Close Menu
  • C. guud
    • Kansar
    • Neefta
    • Wadnaha
  • C. Bulshada
    • Talooyin
  • Warbixinno
    • Teknoloji
  • Covid-19
HealthterHealthter
  • C. guud
    1. Kansar
    2. Neefta
    3. Wadnaha
    maqaalki u dambeeyey

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Maqaalada kale

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Cilaajyada: Xarumaha Gaarka Loo Lee Yahay Ee Daryeelka Bukaannada Dhimirka

    Dayaca iyo Silsiladaynta: Dhibaatooyinka Bukaannada Xanuunnada Dhimirka

  • C. Bulshada
    1. Talooyin
    2. Fur kulli

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

    Jimicsiga: nuucyadiisa iyo faaiidooyin ka uu u leeyahay caafimaadka qofka

    Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

    Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

  • Warbixinno
    1. Teknoloji
    2. Fur kulli

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

    Teknolojiyadda: dhibaato nuucee ayay u leedahay maskaxda iyo jirka ?

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Xiriirka waalidka iyo ilmaha – waa maxay sababta uu muhiim u yahay?

    Maraxaladaha cudurrada ayay ku xirantahay tilaabada dhaqtarka uu qaadaayo

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

  • Covid-19

    Omicron: nuuca cusub ee coronavirus, muxuu uga duwanyahay nuucyada kale?

    COVID-19: calaamadihiisa, sida uu ku faafi karo iyo ka hortaggiisa

    Tallaalka COVID-19: nuucyadooda iyo sida ay uga hortagaan fayraska

    Calaamadaha COVID-19: kuwa ugu badan iyo mudada ay haayaan qofka

    Neefsashada adag ee COVID-19: sida ay ku imaato iyo waxyaabaha keeno

HealthterHealthter
Home»Cudurada faafa»COVID-19»COVID-19: calaamadihiisa, sida uu ku faafi karo iyo ka hortaggiisa

COVID-19: calaamadihiisa, sida uu ku faafi karo iyo ka hortaggiisa

Mohamed Mustaf AhmedMohamed Mustaf AhmedApril 28, 2025
Share
Copy Link WhatsApp Telegram Facebook Twitter LinkedIn Pinterest
  • Calaamadaha COVID-19
  • Yaa halis ugu jiro?
  • Sidee ayuu corona u faafaa?
  • Sidee la isaga ilaali karaa corona?
  • Maxaa sameenaysaa haddii aad yeelato calaamado?
  • Ma jirtaa dawo loogu tala galay COVID-19?

COVID-19 waa cudur aad u faafa oo ka dilaacay caalamka oo dhan, waxa uu ka dhashay caabuqa fayraska corona. COVID-19 wuxuu ku dhici karaa qof kasta, mararka qaarna malaha wax calaamad ah.

Cudurkaan wuxuu keeni karaa calaamado aad u daran iyo dhibaatooyin keeni kara dhimasho, wali lama oga saamaynta buuxdo uu cudurkaan ku leeyahay jirka, laakiin wuxuu caadi ahaan saameeyaa nidaamka neefsashada ee jirka.

Xitaa haddii uusan qofka lahayn astaamo, wuxuu cudurka u gudbin karaa dadka kale, waana muhiim in la qaado tillaabooyin looga hortagaayo arintaas.

Ma jirto wax daawo ah oo ilaa hadda loo soo saaray cudurkaan, balse waxa loo soo saaray tallaal ka hortagi karo saamaynta badan ee cudurka, tallaalada ayaa hadda la heli karaa, xilligaan la joogana waa u bilaash qof kasta oo joogo soomaaliya.

Si aad uga hortagtid COVID-19, waa muhiim inaad raacdid tilmaamaha hay’adaha caafimaadka ay soo jeediyeen oo ah:

  • Gacmaha oo si joogto ah loo dhaqo
  • Afka iyo sanka oo la daboosho
  • In laga fogaado meelaha dadka aadka ugu badanyihiin.
  • In qofka uu is karantiilo hadduu isku arko calaamadaha

Maqaalkaan waxaan ku eegaynaa astaamaha COVID-19 iyo sida uu u faafo, waxaan sidoo kale sharxaynaa waxyaabaha la sameeyo haddii qofka uu isku arko astaamaha. 

Calaamadaha COVID-19

Astaamaha COVID-19 waxay bilaaban karaan 2–14 maalmood ka dib marka uu qofka haleelo fayraska, calaamadaha ayaana aad u kala duwanaan karo.

Mararka qaar qofka ma laha astaamo, mararna qofka waxa uu leeyahay astaamo fudud, balse xaaladaha qaar, cudurkaan wuxuu keenaa calaamado aad u daran iyo dhimasho. 

Calaamadaha uu qofka isku arki karo waxaa ka mid ah:

  • Qandho ama qar qaryo
  • Qufac
  • Neefsashada oo adkaata
  • Daal
  • Madax xanuun
  • Murqo xanuun
  • Dhadhanka iyo urka oo qofka ka tago
  • Dhuun xanuun
  • Diif
  • Lalabbo ama matag
  • Shuban

Astaamaha kale aan badnayn ee uu lahaan karo cudurkaan waxaa ka mid ah:

  • Finan maqaarka ah
  • Indhaha oo guduuta
  • Midabka faraha ama suulasha oo isbadala

Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), qiyaastii 80% dadka uu ko dhoco COVID-19 ayaa ka bogsado iyaga oo aan u baahan daaweyn ama isbitaal. 

Sidoo kale WHO waxay sheegtay in 20% dadka uu ku dhoco ay aad u jirradaan, halka 5% dadkana ay u baahdaan daryeel caafimaad oo deg deg ah.

Yaa halis ugu jiro?

Sida aan horay usoo sheegnay COVID-19 waxa uu ku dhici karaa qof kasta, balse dadka waa ay u kala halis badanyihiin cudurka, dadka qaar ayay halistooda aad u badan tahay, oo ay ka mid yihiin:

Dadka da’da ah

Halista COVID-19 ayaa kusii kordheyso qofka marka uu sii weynaado, khatarta ugu weynna waxay ku badantahay dadka da’doodu tahay 85 sano iyo ka kor.

Waa in si weyn looga taxaddaraa dadka da’dooda ay weyntahay, lagana ilaaliyo goobaha dadka ay ku badan yihiin, waxaa kaloo muhiim ah in dadka guriga kula nool dadka da’da ah ay marwalbo iska dhaqaan gacmaha maskina ay xirtaan marka ay banaanka aadayaan.

Maadaama aan tiro koob guud laga samaynin dalka soomaaliya, ma sheegi karno da’da ugu badan ee cudurkaan uu ka saameyey wadankeena.

Dadka qabo xaalado caafimaad oo hore u jiray

Khubarada caafimaadka waxay wali baaritaan ku wadaan inay ogaadaan waxyaabaha kordhin karo halista ah in dadka qabo xaaladaha kale ee aad ugu xanuunsadaan COVID-19.

Xaaladahaas waxaa ka mid ah:

  • Sigaarka
  • Uurka
  • Sokorowga
  • Cayilka
  • Cudurrada kilyaha
  • Cudurrada sambabada
  • Cudurrada wadnaha
  • Difaaca jirka oo daciif ah
  • Kansarka
  • Dhiig karka
  • Cudurrada beerka

Marka la barbardhigo dadka caddaanka ah, dadka madow ayaa leh halis badan oo dhanka COVID-19 ah iyo inay yeeshaan astaamo daran, sababtana waxay noqon kartaa:

  • Helitaanka daryeel caafimaad oo liita
  • Saboolnimada iyo cadaadiska dhaqaale
  • Guryaha ciriiriga ah

Sidee ayuu corona u faafaa?

Fayraska corona ayaa waxa uu faafaa marka qof uu haleelay fayraska uu tacaamul la sameeyo qof kale, xataa qofka hadduusan lahayn wax calaamado ah. 

Marka qof qaba fayraska uu hadlo, qufaco, ama hindhiso, dhibco yaryar oo uu ku jiro fayraska ayaa kasoo boxo sankiisa ama afkiisa, sidaa darteed fayraska wuxuu u gudbi karaa qof kasta oo u dhow qofkaas.

Waxaa jiro caddaymo muujinaayo in dhibcaha kasoo boxo qofka sankiisa oo uu ku jiro fayraska ay hawada ku sii jiri karaan in muddo ah.

Qofka wuxuu kaloo qaadi karaa caabuqa haddii uu taabto dusha sare ee meelaha uu fayraska saaranyahay ka dibna uu taabto wejigiisa gaar ahaan sankiisa, afkiisa, ama indhihiisa.

Daraasad ayaa sidoo kale soo jeedinaysa in fayraska uu sii saarnaa karo dusha sare ee kartoonnada ama caagagga ilaa 24 – 72 saacadood.

Tilmaamaha hadda jira waxay ku talinayaan in dadka ay kala fogaadaan ilaa iyo labo mitir, laakiin nuucyada cusub ee fayraska waxay u muuqdaan inay si fudud u faafayaan, taas oo muujinaysa in masaafo intaas kasii fog loo baahanyahay in la kala fogaado.

Guud ahaan, taxaddarrada badan ee uu qofku sameeyo waxay yareynaayaan fursadaha uu ku faafi karo cudurka.

Sidee la isaga ilaali karaa corona?

Qofka wuxuu iska ilaalin karaa oo ka hortagi karaa faafitaanka COVID-19 isagoo raacaya tilmaamahaan:

  • Gacmaha badanaa ku dhaq saabuun iyo biyo ugu yaraan 20 ilbiriqsi markiiba
  • Marka saabuun iyo biyo la waayo, isticmaal gacmo nadiifiye leh aalkolo badan
  • Ka fogow taabashada wajiga, indhaha, sanka, iyo afka
  • Ka fogow dadka kale ugu yaraan 2 mitir
  • Ku qufac ama ku hindhis tiish ama suxulka dhaxdiisa
  • Si joogto ah u nadiifi miisaska, qantaarrada albaabada iyo meelaha badanaa la taabto
  • Ka fogow isla wadaagista alaabta sida koobabka iyo shukumaannada
  • Xiro mask marka aad joogto meelaha dadka ay ku badan yihiin
  • Samee baaritaan haddii aad isku aragto calaamadaha cudurka
  • Is karantiil haddii lagaa helo cudurka
  • Iska tallaal cudurka isla marka aad fursad u hesho

Xirashada maskiga ayaa ka hortagi karto in fayraska uusan ku faafin hawada, waxay kaloo yareyn kartaa halista ah in fayraska uu u gudbo jirka haddii qofka uu taabto wejigiisa asagoo horay usoo taabtay meelo kale.

Maxaa sameenaysaa haddii aad yeelato calaamado?

Qof kasta oo leh astaamo muujin kara COVID-19 waa inuu:

  • Joogaa guriga haddii uusan aadeynin hospital
  • Sameeyaa baaritaan si loo hubiyo inuu qabo caabuqa iyo in kale
  • Ka fogaadaa dadka kale guriga inta suurtogal ah.
  • Raadsadaa daryeel caafimaad haddii ay dhibto neefta
  • Usii sheegaa hospital ka inuu isaga shakiyay COVID-19

Ma jirtaa dawo loogu tala galay COVID-19?

Ilaa iyo hadda ma jirto daawo loogu tala galay COVID-19, laakiin waxyaabaha kaa caawin karo in calaamadaha ay kaa yaraadaaan waxaa ka mid ah:

  • Nasasho badan
  • Cabitaan badan
  • Cunto nafaqo leh.
  • Isticmaal qandho jabiye ama xanuun baabi’iye

Ha isticmaalin kaniiniyaasha qallajiyeyaasha ama antibaayootika, sababtoo ah cudurka COVID-19 waxaa sababay faayras, qallajiyahana waxba kama taraayo, maadaama qallajiyaha loo isticmaalo caabuqyada ay keento bakteeriyada.

Maqaalka HoreTallaalka COVID-19: nuucyadooda iyo sida ay uga hortagaan fayraska
Maqaalka Xiga Raabbiyada: calaamadaheeda, sida loo daaweeyo iyo sida looga ka hortago

Maqaallo Kale

Omicron: nuuca cusub ee coronavirus, muxuu uga duwanyahay nuucyada kale?

Tallaalka COVID-19: nuucyadooda iyo sida ay uga hortagaan fayraska

Calaamadaha COVID-19: kuwa ugu badan iyo mudada ay haayaan qofka

Maqaallo Cusub

Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

Ka mid noqo boggeena

Email ahaan u hel maqaal kasta oo cusub oo aan soo galino.

Healthter

Healthter is a non-profit initiative committed to providing the latest and most reliable health information in the Somali language, tailored specifically for Somali communities.

This initiative was brought to life by Mohamed Mustaf Ahmed, who identified a significant gap in the availability of a health platform that offers reliable and current health information in Somali. Healthter enables Somali individuals, particularly those who may not be fluent in English, to access essential health information in their native language.

Mohamed, a medical doctor, data scientist, and researcher, is the sole manager, financier, and contributor to Healthter. His passion to improve global health, with a special emphasis on Somalia, is the driving force behind this platform.

For personalized information and advice, don't hesitate to get in touch:

Email: momustafahmed@outlook.com

Alternatively, you can connect with me via the provided Linkedin link below:

LinkedIn
Credits & References
  1. Healthline Media
  2. PubMed
  3. WHO (World Health Organization)
  4. CDC (Center for Disease Control)
  5. NIH (National Institutes of Health)
  6. MayoClinic
  7. WebMD
Maqaallo Cusub
Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka
Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha
HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta
Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida
© 2025 (Healthter Media)

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.