Close Menu
  • C. guud
    • Kansar
    • Neefta
    • Wadnaha
  • C. Bulshada
    • Talooyin
  • Warbixinno
    • Teknoloji
  • Covid-19
HealthterHealthter
  • C. guud
    1. Kansar
    2. Neefta
    3. Wadnaha
    maqaalki u dambeeyey

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Maqaalada kale

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Cilaajyada: Xarumaha Gaarka Loo Lee Yahay Ee Daryeelka Bukaannada Dhimirka

    Dayaca iyo Silsiladaynta: Dhibaatooyinka Bukaannada Xanuunnada Dhimirka

  • C. Bulshada
    1. Talooyin
    2. Fur kulli

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

    Jimicsiga: nuucyadiisa iyo faaiidooyin ka uu u leeyahay caafimaadka qofka

    Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

    Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

  • Warbixinno
    1. Teknoloji
    2. Fur kulli

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

    Teknolojiyadda: dhibaato nuucee ayay u leedahay maskaxda iyo jirka ?

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Xiriirka waalidka iyo ilmaha – waa maxay sababta uu muhiim u yahay?

    Maraxaladaha cudurrada ayay ku xirantahay tilaabada dhaqtarka uu qaadaayo

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

  • Covid-19

    Omicron: nuuca cusub ee coronavirus, muxuu uga duwanyahay nuucyada kale?

    COVID-19: calaamadihiisa, sida uu ku faafi karo iyo ka hortaggiisa

    Tallaalka COVID-19: nuucyadooda iyo sida ay uga hortagaan fayraska

    Calaamadaha COVID-19: kuwa ugu badan iyo mudada ay haayaan qofka

    Neefsashada adag ee COVID-19: sida ay ku imaato iyo waxyaabaha keeno

HealthterHealthter
Home»Warbixinno»Teknoloji»Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

Mohamed Mustaf AhmedMohamed Mustaf AhmedApril 28, 2025
Share
Copy Link WhatsApp Telegram Facebook Twitter LinkedIn Pinterest
  • Baraha bulshada
  • Qabatinka baraha bulshada
  • Faaiidada baraha bulshada
  • Saamaynta baraha bulshada

Baraha bulshada

Baraha bulshada ayaa ka mid ah qaybaha ugu waaweyn ee teknolojiyadda dhijitalka ah ee maanta la isticmaalo, waa meelaha dadka ay ku wada sheekeestaan internet-ka dhaxdiisa iskulana wadaagaan waxyaabo fara badan sida sawirro, muuqaallo iyo codad.

Facebook waa bogga ugu caansan ee baraha bulshada, waxaana isticmaalo in ka badan 1.2 bilyan oo qofood bil kasta, barnaamijyada kale ee la isticmaalo ee baraha bulshada ah waxaa ka mid ah, WhatsApp, Instagram, Twitter, Telegram, TikTok iyo LinkedIn. 

Tirakoobyadii ugu dambeeyay ee adduunka ayaa muujinaya in ku dhawaad 42% dadka internet-ka ku jiro ay isticmaalaan ugu yaraan hal barnaamij oo baraha bulshada ah.

Inta badan dadka isticmaala baraha bulshada waxay ka yar yihiin 30 sano, in kasta oo tirada dadka waaweyn ee isticmaalo baraha bulshada ay sii kordheeysay sanaddadii u dambeeyey.

Laakiin maxaa nagu soo jiita baraha bulshada?

Mid ka mid ah waxyaabaha dadka kusoo jiido baraha bulshada ayaa ah, in uu awood u siiyo dadka in si fudud ula xiriiraan dadka kale ee adduunka ku nool, balse marki taas laga soo tago, baraha bulshada ayaa hadda noqday goob qofka uu usoo raadsado madadaallo iyo in uu kala socdo dhacdooyinka ka dhaca adduunka dacalladiisa.

Shirkadda Meta oo leh Facebook waxay sheegtay in “ujeedka Facebook uu yahay in dadka la siiyo awood ay wax iskula wadaagaan oo ay adduunka ka dhigaan mid furan oo isku xiran, iyo in dadka ay la xiriiraan asxaabta iyo qoyska, iyo in ay ogaadaan waxa ka socda adduunka”

Saamaynta uu baraha bulshada leeyahay waxay noqon kartaa mid fiican ama mid xun, waxayna ku xirantahay sida uu qofka u adeegsado, waxaan kaloo shaki ku jirin in xilligaan la joogo ay dadka dhan u gacan galeen dunida baraha bulshada, qof kastana asaga ayaa go’aanka gacantiisa ku heysto, haddii uu ku dhax lumi lahaa dunida baraha bulshada iyo haddii kalaba.

Qabatinka baraha bulshada

Qof kasta waxa uu heystaa sabab gaar ah oo uu u isticmaalo baraha bulshada, dadka qaar waxay jecelyihiin inay daawadaan sawirrada iyo waxyaabaha kale ay soo galiyaan dadka kale.

Dadka qaar waxay u adeegsadaan baraha bulshada si ay u muujiyaan shucuurtooda oo ay usoo dhigaan waxyaabo khuseeya ayaga. 

Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ay dadka u isticmaalaan baraha bulshada ayaa ah is-mashquulin iyo caajis bi’is, sidaa darteed dadka ayaa dareemo nafis markasta oo ay soo galaan baraha bulshada.

Balse maxaa dhici karo haddii baraha bulshada aad ka dhigato meesha aad isku mashquulisid ama isaga baabi’isid caajiska? Kawarran haddii aad weyso internet? Maxaa dhici karo markaas? Sidee ayaa ula qabsan doontaa nolosha offline-ka? Waa su’aalo u baahan in la is weydiiyo.

Marka uu qofka soo galiyo baraha bulshada boostiyo ama status sida sawirradiisa, like-ta iyo komentiyada ay dadka ka dhiibtaan sawirrada ayaa qofka siiso dareen aad u farxad badan asagoo dhiiro galin hela si uu usii wado in uu sawirradiisa ama muuqaalladiisa uu soo galiyo baraha bulshada.

Caadi ahaan, maskaxda bini aadamka waxay leedaahy qayb la xariirto ‘abaalmarinnada’,  markasta oo qofka lagu abaalmariyo wax uu sameeyo waxa ay maskaxda qofka ku dadaashaa  in dareenkaas ay mar walbo hesho, qofkana waxay ku dhiira galisaa inuu waxaas sameeyo si uu marwalba u helo abaalmarintaas. 

Sidaa darteed, daraasad ayaa lagu ogaaday in shakhsiyaadka helo komentiyada lagu amaaanaayo naftooda oo ay dadka ka bixiyaan sawirrada iyo muuqaallada ay soo galiyan baraha bulshada ay saamayn ku yeelato maskaxdooda.

Ka dibna maskaxda ayaa ku dhiiro galiso in ay mar walbo soo post gareeyaan wax si dadka ay komentiyo uga bixiyaan una ammaanaan. Balse arinkaas ayaa noqdo mid lala qabsado oo balwad ah qofkana ay ku adkaato in uu iska joojiyo, haddii uu isku dayo inuu iska joojiyana waxa uu dareemaayaa cadaadis iyo walbahaar.

Dadka ayaa waqti badan ku bixiyaan baraha bulshada iyo qorsheynta sidii ay u heli lahaayeen wax ay dadka la wadaagaan oo ay soo post gareeyaan, waxa uuna baraha bulshada u noqdaa meel ay isku iloowsiiyaan dhibaatooyinkooda shakhsiyadeed.

Waxay u muuqataa in dad badan oo isticmaala baraha bulshada ay balwad u noqotay, ayna u adeegsadaan inay helaan dareenka dadka iyo inay kor ugu qaadaan kalsoonidooda. Balse, waxaa kaloo la ogaaday in dadka walwalka badan iyo kalsooni darrada badan ay u badan tahay inay adeegsadaan baraha bulshada in ka badan dadka kale.

Faaiidada baraha bulshada

Faaiidooyinka uu leeyahay baraha bulshada waxaa ka mid ah:

  • Xiriirka qoyska iyo asxaabta
  • Barashada dad cusub oo aad wax ka faaiideysid
  • In aad wax ka barato
  • In aad ku ganacsato
  • Inaad kala socoto dhacdooyinka caalamka

Faaiidooyin iyo dhibaatooyin fara badan ayuu leeyahay baraha bulshada, balse xilligaan la joogo waxay u muuqataa in saamayntiisa xun ay ka badan tahay faaiidadiisa.

Saamaynta baraha bulshada

Daraasado badan ayaa laga sameeyey saamaynta uu baraha bulshada ku leeyahay qofka, oo ay ka mid yihiin saamayn maskaxiyyan ah. 

Dadka  qaar ayaa sheegay in baraha bulshada uu uga sii daray noloshooda, ayna dareemaan kalsooni darro marka ay arkaan saaxiibadood oo guulo ka gaaraayo nolosha ka dibna soo dhigaayo baraha bulshada. 

Waxaa kaloo jirto in dadka qaar ee baraha bulshada ku jiro ay soo bandhigaan nolol dhalanteed ah ama fake ah, ayagoo raadinaayo dareenka dadka, dadka sidaan sameeyo ayaa dareemo farxad dhallanteed ah marka ay helaan komentiyo iyo like badan oo ayaga lagu taageeraayo.

Balse dadka qaar oo baraha bulshada ku jiro ayaa u arka noloshaas dhalanteed ka ah ay dadka soo bandhigaan inay tahay run, ka dibna wax ay noloshooda la barbardhigaan nolosha dadkaas, ayagoo isku arkaayo in noloshooda ay tahay mid hooseyso, ka dibna waxaa qofka ku dhasho kalsooni darro, walwal iyo niyad jab.

Dadka baraha bulshada kusoo bandhigo sawirradooda oo ay qurxiyeen ama ay isticmaaleen filter, ayaa walwal kala kulma marka ay dadka si waji ka waji ah ula kulmaayaan, ayagoo dareemo istarees iskuna dayo waxyaabo badan oo muuqaalkooda ka dhigi karo mid soo jiidasho leh.

Cidlo

Teknolojiyadda, sida baraha bulshada, waxaa loogu talagalay inay dadka isu keento oo ay ku wada xiriiraan, haddana waxaa laga yaabaa inay mararka qaarkood leedahay saameyn caksi ah.

Daraasad lagu sameeyey dhalinyaro ay da’dooda u dhaxayso 19 – 32 sano jir ayaa lagu ogaaday in dadka isticmaala baraha bulshada ay mararka qaar dareemaan go’doon iyo cidlo in ka badan dadka aan isticmaalin baraha bulshada.

Maadaama dadka uula xariiro qofka ay ku jiraan internet-ka, oo aysan ula joogin si caadi ah, marka dadka uu la sheekeesan jiray ay ka maqan yihiin internet-ka ama aysan jirin qof uu kala sheekesto qadka waxa uu qofka dareemayaa cidlo. 

Sidaa darteed, in qofka uu raadiyo xeelado uu isaga yareyn karo isticmaalka baraha bulshada sida inuu waqti xaddidan u dajiyo isticmaalka barnaamijyada baraha bulshada ayaa laga yaabaa inay ka caawiso yareynta dareenka cidlada.

Sababtoo ah haddii uu qofka sameeysto jadwal, waqti xaddidanna uu soo galo baraha bulshada, inta kalena uu ku mashquulo howlihiisa kale ee maalin laha ah, waxaa ka yaraaneyso baahida uu u qabo baraha bulshada iyo la sheekeysiga dadka.

Balse haddii qofka uusan lahayn jadwal, oo uu maanta dhan isaga jiro baraha bulshada asagoo la sheekeesanaayo dadka ama fiirsanaayo waxyaabaha lasoo galiyo, waxaa dhacdo in qofka marka uu heli waayo dad online ah oo la sheekeysto uu dareemo cidlo maadaama aysan jirin waxyaabo kale oo uu isku mashquuliyo.

Niyad-jab iyo wallwal

Khubarada caafimaadka waxay ogaadeen in uu jiro xiriir u dhaxeeyo baraha bulshada iyo xaaladaha ku imaada caafimaadka maskaxda, sida niyad jabka iyo walwalka. Baaritaannada ay sameeyeen khubarada ayaa waxay ku heleen natiijooyin isku dhafan. 

Dadka baraha bulshada ku joogay si wanaagsan, iskana ilaali jiray inay noloshooda saamayn ku yeeshaan dadka iyo waxyaabaha kale ee ku jira baraha bulshada ayaa u muuqday in halistooda ku aaddan niyad jabka iyo walwalka ay aad u yarayd.

Dhanka kale, dadka baraha bulshada ku joogay si aan wanaagsanayn, kuwaaso isla barbardhigi jiray noloshooda iyo nolosha dadka kale ee ku jiro internetka ayaa heerarkooda niyad jabka iyo walwalka uu aad u badnaa.

Wax kasta oo ku jiro baraha bulshada ma aha wax run ah, dadka qaar ee ku jira baraha bulshada ayaa soo bandhiga nolol dhalanteed ah oo aan jirin si ay u helaan dareenka dadka kale.

Balse dadka qaar ayaa noloshaas u maleeya nolol run ah ayagoo isla barbardhiga noloshooda iyo noloshaas, ka dibna ay noloshooda u arkaan mid aan hormarsanayn, taasoo u keeneyso niyad jab aad u weyn.

Marka laga soo tago saamaynta baraha bulshada uu ku leeyahay maskaxda, waxaa jiro saamayn badan oo uu baraha bulshada ku leeyahay jirka, oo ay ka mid yihiin:

Hurdada

Isticmaalka baraha bulshada xilliyada jiifka ayaa sababi karo hurdo la’aan uu keeno iftiinka buluugga ah ee kasoo baxa shaashadaha taleefannada gacanta, iyo kombiyuutarrada, iftiinkaas ayaa kiciyo maskaxda ka dibna hurdada ayaa meesha ka baxdo. 

Daraasad ayaa sheegtay in iftiinka shaashadaha taleefannada iyo kombiyuutarrada uu saamayn karo hab dhiska dabiiciga ah ee jirka, saamayntaan ayaana keeni karto hurdo la’aan, iyo in qofka dareenkiisa uu kusii jeedo shaashadda. 

Dhaq dhaqaaqa jirka

Inta badan isticmaalka baraha bulshada ayaa dadka ka dhigo fadhiid, maadaama qofka uu muddo dheer ku bixiyo fadhi ama jiif si uu u isticmaalo.

Saamaynta hab-nololeedka fadhiidka ah waxaa ka mid ah:

  • Sokorowga nuuciisa 2-aad
  • Cudurrada wadnaha
  • Cayilka

Halkaan ka akhri hab-nololeedka fadhiid ka ah.

Maqaalka HoreAkhriska: siyaabaha uu u hagaajin karo nolosha iyo caafimaadka qofka
Maqaalka Xiga Qandhada COVID-19: sida ay ku imaato iyo mudada ay heeyneyso qofka

Maqaallo Kale

Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

Akhriska: siyaabaha uu u hagaajin karo nolosha iyo caafimaadka qofka

Xasuusta: farsamooyin kor loogu qaadi karo xasuusta iyo shaqada maskaxda

Maqaallo Cusub

Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

Ka mid noqo boggeena

Email ahaan u hel maqaal kasta oo cusub oo aan soo galino.

Healthter

Healthter is a non-profit initiative committed to providing the latest and most reliable health information in the Somali language, tailored specifically for Somali communities.

This initiative was brought to life by Mohamed Mustaf Ahmed, who identified a significant gap in the availability of a health platform that offers reliable and current health information in Somali. Healthter enables Somali individuals, particularly those who may not be fluent in English, to access essential health information in their native language.

Mohamed, a medical doctor, data scientist, and researcher, is the sole manager, financier, and contributor to Healthter. His passion to improve global health, with a special emphasis on Somalia, is the driving force behind this platform.

For personalized information and advice, don't hesitate to get in touch:

Email: momustafahmed@outlook.com

Alternatively, you can connect with me via the provided Linkedin link below:

LinkedIn
Credits & References
  1. Healthline Media
  2. PubMed
  3. WHO (World Health Organization)
  4. CDC (Center for Disease Control)
  5. NIH (National Institutes of Health)
  6. MayoClinic
  7. WebMD
Maqaallo Cusub
Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka
Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha
HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta
Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida
© 2025 (Healthter Media)

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.