Qoraalkaan waxaan ku eegii doonnaa sida loo wanaajiyo xiriirka waalidka iyo caruurta taasoo ku fadhisa ahmiyad aad u weyn.
Xiriir ay ubadka la yeshaan dad midka ugu muhiimsan waa kan ay la yeeshaan waalidkood. Carruurtu waxay wax ka bartaan adduunka ku xeeran iyaga oo u maraya tarbiyada iyo xiriirka wanaagsan ee waalidku la leeyahay.
Meelaha carruurtu ka dareemaan inay ku sugan yihiin xaalad wanaagsan waa dhaqanka waalidka ay ku arkaan, waana waxa saldhig u noqon kara dhismaha mustaqbalka ilmaha.
Waxaa hubaal ah in qof walba uu xiriir wanaagsan la sameyn karo carruurtiisa, iyadoo muhiim ay tahay in carruurta waqti fiican lala qaato, u samee jawi qurxoon oo ay raali ka yihiin, la soco in wax walba aysan u dhicin sidaad rabto balse loo baahan yahay inaad ku dadaasho hagaajinta xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya adiga iyo carruurtaada, iyadoo dhanka kale la dhihi karo barbaarinta caruurta waxay ka mid tahay xuquuqda waalidka lagu leeyahay.
Waalidnimadu waa shaqada ugu qanisan ee aan waligeen yeelan doonno, laakiin maaha mid caqabado la’aan ah. Nolosha qoyska ee casriga ah waxay noqon kartaa mid walbahaar badan leh oo cadaadisyo kala duwan saarto qoysaska.
Ugu dambayntii, xiriirka adag ee waalidka iyo ilmaha wuxuu caawin karaa una horseedi karaa natiijooyin wanaagsan carruurta.
Muhiimadda xiriirka wanaagsan ee waalidka iyo caruurta
Xiriirka Waalidka iyo Ilmaha waa mid kobciya horumarka jireed, shucuureed iyo bulshadeed ee ubadka. Waa xiriir gaar ah oo ubad kasta iyo waalidku ku raaxaysan karaan kuna kori karaan. Xiriirkani waxa uu aasaas u noqdaa shakhsiyadda ilmaha, doorashada nolosha iyo hab-dhaqanka guud ee ilmaha.
Qaar ka mid ah faa’iidooyinka waxaa ka mid ah:
- Carruurta yar yar ee ku koro meel aamin ah oo xiriir wanaagsan laleh waalidkood, waxay heestaan fursad wanaagsan oo ay ku kobcin karaan cilaaqaad farxad iyo qanacsanaan leh inee la sameeystaan dadka kale ee noloshooda kusoo biiri doono .
- Ilmaha xiriirka wanaagsan la leh waalidkooda waxay bartaan inay xakameeyaan shucuurtooda marka ay ku jiraan xaalad adag.
- Waxay ka caawisaa ilmaha inay muujiyaan yididiilo iyo hab-dhaqan bulsho oo kalsooni leh.
- Ka warqabidda iyo faragelinta wanaagsan ee uu waalidka ku sameeyo nolol maalmeedka ilmaha ayaa aasaas u ah xirfado bulsho iyo waxbarasho oo wanaagsan.
- Carruurta waxay sidoo kale helaan xirfado muhiim ah oo lagu xaliyo mashaakilaadka marka ay xiriir wanaagsan la yeeshaan waalidkood.
- Markuu xiriirka waalidka iyo caruurta wanaagsanyahay, caruurta wax dhib ah kuma heyso inuu waalidka la wadaago sirihiisa iyo dhibta heeysato.
Sidee loo wanaajiyaa xiriirka waalidka iyo caruurta?
- U muuji jaceyl
- Dheh inta badan erayga “waan ku jeclahay”
- Dhageyso ilmaha oo u naxariiso
- La ciyaar ilmaha
- Noqo waalid la heli karo oo aan mashquul ahayn
- Cunto la cun ilmaha
- Abuur jawi waalid iyo caruur
- Samee xuduudo,sharciyo iyo ganaax
- Balanqaadyada ku dhegnoow oo ka dhabeey
- Baro ilmahaaga oo ku qiimey shakhsiyadda ay leeyihiin
Bal aan qodob qodob u kala qaadno Xiriirka Waalidka iyo Caruurta . In aad xiriir wanaagsan la yeelato ilmahaaga waa muhiim si loo horumariyo loona abuuro xiriir adag oo waalidka iyo ilmaha u dhaxeeyo. Halkaan waxaan ku sharraxaynaa qodobo dhowr ah oo kaa caawinaya xoojinta xiriirka aad la leedahay carruurtaada.
U muuji jaceylkaaga
Taabashada aadanaha iyo kalgacalka ayaan u baahannahay marxalad kasta oo nolosheena ka mid ah si loo helo horumar xagga shucuurta iyo maskaxda ah.
Waa muhiim inuu ilmahaaga kaa helo naxariis, taabasho kalgacal (habsiin) adiga oo dhowr jeer sameeynaya maalintii.
Hel fursad aad kula sheekeysan karto ilmahaaga. Runtii carruurtu waxay u baahan yihiin inaad si diirran u salaanto, u dhoolla caddeeyso, ula sheekeysato, una dhiirrigeliso si daacadnimo ay ku dheehantahay.
Adeegso erayga “waan ku jeclahay”
Dabcan waad jeceshahay caruurtaada laakiin maalin kasta u sheeg inaa jeceshahay da’ kasta oo ay yihiin.
Xitaa marka ay ilmahaagu madax adeyg sameeyaan ama sameeyaan wax aadan jeclayn; tani waxay noqon kartaa fursad aad u fiican oo lagu xusuusiyo inaad jeceshahay shuruud la’aan. Waa eray fudud “Waan ku jeclahay” balse waxay saameyn weyn ku yeelan kartaa xiriirka muddada dheer ee aad la leedahay ilmahaaga.
La ciyaar ilmaha
Cayaartu aad ayey muhiim ugu tahay horumarka ilmaha. Waa aaladda ay carruurtu ku horumariyaan xirfadaha luqadda, ku muujiyaan shucuurta, ku kobciyaan hal-abuurka, iyo barashada xirfadaha bulshada.
Intaa waxaa sii dheer, waa hab xiiso leh oo aad adigu ku xoojin karto xiriirka aad la leedahay ilmahaaga. Macno malahan waxaad ciyaareyso ujeedada ayaa ah inaad kaliya ku raaxeysatid la jirkooda oo aad u heellan tahay inaad ilmahaaga siiso feejignaan aan kala sooc lahayn.
Noqo waalid laheli karo oo aan mashquul ahayn
Waqti u sameey si aad ula hadasho ilmahaaga iyadoo aysan jirin wax carqalad ah, xitaa 10 daqiiqo maalintii waxay samayn kartaa farqi weyn oo saameyn wanaagsan kuleh wada hadalkiina.
Demi telefeshinka, iska fogee aaladahaaga elektiroonigga ah sida moobeylada, ilmahaaga wuxuu u baahan yahay inuu ogaado inaad rumeysan tahay inay yihiin muhiimadda koowaad ee noloshaada.
Cuntada la cun ilmaha
Wax wada cunista qoys ahaan waxay badanaa horseedi kartaa wadahadal wanaagsan iyo isku soo dhawaanshaha qoyska.
Ku dhiirigeli qof walba inuu dhigo taleefannadiisa ama aaladaha kale. Waqtiga cunnada sidoo kale waa fursad weyn oo aad ku bari karto carruurtaada muhiimadda ay leedahay cunno caafimaad leh oo dheellitiran, taas oo sidoo kale saameyn ku yeelata caafimaadkooda guud ee maskaxda iyo jirkaba.
Dhegayso oo u naxariiso
Xiriir kasta oo wanaagsan wuxuu ka bilaabmaa dhegaysi. Dhuux dareenka ilmahaaga, tus inaad fahamtay, una xaqiiji inaad u joogto inaad ka caawiso wax kasta oo ay u baahan yihiin.
Isku day inaad wax u aragto sida ay ayaga wax u arkayaan. Dhageysiga iyo u naxariisashada ilmahaaga waxay kaa saacidi doonaan inaad kobciso ixtiraamka labada dhinac.
Abuur jawi waalid iyo caruur
Haddii aad leedahay wax ka badan hal cunug, isku day inaad la hadasho shaqsi walba. Ogoow, hal-hal mar oo carruurtaada aad kulan la qaadato waxay xoojin kartaa isku-xirnaanta waalidka iyo ilmaha, waxayna kor u qaadeysaa isku-kalsoonaanta ilmahaaga, waxaadna u sheegi kartaa inay yihiin kuwo qaas ah oo la qiimeeyo.
Samee xudduudo, sharciyo, iyo ganaax
Carruurtu waxay u baahan yihiin qaab dhismeed iyo hagitaan joogto ah, markay korayaan oo ay wax ka baranayaan adduunka ku xeeran. Kala hadal carruurtaada waxa aad ka filanayso iyaga oo hubi inay fahmaan.
Markii xeerarka la jebiyo, hubi inaad horay u diyaarsatay ganaax ku habboon da’da caruurta si ay u fahmaan in ay jiraan sharci iyo isla xisaabtan la iskula tacaamulo adduunka.
Balanqaadyada ku dheganoow oo ka dhabeey
Ilmahaaga wuxuu bartaa inuu ku kalsoonaado waxaad tiraahdo. Tusaale ahaan, haddii aad ballan-qaaddo inaad aadi doontaan dalxiis ama meelaha lagu ciyaaro, sameey wax kasta oo aad awooddo si aad halkaas u aaddaan.
Baro ilmahaaga oo ku qiimee shakhsiyadda ay leeyihiin
Hadii ilmahaagu jecel yahay kubadda cagta, ka farxi ilmahaaga ama weydii ciyaartoyda ugu fiican. Muujinta ixtiraamka dareenka iyo ra’yiga ilmahaaga waxay ku dhiirrigelisaa ilmahaaga inuu kula wadaago wax walbo.