waxaa kale oo uu qofka isku arki karaa indho xanuun badan, xanuunkaas ayaa sidoo kale keeni karo xanuuno kale oo dhanka madaxa, qoorta, ama garbaha ah.
Dhowr arrimood oo ay teknoolijyadda ku keeni karto arag xumada waxaa ka mid ah:
- Shaashadda oo waqti badan la fiiriyo
- Iftiinka shaashadda oo badan
- Dhalaalka shaashadda oo xad dhaaf ah
- Fiirinta shaashad aad kuugu dhow ama aad kaaga fog
Haddii qofka uu isticmaalaayo aaladaha shaashadda leh, waxaa lama huraan ah in uu bareeg yar yar ka qaato fiirinta shaashadda, maadaama fiirinta shaashadda muddo dheer oo aan kala go’ lahayn ay indhaha saameyn u geysan karto.
Qaab fadhiga iyo istaagga
Qaabka ay dadka badankood u isticmaalaan aaladaha mobilada iyo kombiyuutarada ayaa laga yaabaa inay yeelato saamayn weyn, ayadoo si tartiib tartiib ah u horseedi karto dhibaatooyin dhanka murqaha iyo lafaha ah.
Aaladaha la isticmaalo badan kood ayaa u baahan in qofka uu horay isku soo qalloociyo hoosna uu u fiiriyo shaashasda, taasoo cadaadis badan saari karto qoorta iyo lafdhabarta.
Daraasad ayaa lagu ogaaday in isticmaalka taleefannada siiba marka qofka uu wax ku qoraayo ay xiriir la leedahay xanuunada ku imaada qoorta ama dhabarka, natiijooyinka daraasadda waxay muujiyeen in dadka ugu badan ay ahaayeen dhalinyarada soo qaangaareyso.
Waxaa muhiim ah qofka in uu iska saxo qaab fadhigiisa marka uu teknoolojiyadda isticmaalaayo, halkaan ka fiiri qaababka saxda ah ee loo istaago ama loo fadhiisto marka la isticmaalaayo teknoolojiyadda.
Haddii qofka uu isku arko inuu hal qaab u fadhiyo saacado badan, sida marka uu isticmaalaayo kombiyuutar, waxaa lama huraan ah in uu istaago uuna iskala bixiyo si culeyska uu uga yaraado jirka.
Intaa waxaa dheer, dadka xafiisyada ka shaqeeyo waa dadka ugu badan ee saacado badan u fadhiya hal qaab, waana dadka ugu halista badan in ay la kulmaan xanuunada dhabarka iyo qoorta.
Haddii aad xafiis ka shaqeeysid, waa lama huraan in cabbaar marki la joogaba aad kacdid, ama aad banaanka wax kasoo qabsatid, amaba aad ku soc socotid xafiiska dhaxdiisa.
Hurdada
Isticmaalka teknolojiyadda marka uu dhowyahay wakhtiga jiifka ayaa sababi kara hurdo la’aan, taasna waxay ku imaataa in iftiinka buluugga ah ee kasoo baxa shaashadaha sida iftiinka taleefannada gacanta, iyo kombiyuutarrada ay kiciyaan maskaxda, ka dibna qofka ay hurdada ka tagto.
Daraasad ayaa lagu ogaaday in iftiinka shaashadaha taleefannada iyo kombiyuutarada uu carqaladayn karo hab dhiska dabiiciga ah ee jirka, carqaladayntaan ayaa keeni karto hurdo la’aan, iyo in qofka dareenkiisa uu kusii jeedo shaashadda.
Si looga fogaado saameynta iftiinkaan uu ku yeelan karo maskaxda, waa in qofka uu iska damiyaa ama uu meel iska dhigaa taleefanka ama kombiyuutarka marka la gaaro xilliga uu seexa rabo.
Waxyaabaha kaa saacidi kara in aad huruddo marka aad iska dhig to taleefanka waxaa ka mid ah; inaad aqrisato adkaar ama buug, inaad iskala bixiso, ama aad qubeysato.
Dhaq dhaqaaqa jirka
Inta badan teknoolojiyadda dhijitaalka ah ee maalin walbo la isticmaalo ayaa dadka ka dhigto fadhiid, maadaama qofka uu muddo dheer ku bixiyo fadhi ama jiif isticmaalkeeda.
Saamaynta hab-nololeedkaas fadhiidka ah waxaa ka mid ah:
- Cayilka
- Cudurrada wadnaha
- Sokorowga nuuciisa 2-aad
Inaad hesho siyaabo aad uga nasato teknoolojiyadda ayaa laga yaabaa inay gacan ka geysato kor u qaadidda hab nololeed firfircoon.
Halkaan ka aqri saamaynta qofka uu ku leeyahay hab-nololeedka fadhiid ka ah.
Carruurta iyo teknolojiyadda
Maskaxda carruurta ma aha sida tan dadka waaweyn, maskaxda caruurta waxaa wali ku socdo kobac waxaana laga yaabaa inay aad ugu nugushahay saamaynta teknoolojiyadda iyo isticmaalkeeda xad dhaafka ah.
Daraasado kala duwan ayaa lagu ogaaday saamaynta uu isticmaalka teknoolojiyadda ku leeyahay carruurta. Carruurta sida xad dhaafka ah u adeegsata teknoolojiyadda waxay u badan tahay inay la kulmaan arrimo ay ka mid yihiin:
- Heerka waxbarashada oo hoos u dhoco
- Cunugga oo aan diiradda saari karin waxbarashada
- Hal abuurka cunugga oo yaraado
- Dib u dhac ku imaada barashada luqadda
- Dhaq dhaqaaq la’aanta jirka taasoo sababi karto cayil
- Tayada hurdada oo liidata
- Dabeecado qallafsan
- Qabatinka teknolojiyadda
Daraasad kale ayaa lagu ogaaday in teknolojiyadda ay si xun u saameyso caafimaadka guud ee carruurta iyo dhallinyarada da ‘walba leh.
Cilmi-baarayaasha waxay xuseen muhiimadda ay leedahay in waalidiinta ay xakameeyaan wakhtiga caruurta ay ku bixiyaan isticmaalka teknolojiyadda.