Qandhada ama xummadda waa astaan caadi ah oo uu leeyahay COVID-19, si kastaba ha noqotee, qof kasta oo uu ku dhoco COVID-19 qasab ma aha inuu yeesho qansho. Qaar ka mid ah astaamaha kale ee caadiga ah ee cudurkaan waxaa ka mid ah qufac, daal, urka ama dhadhanka oo qofka ka tago.
Qandhada waxay sababtaa in heerkulka jirka uu kor u koco, kor u kacaan ayaa ka mid ah jawaab celinta uu difaaca jirka ku sameeyo caabuqa.
Infakshanno badan ayaa sababi karo qandho, laakiin haddii ay qofka qandhadiisa gaareyso 38° C ama ka badan waa inuu guriga joogo oo uu raadsado talooyin caafimaad, sababtoo ah qandhada waxay ka mid noqon kartaa astaamaha ugu horeeyo ee COVID-19.
Maqaalkaan wuxuu ka hadli doonnaa qandhada COVID-19, astaamaha kale ee cudurka, iyo waxa la sameeyo haddii la isku arko calaamadaha.
Qandhada COVID-19
Daraasado ayaa lagu ogaaday in dadka ugu badan ee uu ku dhacay COVID-19 ee lahaayeen qandho, waxayna u muuqataa inay tahay mid ka mid ah astaamaha ugu caansan ee COVID-19, laakiin cudurka mar walbo ma laha qandho, dadka qaarkoodna ma yeeshaan wax astaamo ah haba yaraatee.
Calaamadaha kale ee COVID-19
Astaamaha COVID-19 caadi ahaan waxay soo baxaan 2-14 maalmood ka dib marka uu qofka haleelo fayraska. Dadka ayaa yeesho calaamado kala duwan, laakiin qaar ka mid ah calaamadaha ugu caansan waxaa ka mid ah:
- Qandho
- Qufac qallalan
- Daal
- Urka ama dhadhanka oo lumo
- Murqo xanuun
- Madax xanuun
- Dhuun xanuun
- Lalabbo
- Shuban
Dadka qaar waxay sheegeen in ay isku arkeen finan iyo jahwareer, calaamadahaan ayaa ku badan dadka waaweyn.
Dadka waxay la kulmi karaan astaamo isku dhafan oo ay ku jiraan kuwa aan sheegnay iyo kuwo kale, astaamaha ayaa sido kale noqon koro kuwo fudud, kuwo dhex dhexaad ah ama kuwo aad u daran.
Daraasad ayaa soo jeedinaysa in qandhada ay imaan karto ka hor calaamadaha kale. Qufac, murqo xanuun, iyo lalabbo ayaa laga yaabaa inay la socdaan qandhada inta qofka uu haayo cudurka.
Dhanka kale, dadka ayaa laga yaabaa in urka ama dhadhanka uu ka tago marka ugu horeyso, daraasad ayaa lagu ogaaday in astaamahaas ay yihiin kuwa ugu horeeyo ee tilmaamo COVID-19.
Muddo intee le’eg ayay calaamadaha socdaan?
COVID-19 siyaabo kala duwan ayuu dadka u saameeyaa. Dadka badankiisna waxay la kulmaan astaamo fudud ama dhex dhexaad ah, badankoodna way ka bogsadaan 1 ama labo isbuuc gudohood ayaga oo aan u baahanin isbitaal.
Si kastaba ha ahaatee, dadka leh calaamadaha aadka u daran caadi ahaan waxay ku qaadataa waqti dheer si ay u bogsadaan, waxa ayna ku xirantahay sida uu cudurka u saameeyay, waxay qaadan kartaa 6 isbuuc ama ka badan si ay u bogsadaan.
Maxaa la sameeyaa haddii la isaga shakiyo COVID-19?
Dadka leh astaamaha tilmaami karo jiritaanka COVID-19 waa inay taxaddar muujiyaan si looga hortago faafitaanka cudurka, khubarada caafimaadka waxay ku taliyaan in:
- La joogo guriga: ku naso guriga oo la xiriir dhakhtar si aad u hesho talooyin caafimaad.
Iska ilaali inaad guriga ka baxdo ama aad isticmaasho gaadiidka dadweynaha. Kaliya aad xarunta caafimaadka haddii aad dooneyso inaad iska baarto cudurka.
- Laga fogaado dadka: haddii ay suurtogal tahay, ku jir qol gaar ah oo leh jiif iyo musqul gooni ah, ka ilaali xubnaha qoyskaaga in aad ku faafiso cudurka.
- Lala socdo calaamadaha: la xiriir gargaarka deg degga haddii astaamaha ay sii xumaadaan, oo ay neefta ku qabato ama ay ku xanuunto laabta, una sheeg shaqaalaha caafimaadka inaad isaga shakisantahay COVID-19.
- La taxaddaro: xiro mask haddii ay lama huraan noqoto inaad baxdo, ku qufac tiish ama suxulka gudihiisa.
- La nadiifiyo alaabta: waxaa muhiim ah in la nadiifiyo dusha sare ee waxyaabaha markasta la isticmaalo sida miisaska, qataarrada ama gacanka albaabada, furayaasha, ama alaabta wax lagu cuno.
Inta badan dadka leh astaamaha fudud ee COVID-19 waxay ka bogsan doonaan ayaga oo aan u baahan isbitaal In Shaa Allah.
Isticmaalka kaniiniyaasha xanuun baabi’iyaasha iyo qandho jabiyaasha yaa qofka ka caawin karo inuu iska dabciyo xanuunka haayo.