Uurka waxa uu dhacaa marka shahwada ragga ay bacrimiso ukunta laga soo daayo ugxan-sideyaasha haweenka. Ukunta waxaa lagu bacrimiyaa tubada u dhaxayso ilmo-galeenka iyo ugxan-sideyaasha, ka dib ayay usoo gudubtaa ilmo-galeenka si ay ugu beeranto meeshaas.
Celcelis ahaan, mudada buuxdo ee uu uurka socdo waa 40 isbuuc ama 9 bilood, waxaana jiro arrimo badan oo saamayn kara uurka.
Dumarka ogaada inay uur leeyihiin xilli hore ayaa daryeelka isku bilaabi kara xilli hore si uurkooda uu u noqdo mid caafimaad qaba oo ay u dhalaan ilmo caafimaad qaba.
In laga warqabo waxa la filanaayo mudada uu uurka jiro waxay muhiim u tahay la socodka caafimaadka hooyada iyo ilmaha uurka ku jiro.
Maqaalkaan wuxuu ka hadlayaa waxyaabaha la filanaayo mudada uu socdo uurka laga bilaabo maalinta 1- aad ilaa laga gaaraayo dhalmada, waxyaabahaas waxaa ka mid ah astaamaha caadiga ah ee uurka, dhibaatooyinka imaan kara, iyo sidoo kale baaritaannada caafimaadka.
Astaamaha hore ee uurka
Mid ka mid ah calaamadaha ugu horreeya ee uurka waa in qofka uu waayo wareegga caadada.
Marka laga soo tago caadada oo la waayo, calaamadaha uurka ee imaan karo isbuucyada ugu horreeyo waxaa ka mid ah:
- Lalabbo uu matag lasocdo ama uusan la socon
- Daal
- Dawakhaad
- Tabar darro
- Naasaha oo damqado
- Kaadi badan oo ay ugu wacan tahay is bedellada hoormoonada iyo shaqada kilyaha oo badata
- Dhiig bax khafiif ah oo imaada marka ukunta ay ku beermeyso ilmo-galeenka
Dhammaan dadka uurka leh iskuma arkaan calaamado isku mid ah qaarkoodna ma dareemaan wax calaamado ah haba yaraatee.
Xaqiijinta uurka
Si loo xaqiijiyo uurka:
- Qofka waxa uu u tagi karaa dhakhtar si loogu sameeyo baaritaan jirka ah lagana qaado dhiiggag lagu baaraayo uurka
- Ama wuxuu iska baari karaa uurka asagoo guriga jooga
Marka la baaraayo uurka waxaa la fiiriyaa hormoonka loo yaqaano hCG oo ah hormoon jirka laga soo saaro kaliya marka uu jiro uur, waxaana laga baaraa dhiigga ama kaadida.
Heerarka hormoonkaan ayaa hooseeyo marka uu uurka bilaaw yahay balse si tartiib tartiib ah ayuu u bataa, haddii baaritaanka uurka uu noqdo boosatif (positive) oo ah in uu jiro uur, waxaa muhiim ah in baaritaan kombiyuutar ama iskaan (scan) ah la sameeyo.
Iskaanka ayaa xaqiijin kara:
- In uurka uu ku beermay meeshi loogu tala galay
- Da’da uurka ama cunugga
- Meeqa cunug aya ku jirto minka
Marxaladaha uurka
Marxaladaha uu maro uurka waxaa loo qaybiyaa saddex qaybood:
- Saddexda bilood ee ugu horeysa (isbuucyada 1 – 13)
- Saddexda bilood ee ku xigta (isbuucyada 13 – 28)
- Saddexda bilood ee u dambeysa (Isbuucyada 29 – 40)
Saddexda bilood ee hore
Waxyaabaha hooyada ku imaan kara inta lagu guda jiro saddexdaan bil waxaa ka mid ah:
- Daal
- Naasaha oo damqada ama barara
- Is bedello dhanka niyadda ah
- Rabitaanka cuntooyin gaar ah
- Madax xanuun
- Dheefshiid la’aanta cuntada
- Kaadi badan
- Miisaanka oo is beddela
- Calool istaag
- Lalabbo uu mararka qaar la socdo matag
Lalabbada iyo matagga waxay socon karaan inta lagu guda jiro saddexda bilood ee ugu horeyso, mararka qaarna way sii jiri karaan ilaa bilooyinka dambe ee uurka.
Saddexda bilood ee dhexe
Saddexda bilood ee dhexe waxay bilaabataa isbuuca 14 aad ee uurka waxayna ku egtahay isbuuca 27 -aad.
Waxyaabaha hooyada ku imaan kara inta lagu guda jiro saddexdaan bil waxaa ka mid ah:
- Caloosha oo fiddo marba marka kasii dambayso
- Calaamado jeex jeex oo kale ah ayaa laga yaabaa inay ka muuqdaan caloosha, bowdyaha, naasaha, iyo barida.
- Ibta naaska oo madoobaata
- Maqaarka wajiga oo mad madow yeesha
- Barar dhanka anqawyada iyo faraha
Waxaa kaloo suurtogal muddadaan gudaheeda in hooyada ay dareento dhaq dhaqaaqa uur ku jirka.
Saddexda bilood ee dambe
Saddexda bilood ee dambe waxay bilaabataa isbuuca 28 aad ee uurka waxayna ku egtahay isbuuca 40 -aad.
Waxyaabaha hooyada ku imaan kara inta lagu guda jiro saddexdaan bil waxaa ka mid ah:
- Xanuunka laabjeexa
- Neef yari
- Barar dhanka wajiga, anqawyada iyo faraha
- Hurdo la’aan
- Is bedello dhanka niyadda ah
- Naaska oo ay caano kasoo tifqaan
- Kaadi badan
- Maroojisyo
- Foosha
Sidoo kale waxaa caadi ah in hooyada ay dareento walwal ku aaddan dhalmada iyo waalidnimada marka uu uurka sii dhamaanaayo.
Daryeelka iyo baaritaannada dhalmada ka hor
Inta ay hooyada uurka leedahay, waxaa muhiim ah inay si joogto ah u booqato dhakhtar sii uu ugu sameeyo baaritaanno joogto ah si loo hubiyo in ilmaha uu caafimaad qabo.
Booqashada ugu horreeyso
Waxaa muhiim ah in hooyada ay booqato dhakhtar marki la gaaro isbuuca 8-aad ee uurka, dhakhtarka ayaa sameeyo baaritaan asagoo isticmaalaayo iskaan ka kombiyuutarka si uu u fiiriyo uur-ku-jirka.
Dhakhtarka wuxuu kaloo hooyada ka qaadi doonaa dhammaan macluumaadka ku saabsan caafimaadkeeda oo faahfaahsan, wuxuuna samayn doonaa baaritaanno badan.
Baaritaannadaas waxaa ka mid ah cabbiridda cadaadiska dhiigga iyo baarista kaadida si loo ogaado inay jiraan caabuq ama waxyaabo kale.
Baaritaannada waxaa kaloo ka mid ah in hooyada laga baaro dhiigga sii loo ogaado nuuca dhiggeeda u yahay, lagana fiiriyo inay qabto cudurro ay ka mid yihiin HIV iyo cagaarshow.
Hooyada ayaa sidoo kale dhakhtarka weydiin karto su’aalo ku saabsan uurka iyo xaaladdeeda, waxay kaloo dhakhtarka ka qaadan kartaa talooyin ku aaddan cuntooyinka ku habboon inta ay uurka leedahay.
Booqashooyinka kale
Booqashada koowaad ka dib, hooyada uurka leh waxaa ku filan inay u booqato dhakhtarka si bille ah inta laga gaaraayo isbuuca 28-aad ee uurka.
Intaas ka dibna, waa in hooyada labadii isbuucba mar ay booqataa dhakhtarka inta laga gaaraayo isbuuca 36-aad ee uurka, wixii ka dambeeyo isbuuca 36-aad, booqashooyinka waxay noqonayaan isbuucle. Hooyooyinka uu uurkooda halis badan yahay ayaa laga yaabaa inay u baahdaan inay marar badan booqdaan dhakhtarka.
Booqashooyinka dambe, dhakhtarka wuxuu:
- Hubiyaa cadaadiska dhiigga ee hooyada
- Cabbiraa miisaanka hooyada
- Baaraa heerarka sokorta dhiigga
- Cabbiraa baaxadda caloosha si uu u hubiyo sida uu uur-ku-jirka u korooyo
- Hubiyaa qaabka uu ilmaha u jiifo marka dhalmada soo dhawaato
- Baaritaanno ku sameeyaa dhiigga ama kaadida
- Saaraa hooyada iskaan ama kombiyuutar
Waxyaabaha laga taxaddaro
Inta hooyada ay uurka leedahay, dhakhaatiirta waxay kula talin doonaan inay ka digtoonaato ama ka fogaato dhowr waxyaabood oo ay ka mid yihiin:
- Maandooriyaasha: waxyaabaha maanka dooriya sida sigaarka ama jaadka ayaa keeni kara in ilmaha uu ku dhasho dhicisnimo ama uu soo hallaabo, waxay kaloo sababi karaan in cunugga ay ku dhacaan cudurrada lagu dhasho.
- Daawooyinka qaar: daawooyinka qaar ayaa dhibaato u keeni kara uur-ku-jirka iyo hooyadaba, waana inay hooyada dhakhtar kala tashataa daawo kasta ay isticmaalayso.
- Kulaylka xad dhaaf ka ah: kulaylka wuxuu kordhiyaa halista cilladaha soo wajaha uur-ku-jirka, sidaa darteed hooyada uurka leh waa inay mar walba isku daydaa inay joogto meel hoos leh oo aan kuleyl badan lahayn.
Waxaa kaloo muhiim ah in hooyada ay si deg deg ah isaga dajiso qandhada lacalla haddii ay qabato qandho.
- Cuntooyinka qaar: cuntooyinka qaar oo ay ka mid yihiin nuucyo ka mid eh malaayga, caanaha aan la kar karin, iyo khudaarta sida cananaaska, babaayga iyo canabka, ayaa ay khubarada caafimaadka sheegaan inay saameen ku leeyihiin uur-ku-jirka.
- Kafeeyga: waxaa lagu taliyaa in hooyooyinka uurka leh ay iska dhaafaan ama ay iska yareeyaan kafeeyga.
Xaaladaha la xiriiro uurka
Marka laga soo tago astaamaha caadiga ah ee uurka, dadka uurka leh waxaa laga yaabaa inay la kulmaan xaalado dheeraad ah oo laga yaabo inay u baahanyihiin daryeel caafimaad, xaaladahaan waxaa ka mid ah:
Dhiig kar
Waxaa jiro nuuc dhiig karka ka mid ah oo ku dhaca hooyooyinka inta ay uurka leeyihiin, kana baabo’o marka ay dhalaan, hooyooyinkaan waxay u baahan doonaan in lala socdo cadaadiska dhiiggooda, haddii uu sarreeyo cadaadiskana laga xakameeyo ayagoo la siinaayo daawooyinka looga hortago dhiig karka.
Haddii aan la daaweynin dhiig karka, hooyada ayaa laga yaabaa inay halis ugu jirto cudur la xariira dhiig karka uurka, cudurkaan ayaana loo yaqaanaa birri-eklaamsiya (preeclampsia).
Haddii uu cudurkaan imaado, waxaa laga yaabaa in cadaadiska dhiigga ee kordhay uu saameeyn ku yeesho dhiigga uur-ku-jirka.
Haddii dhakhaatiirta ay ku daaweyn waayaan sida ugu dhakhsiyaha badan, hooyada waxaa ku dhici karo dhibaatooyin kale oo xaaladdaan la xariira oo ay ka mid yihiin suuxdin iyo miyir beel.
Sokorow
Waxaa sidoo kale jiro nuuc sokorowga ka mid ah oo ku dhoco hooyooyinka uurka leh, xaaladdaan ayaa sidoo kale badanaa baa’ba’da marka ay hooyada dhasho ka dib, balse waxaa kaloo macquul ah in ay sii jirto dhalmada ka dib.
Haddii aan la xakameynin xaaladdaan waxay horseedi kartaa ama ay sababi kartaa dhiig kar hor leh, ka dibna waxaa imaanaayo dhibaatooyinka aan kor kusoo sheegnay.
Caabuqyo
Haddii hooyada uu ku dhoco caabuq inta ay uurka leedahay, waxaa laga yaabaa inay halis ku imaato uur-ku-jirka, waxaana dhici karta inuu ku dhasho dhicisnimo ama ay ku dhacaan cudurrada lagu dhasho.
Mandheerta
Waxaa jirto xaalad la xariirto mandheerta oo ah in mandheerta ay daboosho afka ilmo-galeenka, kaas oo ah marinka uu ilmaha ka baxaayo marka uu dhalanaayo, xaaladdaan waxaa loo yaqaanaa (placenta previa).
Xaaladdaan ayaa laga yaaba in iskeed ay isaga baxdo, balse haddii ay bixi weyso waxaa qasab noqoneyso in hooyada ay ku dhasho qaab qalliin ah.