Close Menu
  • C. guud
    • Kansar
    • Neefta
    • Wadnaha
  • C. Bulshada
    • Talooyin
  • Warbixinno
    • Teknoloji
  • Covid-19
HealthterHealthter
  • C. guud
    1. Kansar
    2. Neefta
    3. Wadnaha
    maqaalki u dambeeyey

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Maqaalada kale

    HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

    Cilaajyada: Xarumaha Gaarka Loo Lee Yahay Ee Daryeelka Bukaannada Dhimirka

    Dayaca iyo Silsiladaynta: Dhibaatooyinka Bukaannada Xanuunnada Dhimirka

  • C. Bulshada
    1. Talooyin
    2. Fur kulli

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

    Jimicsiga: nuucyadiisa iyo faaiidooyin ka uu u leeyahay caafimaadka qofka

    Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

    Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

    Sigaarka: dhibaato nuucee ah ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga?

    Biyaha: faaiidooyinka iyo saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka jirka

  • Warbixinno
    1. Teknoloji
    2. Fur kulli

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

    Teknolojiyadda: dhibaato nuucee ayay u leedahay maskaxda iyo jirka ?

    Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

    Xiriirka waalidka iyo ilmaha – waa maxay sababta uu muhiim u yahay?

    Maraxaladaha cudurrada ayay ku xirantahay tilaabada dhaqtarka uu qaadaayo

    Baraha bulshada: saamayn nuucee ah ayuu ku leeyahay caafimaadka qofka?

  • Covid-19

    Omicron: nuuca cusub ee coronavirus, muxuu uga duwanyahay nuucyada kale?

    COVID-19: calaamadihiisa, sida uu ku faafi karo iyo ka hortaggiisa

    Tallaalka COVID-19: nuucyadooda iyo sida ay uga hortagaan fayraska

    Calaamadaha COVID-19: kuwa ugu badan iyo mudada ay haayaan qofka

    Neefsashada adag ee COVID-19: sida ay ku imaato iyo waxyaabaha keeno

HealthterHealthter
Home»Cudurada faafa»COVID-19»Calaamadaha COVID-19: kuwa ugu badan iyo mudada ay haayaan qofka

Calaamadaha COVID-19: kuwa ugu badan iyo mudada ay haayaan qofka

Mohamed Mustaf AhmedMohamed Mustaf AhmedApril 28, 2025
Share
Copy Link WhatsApp Telegram Facebook Twitter LinkedIn Pinterest
  • Astaamaha ugu badan ee COVID-19
  • Astaamaha aan badnayn ee COVID-19
  • Astaamaha daran ee COVID-19
  • Dhibaatooyinka COVID-19
  • Calaamadaha mudada dheer sii jiro
  • COVID-19 iyo hergabka
  • Maxaa la sameeyaa haddii calaamadaha aad isku aragto?

Maqaalkaan waxaan ku eegaynaa astaamaha COVID-19, sida ay u imaadaan, iyo sida looga sooco kuwa hergabka kale ee caadiga ah. Waxaan kaloo sharxi doonnaa qaar ka mid ah waxybaaha caawin karo qofka isku arko astaamahaan.

Astaamaha ugu badan ee COVID-19

Qof kasta oo qaba COVID-19 qasab maaha inuu yeesho calaamado, balse haddii uu qofka yeesho astaamo, waxay soo bixi karaan 2-14 maalmood gudohood.

Calaamadaha COVID-19 ee aad isku arki karto waxaa ka mid ah:

  • Qufac qallalan
  • Qandho
  • Qar qaryo
  • Dhadhanka ama urka oo kaa tago
  • Daal
  • Neefta oo ku qabato
  • Dhuun xanuun
  • Madax xanuun
  • Murqo xanuun ama kor xanuun
  • Diif
  • Shuban

Dadka qaar ayaa bogsada 2 toddobaad kadib, laakiin intaas ka badan ayay qaadan kartaa bogsashada.

Astaamaha aan badnayn ee COVID-19

Dadka qaar ayaa yeelan karo calaamadahaan:

  • Finan maqaarka ah
  • Jahwareer
  • Indhaha oo guduudta
  • Hurdo la’aan
  • Midabka faraha ama suulasha oo isbadala
  • Walwal
  • Niyad jab
  • Amateed la’aan

Astaamaha caruurta badanaa waa ay fudud yihiin, balse caruurta qabaan xaalado kale oo caafimaad ayaa laga yaabaa inay la kulmaan astaamo daran.

Astaamaha daran ee COVID-19

Astaamaha si tartiib tartiib ah ayay u sii xumaan karaan, qofka wuxuu u baahan yahay gargaar caafimaad oo deg deg ah haddii uu la kulmo calaamadahaan:

  • Neefsashada oo ku adkaata
  • Xanuun joogto ah ama cadaadis dhanka laabta ah
  • Wajiga ama faruuraha oo midabkooda is badalo
  • In qofka ay ku adkaato inuu hurdo ama soo koco
  • In qofka uu dareemo jahwareer zaaid ah
  • In qofka uu miyir beelo

Haddii astaamahaan lagu arko qof, waa in lala xariiraa goobta ugu sokeeyso ee laga heli karo gargaar caafimaad oo deg deg ah loona sii sheegaa in lasoo wado qof looga shakisan yahay COVID-19 xaaladdiisana ay sii xumaaneeso. 

Dhibaatooyinka COVID-19

Cudurkaan waxa uu ugu horreyn saameeyaa nidaamka neefsashada, laakiin cilmi-baarayaasha waxay sheegeen in COVID-19 uu saameyn karo dhammaan qaybaha kala duwan ee jirka.

Dhibaatooyinka daran ee uu keeni karo cudurkaan waxaa ka mid ah: 

  • Sambabada oo howl gab noqda
  • Shoog
  • Xinjirowga dhiigga
  • Dhaawac soo gaaro wadnaha, beerka, ama kelyaha

Calaamadaha mudada dheer sii jiro

Waxaa jiro walaacyo isa soo taraya oo ku saabsan astaamaha mudada-dheer sii jiri kara ka dib marka qofka uu ku dhaco COVID-19.

Daraasad ayaa soo jeedisay in arintaas ay dhici karto xitaa marka qofka uusan qabin xaalado kale oo caafimaad amaba uusan yeelan astaamaha daran ee COVID-19 markii uu cudurka haayey.

Astaamaha muddada dheer waxaa ka mid noqon karo:

  • Daal
  • Neef yari
  • Calaamadaha neerfaha
  • Qufac

COVID-19 iyo hergabka

Astaamaha COVID-19 waxay la mid noqon karaan kuwa hergabka caadiga ah, farqiga ugu weyn ee u dhexeeya COVID-19 iyo hergabka ayaa ah in COVID-19 uu keeno neef qabasho, sidoo kale hergabka ayaa badanaa waxaa la socon karo diif badan iyo xab balse COVID-19 waxa uu keenaa qufac qallalan.

Dadka qaba cudurka neefta ayaa laga yaabaa in hergabka caadiga ah uu uga sii daro asagoo u horseedi karo neef qabasho.

In kasta oo xasaasiyadda ay sababi karto astaamo la mid ah kuwa COVID-19, xasaasiyadda badanaa malaha qufac qallalan ama qandho. 

Maxaa la sameeyaa haddii calaamadaha aad isku aragto?

Qofka leh astaamaha fudud ama dhex dhexaadka ah waa inuu wargeliyaa dhakhtar ka dibna uu joogaa guriga uuna nastaa.

Wuxuu kaloo qofka isticmaali karaa dawooyinka xanuun baabi’iyaasha iyo qandho jabiyaasha, si xanuunka iyo qandhada uu isaga dabciyo.

Is go’doominta iyo is baarista

Way fududdahay in fayraska loo gudbiyo qof kale, xitaa marka aysan jirin wax calaamado ah. Sababtaas awgeed, dadka waa inay is go’doomiyaan haddii ay:

  • Leeyihiin calaamado
  • Aaminsan yihiin inay la kulmeen qof qabay fayraska
  • Laga helo cudurka

Is go’doominta waa in guriga aad joogtaa, haddii ay lagama maarmaan kuu noqoto in aad baxdana waa in aad xirataa mask.

Haddii qofka uu aamminsan yahay in laga yaabo inuu ku dhacay COVID-19, waa inuu sida ugu dhakhsiyaha badan u aadaa goobaha baaritaanka, ama uu la socdaa is bedellada ku imaanaayo calaamadihiisa.

Maqaalka HoreNeefsashada adag ee COVID-19: sida ay ku imaato iyo waxyaabaha keeno
Maqaalka Xiga Tallaalka COVID-19: nuucyadooda iyo sida ay uga hortagaan fayraska

Maqaallo Kale

Omicron: nuuca cusub ee coronavirus, muxuu uga duwanyahay nuucyada kale?

COVID-19: calaamadihiisa, sida uu ku faafi karo iyo ka hortaggiisa

Tallaalka COVID-19: nuucyadooda iyo sida ay uga hortagaan fayraska

Maqaallo Cusub

Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka

Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha

HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta

Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida

Ka mid noqo boggeena

Email ahaan u hel maqaal kasta oo cusub oo aan soo galino.

Healthter

Healthter is a non-profit initiative committed to providing the latest and most reliable health information in the Somali language, tailored specifically for Somali communities.

This initiative was brought to life by Mohamed Mustaf Ahmed, who identified a significant gap in the availability of a health platform that offers reliable and current health information in Somali. Healthter enables Somali individuals, particularly those who may not be fluent in English, to access essential health information in their native language.

Mohamed, a medical doctor, data scientist, and researcher, is the sole manager, financier, and contributor to Healthter. His passion to improve global health, with a special emphasis on Somalia, is the driving force behind this platform.

For personalized information and advice, don't hesitate to get in touch:

Email: momustafahmed@outlook.com

Alternatively, you can connect with me via the provided Linkedin link below:

LinkedIn
Credits & References
  1. Healthline Media
  2. PubMed
  3. WHO (World Health Organization)
  4. CDC (Center for Disease Control)
  5. NIH (National Institutes of Health)
  6. MayoClinic
  7. WebMD
Maqaallo Cusub
Xogta Caafimaadka iyo Tirokoobka: Habka ay u hormariyaan Nidaamka Caafimaadka
Garaadka Macmalka ah (AI) ee Daryeelka Caafimaadka: Fursadaha iyo Caqabadaha
HIV/AIDS: Fahamka, Faafitaanka, Ka-hortagga iyo Daaweynta
Isbedelka Cimilada: Saamaynta ay ku leedahay bulshooyinka soomaalida
© 2025 (Healthter Media)

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.