Mararka qaar, dadka intiisa badan waxay leeyihiin xasuus yari, sida inay iloobaan waxyaabaha ay mar dhow barteen ama magaca qof ay isbarteen hadda dhow, amaba mararka qaar ay isku qaldaan waxyaabaha ay sameeyaan.
Inta badan, xasuus yaridaas waa calaamad muujinaysa in qofka maskaxdiisa ay shaqada ka badatay, balse xasuus la’aanta joogtada ah waxay dhibaato ku noqon kartaa qofka.
Arrimo badan ayaa keeni karo inay yaraato xasuusta oo ay ka mid yihiin da’da, xaaladaha caafimaad ee saameeya maskaxda, xasuus yarida ayaa sidoo kale la iska dhaxli karaa.
Waxaa kale oo jiro waxyaabo kale oo keeni karo xasuus yarida laakiin la maareyn karo, waxyaabahaas waxaa ka mid ah cuntada iyo hab-nololeedka qofka.
In kasta oo dhammaan waxyaabaha keeno xasuus la’aanta aan laga hortagi karin, haddana dadka waxay awoodi karaan inay qaadaan tallaabooyin ay maskaxda kaga ilaaliyaan hoos u dhaca garashada iyo xasuusta marka ay sii weynaanaayaan.
Maqaalkaan waxaan ku sharraxaynaa farsamooyin ka caawin karo qofka in xasuustiisa ay fiicnaato, farsamooyinkaas waxaa ka mid ah:
Tababarka maskaxda
Si la mid ah sida murqaha ay ugu baahanyihiin jimicsiga, maskaxda waxay u baahan tahay in laga shaqaysiiyo mar walba si ay caafimaad u hesho. Tababarka iyo in culeys la saaro maskaxda waxay muhiim u yihiin koritaanka iyo fiditaanka maskaxda, taas oo hagaajin karto xasuusta.
Daraasad ayaa lagu ogaaday in dadka sameeyay hawlaha tababbarka maskaxda ah sida akhriska iyo shaqooyinka xalliska u baahan kaliya 15 daqiiqo maalintii ay wax badan ka beddeshay shaqada maskaxdooda xasuustoodana ay fiicnaatay.
Sidaa darteed, ka shaqaysiinta maskaxda iyo tababarkeeda ayaa gacan ka geystaan hagaajinta xasuusaha mudada gaaban iyo sida maskaxda ay u xalliso shaqooyinka u baahan xalliska.
Siyaabaha aad uga shaqaysiin karto maskaxdaada waxaa ka mid ah:
- Akhriska badan
- Isticmaalka geemamka maskaxda looga shaqaysiiyo
- Xal u helidda xujooyinka qaar ay dadka isku xujeystaan
- Isticmaalka maskaxda marka aad xisaabaad yar yar isku darayso halkii aad kalkuleytar ka isticmaali leheed
Jimicsiga
Jimicsiga jirka ayaa saameyn toos ah ku leh caafimaadka maskaxda, daraasad ayaa muujisay in jimicsiga joogtada ah uu hoos u dhigo halista hoos u dhaca garashada iyo xasuus la’aanta maskaxda.
Daraasad kale ayaa soo jeedisay in jimicsiga kordhiyo garaaca wadnaha uu hagaajin karo shaqada xusuusta dadka qaba cudurka hilmaamka ee Alzaaymar (Alzheimers).
Jimicsiyada kordhiyo garaaca wadnaha waxaa ka mid ah:
- Rucleynta
- Orodka
- Dabaasha
Nasashada iyo hurdada
Badankeenna waxaan ognahay in haddii aanan helin hurdo nagu filan aanan awoodin inaan si fiican u xasuusanno waxyaabaha aan baranno.
Balse nasashada gaaban, oo ah in 10 daqiiqo oo kaliya la nasto markii aan barano wax cusub ayaa naga saacideysa in aan si fiican u xasuusanno hadhow wixii aan barannay.
Hurdada iyo xasuusta ayaa ah labo sheey oo isla xiriira. Hurdada ayaa ka hortagto hilmaamka badan ee maskaxda, sidaa darteedna ka qayb qaadata fududeynta samaynta xasuusyada.
Intaas waxaa sii dheer, daraasado dhowaan la sameeyay ayaa shaaca ka qaadday in hurdada ay fure u tahay xoojinta xasuusashada waxyaabaha aan sameennay intii aan soo jeednay, waxay kaloo hurdada ka qayb qaadataa awoodda maskaxdeena ay u leedahay inay barato waxyaabo kale oo cusub.
Sidoo kale daraasad ayaa shaaca ka qaadday in inta qofka uu hurdaayo, neerfaha iyo unugyada maskaxda ay dagaan oo ay nastaan taas oo maskaxda ka dhigayso fareesh awoodna u siinayso in fahamkeeda uu fiicnaado.
Dhinaca kale, hurdada liidata ayaa keenta in unugyada maskaxda iyo neerfaha ay shaqada ka badato oo ay daalaan, ka dibna maskaxda ay awood u yeelan weyso inay xasuusato waxyaabaha qaar.
Sidaa darteed, nasashada gaaban ee aan qaadanno xilliga aan wax baranayno ma noqon kartaa mid waxtar u leh inaan si fiican u xasuusano? Jawaabta waa haa.
Yareynta isticmaalka sokorta
Cuntooyinka sokorta leh waxay leeyihiin dhadhan macaan waana ku raaxeysanaa marka hore, balse waxaa laga yaabaa inay door ku yeeshaan lumitaanka xasuusta.
Daraasad ayaa lagu ogaaday in cuntooyinka iyo cabitaannada ay ku badan tahay sokorta ay xiriir la leedahay cudurka hilmaamka ee Alzaaymar (Alzheimers) oo badanaa ku dhoco dadka waaweyn.
Cilmi-baarayaasha waxay kaloo ogaadeen in cabitaannada sokorta badan leh, oo ay ka mid yihiin casiirka, laga yaabo inay xiriir la yeeshaan shuuqitaanka maskaxda, taas oo ah astaanta ugu horeeyso ee lagu arko dadka qaba cudurka hilmaamka ee Alzaaymar (Alzheimers).
Ka fogaanshaha sokorta badan ayaa laga yaabaa inay gacan ka geysato la dagaallanka halista cudurka hilmaamka, waxaa jiro cuntooyin dabiici ah oo macaan oo aad isticmaali karto sida miraha iyo malabka.
Yareynta cuntada kaloriga badan
In la iska yareeyo sokorta badan kaliya kama hortagi karto xasuus la’aanta, yareynta guud ee cunista cuntooyinka kaloriga badan ayaa sidoo kale ka hortagi karto xaaladaha ku imaado maskaxda oo ay ka mid tahay xasuus la’aanta.
Daraasad ayaa muujisay in cuntooyinka kalooriga badan ay wax u dhimi karaan xasuusta haddii kaloriyo badan ay ku uruuraan maskaxda, cuntooyinkaan ayaa sidoo kale horseedi karaan cayil, ka dibna cayilka ayaa dhibaatooyin u keeni karo jirka kuwaasoo saameeyo maskaxda.
Isticmaalka kafeeyga
Maadada kafiin-ka (caffeine) ee laga helo qaxwada, kafeeyga ama shaaha cagaaran ayaa laga yaabaa inay waxtar u yeelato xasuusta. Daraasad ayaa muujisay in isticmaalka kafeeyga ay kor u qaadday sida maskaxda ay u kaydiso xasuusaha muddo dheer.
Daraasadda ayaa sameesay tijaabo xasuuseed, dadka cabay 200 miligaraan oo kafeey ah ayaa si fiican ugu baasay tijaabada oo la sameeyey 24 saacadood ka dib, halka dadka kale ee aan cabin kafeeyga aysan si fiican ugu baasin tijaabada.
Kafeeyga wuxuu sidoo kale kordhin karaa xasuusta muddada gaaban, daraasad kale ayaa lagu ogaaday ardayda cabto kafeey subaxdii hore ay sare u kacday awoodda xifdiskooda.
Aragtidaan waxay waxtar u yeelan kartaa shakhsiyaadka gali rabo imtixaan, ama rabaan inay xasuustaan macluumaad xilli kooban gudihiisa.