Waa maxay wadna istaagga?
Wadna istaagga waa xaalad culus oo soo wajahda wadnaha. Ereyga istaag macnihiisu waa in ay joogsato shaqada wadnaha oo ah inuu garaacmo jirkana uu gaarsiiyo dhiig. Waxaa sidoo kale xaaladdaan loo yaqaanaa dhimashada lama filaanka ee deg degga ku dhacda.
Garaaca wadnahaaga waxaa xakameeyo farriimo koronteed u gaar ah. wadna istaaggana wuxuu dhacaa marka cillad koronto ay keento wadnaha inuu joojiyo garaaca. Waxay ka hortagtaa socodka dhiigga, waana xaalad halis ah haddii aan loo helin la tacaalid deg deg ah.
Maxaa dhaca xilliga wadna istaagga?
Wadnuhu wuxuu helaa farriimo koronto oo xakameeya inta jeer ee uu bamgareenaayo iyo hannaanka uu u garaacmaayo. Markasta uu wadnuhu garaacmo waxa uu dhiig gaarsiyaa xubnaha iyo unugyada kale ee jirka asagoo isticmaalaya shabakad isku xiran oo xididdo ah.
Carqaladeyn ku imaata hannaanka ay ku socoto korantada ayaa sababta garaac aan caadi ahayn, oo loo yaqaano arrhythmias. Waxaa jira nuucyo badan oo arrhythmia ah, qaarkood ma keenaan wax calaamado ah, halka kuwo kalena ay yihiin halis waxayna sababi karaan wadna istaag.
Wadna istaaggaas waxa uu sababayaa in si lama filaan ah uu wadnaha u joojiyo garaaca, taas oo ka hortageysa in dhiigga uu ku wareego jirka.
Xaaladdaan way ka duwan tahay xaaladda kale ee wadno-qabadka loo yaqaano, oo dhacda marka marinka xididada dhiigga ee wadnaha uu yaraado kadibna dhiigga uu soo gaari waayo unugyada wadnaha ee sameeya garaaca.
Calaamadaha wadna istaagga
Calaamadda ugu horreysa ee wadna istaagga waa miyir beelid,.Qofka uu ku dhoco wadna istaagga ma leh wadna garaac la dareemi karo, dhaqdhaqaaqna malaha xididada jirkiisa.
Kahor inta uusan qofka miyir beelin, astaamaha kale ee qofka isku arki karo waxaa ka mid ah:
- Dawakhaad ama wareer
- Wadna garaac zaaid ah
- Xabad xanuun
- Neef qabasho
- Lalabbo uu matag la socdo ama uusan la socon
Si ka duwan wadno qabadka, wadna istaagga badanaa wuxuu u dhacaa si lama filaan ah oo digniin la’aan ah. In kasta oo labada xaaladood ay kala duwan yihiin, dadka uu ku dhoco wadna qabadka hal mar ama in ka badan waxay halis ugu jiraan xaaladda wadna istaagga lama filaan ka ah.
Maxaa keena wadna istaagga?
Inta badan wadna istaagga waxaa keena cillad ka imaata wadnaha, oo ah carqaladayn ku dhacda hannaanka korontada ee wadnaha.
Xaalado kale oo caafimaad ayaa sidoo kale kordhiya halista cilladaha ku dhaca wadnaha ee sababi karta wadna istaagga. Xaaaladahaas waxaa ka mid ah:
- Cudurrada wadnaha sida marka ay dufan ku soo urururto xididada dhiigga ee wadnaha, ayadoo xaddidaysa in dhiigga gaaro unugyada wadnaha.
- Isku dheelli tir la’naanta maadooyinka potassium ama magnesium
- Dhiig bax daran ama ogsijiin la’aan
- Jimicsi xoog leh, oo kicin kara wadna istaagga, gaar ahaan dadka qaba xaalado kale ee wadnaha la xiriira
- Isticmaalka dawooyinka qaar
Waxyaabaha kale ee sare u qaada halista uu qofka ugu jiro wadna istaagga waxaa ka mid ah da’da weyn, lab ahaanshaha, iyo isticmaalka badan ee mukhaadaraadka.
Maxaa la sameeyaa haddii qof uu ku dhoco wadna istaag?
La tacaalidda daqiiqadaha ugu horreeya ee wadna istaagga ayaa badbaadin kara nolosha qofka. Waa muhiim in si dhaqso ah wax looga qabto.
Haddii qof uu muujiyo calaamadaha wadna istaagga:
- La xiriir gar gaarka deg degga oo war gali.
- Haddii ay suurogal tahay, weydii qof ag jooga inu yaqaanno sida loo sameeyo gargaarka deg degga
- U sameey qofka CPR ka gacanta. CPR waa in aad saartid labadaada gacmood bartamaha laabta qofka aadna hoos ugu riixdid 100-120 jeer daqiiqadiiba
- Sii wad CPR ka illaa uu gar gaarka deg degga ah kaaga imaanaayo
CPR waxay ka caawinee qofka in dhiigga iyo ogsijiinta ay sii gaaraan xubnaha kale ee jirka iyo maskaxda inta gargaarka deg dega uu ka imaanayo ka dibna la isticmaalaayo qalabka casriga ah ee loo isticmaalo wadna istaagga.
Waxaa jiro qalab casriya oo ka mida adeegyada gargaarka deg degga ah ee ambalaasta, qalabkaan waxaa loo yaqaanaa ‘AED’, qalabkaan wuxuu wadnaha ku sii daayaa shoog koronto ah oo xakamaysan.
Waxay sii daayaan shooggaan kaliya marka uu jiro wadna garaac aan ahayn kii caadiga ahaa. Sidaa darteed way ku habboon yihiin in qof kasta uu u isticmaalo, waliba tababar la’aan haddi ay tahay xaaladda mid deg deg ah.
AED ayaa badanaa laga heli karaa goobaha caafimaadka. In la isticmaalo sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah waxay sare u qaadaysaa fursadda badbaadada ee qofka noloshiisa.
Sidee lagu daaweeyaa wadna istaagga?
Kadib qofka markuu helo gargaar ama daaweyn deg deg ah, wuxuu u baahanyahay daaweyn Isbitaal.
Isbitaalka gudihiisa, dhakhaatiirtu waxay si dhaw ula socdaan astaamo kasta waxayna u isticmaali karaan daawooyin si ay u yareeyaan halista wadna istaag kale. Kadib waxay sameeyaan baaritaanno si loo ogaado sababaha uu wadnaha u istaagay.
Natiijooyinka baaritaanka waxay ka caawiyaan dhakhaatiirta inay soo saaraan qorshe daaweyn muddo dheer ah.
Tusaale ahaan, qofka qaba cudurrada wadnaha wuxuu u baahan karaa qalliin si loogu soo celiyo socodka dhiigga ee wadnaha. Dhakhaatiirtu waxay sidoo kale kula talin karaan in qofka jirkiisa lagu talaalo aalad yar oo wadnaha siisa hannaan koronto oo xakamaysan.
Qalabkaan waxaa loo yaqaanaa ‘ICD’ waa aalado yaryar oo sameeya shoogyada korantada wadnaha si loo xakameeyo xaaladaha arrhythmiyada oo ah in wadnaha u garaacmo si aan xakamaysneen.
Qalabkaan ayaa kaa caawinaaya in wadnaha uu u garaacmo heer caadi ah. Dhakhtar ku takhasusay wadnaha ayaa qalabkaan ku talaalla ama galiya maqaarka hoostiisa xabadka kore ee ka hooseeya kalxanta.
Inta uu qofka ku jiro isbitaalka wuxuu u baahan yahay inuu nasto si uu ugu oggolaado jirkiisa inuu soo kabsado.
Dhakhaatiirtu waxay kula talin karaan qofka inuu qaato cunto caafimaad leh iyo in is beddel uu ku samayo qaab nololeed kiisa kana dhigo mid taageera caafimaadka wadnahiisa.
Side looga hortaga wadna istaagga?
Qof kasta wuu yareyn karaa halista wadna istaagga isagoo ku noolaada qaab nololeed taageera caafimaadka wadnaha.
Qaab nololeedkaas waxaa ka mid ah in la helo cunto caafimaad leh, in la sameeyo jimicsi joogto ah, in aan la cabin sigaar iyo in la yeesho miisaan dhexdhexaad ah.
Dadka leh halista ugu weyn ee wadna istaagga, waa dadka qaba cudurrada wadnaha, waxay sidoo kale u baahan karaan daawooyin looga hortago ama lagu yareeyo halistooda. Dhakhtarku wuxuu kuu qori karaa dawooyin hoos u dhiga cadaadiska dhiigga ama kuwo kale ee yareeya kolestaroolka.
Dadka horay ula soo kulmay wadna istaagga waxay ku yareyn karaan halista iyadoo loo gelinaayo qalabka ‘ICD’ iyo inay si fiican u qaataan daawooyinkooda.