Close Menu
  • C. guud
    • Kansar
    • Neefta
    • Wadnaha
  • C. Bulshada
    • Talooyin
  • Warbixinno
    • Teknoloji
  • Covid-19
HealthterHealthter
  • C. guud
    1. Kansar
    2. Neefta
    3. Wadnaha
    maqaalki u dambeeyey

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Maqaalada kale

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Cilaajyada: Xarumaha Gaarka Loo Lee Yahay Ee Daryeelka Bukaannada Dhimirka

    Dayaca iyo Silsiladaynta: Dhibaatooyinka Bukaannada Xanuunnada Dhimirka

  • C. Bulshada
    1. Talooyin
    2. Fur kulli

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

    Jimicsiga: nuucyadiisa iyo faaiidooyin ka uu u leeyahay caafimaadka qofka

    Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

    Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

  • Warbixinno
    1. Teknoloji
    2. Fur kulli

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

    Teknolojiyadda: dhibaato nuucee ayay u leedahay maskaxda iyo jirka ?

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Xiriirka waalidka iyo ilmaha – waa maxay sababta uu muhiim u yahay?

    Maraxaladaha cudurrada ayay ku xirantahay tilaabada dhaqtarka uu qaadaayo

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

  • Covid-19

    Omicron: nuuca cusub ee coronavirus, muxuu uga duwanyahay nuucyada kale?

    COVID-19: calaamadihiisa, sida uu ku faafi karo iyo ka hortaggiisa

    Tallaalka COVID-19: nuucyadooda iyo sida ay uga hortagaan fayraska

    Calaamadaha COVID-19: kuwa ugu badan iyo mudada ay haayaan qofka

    Neefsashada adag ee COVID-19: sida ay ku imaato iyo waxyaabaha keeno

HealthterHealthter
Home»C. Guud»Caruurta»Timo daadashada caruurta: waxyaabaha keena iyo sida looga hortagi karo

Timo daadashada caruurta: waxyaabaha keena iyo sida looga hortagi karo

Mohamed Mustaf AhmedMohamed Mustaf AhmedApril 28, 2025
Share
Copy Link WhatsApp Telegram Facebook Twitter LinkedIn Pinterest
  • Maxaa keeno timo daadashada caruurta? 
  • Cambaarta madaxa
  • Difaaca jirka
  • Jiid jiidka iyo maroojiska timaha
  • Cadaadiska basada
  • Dhaawaca basada
  • Goormee ayaa dhakhtar la geeyaa ilmaha?

Dad badan oo qaangaar ah ayaa caadi ahaan laga yaabaa inay timaha kasii yaraadaan markay sii weynaadaan, laakiin timo daadashada ama timo beelka carruurta ma aha wax caadi ah waxayna sababi kartaa walaac aad u badan, gaar ahaan marka ay caruurta arkaan in timahooda ay sii yaraanayaan. 

Waxyaabaha caruurta u keeni karo timo beelka waxaa ka mid ah caabuqyada bakteeriyada ama fangaska, walbahaarka, iyo jiid jiidka timaha.

Si kastaba ha ahaatee, sababta ugu badan ee keenta timo beelka carruurta ayaa ah cambaaraha madaxa ku dhaca oo uu keeno caabuqa fangaska, waana caabuq la daaweyn karo. 

Dhakhaatiirta waa ay daaweyn karaan waxyaabaha ugu badan ee timaha ka lumiya caruurta, badanaana timaha way soo noqo karaan haddii si fiican loo daaweeyo waxa keenaayo timo beelka.

Maqaalkaan waxaan ku eegeynaa sababaha suurtagalka ah ee keena in timaha ay ka daataan caruurta, astaamaha kale ee lagu arko caruurta, iyo sida loo daaweeyo xaaladahaan. 

Maxaa keeno timo daadashada caruurta? 

Sababaha suurtogalka ah ee timaha uga daataan caruurta waxaa ka mid ah: 

Cambaarta madaxa

Cambaarta madaxa waa caabuq uu sababo fangas, kaasoo ku dhaca maqaarka, waxaa cunugga madaxiisa lagu arkayaa finan guduudan oo sida faraantiga oo kale u wareegsan. 

Baro gud guduudan oo cuncun leh ayaa laga yaabaa inay ka soo baxaan madaxa. Waalidka  ayaa laga yaabaa inuu arko in cunugga uu si xad dhaaf ah u xoqoaayo madaxiisa. 

Xoqitaanka badan ee nabarka iyo dhaawaca nabarka uu u geesanaayo madaxa ayaa si tartiib ah u sababi kara in timuhu daataan. 

Carruurta qaarkood ayaa waliba timaha jiid jiido si ay isugu dayaan inay yareeyaan cuncunka badan ay dareemaayaan. 

Timo daadashada ayaa badanaa ku dhacdo hal ama laba meelood oo madaxa ka mida, oo ay ugu badan tahay meelaha cuncunka badan ka jiro ee ku hareereesan nabarka.

Difaaca jirka

Mararka qaar habdhiska difaaca jirka ayaa weeraro unugyada ay kasoo baxaan timaha, waxay marmarka qaar sababi kartaa bidaar guud ama in timaha ay khafiif noqdaan. Carruurta qaarkood waxaa kaloo ka daato timaha sunniyaha iyo baalasha indhaha. 

Caruur badan oo qaba xaaladdaan waxay madaxa ka dareemaan olol marka ay timuha daadanaayaan. 

Ma jirto daawo loo isticmaalo timo daadashada uu keeno nidaamka difaaca jirka, laakiin daawooyinka qaar ayaa laga yaabaa inay caawiyaan joojinta jirka inuu weeraro timaha. 

Jiid jiidka iyo maroojiska timaha

Carruurta timaha jiid jiida ama qalloociya ayaa laga yaabaa inay dhibaato u geystaan unugyada timaha ay kasoo baxaan, taasoo keenta inay timuhu daataan. 

Carruurta qaarkood waxay timaha u jiidaan walaac awgiis, waxayna mararka qaar noqon kartaa xaalad la xiriirta maskaxda, cunuggana uusan iska celi karin jiid jiidka timaha xataa haddii uu isku dayo.

Marka cunugga uu joojiyo jiidista ama maroojinta timaha, dib ayay usoo baxaayaan timaha, timo jiidista waa nuuc ka mid ah walwalka, sidaa darteed waa lama huraan in marka hore la maareeyo waxa ilmaha u keenaayo walbahaarka ama walwalka.

Cadaadiska basada

Xirashada waxyaabaha cadaadiska iyo ciriiriga galiya basada ama madaxa sida koofiyadaha cariiriga ah, taakooyinka dhuujisan, amd tidcinta timaha ee adag, ayaa laga yaabaa inay timaha saaraan cadaadis keenaayo in timaha ay soo ruqaan.

Ka dibna waxaa madaxa lagu arki karaa meelo banaan oo ay timaha ku yaryihiin, timo daadashadana waxay ku badan tahay meelaha uu cadaadiska ugu badan ka jiro.

Dhaawaca basada

Dhaawacyada ku imaada basada sida gubashada ama daqarrada ayaa dhaawici kara timaha, taasoo keeni karta in timaha ay ka daataan meesha dhaawaca ah, meelaha guban ee madaxa ka mid ah ayaa laga yaabaa inay waligood kasoo bixin timo.

Dhaawacyada kale ee soo gaara madaxa ayaa u baahan daaweyn deg deg ah sababtoo ah dhaawacyada madaxa oo aan la daaweyn waxay dhaawici karaan dhismayaasha unugyada hoose ee timaha waxayna xitaa sababi kartaa timo beel joogto ah.

Goormee ayaa dhakhtar la geeyaa ilmaha?

Timo daadashada waa dhibaato caafimaad, sidaa darteed waa muhiim inaad geeso dhakhtar cunuggaaga marka aad aragtid in cunugga timihiisa ay sii baaba’aayaan.

Qaar ka mid ah waalidiinta ayaa argagaxa marka ay arkaan timo badan oo ku jira shanlooyinka ama burushka timaha ay ilmaha ugu shanleeyaan ama ay ku shanleestaan. 

Laakiin sida caadiga ah carruurta timohooda ayaa laga yaabaa inay aad u jilcanyihiin oo haddii loo shanleenaayo cunugga ay timihiisa iska soo raacaan shanlada.

U geey dhakhtar cunuggaaga haddii:

  • Cunugga uu madaxa ka dareemaayo cuncun ama xanuun .
  • Timaha sunniyaha iyo baalasha indhaha ay daataan
  • Ay jiraan meelo madaxa ka mid ah oo aan timo dhan lahayn
  • Timaha cunugga oo aad usii baaba’aayo
  • Cunugga oo dhaawac kasoo gaaro madaxa

Ugu dambeyntii, tima daadashada aad ayay ugu badan tahay ilmaha, mana aha wax ku cusub carruurta dhexdooda. Arrimo badan ayaana sababi kara timo daadashada, oo ay ku jiraan caabuqyo, iyo walaac, badankoodna waa la daaweyn karaa.

Maqaalka HoreCaafimaadka maskaxda: maxay yihiin waxyaabaha saameeynta ku leh?
Maqaalka Xiga Marasmus: nafaqo darrada caruurta ay keento macluusha aadka u daran

Maqaallo Kale

Jadeecada: calaamadaheeda, waxyaabaha keeno iyo sida looga hortagi karo

Kwashiorkor: nafaqo darrada caruurta ee ka imaata borotiin la’aanta

Goonjabka caruurta: calaamadhihiisa, waxyaabaha keena iyo daaweyntiisa

Maqaallo Cusub

Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

Ka mid noqo boggeena

Email ahaan u hel maqaal kasta oo cusub oo aan soo galino.

Healthter

Healthter is a non-profit initiative committed to providing the latest and most reliable health information in the Somali language, tailored specifically for Somali communities.

This initiative was brought to life by Mohamed Mustaf Ahmed, who identified a significant gap in the availability of a health platform that offers reliable and current health information in Somali. Healthter enables Somali individuals, particularly those who may not be fluent in English, to access essential health information in their native language.

Mohamed, a medical doctor, data scientist, and researcher, is the sole manager, financier, and contributor to Healthter. His passion to improve global health, with a special emphasis on Somalia, is the driving force behind this platform.

For personalized information and advice, don't hesitate to get in touch:

Email: momustafahmed@outlook.com

Alternatively, you can connect with me via the provided Linkedin link below:

LinkedIn
Credits & References
  1. Healthline Media
  2. PubMed
  3. WHO (World Health Organization)
  4. CDC (Center for Disease Control)
  5. NIH (National Institutes of Health)
  6. MayoClinic
  7. WebMD
Maqaallo Cusub
Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka
Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha
HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta
Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida
© 2025 (Healthter Media)

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.